Janaayo 30, 2004
DIGNIIN KU SOCOTA: DAAHIR RIYOOLE IYO MOORTAAN
WAQOOYI
Dab munaafaq shidey muumin baa ku gubta; Daahir Riyoole waa
masuulka ugu sareeya Dowlad ku sheegta W/Galbeed!!, waana ninkii bilaabey qul
quladaha maanta ka jira gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn!!. Wuxuu in badan ku
celceliyey inuu dagaal qaadayo!!, wuxuu Baarlamaanku sheegiisa ka dalbaday inay
ku taageeraan mowqifkiisa ku jawahan gobolada bariga!!.
Hogaamiye Daahir Riyoole iyo mooryaanta ka amar qaadata waxay shalay
xabsiga u taxaabeen Boqor Cismaan "Buur madow" isagoo jooga Hargeisa
Club. Boqor Buurmadow waa nin soomalida inteeda badani u
aqoonsantahay inuu yahay "Nin Nabeed", waayo wuxuu soo afjaray
khilaafaadkii u dhaxeeyey Cabdullahi Yuusuf Iyo Gen. Cade Muuse. Wuxuu
kaloo ku howlan yahay xal u helida khilaafaadka maanta jira, wuxuu aduun
weynaha u sheegay in Daahir Riyoole aabe ka yahay fidmada maanta
aloosan. Waxaa kaloo xabsiga loo taxaabey Col. Baashe oo wasiir ka ahaa Maamulkii
Ina Cigaal, xidhitaanka labada masuul, maamulka Daahir Riyoole wax
jawaab ah kamay bixin. Sidoo kale waxaa isa soo taraya cabashada iyo
qoylo dhalaanka soo yeedhaya maatada iyo caruurta iskuulada ka dhigta
Boorama iyo Hargeisa ee u dhashay beesha Dhulbahante.
Daahir Riyoole wuxuu ahaa masuul ka tirsan Hay'adii Nabad Sugida (NS),
wuxuuna shacabka Reer Hargeisa ka galay guuldarooyin aad u badan,
wuxuu ka qeyb qaatey xasuuqii dadkii reer somaliland ee lagu laayey
Berbera, wuxuu hogaaminayey ciidamadii NSS-ta ahaa ee ka howla galay
Gobolada Waqooyi, isagaa diidan is xaqiiqda jirta daaha laga rogo, wuxuu
goobo badan kaga hanjabey in cidii lagu maqlo 1) Faqash, (2) talaabo sharci
laga qaadi doono.
Daahir Riyoole wuxuu ku fashilmey siyaasada dibada iyo tan gudaha, wuxuu
sii kala fogeeyey beelihii wada noolaa, waxaa la rumeysan yahay in Beelaha
Dhulbahante iyo Warsangeli 90% raali ka ahaayeen siyaasada somaliland
cahdihii Ina Cigaal, maanta waxaa la rumeysan yahay in 99% yihiin
Puntiland.
Mudane Cabdullahi Yuusuf wuxuu aduunka u sheegay hadii maanta
Marxuumkii Xaji Mohamed Ibraahim Cigaal (Alle ha u naxariistee) noolyahay
in arintu sidan ka duwanaan lahayd, wuxuu cadeeyey inuu ahaa ruug cadaa,
siyaasadiisana u madaxbanaan. Daahir Riyoole wuxuu shalay booqdey
fadhiisimada ciidan beeleedka W/Galbeed, wuxuu u sheegay in maanta ay
tahay maalintii ciidanka loo baahnaa, diyaarna u noqdaan, soona xidhaan
xuduudihii Ingiriisku ka tagay!!.
Hadaanu nahay Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, Isimadayadii iyo
waxgaradkii waxay soo saareen baaqan:
1). Daahir Riyoole wuxuu masuul buuxa ka noqon doonaa dhiiga shacabka
goboladaa ee dhulka u daata, ama kursiga ha sii hayo ama haka dego.
2). In beelaha Harti aanay marna raali ka aheyn kala goynta soomaaliya,isla
markaana aysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo Somaliland, kana difaaci
doonaan dhulkooda in laga taago calan aan aheyn ka joogtada ah ee umadda
soomliyeed ilaa qofkooda u dambeeya..
3). In beelaha Harti u arki doonaan dagaal xaga waqooyi ka yimaada miday
ula soo badheedheen beelaha Habaljeclo, iyo Habaryoonis Bari, iyagana
lagala xisaabtami doono wixii halkaa ka dhaca, weliba si buuxda looga
aargoosan doono.
4). In beelaha Harti go'aansadeen iney maamul goboleed la smeystaan
walaalahooda kale ee Puntiland inta laga helayo xukuumad dhexe oo
Soomaliyeed, isla markaana ciidamada puntiland ay ku joogaan rabitaanka
dadka, kuwa somalilandna lagaga saaray rabitaanka dadka dhulka iska leh.
5). Waxaan kaloo shicibka iyo xukuumada Hargeysa u sheegeynaa in
dadka gobolkan degaa ay arintan hore uga diideen isticmaarkii Ingiriiska
kulana dagaalameen,isla markaana aysan cid kale ka yeeleyn. Qeybe iyo
Fu'aad Aadan Cadena aaney metelin Shacabka dhulkaa sida aaney idinkaba
idiin metelin Cismaan Kaluun, Jaamac Yare iyo Ismaaciil Buubaa.
6). Sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa walaalahayo reer Jabuuti iney faraha
kala baxaan muskiladan kor ku xusan, isla markaana wanaaga goboladan
looga hayo aysan xumaan u bedelin.
Mohamed Jama (madaxgaal)
madaxgaal@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2004
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|