War-30-Janaayo,04,Nairobi.Kenya.
Wasiirka Arrimha Dibada Kenay Kolonzo Misayo oo sheegay in berrito sabtida
................
Qodobadda lagu Heshiiyey oo 8-Hogaamiye saxii.............oo shirwe...................
Heshiiskii 8- Hogaamiyayaasha Soomaalida shaley saxiixeen ee wada hadalada
Nabada Soomaalida ka socda Kenya ayaa lagu wadaa in berrito oo sabti ah la
horgeyn doono shirweynaha Soomaalida si loogu Codeeyo ka dibna la ansixiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibada dawlada Kenya ayaa Hogaamiyayaasha
Soomaalida shaley saxiixa ka dib u sheegay in jimcaha ay Nastaan iskana
dukadaan Salaada Iyagoo ILLAAH Dambi dhaaf weydiisanaya iyo in Dawlada Caadil
ah ILAAH Siiyo, intaa ka dib ayaa wasiirka u sheegay in Maalinta Sabtida la
horgeyn doono shirweynaha (preliminary) Soomaalida ee Madasha shirka dib u
eshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyey wada shaqeyntii iyo
tanaasuladii ay sameeyeen Hoogaamiyayaasha Soomaalida oo Khilaaf iyo Muran
badan dhex yiil tan iyo shirka wadahadalada nabada ka bilowdey Magaalada
ELDORET ,Kenya.
xaflada xiritaanka wajiga Labaad ee shirweynaha Nabada
Soomaalida ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo ciyaaraha hidaha iyo dhaqan
Soomaalida Heeso, gabay iyo buraaburo isugu jira gubaabo iyo xasuusin macnaha
dawladnimada leedahay, qaranimo Soomaali, Nabada qiimaha weyn ay leedahay iyo
dib u soo celinta sharafka calanka iyo jiritaanka shacabka soomaliyeed oo
14-kii sanno ugu danbeysay ku noolaa dawlada la`aan, dagaal qabiil, darxumo
dibad joog ah ee qaxootinomo.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com