Waxaan doonaya inaan halkan kaga jawaabo maqaal ciwaankiisu
ahaa {Aqoonsiga
Somaliland Wuxuu Ku xidhan yahay Shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn
} oo uu qoray ninka la yidhaa Asad cadaani ibraahim. Kuna
soo baxay bogga internetka ee somalitalk.
Hadaba iyadoo aanay wanaagsanayn in loo jawaabo hadalada cayda
iyo aflagaadada xambaarsan ee ku qoran maqaaladaa.
DAGAAL WIIL BAA KU DHINTA KUMASE DHASHO
WAXAAN BERYAHAN LA SOCONAYEY XAALADA KA DHEX ALOOSAN MAAMULADA MAJEERTEENKA
IYO ISAAQA WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA WAXAA IDINKA MAQAN BELAAYO OO INTII
JAMUURIYADII SOOMAALIYA BURBURTAY AYAAD GAARTEEN HEER SARE WAXAANA FIICAN IN
BINI,AADNKU NIMCADA MAHADIYO WAAYO WADAMADIINA DAGAAL KAMA DHICIN MUDADII
SADEX IYO TOBANKA SANO AHAYD WAXAA FILAYAA HADDAAD DANTIINA GARAN WAYDAAN
INAAN IDIN ORANAAYO NABADA SOOMAALIYA KA DHACDAA WAXAY KU XIRAN TAHAY DAGAAL
DHEX MARA ISAAQA IYO MAJEERTEENKA DIB U MILICSO XIRIIRKA LABADAA QOLO
1969KII KA HOR
CALOOWE1@HOTMAIL.COM |
Marka hore waxaan leeyahay asadow waxa maqaalkaaga ka muuqda.
1- Garasho la’aan, aanad garanayn waxaad ka hadlayso mawduuca
uu yahay, qofka aqoonta lihi waxa looga baahanyahay intaanu qalinta iyo warqada
is saarin inuu fahmo waxa uu ka halayo, laakin waxa maqaalkaaga ka maquuda
garasho la’aan aad u baddan. Waana inay ka maqnaadaan caadifad shaqsi iyo mid
qabiil toona markaad doonaysid inaad fikirkaa dhiibato.
2- Aqoon la’aan , saxib waxa kale oo maqaalkaaga ka muuqda
aqoon la’aan aanad aqooon fiican u lahayn dadka iyo dalka Somaliland, waxaad wax
ka sheegtay ururkii SNM oo soomaaliya oo dhan laga tixgaliyo, waxa kale oo saxib
Somaliland ku sheegtay beel kaliya, oo dhamaan beelihii kale oo dhan aad qarisay.
3- Cilmi la’aan , saxiib waxad tahay nin aan celmi u lahayn
siyaasadaha caalamka, Somaliland kamay daalin siday aqoonsi uga heli lahayd
dawladaha calamka. Somalilandna uma xidhnaan doonto shaqsiyaad dano gaara wata
oo uu maamulka majeerteeniya dabada ka soo riixayo oo naxli kula dhex jira
beelaha sool iyo sanaag, waxaana markhaati kuu ah caawimadii ayka gaysteen
markii abaaruhu ka dhaceen gobolada bariga, oo aanay maamulka majeerteeniya ay
ka gaabsadeen oo ay kaliya caawimo u direen dhulalka kale ee majeerteenku dego
sida qardho.
Saxiib waxaad o gaataa in dadka Somaliland ay ka go’an tahay
inay dufaacaan dalkooda, waxaanad sheegtay in ay kaga dhinteen 500 oo nin
ladagalankii ingiriiska, laakin waxaanad ogayn in Somaliland ay kaga dhinteeb
5000 oo nin dufaaca dalkooda hooyo,
Saxiib waxaan ku soo gabo gabaynaya dhulku ma guuro ee dadkaa
guura. Waxa kale oo aad ogaataa Hashaan geedo weynow libaax uga gaboon waayay
inaan garoowe uga tagaa waa wax soo gudhay.
Saxib dalkaan ka saaray afweyne uga tagi maayo majeerteen
waana waxaan dhacayn. Ee ha u durmaan tumin.
Maxamed-siciid osmaan Coomay
Hargeisa