Waxyaabaha laga dhaxlay burburkii Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dagaaladii
sokeeye ee kadib bilowday kuna baahay guud ahaan dhulka Soomaaliyeed waxaa ka
mida gooni isu taagga Somaliland, kadib markii goboladii hore loo oran jiray
Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeen inay ka madax bannaan yihiin
Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii.
Gooni isu taagaasi inkastoo markii hore loo arkayay inuu ahaa mid degdeg iyo
caadifad ku yimid haddana wuu sii xoogeystay marka la eego gudaha gobolada
waqooyi, laakiin aragtida ay ka qabaan Soomaalida kale ayaa ahayd mid had iyo
jeer diidmo ah, beesha caalamkuna ku qasbanaatay inay ka gaabsato.
Halka Somalilandnimadu dad badan u tahay muqadas iyo lama taabtaan, dhinaca
kale Koonfurta Soomaaliya midnimada ayaa biyo kama dhibcaan ah, taasoo keentay
in isku dhac joogto ah oo siyaasadeed iyo mid jiritaaneed had iyo jeerna ka
taagan qaddiyada aan weli qaan gaarin ee goosashada.
Socdaal gaaban oo aan bishii Disembar ee 2003 ku tegay magaalada Hargeysa ayaan ku
soo ururiyay warbixino badan oo aan filayo inay ilaa xad ku filnaan doonaan
dadka daneynaya inay wax ka ogaadaan xaalada nololeed, dhaqaale, bulsho,
tacliin iyo siyaasadeed Jamhuuriyadda la baxday Somaliland oo mudo 12-sano ah
ku adkeysaneysa inay Soomaalinimadii dib uga noqotay.

calankii soomaaliya oo la isku heysto Hotelka Ambassador |
Magaalo madaxda Hargeysa oo mar ahaan jirtay magaalada labaad ee ugu weyn
Jamhuuriyadii Soomaaliya, iminka waxay dadka degani ugu yeeraan caasimada
Jamhuuriyadda Somaliland inkastoo aan la aqoonsan, magaalada way sii
balaaaratay, waxa ugu horeeya ee ishaadu qabaneyso marka aad Garoonka
Diyaaradaha Hargeysa caga dhigato waxaa ugu horeeya ee aad arkeyso waxay
noqonayaan Boorar ay ku qoran yihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo madax
bannaanideeda, Garoonku waa midka ugu horeeya dhinaca muuqaalka iyo ammaanka
garoomada shaqeeya ee Soomaaliya xiligan guud ahaan, waxaana sii bilay dib u
habeyn lagu sameeyay sida Terminal (dhisme) cusub oo dadka duulaya ay ka
baxayaan kaasoo aad u qurux badan, nasiibna aan u yeeshay inaan ka mid noqdo
dadkii lagu furay.
Sida socdaalkii hore ee Bishii Febraayo aan ku tegay halkaasi iskuma biimeyn
karin inaan Baasaboor la’aan ka gudbo, waxaadna dareemeysay isbedel weyn oo
dhinaca baaritaanka ilaalada iyo koontaroolka Garoonka ah, maamulka Garoonka
inkastoo ay mashquulsanaan iyo isku duba ridnaan la’aani ka muuqato, haddana
shaqada ay hayaan waxay isku dayayaan inay intii karaankooda ah dedejiyaan.
Marka aad garoonka kas oo baxdo Buuraha caanka ah ee
NAASA-HABLOOD ayaa kaa
hor imaanaya iyo magaalo Buuraley ah oo aad qiyaasi kartid baaxadeeda, Hargeysa
marka aad dhinac kasta ka eegto waa mid wada mashquul ah cid kasta waxay ku
jirtaa orod ay quutul daruurigeeda ku raadineyo, dadka shaqeeya ayaase aad u
yar, waxaa intaas dheer in meel waliba uu ka socdo dhisme, dariiq kasta oo aad
marto dhisme cusub iyo mid la sii cusbooneysiinayo ayaa kaaga muuqanaya waxayna
magaaladu ku jirtaa kacaan dib u dhis lagu tilmaami karo, waxaa sii qarsoomaya
raadadkii ay ku reebeen dagaaladii sokeeye iyo burburkii gaaray, ammaanka
halkii ugu sareysay ayuu joogaa oo marna ma arkeysid cid hub sidata marka laga
reebo ciidamada nabadgelyada.
Dadka ajnabiga ah ayaa habeenkii wadooyinka iska maraya iyadoo aanay jirin
cid ilaalo ka heysa, halka haween badan ay wataan gawaarida kala duwan ee lagu
raaxeysto, saacadii aad doonto ayaad habeen iyo maalin socon kartaa, waxaad dib
u soo xusuusaneysaa beri-samaadkii nabadda lagu naaloon jiray magaalooyinka
dalka.

Hargeysa oo wadada Garoonka laga sawiray |
Isbedel ay keeneen xaalado dhowaanahan dhacay sida dilka saddex qof oo
ajnabi ah ayaa jira, intii aan halkaasi joogay ayaa la dilay Taliyihii
taraafikada waxayna ahayd tijaabo lagu garan karo halka uu taagan yahay
nidaamka iyo kala danbeynta, xaalad xiisad miiran ah ayaa la galay laakiin wax
badan ma socon oo waxaa durbadiiba la aqoonsaday denbiilihii, waxaase yaab igu
noqotay markii qoladii uu ka dhashay taliyaha laga soo weriyay inaysan aaseynin
inta loo soo gacan gelinayo gacan ku dhiiiglaha taasoo ah dhaqan Soomaali aan
wax shaqo ah ku lahayn dowladnimo iy sharci midna, waxaan u daliishaday sida ay
ugu dheereyn nidaamkii beelaha.
Dabaqado heer sare ah iyo kuwo sagxada yaala oo xaalkoodu aad u liito ayay
kulmisaa nolosha magaalada Hargeysa, maciishadu waa qaali, taasina waxay dad
badan oo aan la kulmay u tirinayaan inay sabab u tahay lacagta gaarka ah ee
Shilinka Somaliland oo dhaqangalkeeda qiime sare lagu sar gooyay, halkii
Doollar wuxuu u dhigmaa ku dhowaad 7000 oo Shilinka Somaliland ah, sidaasoo ay
tahayna ma badna qiimaha ay Suuqa wax uga goyn karto, waxayna wax waliba ku
saleysan yihiin Doolarka Mareykanka.
Sida magaaladu ugu kala duwan tahay nolosha waxaad ka daraameysaa Hoteelada
waaweyn iyo magaalada caadiga ah tusaale yar waxaa kuu noqon kara in Koobkii
Shaah ah uu ka joogo Hoteeladaasi 3500 shilinka Somaliland (Nus Doolar), halka
uu magaalada caadiga ah ka yahay 500 Shilinka Somaliland.
Magaalada Hargeysa waxaa ku badan dadka hoy la’aanta ah oo wadooyinka iyo
derbiyada jiifta, waxaad kaloo aad arkeysaa inaan la iska xil saarin nadaafada,
inkastoo Maayorka [Duqa] cusub ee magaaladu doonayo inuu wax ka qabto arrintaas
isagoo ah duqii ugu horeeyay ee la soo doorto, nalalka Samaafareyaasha ee kala
haga baabuurta, carwooyinka waaweyn iyo nalalka ifinaya wadooyinka magaalada oo
dhan ayaa sii bilaya muuqaalka habeenkii ee magaalada, Korontada ayaa celcelis
ahaan magaaladu heshaa 14-saac maalin iyo habeen ama 24-kii saacba, Hoteelada
iyo goobaha ganacsiga waxay leeyihiin Mishiino u gaar ah oo dabka siiya,
laakiin waxaa sanadka cusub la rajeynayaa in Wakaalada korontada Hargeysa ay
shaqeyso 24-ka saac markii laba Mishiin oo deeq ah ay ka heshay Jabuuti.

Idaacadda Hargeysa |
Dhibaatooyinka heysta magaalada waxaa ka mida biyo yaraan iyadoo qeybaha
faqiirka ah aysan helin biyo ku filan, Bacaha oo Geed waliba qabsaday iyo
buushashka lagu qayilo oo goob waliba ka muuqda, xitaa xarumaha waaweyn
agagaarkooda iyo dhexdooda.
Gooni isu taaga Somaliland wuxuu mararka qaar noqdaa wax dadka madax mara oo
keena isku dhac, labadii jeer ee aan Hargeysa tegay waxaan u soo joogay laba
dhacdo oo nasiib darro ah, dhacdadii hore waxay ahayd iyadoo Boor uu ku qoran
yahay Calanka Soomaaliya si awood ah looga dejiyay Hoolka Hoteelka Ambassador
oo markaasi shir uu uga socday ururada bulshada rayidka ah, dhacdadii labaadna
waxay ahayd iyadoo mid ka mida mas’uuliyiinta Warbaahinta Muqdisho uu nin ka
mida shaqalaaha Madaarka Hargeysa gacan ula tegay si uu uga gooyo calaamad
Calanka Soomaaliya ah oo Shaarkii uu sitay ku tolneyd.
Labadaas dhacdo waxay sawir ka bixinayaan dulqaad la’aanta weyn ee
Somalilandnimadu la timid, marka aan dadkaasi kala doodnay sababta ay
falalkaasi ugu kacaayaan iyo waxa ku diray Calanka Soomaalida iyagoo ogol
calamada dalalka kale sida Itoobiya waxay dooda ugu weyn ee ay cuskanayaan
noqoneysaa: «Marka ay Calankeena aqoonsadaan ayaan kooda aqoonsaneynaa!!!!.»
Dadka waxgaradka ah waxay si aan qarsoodi lahayn kuugu sheegayaan in loo
sugo inta carada iyo naceybku ka baxayaan, iyadaaba la kala maarmi doonine,
waxaana jira dhalinyaro da’ yar oo aan waxba ka ogeyn waxa dhacay laguna habay
naceybka Soomaalida iyo jiritaanka Somaliland sida wiilka lagu magacaabo Axmed
Keyse waa 20 jir la shaqeeya gawaarida BL-ka Hargeysa wuxuuna yiri: "Waxa uun
la ii sheegy in reer Koonfureedku na xasuuqeen!!"

mid ka mida carwooyinka hargeysa |
Dhinaca dhaqaalaha waxaa waxyeelo weyn u geystay xayiraada xoolaha ee
dalalka Khaliijka gaar ahaan Sacuudigu ku soo rogay, waxaa u sii raacay
Itoobiya oo ganacsiga lala leeyahay uu yahay mid aan sal lahayn, wax iibsigu ma
xuma Carwooyinka waaweyn ee magaalada iyo Suuqyada waxaa dhooban dad u badan
haween oo lacag badan bixinaya si ay u helaan waxyaabo ay isku qurxiyaan,
laakiin waxay dadku ku tiirsan yihiin sida Soomaalida kale taakulada ay ka
helaan eheladooda dibadaha Biilka uga soo dira.
Shirkadaha Isgaarsiinta iyo adeegyada Internetka bixiya way ku baahsan
yihiin magaalada laakiin uma fara badna umana qiime jabna sida Muqdisho, guud
ahaan ganacsiga waa mid socda laakiin ay jirto ogolaansho xukuumadeed oo lagu
xakameeyo cida ruqsada loo siinayo soo dejinta waxyaabaha daruuriga ah, la
yaabna ma aha haddii ganacsade qura loo siiyo ruqsad inuu magaalada keeno
Sonkorta.
Dhinaca Siyaasadda waa laga soo gudbay xiligii loolanka iyo doorashooyinka,
waxaana talada halkeedii ka sii miistay UDUB oo eeda ugu weyn ee loo heystaa ay
tahay inay maamulkii isku koobtay halkii laga sugayay doorashadii muranku ka
dhashay kadib inay soo dhisto dowlad midnimo Qaran waxay Golihii wasiirada ee
Madaxweyne Rayaale u bateen isla kuwii ay hore isu fahmeen oo qaarkood faraha
lagu fiiqayo, dhaleeceynta xukuumada iyo sida ay u gaabineyso waa ereyo uu qof
kasta afka ku hayo.
Qofka caadiga ah ee suuqa jooga marka aad weydiiso sida uu u arko waxqabadka
xukuumada Daahir Rayaale wuxuu si cad kuugu sheegayaa inay tahay dowlad fadhiid
ah, qeylo dhaanta joogtada ah ee ururada mucaaradka ah (KULMIYE & UCID) ayaa
iyana muujineysa in xukuumadu ay guud ahaanba dhegaha xiratay oo wax alla iyo
wixii laga sheego aanay meel ka soo qaad u lahayn, lana la’ yahay meel laga
saameyn karo si loo dhaqaajiyo.

samaafarayaasha hargeysa |
Dhinaca Warbaahinta haddii aanu eegno waxaa jira xoriyad dadku sameysteen oo
la doonayo in sharci lagu xadeeyo, taasoo aan weli suuragelin sidaasoo ay
tahayna isku dhaca xukuumada iyo saxaafada waa mid joogto ah, mar waliba waxaa
la qabtaa weriyeyaal loo heysto maqaalo iyo warar ay qoreen waxaad kaloo
dareemeysaa inaysan Xisbiyada kale ee aan UDUB ahayn ku dulman yihiin dhinaca
Raadiyaha Hargeysa oo dowladdu gacanta ku heysto marka ay timaado tebinta
qorshayaashooda iyo aragtidoodaba.
Raadiyaha Hargeysa oo ah kan kaliya e ka jira degaankaas waxaa soo wehliya
FM-ta BBC-da oo iskeed ugu adeegta qeybaha kala duwan BBC-da oo ay ku jirto
Laanta Af-soomaaliga, Idaacaadda Hargeysa wax badan kama duwana kuwii hore ee
Soomaaliya waxaa ka baxa warar, suugaan iyo barnaamijyo ay soo wehliyaan
barnaamijyo luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Amxaariga lagu tebiyo, waxaa soo
baxa Wargeysyo faro badan oo uu ugu caansan yahay Jamhuuriya iyo kuwo kale sida
Haatuf, waxaa kaloo jira qaar ku soo baxa luqada Ingiriiska iyo Carabiga.
Degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada Hargeysa waxay kala yihiin: 26-ka
June, Gacan Libaax, Maxamed Heybe, Maxamed Mooge, Ibraahin Koodbuur iyo Axmed
Dhagax intaba waxay ka siman yihiin dib u dhiska ka socda, waxaadna ka garan
kartaa in ay ku soo kordheen degmooyin cusub magaalada oo sii balaaraneysa
darteed, haddii aad is weydiineyso inay jiraan degmooyinkii hore sida Iftin iyo
Guryasamo waxaad ogaataa in lagu bedelay magacyo cusub oo ah shaqsiyaad
halganka Somaliland qeyb libaax ka qaatay ama u shahiiday sida la sheegay.
Masaajidadu waxay buuxaan xiliyada salaada oo dad da’ waliba leh ayaa ku
qulqulaya markii uu Mu’adinku dhawaaqo, arrin ay Muqdisho uga duwan tahay oo
aan is tusnay waxay ahayd in xiliga Salaada laga baxo aanay dadku isla markiiba
Masjidka ka bixin ee tasbiix iyo salaado kale oo suno ah lagu mashquulo, balse
waxaa kuu muuqanaya inay aad u yar yihiin casharada diiniga ah ee Masaajidada
ka socda aad ayayna u yar tahay inaad aragto dhalinyaro xer ah oo dhinaca
diinta u go’doontay.

Taalada Khariidada Somaliland |
Ma yar dadka isku mashquulsan ee wadooyinka jooga ama xaaladoodu maskaxeed
aanay caadiga ahayn, sidoo kale run ma aha in magaalada Hargeysa aana laga
heleynin Gabar madow, inkastoo dumarka intooda badan ay isticmaalaan dawooyinka
iyo waxyaabaha kale ee la isku qurxiyo oo jid waliba aad ka dheehan karto sida
waxyaabaha kiimikada ah ee haweenku isku qurxiyaan u qayireen uguna ciyaareen
jirka dumar badan oo isticmaala haddana way jiraan gabdho aan ku saqajaamin ee
sidii ee Rabbi u abuuray ku kalsoonaaday, oraahda ah: Doqon iyo habeen
baa madow ayaa ah mid dhaqangalkeedu socdo.
Haddii aan eegno dhinaca waxa ugu weyn ee ay weheshadaan wa Qaadka oo
la’aantii aanay waxba socon karin, Naadada qaadka la iibinayo ee wadooyinka
lala fadhiyo waa dhawaaqa ugu dheereeya ee aad maqli karto marka aad magaalada
u soo dhaadhacdo, Waxbarasho kala heerar duwan oo hoose ilaa Jaamacadeed taxan
ayaa socota, waxbarashada gaarka ah ayaa si aad ah u sareysa, subaxnimadii
waxaa wadooyinka buuxinaya arday 6 sano jir ilaa 20 jir ka sareeeya oo
Dugsiyada u dareeraya, guud ahaan ardayda waxbarashada tooska ah tagta
Somaliland waxay ku dhow yihiin 100,000 sida uu sheegay wasiirka Qorsheynta.
Dhalinyaro dhinaca Hidaha iyo dhaqanka ah iyo kuwo qaabilsan ciyaaraha kala
duwan ee qalaama-rogadka ayaa magaalada ka jira, waxaana ugu caansan ururka
HAVAYOCO oo ay munaasabadana iyo maalmaha farxada soo bandhiga ciyaaro kala
duwan oo loo bogo, dhalin yaryar oo u muuqda inay noqon doonaan hoboladii
mustaqbalka ayaa soo baxaya gabdho da’doodu u dhaxeyso 6 ilaa 15 jir ayaa heeso
macaan oo musaabadle ah ku soo bandhigay Hotelka Ambassador socodkeygii hore ee
Febraayo, laakiin waxaan nasiib u yeeshay inaan Hotelka Maansoor kula kulmo
dhalinyaro kale oo dharka Hidaha iyo dhaqanka ku lebisan kuwaasoo inkastoo
da’doodu ka weyn tahay dhalintii hore haddana soo bandhigay heeso qiime leh oo
kaalinta hooyada iyo xuquuqda aadanaha ka hadlaya munaasabad loogu dabaal
degayay maalinta Xuquuqda Insaanka.
Dhinaca muuqaalka bulshada wax badan kama duwana dadka magaalada Hargeysa ku
nool gobolada kale ee dalka, mana jiro qaab lagu kala sooci karo dadka
magaalada u dhashay ama kuwa Somalilander-ka ah iyo kuwa Gobolada kale ee dalka
Soomaaliya ka yimid oo aan ka ahayn lahjada lagu wada hadlo, taasina maalmo
kadib ayaa laga yaabaa inuu qofku la qabsado.

Fagaraha kheyriyada |
Dareenka jiray wuxuu ahaa go’aanka ka soo baxay xukuumada Somaliland ee ahaa
inay masaafurineyso dadka ajnabiga ah oo lagu daray kuwa ka yimid Koonfurta
Soomaaliya, arrintaasi ma jirin cid aaminsan xitaa marka aad eegto
mas’uuliyiinta, laakiin waa go’aan Daahir Rayaale ka soo baxay oo u baahan in
si uun looga wareego looguna qiil bixiyo, dadka Koonfureed ee degaandaasi jooga
waxay hayaan shaqooyin ay qaarkood keli ku yihiin aqoontooda, waxayna laf
dhabar u yihiin goobo badan oo ganacsi taasoo aan suuragal ahayn in si degdeg
ah looga maarmo, baahidaas oo la wada ogyahay iyo Soomaali is tarxiileysa oo
ceeb caado ugub ah noqoneysa ayaa go’aankaasi ka dhigay mid xitaa
mas’uuliyiintii soo saaray shido ku noqday.
Hablo wadooyinka laafyoonaya oo Duruuc kala jaad ah heysta, qaarkood Dahab
qaali ah sitaan ayaa is dhaafaya, way badan yihiin haweenka xijaabka ku lebista,
laakiin uma tira badna sida Muqdisho oo kale oo dadka qaarkii u aaneeyaan inuu
xijaabka badan ee dumarku sitaan ay ugu wacan tahay ammaandarrada ka jirta
Xamar, laakiin Hargeysa oo xasilooni taam ahi heysata inkastoo lebiska haweenku
bilicsan yahay haddana ma jiraan xad ka bax muujinaya in dhaqanka dhar
xirashada gaalada la raad raacayo.
Ururo bulshadeed xoog leh ayaa ka howl gala Somaliland waxayna ku leeyihiin
dadka dhexdooda ixtiraam iyo waxqabad muuqda, gacanta ay ka geystaan wax ka
qabashada baahida shacabka xaaladan adag ka sokow waxay qeyb ku leeyihiin ka
talo bixinta dhibaatooyinka jira iyo sida looga bixi karo, halka xiriir dhow la
leeyihiin xukuumada, waxaa kaloo jira joogitaan muuqda oo hay’adaha samafalka
iyo kuwa Qaramada Midoobay ah oo u xilanaya ammaanka halkaasi ka jira.
Arrinta ugu dhibaatada badan ee hortaala guud ahaan maamulka kasta
Somaliland ka dhasha una baahan in si xikmad leh looga gudbo waa nidaamka
beelaha ku dhisan oo inkastoo doorashooyin dhaceen Golayaal Dastuuri ahna ay
jiraan la awoodi waayay in dhinacna looga wareego nidaamka qadiimka ah ee lagu
badbaadiyay Somaliland, dad waxgarad ah oo aanu arrintan wax ka weydiinay ayaa
u aaneynaya iyadoo saameyn weyn ay leedahay qabyaaladu isla markaana miisaanka
wax lagu eegaa uu iyada yahay, Xisbiyada siyaasadeed ee sameysmay midka xukunka
haya iyo mucaaradkaba waxay weli madiidin u yihiin nidaamkaasi.
Dadka ku dhaqan Gobolada Waqooyi ma necba reer Koonfureedka Soomaaliya
waxayna og yihiin in wixii dhacay loo simanaa oo dadka u dhashay waqooyi iyo
koonfurba kuwada jireen balse waxay qaadan la’ yihiin INAY RAHAN U AHAADAAN NIN
GURIGIISII OLOLAYO oo haddana isla isagii Baansiin ku sii shubaya inuu yiraahdo:
«Somaliland wax la yiraahdaa ma jiraan, mana go’i karto!!!», taasina waxaan
fogaansho ahayn kama sii qaadayaan.
Haddii aan isku soo duubo Somaliland waa dal isku tashanaya oo ku jira
koritaan dhinac waliba leh si uu mar u noqdo dowlad dunidu aqoonsan tahay oo
jiritaan leh, isuna heysta in midnimo danbe oo Soomaaliya uu la galo sida tii
dhacday1960-kii ay mustaxiil tahay, laakiin iskaashi kasta oo ka soo hara
noocii uu doono ha ahaadee suuragal noqon karo marka ay timaado cid ay wax la
wadaagi karaan oo K/Soomaaliya ka soo baxda, waxayse tebayaan aqoonsi ay
caalamka ka helaan oo ay xaqiiqsadeen inuu uga xiran yahay Soomaalida
Koonfureed ee xaaladeedu sida la wada ogyahay u qasan tahay, mana hayaan qaab
ay ula macaamili karaan kooxaha isku heysta Soomaaliya oo haddii ay mid la
xiriiraan ay kooxdii ka soo horjeeday caddow ka dhiganeyso sida uu qiilka uga
dhigtay soo dhexgal la’aanta arrimaha Soomaaliya Xaaji Cabdi Xuseen Waraabe oo
ah oday caan ka ah degaankaasi.
DHAMAAD