SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 31, 2004    

DALKEENNII DIB U EEGA

Maxmed Axmed,
alhudaa1@yahoo.ca 
 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



(Sawirka AFP Jan 29, 2004, Nairobi)


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO


Ilaah baa mahad oo idil iska leh, Rasuulkeenna suubanaana naxariistii rabbi iyo nabadgelyo taam ihi dushiisa ha ahaato.

Inataas kaddib,

Assalaamu calaykum,

Ibtilooyinka iyo aafooyinka Ilaahay ku imtixaamo addoomihiisa kaleexda jidkiisa ama caasiyaa way badan yhiin, waxaana looga baxaa toobad khaalis ah iyo camal saalax ah oo kadduwan dhaqankii hore iyo ficillaadii khilaafsanaa waxa islaamkeennu na amrayo.

Waxaa Rasuulkeennu noosheegay(SAW), in Ilaahay-addoonkiisa uusan dirin wax la’aan haddii uu gacmaha uhoorsado isagoo baryaya, wuxuu kaloo noosheegay in Ilaahay ku farxo addoonkiisu markastoo uu usoo laabto.

Dhibaatooyinka qabsaday Soomaalida oo kadhashay waxa ay dhaxalsiisay dowlad la’aantu waa wax qofwalba uu ogyahay, iyadoo dhibaatada iyo culaysku uu aad usaarnaa dadka masaakiinta ah ee waddankii gudihiisa kunool haddana maatada ah, ha ahaato xabbad dushooda kadhacaysay, ama ha ahaato sicir-barar ay ukeentay lacag loo soo daabacdaybee.

Furuhii maslaxadda oo laga rajo qabay helitaankiisa dhowr iyo tobankaas sano laakiin la la’aa, waxaan aaminsanahay inuu soo dhawaanlahaa helitaankiisu haddii waddada Alle sheegay loomaro, oo ah in aan Ilaahay baddalayn qolo xaalkeeda ilaa ay iyagu baddalaan wadciga ay kusugan yihiin.

Kawarran markii dad wada dhashay oo isku midab, diin iyo af ahi ay middiyaha isku liseen, dhac, boob, kufsad iyo dil laysugu abaal guday, marka umaddaasi si kasta Islaan ha usheegatee maxay Ilaahay agtiisa kasugaysaa?.

Adduunka meesha Yurub iyo Africaba ay rabaan inay gooni gooni isugu darmaan oo lacag ugooni ah iyo Urur ugooni ah usamaystaan, kawarran markii aad dadkaagii dhowrka MILYAN ahaa aad qalatid, markii naftu kabaxdana aad dharkiisii xiratid, gurigiisana aad kaddib furfuratid oo bililiqaysatid, markaas muxuu yahay gacansaarka aad Ilaahay laleedahay iyo khayrka aad sugaysid?.

Ma ogtahay markaad Muslim tahay in xilweeyni kaasaaranyahay Dariskaaga, dadkaaga(Soomaalida) iyo carruurta dalkaaga, oo la rabo inaad gooni gooni uga warqabtid, intii ishaadu qaban karto, una dabooshid baahidooda midda MAAL iyo midda MOORAAL-ba haddii aad awoodi kartid, haddii aadan awoodi karinna ay tahay inaad ugudbisid wixii Soomaali ah oo aad filayso inay dabooli karaan dhibkaas jira.

Qof islaam sheeganyaa marka uu qabiil dabada gashado ama uu jeebabka kasoo buuxsado, isagoo riixaya ama gooni uga faqaya walaalkiisa muslimka ah marna Soomaaliga ah, ha ogaado qofkaasi inuusan Ilaahay agtiis ka ahayn Muslim dhammaystiran, oo uu yahay qof isdaaliyey, cibaado kasta hasameeyee, maxaa yeelay Muslimiintu waa walaalo meelkastoo ay joogaan, qofwalbana waxaad ku jeclaanaysaa inta uu wanaaggiisu yahay iyo Islaam jacaylkiisa ikhlaasku ku dheehan yahay.


War Lords, General Siad Hirsi Morgan (R) and Colonel Abdulahi Yusuf (L) follow proceedings January 29,2004 in Nairobi where Somali warlords signed an agreement on a transitional charter intended to rebuild the Horn of Africa country. The accord is notable because it was signed by top militia bosses whose chronic feuding has been marked by massacres, kidnappings, forced displacements of villages and towns as well as theft of land and livestock. REUTERS/Patrick Olum YahooNews

Somali warlord Musa Sudi (R) is assisted as he signs an accord January 29,2004 in Nairobi. All Somali warlords and politicians signed a landmark accord on the formation of a parliament that will elect a national president for the war torn horn of Africa. REUTERS/Patrick Olum YahooNews

Somali Transition President Abdiqassim Salad Hassan (R) witnesses officials from his government take part in signing an accord with other Somali leaders January 29,2004 in Nairobi. Somali warlords and politicians signed a landmark accord on the formation of a parliament that will elect a national president for the wartorn horn of Africa country. REUTERS/Patrick Olum YahooNews

Waa-badan yahay qof doolarkiisa iyo danihiisa waabarya iyo gabbal dhaca kusii jeeda kuna mashquulsan, laakiin imisa qof oo annaga inaka mid ah ayaa kashaqeeya sida uu isugu-soo-dhaweeyn-lahaa dadkeenna kala fogaaday, ama isku daya inuu walaaleeyo ama hanuunka faro kuweenna siijeeda.

Ilaahay samada ayuu kadaalacanayaa, wuuna kala yaqaan addoomihiisa midka MUFSIDKA ah iyo midka MUSLIX-xa ah, kan lacag kubixiya in qof Muslim ah lagu dilo, qabiilna lagu quweeyo, qab-qablana lagu masruufo, iyo midka kubixiya in wax lagu baro carruur masaakiin ah ama lagu daaweeyo.

Qof walboow ogoow in buug weeyni kuu kala baxsan yahay, kaasoo aad adigu gaar uleedahay, malaa’igtuna ay kuugu sajilaan wixii faa’iido ah oo aad geeysato iyo wixii shar ah oo aad umadda u horseeddo.

War-meeyey aqoonyahankii, waxgaradkii iyo maskaxdii fayoobayd, nin quustay iyo mid wax qasaya miyaan u kala baxnay.

Waxaan usoo jeedinayaa walaalahayga Muslinka ah marna Soomaalida ah kuwa dibadda iyo kuwa dalkii jooga, wax garadkana ah, inay xal diini ah iyo mid curfi ah kutallaabsadaan, maskaxdoodana isu geeyaan, iyagoo raadinaya sidii sharafteennii Islaamnimo iyo Soomaalinimo aan usoo ceshan lahayn, iyadoo toowbad iyo Alle kacabsi dhabbaheed loo sii marayo, iyo sidoo kale in dadkii ladulmay xaqooda si deg deg ah loogu celiyo, ama nasab ahaan ha loo dulmo ama naf iyo maal dartiis haloo dulmee.

Waxaan kusoo gabagabaynaa xigmaddii ahayd ninkii dhagaha la'aa ee markii isaga iyo ninkii kale loo garniqii lahaa yiri inta madaxa dhaqdhaqaajiyey "Garta waa layga leeyahay oo waan khaldanahay", waxaa laweeydiiyey ninkii dhagaha la'aa: Maxaad garta ninka kale usiisay gartiiba weli lama niqine?. wuxuu kujawaabay: "In layga garleeyahay waxaan ku ogaaday inkastoo aan dhago la'ahay, haddana waxaan arkay dadkii oodhan oo isoo fiiriyey". Haddaba Soomaaliya iyo dadkeediiba, Muslin iyo Gaalaba waa ujeedaan inay tashan la'yihiin oo ay kutallaabsadeen wax aan dad Muslin ah laga filayn inay sameyaan, guryahoodiina burburiyaan.

Wabillaahi at-toowfiiq

XIGMAD: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 |QORAALO: | WAANO | BAROOR-DIIQ | GABAY | FAALLO.1 | FAALLO.2

Maxamed Axmed,
alhudaa1@yahoo.ca 

 QORAALADII HORE EE MAXAMED AXMED

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2004

Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog Macquul ah Guji..

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD