Janaayo 30, 2004
Gaas Dhegoole
Siddeetanaadkii, berigii ay bulshada qaarkeed iyo taliskii la eeday
dagaallamayeen, waxaa caan noqday ciidan soomajeeste ah oo loo bixiyey ”Gaas
dhegoole”. Wuxuu ahaa reer miyi taliska la dagaallama ama u dagaallama. ”Gaas
dhegoole” tabobar ciidan ma lahayn, aragti siyaasadeed ma lahayn, taaktiko ama
istiraatijiyad dagaalna ma lahayn. Wuxuu yaqaanney uun in uu goobta dirirta
go’a dhexda ku tuubto oo xabbadda la jilbajoogsado ama la tallaabsado oo
gabbasho la’aan wax u toogto. Ninka ka tirsan ciidanka ”Gaas dhegoole” cidna
kama amar qaato; amarqaadashada wuxuu u arkaa raganimodarro. Maskaxdiisu waxay
faraysaa in uu wax uun dilo ilaa isaga la dilo, mana jiro yool xaddidan oo uu
dagaalka ka leh yahay. Sidaa darteed wuxuu aad u badiyey khasaarihii dagaalka.
Waallida ”Gaas dhegoole” waxaa si dadnimada ka baxsan ugu danaystay mucaaradkii
iyo maamulkii iyagu isu caal waayey.
Taa
waxaa la mid ah dadka maanta Inter Net-ka ku dagaallama, oo qabiillada ay
bulshadu ka kooban tahay u kala tiriya. Waa dad lagu ibtileeyey fidmo iyo
dhawrsasho la’aan. Dadka haddii uu nacaybku ka bato waxaa ka luma aamminka,
wax walbana dhanka xun ayuu ka eegaa. Taasi waxay adkaysaa in waxa nacaybku
ka dhashay xal loo helo. Waxaa iga afeef ah dhaliishani in ay ka dheer tahay
dadka badan ee sida anshaxa iyo waxtarka leh wax u soo qora, kuwaas oo xataa
haddii ay qabiil magacaabaan dan wanaagsan ka leh.
Carabta waxaa muddo dheer dulmi iyo cadaadis
ku hayey yuhuudda. Falastiin oo keliya ma aha ee meel walba waa ay ku
karbaasheen kagana gacan sarreeyeen. Jabka laxaadka leh ee ay yuhuuddu
carabta u geysteen qoladan dambe wuxuu ku ridey cuqdad, baqdin iyo shaki
joogto ah. Wax kasta oo dunida ka dhaca waxay moodaan in ay yuhuuddu ka
dambayso, oo ay dan qarsoon ama muuqata ka leh dahay. Hadda wax kasta! Taas
aan kugu tusaaleeyo qiso yaab leh oo maalin dhoweyd Iswiidhan ka dhacday.
Madxafka Taariikhda ee Stockholm waxaa ka
socda bandhig faneed loo bixiyey ”Making Differences”. Dror Feiler iyo
ooridiisa ayaa halkaa ku soo bandhigay farshaxan caan noqday kaas oo ay u
bixiyeen ”Snövit” oo macnaheedu yahay ”Caddaanbaraf”. Reer galbeedku barafka
waxay sarbeeb uga dhigtaan nadiif iyo denbi la’aan, mar kalena qabow.
Casaankana jacayl, mar kalena kulayl Farshaxanku muxuu ahaa? Berkad yar ayey
biyo cas oo dhiig u eg ka buuxiyeen, dabadeed waxay biyihii dul saareen doon
yar oo la’eg kuwa ay carruurtu ku cayaarto. Doonta shiraaca ay ku socoto
waxay ka dhigeen sawir gabdheed oo leh midab aad u cad iyo dibno aad u
gudguduudan. Sawirku waa wejigii Hanadi Jaraadaat, gabadhii bishii oktoobar
ee kalhore Xayfa isku qarxisay ee sagaal iyo tobanka nafood aakhiro u
sahayatay.
Galabtii bandhigga la furay dadkii ugu
horreeyey ee u soo daawasho tegey waxaa ka mid ahaa Zvi Mazel, oo ah
danjiraha Israa’iil u jooga Iswiidhan. Sidee ayuu ninkaasi farshaxankii u
arkay? Wuu waashay. Si dhab ah ayuu u waashay. Birihii ay nalalka meesha
ifinayey ka taagnaayeen inta uu korantadii ka siibay ayuu biyihii ku tuuray,
oo fashaxankii sabbaynayey ku burburiyey. Dabadeed ilaaladii madxafka ayaa
qabatay, waxaana amar lagu siiyey in uu meesha degdeg uga baxo.
Arrintu intaa kuma ay egaan ee
diblomaasiyaddii labada dal ayey khalkhal gelisay. Shaaroon iyo wasiirkiisa
arrimaha debedda labaduba danjirahooda falkaa waa ay ku ammaaneen. Iswiidhan
gudaheedana waa lagu kala qaybasamay oo dadka carabta taageeraa safiirka waa
ay nacdaleen farshaxankana u hambalyeeyeen, kuwa Israa’iil taageeraana taa
beddelkeeda ayey sameeyeen. Dror Feiler isagana dad badan baa ku eedeeyey in
uu yahay waxa loo yaqaan ”anti-Semite” oo ah colaadinta dadka yuhuudda.
Maalin walba waxaa soo gaadha ilaa kun meil oo hanjabaad iyo taageero isugu
jira, sida uu u sheegay wargeyska Dagens Nyheter.
Haddaba farshaxanku sidiisaba macne xaddidan
ma leh ee waa qofba sida uu u fahmo una fasirto. Adiga aragtidaada Dror iyo
xaaskiisu gabadhaa falastiiniyadda ah ee yuhuudda badan laysay miyey sharfeen?
Anigu waxaan ku jawaabayaa “haa”, in kasta oo aanan bandhigga tegin ee
warfaafinta kala socdey. Carabtuna kollayba waa in ay Dror taageeraan, waayo
ugu yaraan qaddiyaddoda ayuu dood ka nooleeyey. Laakiin carab badan baa
arrinta tuhun iyo shaki ku eegtay. Waayo? Farshaxanka qudhiisa ayaa ah
yuhuudi. In kasta oo uu imika Iswiidhan ku nool yahay wuxuu ku dhashay kuna
weynaadey Israa’iil. Sidaa darteed carabtu inta aanay falkiisa eegin ayey
yuhuudnimadiisa ka didayaan. Cuqdad calooha fadhida ayaa soo kacaysa. Qaar
badan baa malaynaya arrintuba in ay ahayd shirqool la soo maleegey, oo lagu
doonayo in dunida loo tuso yuhuudda qaarkood in ay Israa’iil lid ku yihiin,
si aan loogu arag ummad dhan oo wada xagjir iyo ”anti-Arab” ah. Dror Feiler
waa qof xor ah oo fekerka uu doono qabi kara, sida uu doonana qaddiyad Bariga
Dhexe u arki kara. Laakiin tuhunka iyo shakiga carabtu wax kale ma aha ee waa
cuqdaddii ay yuhuudda ka qabeen.
Dadku in ay heerka sidaa u hooseeya gaadhaan
waa gunnimo maskaxeed oo aad u weyn. Arrintaasi si aad ah ayey beryahan
bulshada soomaalida uga dhex muuqataa. Haa, waa la islaayey, oo la isdhacay,
oo la isqaxiyey, oo la iseeday. Waana dabiici in la isnaco oo la kala
aamminbaxo. Laakiin nacaybka iyo kala aamminbaxu in ay sii socdaan cidna dan
uma aha. Cid walba waxaa u dan ah in waxii dhacay oo dhan dhabarka laga tuuro,
oo nolosha hore loo wado. Haddii hooggii la isu geystey habeen iyo dharaar
carrabka iyo caloosha lagu hayo xumaan mooyee wanaag laga heli maayo.
Cuqdadda la kala qaaday darteed maanta qof kasta oo samowade ah, oo isku daya
in uu caqli fayow iyo damiir nool arrimaha soomaalida kaga taliyo, la waayi
maayo dad badan oo mooda in uu dan qarsoon wato. Xataa haddii aan sidaa la
moodin xasad iyo cuqdad darteed ayaa looga hor imanayaa. Inta sidaa la yahay
furaha xalku xas jiq ah ayuu ku lunsan yahay.
Laakiin balaayadu armay cuqdad ka weyn tahay?
Armaynu qabnaa waalli wadajir ah? Qoraaga waddaniga ah, Maxamed Daahir Afrax,
wuxuu ka mid noqday waxgarad aan badnayn oo waajibkooda gartay. Dhawrkii sano
ee u dambeeyey wuxuu u guntanaa badbaadinta jiritaankiisa qaran. God kasta oo
rajo lagu badbaado laga fili karo ayuu gacanta geliyey. Wuxuu shaqo wadaag
iyo dood wadaag la yeeshay soomaali badan oo dabaqad walba leh gobol walbana
ka timid. Wuxuu arkay dad waxa ay doonayaan iyo waxa ay diidayaan aan kala
aqoon; dad si kasta oo ay ahayd in ay u dhaqmaan beddelkeeda u dhaqmaya; dad
uu xeerkii dadnimada loo raaci jiray ka lumay; dad u beretamaya u gumoobidda
shisheeyaha. Dabadeed wuxuu ina soo hor dhigay warbixin dheer oo ay runteeda
iyo argagaxeedu isku culays yihiin: ”Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay...”
ayuu u bixiyey. Qodobka ugu naxdinta badan ee aan aadka ugu hakaday waa in uu
qoraagu inagu tuhmayo in aynu qabno waalli wadajir ah. Runtii qudhaydu
tuhunkaas waan qabey, maanse moodayn in ay bulsho dhami waalan karto. Taana
tusaale cilmi ah ayuu Afrax inaga siiyey. Haddii ay waallidaasi jirto
sababteeda keli ahi waa nacaybka badan ee quluubta iyo maskaxda inaga
diloodey.
Afrax gunaanadka warbixintaa wuxuu isku yar
dayey in uu rajo ina geliyo, waayo quustu waa dhimasho, dhimashana looma
baahna. Inta nololi jirto rajana waa ay jirtaa, sida uu qoraagu ku celceliyey.
Sababtaas ayeynu aragnay isaga oo walaalihiisa kale ee Hadraawi ka midka
yahay gacmaha haysta, oo olole nabadeed dal iyo debed u guclaynaya.
Halgankaasi waa ilays mugdi culus ka dhex dillaacay. Laakiin xataa iftiinkaas
yari inagama nabadgalo, sida aan wax kasta oo wanaagsani inooga nabadgelin.
Mugdiga ayeynu rabnaa oo caadaysanney, sida jiirka iyo baranbarada.
Gaas dhegoolaha Inter Net-ka ku dagaallamaa
marka ay khilaafka beelaha soomaaliyeed ka hadlayaan waxay uga hadlaan si ka
xun sida arrimaha yuhuudda iyo carabta looga hadlo. Ma jirto wax ay ka
dhawrsanayaan ama xeerinayaan. Taariikhda iyo mustaqbalkuba waa dareenka aan
fiicnayn ee daqiiqadda ay wax qorayaan qalbigooda ruxaya. Cayda iyo weerarka
ay beelaha marba mid ku qaadqaadayaan waxaad mooddaa in ay rajadii nolosha oo
dhimatay ku gunaanadayaan. Haddii si qumman loo fekero, ma jirto wax tol
gooni ah mid wanaagsan ka dhigaya tol kalena mid xun. Dadku waa isku dad,
weligii isku dad ahaa, oo xumaha iyo samaha ka siman ee maskaxda qaldan ayaa
kala jaad moodaysa. Waalli lagu kacaamay ayaa lala yaacaa oo lala qayliyaa ee
lama fekero. Nacayb qabyaaladeed oo laga dibbiray ayaa dib loo soo matagaa.
Haddii qabiil xumaan laga qoro natiijadu waa in ay dad qabiilkaas ahi xumaan
ku soo jawaabaan. Sidaas ayaa giraanta xun ee jajaban marba dhan loo
dilindillaynayaa. Ma intaas uun baa waxa la rabaa?
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
QORAALADII HORE EE IBRAHIM YUSUF
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2004
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|