Fal-celin:
Gabaygii wuu dhintay!!!
WQ: Cabdulqaadir M. Wacays
Suxufi madax bannaan, Boosaaso, Puntland/Soomaaliya
Email:
cmwacays@yahoo.com ama
wacays2001@hotmail.com
Qoraaga Maqaalka: Cabdulqaadir M.
Wacays |
Dabayaaqadii bishii hore ayaan
furay bogga Mudugonline ee Internetka. Caadiyan, hal mar maalintiiba muddo aan
ka badnayn hal saac baan si kooban u dhex maraa bogagga Internetka. Soomaalida
ku sugan gudaha dalka suurtagal uma aha in ay si joogto ah xilliga ay doonaan u
dhex mushaaxaan dunida Internetka. Sababo la xiriira xagga dhaqaalaha iyo
weliba helitaanka adeegggaas ayaa loo aaneeyaa in dadka Soomaaliyeed tiro ka
yar 1% oo keliya ay ka faa’iideystaan adeegga Internetka.
Islamarkiiba waxay indhahaygu
sida birlabtii u qabteen qoraal uu cinwaankiisu ahaa “Gabaygii wuu dhintay!!!”.
Waxaan rumaysan kari waayey indhahaygii. Waxaan is kula hadlay “Malaha adigaa
is-moodsiiyey...”. Intaan si degdeg ah qoraalkii u furtay baan aqris ku boobay.
Sadarradii ugu horreeyey ee qoraalkaas oo si la- yaab leh loo xardhay ayaa
dareenkayga taabtay. Mar kale ayaan shakiyey. Waxaan is-moodsiiyey in
qoraalkaas aan anigu qoray. Misana waxaan hoosta iska iri “ Iri boowe...aa kula
tahay..”.
Waxaan aad ula yaabay sida uu
qoraalkaasi uga tarjumayey dareen sii xoogaysanaya oo indhowaalaba ay hadal
hayeen qaar ka mid ah xeel-dheerayaasha gorfeeya afka, dhaqanka, iyo suugaanta
Soomaaliyeed. Waxaan kaloon aad ula yaabay sida ay daraasaddaas jawaab waafi ah
uga bixisay mid ka mid ah su’aalo aan beryahan jawaabahooda ka doondoonayey
dacallada Puntland. Su’aashaasi waxay ahayd: Maxaa ma-dhalays ka dhigay
kaalintii gabyaanimo ee hal-abuurka suugaanka reer Puntland?. Illeyn gabay
tiisii dhammaatay oo waa hore dhintay baan meydkiisa rogrogayaa sidii tiiyoo
aan naf cusub ku afuufi karo...illeyn boqortooyo cayn-wareegtay baan raadkeedii
hayaa….
Waxaan mar kale isha ku boobay
magaca qoraha maqaalkan iga yaabiyey. Wuxuu ahaa qoraa lagu magacaabo Ibraahim
Yuusuf Axmed, balse anigu aan ku tilmaami karo cilmi-baare aqoon fiican u leh
sooyaalka taariikheed ee hal-abuurka suugaanta Soomaaliyeed.
Dabayaaqadii bishii Juun ee
sanadkii hore ayaa aniga iyo rag kaloo saaxiibadey ah waxaan tagnay magaalada
Jabuuti ee dalka Jabuuti, si aan uga qayb galno kulan-aqooneed, dhaqaneed, iyo
suugaaneed lagu qabanayey magaalada Jabuuti. Kulan-aqooneedkaas waxaa soo
qabanqaabiyey Naadiga PEN ee hal-abuurka iyo Qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla
ee Naadi-weynaha PEN INTERNATIONAL. Kulankan oo loogu magac daray “Toddobaadka
hal-abuurka Soomaaliyeed”, wuxuu ka koobnaa saddex hawlgal oo is
feer-socday, kuwaas oo kala ah: shirweynahii labaad ee Naadiga PEN, dood-wadaag
aqooneed, iyo bandhig fan iyo suugaaneed. Guud ahaan dadkii kulankan kasoo
qaybgalay oo kor u dhaafayey 100 qof oo isugu jirey Soomaali iyo ajnabi waxay
ka kala yimaadeen Jabuuti, (Somaliland, Puntland, Koorfurta Soomaaliya),
Itoobiya, Keenya, Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta.
Haddaba, tan iyo markii aan
kasoo laabtay magaalada Jabuuti horraantii bishii Luulyo ee sanadkii hore,
waxaan si gaar ah ugu raadjoogay sababaha gundhigga u ah arradka baahsan ee ka
muuqda saxaafadda iyo hal-abuurka suugaanta reer Puntland marka la barbardhigo
tan Muqdisho (Koofurta Soomaaliya) iyo Hargeysa (Somaliland). Sababtoo ah,
markii aan joognay Jabuuti waxaan halkaas kula kulannay dad aad u fara badan oo
isugu jirey soomaali iyo ajnabi; qorayaal, fannaaniin, suxufiyiin, rag iyo
dumar ka socday qaybaha kala duwan ee hal-abuurka suugaanta, aqoonyahanno iyo
cilmi-baarayaal ku xeeldheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dhammaan dadkaas,
gaar ahaanna saaxiibadii ka yimid Muqdisho (Koofurta Soomaaliya) iyo Hargeysa
(Somaliland) su’aasha ugu badan oo ay kaftanka noo dhex gelinayeen (kooxdeennii
ka timid Puntland) waxay ahayd: War nimanyahow, maxaa idinkugu wacan arradka
saxaafadeed iyo weliba tan hal-abuurka suugaanta ee ka jirta Puntland?.
Marka laga hadlayo arradka
saxaafadeed iyo tan hal-abuurka suugaanta waxaa loola jeedaa tirada iyo tayada
suxufiyiinta, wargeysyada, madbacadaha, qorayaasha buugaagta, xarumaha
cilmi-baarista ee afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ururrada ama naadiyada bahda
saxaafadda iyo hal-abuurka suugaanta, cilmi-baarayaasha iyo curiyayaasha
qaybaha kala duwan ee suugaanta iyo dhaqanka, idaacadaha, telefishannada iwm ee
ka jira Puntland. Inkastoo aan qofba si uun wax ugu sheegaynay annagoo garawsan
jiritaanka arradkaas isaga ah, misana marna ma aynaan bixin jawaab cilmiyeysan
oo lagu qanci karo, waayo waxay ahayd xujo u baahan in daraasad dhab ah lagu
sameeyo.
Kaddib markaan dhammeeyey
aqrinta qoraal-daraasadeedkii i hor yaallay, waxaan soo xusuustay Dr. Maxamed
daahir Afrax oo xilligan ah guddoomiyaha naadiga hal-abuurka suugaanta iyo
qorayaasha ku hadla af-soomaaliga, kaasoo dabayaaqadii sanadkii 1997kii annagoo
joogna magaalada Nayroobi ii sheegay in isbeddel weyn oo taariikhi ah uu ku
yimid suugaanta Soomaaliyeed, isbeddelkaas oo ah in kaalintii hoggaamineed ama
hormoodnimo ee gabaygu ay soo af-jarantay, haatanna kaalintaas ay si buuxda ula
wareegtay qayb kale oo ka mid ah suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Afrax wuxuu kaloo
intaas ii raaciyey in uu gacanta ku hayo qoritaanka buug uu qaybo ka mid ah
kusoo bandhigi doono isbeddelkaas taariikhiga ah ee ku yimid suugaanta
Soomaaliyeed.
Sidaas awgeed, waxaan goostay
in aan daraasaddan u gudbiyo Dr. Maxamed Daahir Afrax oo aan hubay inuu si weyn
u danayn lahaa aqrinteeda. Laba maalmood kaddib, Dr. Afrax wuxuu ii soo qoray
fal-celin ku aaddan daraasaddaas, wuxuuna yiri “ Lama filaan ayey igu noqotay
waayo maan moodayn in ay jirto cid kale oo weli illaa iyo heerkaas ku
baraarugtay xaqiiqada ah in ay taariikhda suugaanta Soomaaliyeed ka gudubtay
casrigii gabayga”. Dr. Afrax wuxuu kaloo dhambaalkiisa iigu sheegay inuu
dhammeeyey qoritaanka buug ka kooban 400 oo bog oo cinwaankiisu yahay “ The
Changing Shape of Somali Poetry..”, kaasoo uu qayb ka mid ah kaga hadli
doono cayn-wareegga ku dhacay kaalintii hormoodnimo ee gabayga iyo sida looga
gudbay casrigii gabayga.
Nasiib wanaag, soo-bixitaanka
daraasaddan uu cinwaankeedu yahay (Gabaygii wuu dhintay!!!) waxay kusoo
beegantay xilli ay ii qorshaysnayd in aan u safro Gaalkacyo. Sidaas awgeed,
waxaan horay usii qaatay nuqul ka mid daraasaddaas si aan u tuso asaxaabtayda
danaysa suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa leh hibada hal-abuurnimo ee ku
sugan magaalooyinka aan kusii hakanayey (Qardho, Garoowe, Gaalkacyo).
Waxaa la yaab igu noqotay in
qof kastoo aan damco in aan qoraalkaas tuso uu iga horkeenayey “Mahadsanid…waan
aqriyey…runtii waa daraasad si weyn loo soo agaasimay…ninka qoray ammaan buu
mudan yahay...”. Tani waxay muujinaysaa in qoraalka dhab-ka-hadalka ah ee
cilmiyeysan uusan qarsoomi karin. Dhanka kalena, waxaa ii caddaatay in
daraasaddaas iyo hadal-haynteeduba ay si weyn ugu dhex faaftay islamarkaana ay
usoo dhoweeyeen dadka daneeya suugaanta iyo weliba bahda hal-abuurka suugaanta
ee ku sugan Puntland.
Ugu dambeyntii, daraasaddan uu
soo bandhigay Ibraahim Yuusuf Axmed waxay ahayd daraasad cilmiyeysan oo si
miisaaman loo soo bandhigay. Waana daraasad aan hubo in ay wax weyn ku soo
kordhin doonto doodaha la xiriira isla mawduucan oo indhowaalaba ka socday
fagaarayaasha lagu gorfeeyo horumarinta afka, dhaqanka, iyo suugaanta
Soomaaliyeed. Waxaan u hambalyeynayaa qoraaga daraasaddan
Ibraahim Yuusuf Axmed.
QORAALKII HORE EE
WACAYS....
Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraag aku saxiixan
FOGAANTA
U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|