A salaamu
Calaykum
wr
wb.
Hadalkii C/laahi Yuusuf Jawaabihii laga bixiyay
1
Waxaan ka Digayaa Dagaal ka Dhaca Sool Iyo Sanaag
Aniga oo ka tirsan golaha wakiilada somaliladn waxaan ka
digayaa dagaal ka qarxa Gobollada Sool, Sanaag bari iyo degmada buuhoodle.
Waxaan u arkaa dagaal ka macna liita kii ka dhacay Baadhame
iyo Saala-hambasa maxsuul ka kaliya ee laga sugi karaana yahay naxli iyo
nacayb la dhex dhigo shacabka walaalaha ah ee hadda uun ka nasanayey diifta
iyo doonooyinkii dagaalada sokeeye, sidoo kalena lumin doona himilooyin badan
oo ay hiigsanayeen.
Waxaan aamiinsanahay xoog militari oo loo adeegsado xalka
khilaafka gobolladaaasi in aanu ka duwanayn riyo dharaareed marka loo eego
duruufaha ku gadaaman sidaa darted, waxaan kula talinayaa xukumadaha
Somaliland iyo puntland in ay joojiyaan gulufka dagaal ee ay ku hamiyayaan
degaamadaas, isla markaana aysan iska indho tirin xaqiiqada jirta, lana
dhawro xaqa iyo karaamada ay leeyihiin shacabka u dhashay degaamadaa.
Sidaa awgeed looga danbeeyo maareynta khilaafka jira iyada
oo loo marayo dariiqo nabadeed oo togon, sida ay qabto shareecada islaamka
iyo mabaadiidaayo ka tashiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.
Xukumada Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay ka duusho
xal siyaasadeed oo ku salaysan wada hadal, xisaabtan iyo tan dhaqaale,
caddaalada, isu celinta hantida lakala haysto iyo tirtirida raadadka colaadii
sokeeye si loo gaadho isfaham buuxa iyo taabogalka maamulka Somaliland ee
deegamadaas.
Ugu dambeyntii xukumada Puntland waxaan ugu baaqayaa in
magaalada Laascaanood kala baxdo ciidamadeeda ka soo duulay fadhiisimada
Garoowe.
Mudane C/risaaq Warsame Xayir.
2
Sadex qolo midba Halbaan idhi
Dawladda Somaliland midbaan leeyahay, Shacabka somalilandna
mid baan leeyahay, Maamulka Majeerteeniyana mid baan leeyahay
Dowlada Somaliland, hadii aad daacad ka tahay hogaanka iyo
jirtaanaka Somaliland, islamarkaana aad la rabto inay aqoonsi caalimaha ka
hesho aduunweynaha hasoo saarto maxkamad cadli ah danbiilayashan :
Axmaqii toogtay ninkii ganacsada ahaa ee Swizerland u
dhashay, Axmaqintii toogatay Anallina Tonelli Boorama ,Axmaqii toogtay
taliyihii taraafiga hargeysa .
Somalidu waxay tidhaahdaa gaal dil gartiisana sii maxay
galabsadeen dadkaasi la laayaya Somaliland bay waxa u taraayeen oo xag
waxbarsho iyo xag caafimaadba waxa uga qabanayeen cidii dishay dadkan bir ma
gaydada ha, waa cadowga kowaad ee aan ogaleyn jirtaanaka Somaliland . hadaba
hadii aanay dowlada Somaliland arintan waxa ka qaban indhaha caalamka ee soo
eegaya aanay qancin ogow tani waxay dhaawacaysaa rajadii soo iftiimaysay ee
dalka Somaliland laga qabay.
Shacabka Somaliland midbaan leeyahay shicibow toos dowladi
waa shicib, haddii aanu shicibku dawlad kastoo markaa jirta la shaqayn oo
aanu gacan siin, oo gacan dhiiglayaasha guryaha lagu qariyo aanay soo sheegin,
oo wixii aynu la banayno, mudaharaad nabadgelyo aynaan ku muujin isla
markaana aynaan ka hortagin shirqoolada la inoo ma leegayo ee la rabo in
degaal sokeeye la inagaga dhex rido, dee shicibow hurmarku aynu ku riyoonayno
heli maynee ogaada.
Maamulka majeerteeniyana waxaan leeyahay, nin baa yidhi
weyl yahay ana nin ku gaadhiwaawey hayga dhigin, adna waraabe ha isu loogin
waxaan idin kula talinayaa Somaliland-na mid aan idiin jawaabi Karin ka
dhigina, idinna intii aabihiin afweyne idiinka hadh-dhadhay ha iska kala
qubinee bartaad joogtaan dib uga noqda,.
Haddii kale, wuxuu baa la eegi ciday caano kaga qubanayaan
Doqon maalantay iyo geesi malafa bartay dhexdooday miiidaamo ka dhacdaa.
Nuura cabdi yuusuf
3
Isasoo Dhiibidii SSDF iyo Afweyne
Laga bilabo 1986 Afweyne waxuu soo celiyey laba hadii la
odhanjirey SSDF ee majerteen waxa uu xaal u siiyey in uu ragii SSDF Markey
soo noqdeen iney gaar ahaan madaxda ka noqdaan woqooyiga Somalia 1986 wixii
ka danbeeyey xasuuqii iyo dhacii loogeystey somalialnd waxaa u badnaa madaxda
majeerteen.
Dhacdooyinkaa waxaa ka mid ahaa askartii faqashta iney
sharaca dumarka ku kufsadeen, dumarka qaar guryahooda uga galaan oo
yidhaahdaan SNM ayaanu baadheyna wixii ragana guriga dhexdiisa ku xudhaan
dabadeed xaas kii ku hor kufsadaan wixi lacaga iyo dahabana qaataan.
Inkasta oo la soo koobi kareyn dhibaatooyinka ay madexdii
majeeteen Somaliland u geystee.
Hadii aan tusaale idiinku soo qaado 1987 ayaan waxaan ku
nolaa magaalada Burco Habeen ayaa aniga iyo xaaskeyga oo lixbilooda ah iyo
afar caruura oo aan dhaley huruda ayaan saqdii dhexe albaabka sii xooga
naloogu garaacey.
markii horeba hurdo fiican manaan seexan jirine intaan isla
boodey ayaan idhi wa’ayo? Waar fur waryaa waa ragane, markaasaan ku jaabey
waar maxaa aheyd maxaase dooneysaan? Markaasuuu yidhi waar furwaryaa
qurmisyow, waxaa ku xigtay albaabkii ayey soo jebiyeen lix nin oo gaadhi
bileysa wataa ayey ahaayeen oo uu ka mid yahay nin lagu naaneysi jirey (Cadceed).
Arinta ay baadhayeen waxay aheyd nin aanu walaalo nahey oo
jabhada ku biirey, Markey soo galeen gudii ayey laba igu soo boodey oo
katiinad laba dible iigu xidheen ayuu baa waxaa iga soo hadhey waar maxaa
sameeyey war waxaa iweydiiya? Cadeed ayaa iigu jawaabey angaa ku sheegeyne
qurmis ayaad tahay markaasaa kuwii kalena wada qosleen, markaasey uu I
weydiiyay walaakaa xasan gab meeyey ma reer kina ayaa u gudbiyey SNM oo
maaliyey soo maah qurunyow intuu qori igu dhuftey kuwii kale agtaagnaana wey
iigu bilaabeen feedh iyo haraati iyo qoriga dabadiisii dabadeed wejigeygii
dhiigayaa qariyey.
Horteyda waxaa taagan oo aan dirqi ku arkayay caruurtii oo
wada oyaya iyo gabadhaydi oo wada ooyaysay oo dagaalamaysa, intaa waxa ku
xigtay inuu cadceed uu xaaskaygi ku yidhaado askartii kale waar naagta ii
qabta aan u tagee, dabadeedna halkii ayuu hortayda ugu tagay aniga oo arkaya
oo askartii kalena ay ku qoslayaan, kuna darso xaasku waa lix bilood oo
xaamila ah.
Waan ogahay in aanay dhaqankeena ahayn in aan ka hadlo
waxyaabahan oo kale hadana dhibaato isoo martay ayaa igu keentay, welina waxa
ay ila tahay in ay arintaasi shalay dhacday.
Faqashtii majeerteen waxaa iyo waxyaabo ka xun ayey u
geesteen shacabkii Somaliland, waxa kaloo oo jirtay in ay dadka maalkooga
wadada ka qaadi jireen iyaga oo aan waxba ugu marmarsiyoon oo aaynan halkan
ku soo koobi Karin. Tusaale Kabtan Faalso waxa uu islaamaha suuqa la
fadhiista alaabta, alaabta ayuu ka qaadi jiray iska daa cid kale oo xoog leh,
madaxda majeerteen waxa ay iskugu faani jireen waxyaaba waxashnimada ah ee ay
soo sameeyaan maalintii intii ay habeenkii wada qayilaan, intaa ka sii xumaa
habeen walba dad ayay qafaalan jireen intay wax uun ku eegeeyaan dibna looma
arki jirin.
Hadii aan u soo noqdo arinta hada taagan ee C/laahi Yuusuf
ciidanka soo geliyey Laascaanood, waxaan ugu baaqi lahaa ciidanka reer
Somaliland inaaney dagaalka ka bilaabin laascaanood dadka joogaa yihiin dad
reer Somaliland o xaq sharci inagu leeyihiin xitaa kuwwoda ka soo horjeeda
jiritaanka Somaliland waayo dadka soo horjeeda jiritaanka Somaliland wey ku
nool yihin hargeysa iyo Burco, uma baahnin indadkaa reer Somaliland ee
abaartu haysaa ay dhulkooda ka qaxaan , waa ineynan qori ku ridin ilaa ay
inagu ridaan.
Waxaa ciidanka Somaliland odhan lahaa dagaalkeenu yaanu
kasokey:
1.Dhulka majeerteenka garowe iyo bosaso ineynu qabsano wax
inooga sokeeyaa majiraan
2.waxba inoogama sokeeyaan ineynu nolol ku soo qabano
Cabdilaahi Yusuf iyo kuwa la shaqeeya.
3. Waxba inoogama sokeeyaan ineynu maxkamada soo taagno
gacan ku dhiiglayaasha dadkoodii laayey.
4. Waxba inoogama sokeeyaan ku kufsaddeen ku qoslayey ilaa
ay dacar ku qadeeyaan
5. Waxaan odhanlhaa waa iney Puntland noqotaa qayb
Somaliland ka mid ah inta aynu Somalia dowlad dhisanayso Markey dhisato
dawlad aynu u celinaa
Wa Bilaahi Towfiiq
Abraham hersi
Abher97@hotmail.com
4
Cabdillahi Yussuf Waxan Kula Talinayaa Inuu Qoto Godkii
Saddaam
Geeloow Daaq, oo Daaq. Markaad Ciin Daaqdaase Laguu Yaabaa
Inkastoon nabada, wada-jirka, karaamada iyo jaarwanaagu wax
aad u weyn yihiin hadana mararka
qaarkood doqoniino in la qaato waa gunnimo. Ina Yey tan iyo 1998 ayuu inaga
daba qaylyayey oo
daandaansigiisu aad u badnaa. Aduunyada intii garaadleh waxa yaab geliey sida
uu odaygan asaasaqay u
fikirayo iyo gurcudka uu gudayo sabankan dunidu dayax iyo qoraxba ka gudubtay.
Wax maanta Afrika iyo
Aasiyaba leh xuduudbaan bedelayaa lama arag. Sharciga iyo qawaaniinta
caalamiga ah iyo weliba nidaamyada
madaniga ah intaba lagu ogolaan kari maayo talada uu Ina Yey meesha la socdo.
Waxa intaas kuuraaca sida
Ina Yey uu u moogan yahay in xitaa jufadiisa hoose ee Reer Mahad aanay ku
taageeri karaynin daandaansiga uu Somaliland daandaansanayo. Majeerteenka
kale sida Cusmaan Maxamuud iyo Ciise Maxamuud toona ma taageeri karaan, mana
raaci doonaan talooyinka guracan ee Ina Yey wato. Waxaan sinaba loo iloobi
karin dareenkii diidmada ahaa ee Majeerteen Weyne u muujiyey Ina Yey.
Waxaa kale oo Ina Yey moogan yahay in Somaliland ay ahayd tii ka shaqaysay
nabadii ka dhex unkantay
beelaha walaalaha ah ee Majeerteen kadib markii Cabdillahi Yussuf uu qudhiisu
gaaska iyo kabriidka
sudhay beelaha walaalaha ah ee deegaanadaa ku wada nool. Cabdillahi inuu
damiir laawe baadil ah yahay
cidna la weydiin maayo, taariikhdiisa ayaa si wacan u xustay nooca uu
odaygani yahay. Markaa wax la yaableh maaha in uu ku xaaro gorofkii loogu
lisay.
Waxa hadaba la yaableh, maxaa baasee cudurkan loo eeganayaa
oo loo daweyn laayahay... once and for all?.
Mujaahidiinta haatan ka tirsan ciidamada qaranka ee
Somaliland waxa weeye kuwii Afweyne oo wuxu ahaa iyo
cududuu lahaa aynu ogayn afka u riday. Nimanka wacdarihii la ogsoonaa ku
dhigay dawladii dhanayd ee
mar ahaan jirtay wax diir madoow dawlada ugu cududa weyn ee ay weliba
taageerayeen boqolaalka kun ee
Oromada ah miyey biyo u kabanayaan 'Mr. Looser' - Ina Yey?. Jawaabtu waa maya.
Hadaba maxaa keenay
sharafdhac oo loo qaadanayaa gunnimo aan la geyin?
Su'aalahan jawaabtooda waxa laga dhawrayaa madaxda dalka
maanta ka talisa.
Cabdillahi Yussuf waa keli jooge cidkastaaba necebtahay.
Waa nin quus ku nool oon if iyo aakhiro
midna rajo ku ogayn. Sidaa aan kor ku soo sheegay cid uu kalsooni ka haystaa
habayaraatee ma jirto. Xitaa
hadii ay ku tahay Reer Mahad oo uu ka dhashay.
Habargidir iyo Hawiyaha kale waxa lawada ogyahay in ay
waxkasta ka necebyihiin marnaba aanay magan gelin doonin. Sidaa si la mida
ayey Digil iyo Mirifle u jecel yihiin in Cabdillahi Yey laga qabto Soomaali.
Waa nin aan garab iyo geedtoona lahayn. Waa mid anbad ah oo inuu haligmo uun
sugaya. Waxaan aad u
aaminsanahay in Cabdillahi Yey aan loo seeto dheerayn ee degdeg looga
xayuubiyo deegaanaada uu qoriga iyo bunduqa la hor joogo. Somaliland laba
goorba macaash ayey joogtaa marka ay ka takhalusto Ina Yey: B)
Daandaansigiisii iyo xagxagashadiisii waa laga raysan, T) Dadka reer Puntland
ee intiiyoo ay diideen uu
qoriga ku qabsadayna waa laga xorayn doonaa markaasi ayey samaysan doonaan
maamul masuul ah oo jiiraankiisu ka amaan helaan dadkiisana hanta.
Waxan hadaba madaxda Somaliland kula talinlahaa:
1) Dheg yaan loo dhigin dhawaaqa Yeyga ee Cabdillahi Yussuf
ka soo yeedhaya. Harti maskaxda xun ee
Cabdillahi Yey ma ogola, isagana ma rabaan. Majeerteen u dhiman maayo
karaamo-daridiisa mana doonayaan inay colaadsadaan walaalahooda Somaliland.
2) Dawlada Somaliland ha soo saarto digniin 48 saacadooda,
taasoo kama dambaysa. Kolay Cabdillahi waa
keligii-taliye mucangag ah oo digniintaasi u hogaansami maayo. Waxase hubaal
ah in uu ku dambayn
doono meeshee kuwii la filka ahaa ay ku dambeeyeen.... oo ah halaag iyo hoog.
3) 3000 oo mujaahid oo ka tirsan ciidamada qaranka ha la
diyaariyo kuwaasi oo wata keyd iyo saanad wax kasta oo ay u baahan yihiin.
4) Ciidamadu judha ugu horaysaba ha qabteen Garoowe.
Gacanta ha ku dhigeen tobanka doqon ee Cabdillahi Yey la socda. Markaa kadib
ha ku dhawaaqeen in taliskii dadqalatada ahaa ee Cabdillahi Yey si buuxda u
galbaday.
5) Ciidamada waa in laga saaraa magaalada lana dejiyaa
aagag muhiim ah si ay nabadgelyada u sugaan mar kasta oo loo baahdo.
6) Hadafku ha ahaado "Regime Change", hana loo hawlgalo
sidii bedel khayrqaba loo baadigoobi lahaa.
Hadii sidaa la yeelo laba shimbirood ayaa hal dhagax lagu
wada dilayaa: B) Maatida Laascaanood dagaal
gudaha magaalada ka dhaca waa laga bedbaadin, T) Cabdillahi Yey iyo
daaquudkiisana waa laga takhalusi.
Waxa kaloon kula talinlahaa dhamaanba shacbi weynaha
Somaliland, mucaarid iyo muxaafidba, in ay si buuxda
hiil iyo hooba u siiyaan ciidamada qaranka. Si gaara waxan kula talinayaa
madaxweynaha Somaliland Md.
Daahir Riyaale:
1) Wixii khilaaf ah ee adiga iyo xisbiyada mucaaradka ah
idiin dhexeeya dhinac iska dhig
2) Madaxda xisbiyada, indheergaradka iyo cuqaasha talada la wadaag. Aad u
badso "Public Relations" si
aad meesha uga saarto jawi kala shaki iyo dani. 3) Magaalo madaxda si ku
meelgaadh ah ugu wareeji
magaalada Burco halkaa ha laga abaabulo difaaca dalka.
Xisbiyada mucaaridka iyaga waxan leeyahay:
1) Toloow colka ha la joojo ama dib inoogu dhiga. Maanta
talo wada socota iyo wadajir ayey danteenu ku
jirtaa.
2) Ciidamada Qaranka tabantaabyadooda u hawlgala
3) Madaxweynaha dareenkiisa ha ka jeedinina difaaca
dalka.
Ugu dambayntii Cabdillahi Yey waxan kula talinayaa:
1) Ilaahay ninbuu kaa dhigaye ha garan waayin inaad
qodoto god la mida kii Saddaam qotay.
Samsam Ibraahim Samatar
Stockholm
samsam_sweden@yahoo.se
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
abdifatah hassan
cabdifataax_96@hotmail.com
SomaliTalk.com | Jan 2, 2004 |
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
»BAAQ KU SOCDA SHACABKA ISAAQA
[Dabagooye]
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|