SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 30, 2004  

AJIYOW AB IYO AABE KU FAAN MA LA EEDAY !

C/Rahman Eelaay 
 eediran@yahoo.com
 Minneapolis, Minnesota 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

Waxaa la yaab leh sida aanu ilmaha yaryar guud ahaan u la dhaqano iyo sida kuwa qowmiyadaha la takooro aanu gaar ahaan u duleeyno. Waxaa carruurta yar yar ee Soomaaliyeed maskaxdooda ka buuxa sheeko xariiro iyo quraafaad ay ugu sheekeeyeen waalidkooda u arka inay ka sareeyaan carruurta Madhibaanka, Jareerta, Tumaalka iwm. Khuraafaadkaasi wuxuu maskaxdooda ugu qormaa si aan hadhow looga masixi karin waayo markay soo korayaan ayay iyadoo ficil ah oo si cad loogu sameynayo walaalahood la takooray meel walba ku arkaan.

Carruurta Ajigu waxay ku faanaan waalidkood, asalkood iyo haybadda uu qabiilkoodu leeyahay, laakiin Ajigu guud ahaan wuxuu kuu sheegayaa inuu midba ka kale ka sareeyo oo qof waliba uu qabiilkiisu yahay kan ugu sareeya ee ugu laandheereysan. Inkastoo carruur badan oo dhinac walba lihi ay saameysan arrintani, haddana aaba ku faanka Ajigu wuxuu meel eber ah ku soo baxay kadib markii qurbaha la yimid, weliba wadamada Reer Galbeedka. Ajigii is weyneyn jirey ee carruurtiisu ta Madhibaanka iyo Jareerta ka faani jirtay ayaa waxay waayeen sharaftii, nasabkii, iyo isweyneyntii. Waxaan si aad ah u la yaabaa marka aan arko nin AJI ah oo wax ka sheegaya Midgaan, Boon, Tumaal, Jareer iwm oo haddana isagu intaaba ka sii liita oo ku leh waxaan ahay laan dheere nasab ah carruurtayduna waa Wecello, Garacyo, Sumad laawe!  Bal fadlan ila akhri: 

Waxaa ka dhacay magaalada Minneapolis xaflad looga hadlayey doorka ay aabayaashu ku leeyihiin waxbarashada ilmahooda oo loogu magic daray (Men are Important).  Waxaa xafladaa soo qaban qaabiyey iskoolka carruurta yaryar ee loo yaqaano HEAD START. Waxaa khudbado qiima leh ka soo jeediyey khuburo ku takhasustay hagaajinta qoysaska dhexdooda, Muhiimada Aabaha iyo dhamaan wixii ku saabsan isqabashada iyo xalinta wxii ka dhaca qoysaska dhexdooda. Waxaa aniga laygu qoray dhiiri gelinta carruurta gaangaadhay iyo sidii wax loogu qaban lahaa inaan ka hadlo. Waxaa markiiba igu soo dhacay gabay aan markii aan fasalka 5-aad ahaa aan soo dhigtay oo la oran jiray ‘Xag uun Laba Daarood ku Daran Ha is Xakabin Meele’.  Gabaygii oo Soomaali iyo Ingriis ah baan meeshii ka akhriyey anigoo lebisan dharkii dhaqanka aanu u lahayn anigoo ka hormarinaya sababta ku keliftay gabyaaga. Aad baa ay gabaygii uga heleen dadkii meesha joogay waxayna iga codsadeen in aan u qaybiyo si ay da’ yartooda ugu gudbiyaan. 

Shaqsi ahaan khudbadihii meesha ka baxayey waxaan jeclaystay ta ku saabsanayd Doorka uu Raggu ku leeyahay Waxbarashada ilmahooda. Waxaana markiiba igu soo dhacday sida ay tahay bulshada Soomaaliyeed ee degan Magaaladan Minniapolis iyo agagaarkeeda. Waxaa beryahan danbe ay Soomaalidu qaadatay dhaqan aad u xun oo qof diin iyo damiir lihi uu ka xishoodo inuu ku dhaqmo. Waxaa bulshadeena ku soo badanaya ilmaha aan aabaha lahayn iyagoo ay aabayaashood joogaan. Haddaan si kale u iraahdo waa ilmo ay hooyadii iyo aabihii dhalay ay ku heshiiyeen in uu yahay Wecel si ay u helaan caydha ama si loo qariyo qudba siro jirta. Marka ay hooyadu ku dhasho cusbitaalka ayaa waxaa u imanaya dad xaga dawlada ka socda oo qoraya magaca, jinsiga ilmaha iyo waalidkii si ilmaha yar loogu sameeyo sharci iyo si loo ogaado tirakoob ku saabsan dadyowga ku soo kordha bulshada. Waxaa ay hooyadu ku tiraahdaa dadkan wax qoraya in aysan garanayn ninkii ka dhalay ilmaha yar. Dhakhaatiirtii, kalkaaliyayashii iyo dhamaan dadkii meesha joogay baa afka iyo gacanta isa saara. Waxay la yaabaan gabadhan asturan ee min tin ilaa cirib dedan ee diiday dhakhaatiir niman ah inay u soo dhawaadaan oo haddana leh ilmahaygu waa wecel oo garan mayo cid iga dhashay!

Dalalkan waxaa la diiwaan geliyaa waxa ay waalidku afkiisa ka qirtay oo ah in ilmuhu wecel yahay laakiin qofka laguma dirqin karo inuu runta sheego iyo in wuxuu sheegayo ay been tahay. Sidaasaa waxaanu ku galnay lambarka koowaad bulshada ugu badan ee haysata carruurta aan aabaha lahayn. Waxaa laga yaabaa aabihii dhalay in uu yahay turjubaanka la jooga ee u turjumaya ama uu dibada isbitaalka meereysanayo oo uu asxaabtiisa u dirsaday inay usoo eegaan sida ay xaaskiisa iyo ilmihiisu yihiin!

Waxaa ay waalidkani dembi weyn ka galeen Allahoodii iyo ilmihii yaraa ay dhaleen. Waayadii hore marka la arko in ilmuhu wecel yahay waxaa warqadiisa dhalashada lagu qori jirey wecel, garac ama aaba laawe. Markii la soo gaaray 1960-yadii oo ay ka socdeen wadankan Mareykanka dhaqdhaqaaqyadii u doodida xuquuqda dadka la takooro ayaa waxaa laga bedelay warqada dhalashada inaan lagu qorin Wecel ama Aaba laawe ee la baneeyo oo aan waxba lagu qorin. Mar aan wareystay gabadh ka shaqaysa qaybta soo saarida sharciyada ee dawladu leedahay ayaa ii bayaanisay in haddii aabihii aan la garanayn qofka la baneeyo meeshii lagu qori lahaa magaca aabaha lana geliyo waraaqaha ilmaha khaanada carruurta aan aabaha lahayn. Waa laba khaanadood: Sumad laawe iyo Suntane!

Haddaba tii Illaahay ka sokow marka uu ilmaha yari garaadsado ee uu warqadiisa dhalashada la tago iskool ama meel shaqo ee la arko in magaca aabuhu ka maqan yahay warqada oo magaca hooyada oo keliya ku yaalo waxaa markiiba la fahmayaa inuu wecel yahay. Halkaas waxaa laga fahmayaa in qofkani markuu yaraa uusan helin aabe soo koriyey oo ku soo tacbay. Ilmaha yari waxaa galaya cuqdad nafsi iyo in ay ku adkaato in waalidku hadhow uu u sharxo ilmahaas sida uu xalaal ku yahay iyo sida uu xaaraan ku noqday!. Waxaa ilmahu u dhimanayaa nafsiyan, caqliyan iyo isagoo ay ku bilaabato is hiif iyo is nacayb, waxaana meesha ka baxaya ku faanida aabaha ee dadyowga dunidu ka siman yihiin: Aabihii buu raacay, waa Aabihii oo halkan taagan, Like father like son iwm 


"Sidaas kor ku qoran ayaa AJIGU yiraahdaan, Laakiin anigu waxaan iraahda sida hoos ku qoran." C/Rahman Eelaay (eediran@yahoo.com)

Shirkii Minneapolis iyo wacdarihii ka dhacay!

Guud ahaan dunida oo dhami waa ka siman tahay in aabuhu uu doorweyn ka qaato mustaqbalka ilmaha yar iyo sida uu hadhow markuu weynaado u dhaqmo ama wax u qabsado. Ilmaha aabaha leh iyo ka aan lahayn aad bay u kala duwan yihiin: xag wax barsho, adaab, dhaqan iyo mustaqbal. Haddaba waxaa beryahaa ku soo badanaya bulshada Soomaaliyeed ee degan Magaalooyinka Mataanaha ah carruurtii yaryareed oo qaan gaadhay oo aan cidna ka haybeysaneyn. Carruurtani waxay ku soo koreen iyadoo ay hooyadu aabaha ku qaylinayso oo ay hooyadu guriga madax ka tahay ama uu aabuhu uu dhuudhuumanayo oo uusan wax warbixin ah ku darsan karin talada reerka. Ama waxaa waxaa laga yaabaa in uu aabuhuu uu ilmaha uu dhalay uu u diro in uu ka jawaabo telefoonada xagga dawlada ka soo dhaca ama in uu u diro inuu soo booqdo hooyadii oo ku jirta cusbitaalka. Ilaa yaraantiisii ilmahan hadda qaangaaray wuxuu ku soo barbaaray aaba la’aan waayo ma uusan helin aabe jecel oo dhunkada, u raaca iskoolada, xafiisyada dowlada, xafladaha ama aabe ka caawiya waxbarashadiisa.  Waxaan dib u xasuustay marka ay carruurta soomaaliyeed iigu yeedhaan ‘ABTI’ oo aanan arag ama ay yaryihiin kuwa iigu yeedha ‘ADEER’. Waxay taasi kuu cadaynasaa in ilmaha yari uu ku soo barbaaray guri aan aabuhu joogin ama uusan qiima ka lahayn.  

Haddaba waxaan halkan ku soo gudbinayaa gabaygii caanka ahaa oo uu tiriyey Darwiishkii Ismail Mire kaasoo ka caawinaya da’ yarta sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen oo ay wax u qabsan lahaayeen. Wuxuu aad ugu fiican yahay Jaaliyadaha leh barnaamijyada lagu dhiiri geliyo dhallinyarada iyo kuwa shaqada la raadiya da’ yarta.  Maadaama ay da’ yartu inta badan maanta ku hadlaan Ingriis ayaa waxaa ay dantu igu ketiftay inaan turjumo gabaygaa kuna lifaaqo isagoo Af-Soomaali ku qoran.

Waxaan filayaa in gabaygani uu da’yarteena wax weyn ka bedeli doono kuna dhalin doono xiiso iyo hamuun hor leh. 

“Choose Either World,” a poem by Ismacil Mire 

“Choose Either World” is a poem by Ismacil Mire, a famous Military Chief of Staff for the late Sayid Mohamed. Chief Mire was a great leader who fought for over twenty years against the British, French, Italian, Ethiopian troops and their Somali loyalist traitors. After twenty years, the resistance crushed and his headquarters bombed and burned, Chief Mire returned home, frustrated and tired after long years of struggle against the oppressors. But when he returned home, he could not believe what he saw: his son, a young man, was wasting his time away, working at nothing and doing nothing with his life. The following poem is Chief Mire’s response to his son’s choices—it is an expression of his feelings and thoughts about what men like him find in the world. 

CHOOSE EITHER WORLD: This one or the next

  • Oh Ali, whenever I see you, your laziness annoys me
  • It wasn’t till last night that I decided to recite this poem
  • Forget about being man until you hear my words
  • Abdi, Hussein and Hirsy are far better than you
  • Men like you struggle to earn their bread
  • Some men go to the countryside to collect hay
  • Some men build stalls from painful sticking trees
  • Some men walk all the way to Mogadishu to get Lira
  • Some men strap themselves in jet fighters and fly up in the heavens
  • Some men sell and trade incenses and poisonous sap
  • Some men rush to war to be rich and wealthy
  • Some men marry pretty women by tricking them
  • Some men wear shorts and dig graves for the dead
  • Some men don’t care about reputation by selling feces
  • I’ve been raising you 30 years and more
  • Years in the winter I’d been struggling to feed you
  • Years I’ve been keeping my herds at home to feed you
  • I get tired of saying every morning get up and wake up
  • Not only men, but also women have something to do
  • Do something in this world or die but don’t ever sit in just one place

(Gabaygii oo Soomaali ah)

XAG UUN LABADA DAAROOD KU DARAN

  • Caliyow xasuus kugu dullee,walad xumaadaaye
  • Xaluun baan xadaas gabay la kacay oo xafiiltamaye
  • Dhaqashaba ha xaalaysanine maqal xuruufteyda
  • Abdiyo Xuseen iyo Xirsi baa kaa xusuus badane
  • Xiniinyoolihii kula sinnaa, xoogsi buu tegeye
  • Xadka qabada niman baa guboo,soo xakaabsadaye
  • Niman baa xeryaha deerka dhiga,xanankii toomoode
  • Liiraha rag baa xamar u tegay, xeeb intuu maraye
  • Niman baa dayuurado ku xidhan,xiima samadaase
  • Niman baa xijiga iibsadiyo,xabag dhunkaaleede,
  • Niman baa xaraabada gala oo xoolo saanyada e
  • Niman baa xaraga quudhsadoo xaarka iibsadae
  • Hablaha xuurul caynta rag baa xeelad ku guursada e
  • Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qoda e
  • Soddon gu’ baan ku xasaamiyey iyo weliba xaabxaabe
  • Wax badan baan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye
  • Wax badan baan sidkaha kuu xayiray,xaas walwaallada e
  • Kugu xiiqay sidaan kuu lahaa,xaaxayow toose
  • Xaawaley kolay tahay dad waa xagafsanaayaaye
  • Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele

C/Rahman Eelaay 
 eediran@yahoo.com
 Minneapolis, Minnesota 

 QORAALADII HORE EE EELAY

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2004

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD