Qofna majeclo in lagu dhaho: “Waxaad tahay sidaas iyo
sidaas…” walow uu sidaas yahey arinka,waxaayna kugu reebta dhibaato nafsiyan
ah. Dadku ayagoon diyaar u’aheyn in wax laga sheeko ayey hadana kudhiiradaan
dadka kale in wax lagasheego, waxaayna kaqaadan argagax haddii lagu qabto
isagoo wax kasheegaya ama lasoo sheego!
Maxaad unaceybtahey in wax lagaa sheego adigoon cidna
bad-badin? Malaha waxad aminsantahey,inaad adiga oo kali ah saxantahey! Ama
xaasidnimo ayaa kugu jirta oo cidina waxba uma ogalid!
Haddii sidadban kugu soo gaartey in wax lagasheegey,
walow waxaad taheyba Allaha kadhigee, dhiiga ayaa kugu kacaya adigoo kudiirsada
wax kasheegista dadka kale.
“Jaahil baad tahey,dabeecad malihid, garta
mataqaanid sida rido…..” Dhulka ayaa kula wareegaya oo waxaad diyaarsata
jawaabtii aad kabixin laheyd.
“Aqoonyahan baad tahey, qof dabeecad fiican baad
tahey, geesi baad tahey…” waad kudiirsata adigoo og inaay arinta sidaas
aheyn ee aad jeceshahey amaanta oo kali. Xumaanta kama agfogaatid adigoon raali
ka aheyn in lagugu sheego, wanaagana maraadisid adigoo raba in lagugu tilmaamo!
Waxaad naga rabta waxaanad uqalmin!
Waxa lagugu sheegaya waa labo mid:
1.Dhanka abuurka, sida adigoo laguugu tilmaamo inaadan
quruxsaneyn(waa sida uu qofkaas kuu arko walow aad tahey qof quruxsan walow
aad quruxsantahey marka laguu eego qofkale).Ama lagugu tilmamo inaad
gaabantahey kadibna ceeb lagaaga dhigo.Waxaas oo dhami waa amuuro jira kana
sareeya awooda aad leedahey oo eed kuma lahid.Qofkii arintaas kugu durana isaga
ayaa danbi faraha lagaley.
2. Ama wax laxariira akhlaaqda,sida adigoo laga
aaminsanyahey inaad beenaale tahey ama dabeecad xuntahey. Kaba soo qaad
inaad tahey sida lagugu sheegey,laakinse waxaad isweydiisa sidii aad wax ugu
qabanlaheyd waayo waa cilid aad awood uleedahey inaad badashid; haddii lagugu
durana dadku xaqbey uleeyihiin waayo wixii xun waa lasheegaya walow ay
kudhibeyso, Allahna haku eedeynin oo hasoo daliishan inuu Allah kuu abuurey
sidaas!
Tusaale ahaan, haddii lagugu heysto inaadan cilmi
laheyn , horey qalinka iyo buuga uboob, haddii laguyiri waxaad tahey “Beenaale”
dib dambe ha’usheegin been ilaa lagugu barto runta sidii lagugu bartey been.
Waxba dagaal ha’ugalin inaad dadka qaardood taageero
karaadisid adigoo kadhaadhicinaya inaadan aheyn wixii lagugu sheegey ee
ladoonayo in sumcadaada wax loo dhimaya.
Waa kasbasho ee ma’ah udhalasho!
Somalida waxaay sheegta in gobonimadu udhalasho
tahey.Waa jaanis kuseegey haddii uu aabaha kuu dhaafin! Waligaba gab-gable
meesha ragbey uxirantahey! misadaasba mise waa nin iyo dadaalkiis?
Dhabcan jawaab uma baahno laakinse dadku waxaay
kudhaqmaan runta cagsideeda.
Su’aal kale,Somalida maxaay utaqaan gobonimo? Markaan
fiiriyey waxaa soo baxdey in gobonimadu aan unaqaan waxaanu micnaha ereyga
kutuseynin. Tusaale ahaan, marka laguyirahdo, wiilkaan waxaa dhaley nin gob ah,
oo aad dib ufiiriso waxa uu aabahiis kumutey sharaftas, waxaad ogaaneysa inuu
ahaa hogamiya duulaanka lagu qaadayo dadkale ee somaliyeed oo looba haysto
geerida kumanaan qof, ama inuu ahaa aftahan dadka xaqooda duudsiyo, ama inuu
yahey siyaasi beenaale ah oo dadka kula nool “kala qeybi oo xukun”.
Ayadoo sidaas tahey, waxaa lasiiyey darajada ugu sareysa ee ay Somalida bixisa(Somali
noble price).
Intaas waxaa dheer inuu kudhintey isagoo hogaaminaya
dagaal sokeeyo oo ay udheertahey inuu waligiis wajiga dhulka udhigin Allah. Ha
hilmaamin, marmarka qaarkood,wuxuu usharaxanyahey ,darajada owliyanimada oo
qabrigiisa ayaa lasiyaarta.
Waa umad gacan kudhiig laha siisa darajada
sare,akhyaarkana ku xanbaarta magacyo xun! Kala fog tan iyo hormar!
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com