SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
HAYBADDA IYO HIBADA WAA UU DHALASHO. pilot

Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com

Taariikhdu dadkay bartaa dunidda waayaheeda, Marka ujeedooyin aan sax ahayn loo cuskanayo macnaha erayga(Haybad) Waxaaa loo arki karaa isbid haysasho hubka niyukleerka iyo cudud maliateri, Hase yeesheee weli dadyowga dunidda ku nool heegsi danaysi doqoniiimo mooyee si sax ah umay fiirsan in jiritaankii labada aragtiyood ee sababaha uu ahaa curinta halgankii colaadii qaboobayd ee dalalka mid waliba isagoo danaysi doqonimo awgeed gabood ka dhiganayo awooda codka diidmada qayaxan ee dhinaca uu la safan yahay ayaa ah dhibaata sii dheeraata.

Hadaba halkaas waxaa laga tibaaxi karaa in jiritaanka labadaas hab dhaqan dhaqaale ay yahiin kuwa uu sabab ah in ay aqoontu waagan cusub ka yeelan in ay iskeed ugu marin habowdo xeel siyaaso iyo dhaqaale, Isla markaana xeel dheerayaasha caalamigu waxaay ka marag yahiin in nabad diidku ku badan yahay qaranmadda is biday xoogaga hurumarka farsamada. Halkaas oo si cadaan ah uu qiri karaan dhamaan xeel dheerayaasha nabada aduunka kuna sugan goob kasta oo caalamka ka mid ah ama si kasta oo loogu xiisa dhacayba colaadu nooc ay tahayba misana wali lama garwaaqsan in haybadu tahay wax loo dhasho, Balse haybadu ma ahan haysasho cudud malitari iyadoo dadyowga dunida xusayaan ama qirayaan hadba xaalada meesha aya taagan tahay mar walbo hadaba labada qofood ee dadku ugu jecel yahiin kalena ah Cali dhuux iyo qamaan bulxan ayaa aha gabayada ay curiyaan kuwa ugu qaalisan uguna murtida badan hadaba qaar ka mid ah gabayadii ay tiriyeen ayaan halkaan idinku soo qaadi doonaa waxaana ku horeyn doona cali dhuux oo yiri::::

  • Maangaabku goortuu qabsaday madaxiii soomali
  • Shacabkaaa mataal lehe markuu hoog u malabeeyay
  • Goortuuu mataanaha ka qalay oo mir ku abaadshay
  • Maamul shacabku u wada dhan yahay maanta curan waaye
  • Mudaniyo marwaba labadu way marin habaabeene
  • Muqdisho kismaayiyo dalkii laysu mari waaye
  • Marka iyo afgooyaba ninbaa maalin soo dhaxaye
  • Dariiqyada makaab bay dhigeen moodhar soo galine
  • Qabiil laysku maagiyo dhibiyo muranka waa ceebe
  • Masaakiinta mood laga dhacoon mirana loo reebin
  • Maatada la cayrteeyay oo meel walbaba taala
  • Murugooday goortay qabiil maanka galiyeene

Aqristoow haybada iyo murtida ama aqoonta tiknoolajiyadeed ee casriga ahi iyada oo higsanaysa ayay iskeed uu marin habowsan tahay xeel siyaaso iyo mid bulsheedba, Taasoo marba marka ka danbeeysa ka sii fogaanayso xigmada oo ay dhibaatooyin hor leh ka sii curinayso halkaasoo lagu tilmaami karo in waagaan cusub dhamaan dadyoowgu aanay uu arki karayn sugida xaq dhowrka iyadoo dadka mararka qaarkood ay iskood isaga caroodaan ama waxaad arkaysaa xanaaq fara badan hadaba waxaa jecelahay inaan markaan lafa gura eryga carada ama xanaaqa waana sidaan,

Caradu waxaay ka timaadaa siyaabooyin kale duwan, Waxaayna qofka ugu abuurantaa si dabiiciyan ah mana aha wax uu qofka iska keeni karro ama iska ciyaarsiin karo markuu doona, Hase ahaateee caradu waa shay qofka uu horseedi kara dhibaatooyin badan, Isla markaana ay muhiim tahay in qofku iska ilaaliyo. Diin ahaan ma jiraan wax caraantinimaynaya caradda, Laakiin caradu waxaay ka mid tahay gadiidyada shaydaanku ugu faa,iidaysto dadka isagoo qofka marka uu caraysan yahay ku abuura inuu ku talaabsado fallal aad uu xun oo bulshada wax yeela ayahooda. Dhibaatooyinka ka yimaada carada ma,aha wax halkaan lugu soo koobi karro waxaase tusaale yar ugu soo qaadan karnaa in falalka caradu keento ay ka mid yahin wax yeelo bur.bur qoys ama kala baad ku yimaada saaxibo ama xigaalo. Waxaa iyana jirta wadamada qurbaha oo aannu ku noolnahay ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo caradu keento, Isla markaana carada loo kala qaaday dhowr nooc, Loona kale bixiyey magacyo kale duwan sidda:, Road rage, Offce rage, School rage, Work place rage iyo kuwa kale oo badan, Hase ahaateee carooyinkaas nooca ugu qatarsan oo dadka badankood ay la kulmaan ayaaa ah nooca loo yaqaan "Road Rage", Ama carada wadooyinka sida aad magaceeda ka garan karto caradaaasi waxaay ka timaadaa qoonsi ay wadayaasha gaadiidku isqoonsadaan inta ay wataan baabuurtooda ee ay saaran yahiin wadooyinka.Hadaba waxaan markaan milacsan doonaa tix gabay ah uu qamaan bulxan tiriyay xilgii colaadaha sokeeya waxuuna yiri:::

  • Soomaali magaceeed ba,yooo maaaro laga waaye
  • Madaxweyne iyo dowladnimo wayska maanacaye
  • Nin mas,uuul ah iyo lagama helin muumin khayr badane
  • Maslaxiyo wanaag kii dalbooo maanka dirareena
  • Murugooday goortay wax badan magan ahaadeena
  • Masiibooyinkii nagu dhacaan maanta qirayaye
  • Muslinimo markaan diidnay baa moolku noo go,aye
  • Majaruhu wuxuuu noola jabay waaa maqruunima e
  • Murugooday goortay sharciga daba maryeeyeene
  • Midnimada dalkiyo qaranimadu waa macaantahaye
  • Isku duubni kama marantee waa mid uun quraha e
  • Muraad wada jirkaa lugu helaa meel fog kaa jiraye
  • Geelii gaaljecel ee bali doogle la bilaliqeysi iska dheh
  • Murugooday goortay baxriga midigta gooyeene

Aqistoow sideedaba waxaa inoo cad in caradu tahay camal shaydaan oo aad uu xun loona baahan yahay inay dadka iska ilaaliyaan mar walbaa, Waayo mar hadii ay tahay camal shaydaan waxaa muhiim ah inaan ka feejiknaano oo aan iska dhowrno falalka ba,an ee ka imaan kara isla markaana ilaalino sharciyadda iyo qawaaniinta uu dagan bulshada aynu la dhaqanahay ama dhowrnaana xushamada oo aynan inaqaadan noocyada carada ka mid ah, Soomaaliduna waxaay leeyahiin maah maahyo badan oo la xiriira caradda sida kuwa oranaya (Nin xanaaqay laga badi,,Intaadan falin ka fiirso,,Ninkii samraa sadkiisa hela) Iyo kuwa kaloo badan.. Hadaba aqriste labada nin ee gabayada ugu caansan ayaa noqonayo kuwa ay bulshada ka faa,iidaysato mar walba dadka kalena waxaa haboon inay iyagana iska ilaaliyaan waxii xumaan bulshada uu keeni kara waana inay racaan qaciidada ama wadada ay faleen labada nin cali dhuux iyo qanmaan bulxan kana faa,iidaysta:::

Qore

Cali diiriye nuur pilot:::::London
liibaan33@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD