Cabdirisaq M. Xuseen.
University of Gavle-Sweden
habdirisak@hotmail.com
Hordhac:
Sida dad badani la socdaan, waxaa beryahaan dame cirka isku shareeray khilaaf
muddo soo jiitamaayey oo u dhexeeya labada gobol ee Somaliland iyo Puntland.
Siyaasiyiinta labadan gobol iyo dadka kala taageersanba waxaa ay mar walba
sheegaan in dhul la isku haysto. Balse su`aasha isweydiinta mudani waxaa
weeyaan, Ma dhabbaa in dhul la isku haysto? Mise ujeedooyin kale oo qarsoon
ayaa jira? Arimahaas ayaan haddaba faaladaan kooban kaga hadlayaa.
Ujeedada dhabta ah ee khilaafka
Somaliland iyo Puntlandba waxaa ay labaduba ka badbaadeen burburkii ku habsadey
gobolada kale ee soomaaliya, kolkii laga reebo khilaafyo aan muddo dheer socon
oo xaga siyaasada ah. Khilaafyadaasina ma aaney geysan burbur sidaas u ba`an.
Labadan gobolba waxaa ay run ahaantii ku guuleysteen iney maamul sameeyaan,
ayna soo celiyaan amarkii iyo kala dameyntii. Siyaasiyiinta goboladaasina waxaa
ay aad u jecel yihiin meel kasta oo ay joogaan iney ku halqabsadaan nabada
halkaas ka jirta.
Bal haddaba aan isweydiinee: Maxaa horumar ah oo ay sameeyeen goboladaasi
kolkii laga tago abuuritaanka nabada? Horumar waxaan ula jeedaa, Maxay ka
qabteen arimahaan aasaasiga ah ee soo socda
Dhaqaalaha: Shaqo shicibka ma loo abuuray? maxaa laga qabtey in la
dhiiri geliyo dadka si ay u sameeyaan shirkado yar-yar? Tusaale ahaan
cashuuraha oo laga debciyo shirkadaha iwm. Ma lagu guuleystey in maalgeliyayaal
waaweyn la soo jiito si ay xoolohooda wadanka u gashadaan dadkuna shaqo uga
helo. Maxaa laga qabtey wadooyinka, isgaarsiinta, ceelasha ay reer guuraagu
isticmaalaan? Badda dheer ee ku xeersan labada gobolba ma laga faaiideystey?
Haddii laga faaiideystey maxaa ka soo gaarey shicibka caadiga ah?
Waxbarashada: Nabadu maxay ku soo kordhisey waxbarashadii goboladaas?
Imisa dugsi waxbarasho iyo jaamacado ayaa la dhisay?Kuwii horese ilaa heer
intee le`eg ayaa wax laga qabtey? Waa sidee tayada xaga waxbarashada ee
macalimiinta?
Caafimaadka: Guud ahaan maxaa wax isbedel ah oo la taaban karo laga
qabtey xaga caafimaadka? Sida dayactirka cisbitaaladii hore, dhisida kuwo cusub,
dhakhaatiirta, daawada iyo wax walba ee uu cisbitaal u baahan yahayba?
Su`aalaha aan kor ku soo sheegnay jawaabtooda waxaa laga rabaa madaxda
labadan gobol ee Somaliland iyo Puntland. Waxaan aad u jeclaan lahaa in madaxda
BBC da ka hadasha ee kol walba ku hanjaba in gobolba uu gobolka kale cashar u
dhigaayo, ay dadweynaha uga jawaabaan su`aalahaan. Isla markaasna ay dhiibaan
tusaalooyin la taaban karo.
Waxaanse u maleynayaa haddii ay jiri lahaayeen waxaan sugida nabada ahayn oo
goboladaan laga hirgeliyey, in kol hore idaacadaha iyo jaraa`idka gudaha iyo
dibaduba ay sheegi lahaayeen. Haddaba kolkii ay dadweynuhu arki waayeen wax
qabad la taaban karo muddadaan dheer ee 14ka sano ah, waxaa ay bilaabeen iney
maamuladooda dhaliil u soo jeediyaan.
Haddaba si ay maamulada labada gobolba uga gaashaantaan kacdoon dadweyne oo
ku yimaada, waa iney abuuraan wax dadka lagu mashquuliyo oo ay maalin walba ka
doodaan. Dariiqadaan ah in dadweynaha la masquuliyo kolkii maamulku wax qaban
waayo, waa caqiidad caan ah oo aduunka oo dhan laga isticmaalo. Uma baahnid
inaad meel dheer aadid si aad tusaale fiican u heshid. Khilaafkii dhiiga badani
ku daatey ee Etoobiya iyo Eriteriya waxaa uu ahaa mid looga gol leeyahay in
lagu daboolo wax qabad la aanta dowladahaas. Maxaa yeelay dhulka ay isku dileen
ma aha mid u qalba in intaas oo dad ahi ku dhintaan. waxaa kaloo dariiqadaan
isticmaala dhamaan wadamada carabta ,afrikaba iyo meel kale oo aduunka ahba.
Haddaba waa in aynu si wacan u fahamnaa in aan arinta labadaan gobol isku
hayaan aaney dhul ahayn. Haddii ay dhul ahaan lahayd xalkeedu waa dhowaan lahaa.
Waxaa la qaadi lahaa afti , iyadoo dadka dhulkaas laysku haysto degan la
weydiinaayo bogolka ay raacayaan. Waa arin aduunka oo dhan ka dhacda mana dhib
badna. Balse xaqiiqdu waxaa ay tahay iyadoo khilaafkan looga gol leeyahay in
lagu daboolo dhibaatooyinka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ka taagan labadaan
gobol. Haddaba waxaa la gudboon dadka ku dhaqan labadan gobol iney fahmaan isla
markaasna ay muujiyaan codkooda. Si toos ahna u diidaan in aan magacooda dagaal
aan faa`iido lahayn lagu galo. Waana iney la socdaan shicibka ku dhaqan labadan
gobol in dagaal dhacaa uu aad iyo aad u saameyn doono nolol maalmeedkooda.
Waxuu keenayaa ugu horeyn nabad gelyo xumo baahda, maciishada oo kor u kacda
iyo wax walba oo aan sidoodii ahaaneyn.
Sidaas darteed waa iney shicibku si nabad ah ku muujiyaan fikirkooda, ayna
diidaan in shakhsiyaad aan badneyn, malaayiin dad ah dagaal u hogaamiyaan. La
socda dadweynow in AAMUSKU uu la mid noqon karo waa kugu raacsanahay waxa aad
sameyneysid.
Wa bilaahi towfiiq
Cabdirisaq M. Xuseen.
University of Gavle-Sweden