SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GAALKACYO
 Shirkii Jaamacadda Mudug

GAALKACYO

Waxaa maanta (JIMCE 02 Jan 2004) Magaalada Gaalkacyo ka dhacay shir looga hadlayey Dhismaha Jaamacad cusub oo lagu wado in laga dhiso Gobolka Mudug Magaala Madaxdiisa Gaalkacyo, shirkan ayaa daba socday shirar hore oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. Shirkan maanta oo ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay qaab dhismeedka jaamacadda iyo sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa hawsheeda ayaa waxaa aayado quraan ah ku furay Sh. Bashiir Shiikh Xasan furitaanka ka dib waxaa hadal kooban ka soo Jeediyey Prof. Maxamed J Salaad oo si wayn uga hadlay heerarkii ay soo martay hawshan iyo horumarkii laga gaaray wuxuuna halkaas ka sheegay magaca ay qaadanayso Jaamacaddan Cusub oo uu ku sheegay PUNTLAND STATE UNIVERSITY oo uu sheegay in ay ka jiri doonin Gobolka Mudug Kaliya ee la wada gaarsiin Doono Dhammaan Gobollada Puntland isagoo ka hadlayana wuxuu yiri “Puntland State University ma ahan jaamacad loogu talo galay Gobolka Mudug laakiin waxay ay laamo ka wada furi Doontaa Dhammaan Gobollada Puntland iyadoo magaalo walba lagu dhigi doono Faculty gaar ah” Prof. Maxamed J Salaad oo hadalkiisa sii wara ayaa sheegay in fadhigii kan ka horreeyey ay jireen dad sameeyey ballanqaad isugu jiray Dhaqaale iyo dhul, sidaas darteedna ay sameeyeen Account Number lagu soo diro karo wixii taageero ah Account-gaas oo ah JAAMACADDA PUNTLAND STATE UNIVERSITY
AMAL BANK OF SOMALIA ACCOUNT NUM.: 01012878781/04.

Intaas Kadib, waxaa halkaas waxbixin ku saabsan faculty-ga Engineering-ka ka soo jeediyey Prof. C/raxmaan Cali Salaad oo si wayn dadkii uga qanciyey baahida loo qabo qaybtan iyo sida ay ku hawl bilaabi karto, wuxuuna Prof. C/raxmaan sheegay in ay arrintan waxbadan ka soo shaqaynayeen haddana ay joogto heerkii ugu fiicnaa uguna rajo wanaagsanaa waxa uuna ballan qaaday in aysan arrintan ka caajisi doonin ayna ka miro dhalin doonaan si hagar la’aan ah, waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay isku tashadaan halka ay dad kale gacan ka sugi lahaayeen.

Kulankan oo ahaa kii saddexaad oo si xiriir ah u socda ayaa waxa uu ubadnaa warbixinno ay soo gudbinayeen guddiyo horay loo saaray oo hawsha sii waday waxayna guddigii warbixintoodu u badnayd horumar lataaban karo.

Dadkii halkaas ka hadlay oo hadalkoodu ubadnaa ballan qaad iyo dhiirri galin ayaa waxa ka muuqday kalsooni aad u wayn oo ay ku tilmaamayeen in ay hawshaani miro dhal noqonayso.

Waano iyo Tusaalayn badan kadib waxaa Gabogabadii Kulanka wax halkaas laga sheegay In uu Dhul ku deeqay Jaamacadda CALI WARSAME JAAMAC (CALI QOOD) oo ka mid ah ganacsatada Gobolka Mudug dhulkaas oo dhan 500mX300m oo ka soo horjeeda Hotelka cusub ee PANORAMA.

Waxa uuna kulankaas ku soo gabo gaboobay jawi aad u wanaagsan oo farxadi haraysay iyadoo dib loo ballamay 16 Jan 2004, si loo kala warqaato la iskulana socodsiiyo wixii soo siyaaday wixii caqabado ku yimaada guddiga.

Mohamed Isse Osman
Galkayo, Puntland Somalia
 mciise@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003

 

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD