SANADKII TAGAY IYO KAALINTA HAWEENKII
KA QAYB QAATAY SHIRKA KENYA.
Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com
Sanad walbiba hoodo iyo ayaan leh,waa dhab
in sanad walba uu leeyahay wax yaabo lagu soo xasuusto, dhib iyo dheef,
farxad iyo naxdin.soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa allow sanadki tagay
haraatidiina nadhaafi kan soo socdana hirtidiisa na mooti Aamiin.haatana aan
usoo daadago ujeedada qoraalka.
Sida la wada ogyahay haweenku waa udub
dhexaadka bulshada waana kuwo aan sinaba looga maarmin markay noqoto isku
keenida bulsho kala luntay una baahan badbaadin iyo ka fakarid mustaqbalkooda
dambe,waxaana intaa u dheeraa iyagoo dhibatooyin badan kala kulmay dagaaladii,
dhibtaada ugu xooga badana ay ku dhacday walow dhibku uu wada saameeyay
hadana si culus uu haweenku u taabanayay,sidaa si la mid ah ayay dhib ugu
jiraan raadinta nabada.
Hadaba ilaa intii uu furmay shirka dib u u
heshiisiinta soomaalida uga socda kenya haweenku waxay wadeen olole nabadeed
iyagoo ka qaatay kaalin lama ilaawan ah soona gudbinayay fariimo iyo talooyin
wax ku ool ah iyo sidii meel laysugu keeni lahaa dhamaan hogaamiyayaasha si
ay uga wada hadlaan mustaqbalka dambe ee dalkooda shirkuna u noqdo mid dhinac
walba ka dhisan si loo gaaro xal nabadeed.
Haweenka soo gudbiyay talooyinka dhaxal gal
ah sanadkii tagay ayaan qaar ka xusi doonaa waxyaabihii ay soo gudbiyeen iyo
saamayntoodiba.
Maalin maalmaha ka mid ah intii uu socday
shirka waxaa dhacay ansaxintii dastuurka federalka iyadoo xligaas ay
dhacdayna ay nairobi ku sugnaayeen hogaamiyaal ka baxay shirka kana biyo
diidsanaa qaabka uu u socday shirku,
Dadki soo jeediyay talooyinka wax ku oolka
ah waxaa ka mid ahayd Caasho Xaaji Cilmi hadana ka mid ah shanta gabdhod ee
ku jira liiska hogaamiyaasha ahna gabar leh damiir soomaalinimo,hadaladeedi
waxaa ku jiray in ansaxinta dastuurka dib loo dhigo maadaama ay hotel ku yaal
nairobi ku sugan yihiin siyaasiyiinti kale oo aan looga maarmin talada
codsayna in la siiyo wax ku kooban maalmo,hadii aan loo tixgalinina ay iman
karto dhibaato ka wayn mida hada jirta.hadaladaas oo ahaa kuwo dhaxal gal ah
waxay isoo xasuusiyeen ama dad badanba oo maalintaas goob jooga ahaa ay
ogaadeeen hadii la qaadan lahaa taladas caaha xaaji wax badani hagaagi
lahaayeen arrimuhana fududaan lahaayeen maantana ay qaadatay isku keenidooda
oo kaliya waa siyaasiyeentee mudo dhan afar bilood ilaa hadana aanan la
haynin wax xal ah oo muuqda.
isla talo kale waxaa soo jeedisay Qamar
Aadan oo ahayd gudoomiyaha mid ka mid ah lixdi gudi ee loo diray in ay soo
diyaariyaan documtiyada,maalin laga hadlayay fereralka waxayna soo jedisay in
soomaalida aanu xiligan ku wanaagsanayn in ay qaataan federaalka maadaama ay
yihiin dad isku diin, luqad, dhaqan iyo afba ah ayna wanaagsan tahay in si
fiican looga doodo waxa uu u keeni karo ummadda ka hor inta aan la
ansaxinin,figradaas gabadha ayaa dhalisay buuq iyo in aan la siinin tixgalin
loona gaystay aflagaado,iyadoo markaan dib ugu laabano nidaamkana uu yahay
mid ay horay uga soo hadleen aqoon yahaniin siyaabo kala duwana uga hadlay
taasna waxay ku tusinaysaa in mar walba ay haweenku soo gudbinayeen talooyin
wax ku ool ah wax badana badali lahaa laakiin nasiib daro waxaa yaraa xil
iska saaristooda.
Muuse suudi oo yimid maalin madasha shirka
ayaa sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo dib u heshiisiin Axdigan uusan
socon doonin hadii aan si dhab loo heshiinin doodi daxtuurka oo xiligaas
socotayna iskaga soo baxay, waxaaana kursigiisi kusoo celisay caaasho xaaji
iyadoo ka codasatay in waxa uu qabo uu ka sheegto madashada shirka si looga
doodo, aqbladaas muuse ee gabadhu ay suurta galisay ayay dad badan uga mahad
celiyeen sida ay ugu guuleysatay dadaalkeedaaas oo suurta galiyay in muuse
soo laabto.
Dhamaan talaabooyinkaas waa kuwo bilow
fiican u ah isku keenida dhinacyada hogaamiyaasha waxaana suurta galin kara
haweenka inkastoo aan la wada amaani karin haweenka oo dhan hadana waxaa
tusaale fiican u ah in haweenka dadaalkooda laga soo qaato gabdhahan aan ku
xusay qoraalka aana dhihi karno waa kuwo ka dhex muuqday haweenka waana kuwa
aan u doortay inaan ku xuso sanadkii tagay ilaa intii aan ku dhex jiray
shirka soomaalida gaar ahaan dhinaca haweenka,balse ogow aqriste in ay jiri
karaan haween kale oo muujiyay dadaalo fiican oo ku dayasho mudan.
ugu dambayntii waa muhim in tusaale loo soo
qaato waxyaabihii uu la tagay sanadkii hore shar iyo kheyr taariiqda ayaan
xusi doonta wax walba maadaama la yir taariiqdu ma diidi waxna ma doonto ee
dantey dacalka haysaa hadaba si kan cusub looga gaashaanto waa in lagu
dadaalo waxyaabaha wanaagsan,waxaan leeyahay dhamaan aqristayaasha sanad
wacan oo wanaagsan,waxaan idiin rajyanyaa inaad ku gaartaan sanadkan kiisa
kale bash basha barwaaqo, nabad, horuamar iyo cadaalad Aamiiiiiiiiiiiiiiiin..
Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jan 2, 2004
QORAALADII HORE EE CANAB MUMTAZ
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|