AAYAHA DAMBEE JIRITAANKA AF SOOMAALIGA EE
JAALIYADA SOOMALIYEED EE QURBAHA
Hassan
Salahudin
Somalitalk
Uk
hassanabdillahi@hotmail.com
Ummadaha iyo shucuubta aduunka ku uumani waxay
ku faanaan dhaqankooda, hidahooda, Afkooda hooyo iyo hadba caqiidada ay
aaminsanyihiin oo ay kaga soocan yihiin qowmiyadaha kale ee ay dunidan kula
dhaqan yihiin, shacbi kasta oo dunida ku nool marka aad fiirisidna waxay inta
badan ku dadaalaan sidii ay horumar weyn u gaadhi lahayd luqadoodu una sii
adkaan lahayd jiritaankeedu, taas waxa aad si weyn u sii dareemaysaa marka aad u
soo baxdo wadamada shisheeyaha gaar ahaana dunida galbeedka(The West) oo ay
iskugu yimaadeen kumanaan jinsiyadood oo wata afaf, dhaqamo iyo taariikho kala
duwan, in la ilaaliyo jiritaanka luqada iyo afka qaranku waxa uu laf dhabar u
yahay in jiritaanka umadaasi dhawrsanyahay yahay lama taabtaana yahay si kasta
oo uu uweyn yahay weerarka kaga yimaada dhaqamo shisheeye oo ay ku dhex milmaan,
haddiise ay ummada ku timaado luqad guur ku dhaca faca u soo koroya iyo
jiilkooda gadaal ka soo koroya oo si tar tartiib ahna u lumiyaan luqadoodii
hooyo ee ay ka dhaxleen awowyaashood waxay astaan weyn u tahay u in ummadaasi uu
ku dhici doono sal guur aan la mahadin doonin aayihiisa dambe.
Iintii aan imid wadankan boqortooyada
ingiriiska waxaan si weyn u dareemay sida ay jaaliyadaha faraha badan ee ka kala
yimid dacalada dunida ee ku dhaqan wadankani mid walbaa ugu dadaalayso sidii ay
ubadkooda iyo facooda soo koroyaa gaws dambeedka u gashan lahaayeen afkooda
hooyo iyo hidaha ay iska soo dhaxlayeen ab ka ab, waxa dhinaca kalena uur ku
taalo weyn igu reebtay sida ay ubadka soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada
galbeedku uga hayaameen afkii hooyo iyo tan ka sii daran oo ah waalidiintii
soomaaliyeed oo arrintan aan ku baraarugsanayn taas oo hadii ay sidan ku sii
socoto Afsoomaligii ka dhigi doonta mid gabal baas u damay oo si weyn uu u sal
guuri doono taariikhda ma guuraanka ahina waayo badan ka sheekayn doonto.
Qormadan aan u bixiyey,Aayaha dambe ee
Af-soomaaliga ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee galbeedka waa dhiilo weyn oo aan la
qaybsanayo akhristayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waana
mushkilad hor leh oo u baahan ka hortageeda iyo wacyi galinteeda waxaanan odhan
karaa burburkii qaranimo ee ku dhacay mujtamaca Soomaliyeed marka la eego
qadiyadani waxay ka mid tahay kuwa safka hore kaga jira asee ay hilmaansanyihiin
in badan oo ka mid ah indheergaradka Soomaliyeed iyo guud ahaanba bulshada
inteeda kale.
Shirar dhawr ah baa laga qaban qaabiyey ilaa
dhawrkii sano ee ina soo dhaaftay inta aan ka xasuusto meelo ka mid ah wadamada
galbeedka oo ay deganyihiin jaaliyadaha faraha badan ee Soomaaliyeed,
aqoonyahankii Soomaaliyeed ee shirarkaas isugu yimidna waxay ka hadleen halista
uu ku suganyahay Afkii hooyo hayeeshee kulamadaas oo dhan kama soo bixin waxaan
ka ahayn talo, tusaale iyo aragti ay is waydaarsadeen aqoonyahanadaasi. Intii
aan waday daraasadan ku saabsan halista uu ku sugan yahay Afsoomaligii waxaan la
sheekaystay caruur farabadan oo soomaali ah iyo waliba waalidiin, caruurtaas oo
qarkood ku dhashay wadamadan shisheeye qaarna caruurnimadoodii la keenay waxaana
ii sii cadaatay in Afsoomaaligii uu ku dhacay booraan aad u dheer oo
baadigoobkiisana baryo lagu jiri doono hadiiba la helo cid u guntata
badbaadintiisa.
Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhashay wadan
qani ah(I was born in a rich country, Holland), oo waxaan ka nasiib badanahay
kuwa ku dhashay wadan faqiir ah sida Somalia oo kale, sidaa waxa igu tidhi 10
jir soomaaliyeed oo mar sii horaysay aan kala sheekaysanayey bal waxay ka
ogtahay wadankeedii hooyo Somalia iyo Afka Soomaaliga, Ma jeceshahay inaad ku
hadashid Afsoomaliga? Why I need it?(maxaan uga baahnahay)!!! waa jawaabtii
gaabnayd ee ay gabadha yari ila holotay, saaxiibaday oo dhami waxay ku hadlaan
afka Dutch-ka ama Af-ingiriisi sidaas daraadeed uma baahaniba inaan barto oo aan
ku hadlo Af-soomaliga, caruurta Soomaaliyeed ee faraha badan ee ku dhaqan
dibaduhu marka ay iyaga gudohuudu sheekaysanayaan waxay ku wada hadlaan hadba
afka uu leeyahay wadanka shisheeye ee ay ku soo koreen ama ku dhasheen,oo waa
arin cajiib ahe waxa agtooda fadhiya waalidiintoodii oo si wanaagsan ugu
riyaaqaya sida ay ubadkoodu u bartaan Afka, arrintii iigu yaabka badnaydna waxay
ahayd markii aan maqlay laba caruura oo walaalo ah oo Soomaaliyeed oo loogu kala
turmayay magaalada London, midkood waxa uu ku soo koray Norway kan kalena
England, labadoodabana Af-soomaaligu wuu u jaray, kan Norwaygian-ka ku hadlayaa
uma bilowna Af-ingiriisigu kan Af-ingiriisiga ku hadlana Norwaygian-ku uma
bilowna, amakaag iyo yaab badanaa Afkii hooyana ayaan daranaa!.
Quxuuntiga Soomaaliyeed ee sida daadka u soo
galay wadamada galbeedka 15-kii sano ee ugu dambeeyey oo ay aafeeyeen geeska
Africa colaadaha hubaysani maaha kuwii u horeeyey ee jaaliyad ahaan dhulkan soo
daga, jaaliyado farabadan oo ka yimid meelo kala duwan oo dunida sadexaad ka mid
ah ayaa iyaguna sidoo kale dhulal kan soo degay iyagoo tabanaya inay ka soo
yaaceen masiibooyin dad samee ah oo ka qarxay deegaanadii ay deganaayeen,
tusaale ahaan jaaliyadaha Asian-ka ah ee ku dhaqan boqortooyada ingiriiska waxa
ka mida kuwa ka kala yimid wadamada Pakistan iyo India oo la odhan karo labaduba
way uga soo horeeyeen Soomalida dhulkan, hadana marka aad u kuur u gasho
jaaliyadahaas waxay guntiga dhiisha iskaga dhigeen sidii ay ubadkooda ugu
ilaalin lahaayeen dhaqamadoodii iyo luqadoodii, guryaha hindidana waxa ilaa
maanta lagaga hadlaa afkii hindiga,guryaha Pakistantana waxa lagaga hadlaa afkii
urduuga, waxay samaysteen jaaliyado adag oo midaysan oo dagaal aan yarayn la
galay sidii ay uga badbaadi lahaayeen dhaqamada ajanabiga ah ee ay soo dhex
galeen.
Jaaliyada Hindida ee degan wadankan Britian oo
lagu tilmaamo inay boqol jirsatay qayb weyn oo ka mid ahi waxay soo galeen
wadankan 30-meeyo sano ka hor ka dib markii uu kalidii taliyihii ka talin jiray
wadanka Uganda ee Idi Amin uu soo saaray ingiriiskuna siiyey magangelyo iyo
marti galin, marka aad u kuur gasho caruurtooda oo gabi ahaantoodba ku dhashay
wadankan waxaad ogaanaysaa inay Af-koodii hooyo iyo dhaqankoodiiba sidiisii u
hayaan oo ay ka gaashaanteen dhaqamada galbeedka ee sida daadka u soo galay
guryaha Soomaaliyeed ee ka taagan Galbeedka, arintaasna waxa u suurta galisay
dadaalka waalidiintooda iyo isku duubnaanta Jaaliyadooda.
Sida uu dhigayo diiwaanka taariikhda Aaadamuhu
kuma cusba dunida in la arko Af iyo dhaqan ummadi lahayd oo mar kali ah saaxada
ka baxay lana waayey dadkii ku hadli jiray oo markasta oo ay dhalinta iyo faca
ummad u soo kacayaa uu hawl gab noqdo lana qurxoonaadaan dhaqamada ummadaha kale
afkoodii iyo hida hoodii wuxuu u ekaan doonaa sidii geed xar galay oo kale
markaasuu afweynta goostaa, Af-kii la odhan jiray Sumeriyan waxa lagaga hadli
jiray dhulkii la odhan jiray Mosabatamia,(Meesha hada loo yaqaan Ciraaq),
dagaalo,colaado iyo kala fur furan ku dhacay Sumariyiinta sida ay taariikhdu
dhigayso ayaa ka dhigay sidii tusbax goáy oo kale oo waxay u kala yaaceen
dacalada iyo daafaha aduunka, jiilashoodii dambena way ku guuldaraysteen inay
badbaadiyaan oo waxa la qurxoonaaday xadaaradihii iyo afafkii qalaad ee ay
barteen,Afkii Sumeriyaanka ee ay mar ku hadli jireen malaayiinta qof maanta raq
iyo ruux midna lagama hayo warkiisiina waxa uu ku dambeeyay oday ka sheekee.
Af Soomaaligii waxa uu qarka u saaran yahay in
uu ka suulo luqadaha aduunka, waxaanu u baahanyahay badbaadin Ilaahbaa wax
badbaadshee, waxa laga yaabaa inay akhristayaasha qaarkood fogaystaan fikradan
oo ay keenaan suáasha ah, Sidee bay suurta gal u tahay Afsoomaliga oo ay ku
hadlaan ilaa 9 milyan oo qof in uu si dhib yar uga siibto mujtamiciisa?, laakiin
qofkii soo dhex gala qoysaska malaayiinta ah ee soomalaiyeed ee dibadaha soo
degay intii ka dambaysay burburkii dawladnimo waxa laga yaabaa in fikradan uu u
garaabo oo wax badani uga bidhaaman halista ku soo fool leh luqadii hooyo.
Qaybaha hore ee qormadan waxaan kaga hadlay oo
kali ah uun Af-soomaligii oo ka sal guuraya jaaliyadaha Soomaaliyeed ee
galbeedka(The West: Europe and North-America)ee waxa kale oo ay luqadii
hantaaqooyin iyo dhirbaaxo weyn kaga timid qaybo badan oo soomaali ah oo ku
dhaqan dunida carabta oo ubadkoodii ay ku ababeen Af-carbeedka oo iyaga oo ku
hadaaqaya ay ku faraxsanyihiin waalidiintoodu ha u badnaadeen hooyooyinka e,
waayo Hooyadu waa hoyga soo saarta barbaar iyo bulsho caafimaad qabta oo wadata
hidihii iyo fankii ay awow ka awow iska soo dhaxlayeen.
Indheer garad farabadan oo Soomali ah ayaa
rumaysan in tubta uu ku socdo Af-soomaligii uu yahay qorshe iyo wado horay loo
sii jeexay oo ay ugu sii tala galeen quwado shisheeye gaar ahaana wadamada
bixiya magangalyada quxuuntiga, waanay iska cadayd in ujeedooyin qoto dheer laga
lahaa soo dhawaynta diiran ee ay la kulmaan hooyooyinka iyo caruurta
Soomaaliyeed ee sida weyn u soo galay qurbahu ilaa intii ka dambaysay burburkii
dawladii Somalia.
Hadaba guntii iyo gabagebadii, Af-kii hooyo
waxa uu saaran yahay gabi aad u dheer oo uu ka lushaa hadii ay wadaantu u
go'dana sidii loo soo qaban lahaa way adkaan doontaa, halka uu ka dheeliyayaana
waa jiilkiisii soo kacayey iyo dhalintiisii oo luqadii hilmamay, suáasha aan u
soo bandhigayo akhristayaasha Soomaliyeedna waxa weeyaan sidee lagu badbaadiyaa
luqadii, ma jirto dawlad Soomaaliyeed oo u hawl gasha ururinta iyo kaydinta
suugaantii hidihii iyo murtidii Af-ka Soomaaliyeed iyada oo uu Af-soomaligu ka
mid ahaa luqadaha ugu hodansan xaga gabayada, maahmaahyada iyo suugaanta Qaarada
Afrika. Jawaabta su'aashaa waxaan u dhaafayaa inay ka soo faaloodaan cid kasta
oo dananaysa jiritaanka Af-ka hodanka ah ee Soomaaliyeed.
Waa Walaalkiin
Hassan Salahudin
Global Media Group
Uk.
hassanabdillahi@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003
FOGAANTA
U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|