SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 29, 2004  

Doonista Aadamaha, Damaca Waalan ee M. SomaliLand & Baaq.

By. Mr. Feysal R.Cumar "Eng, Nayruus"
nayrus2001@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)

Akhristayaasha qiimaha leh, haddii aan ku horreeyo ma jeclayn inaan ka hadlo arrimaha qaar ee aanan uba arag inay wax qiima leeyihiin, balse Gedgedoonka nolosha, Doonista aadamiga, Damac waalan ee Madaxda Somaliland iyo Dubaaqa Af-wisheensiga aan garanhayn waxa dantiisu tahay, taariikh iyo dad toona aan wax ka aqoon ayaa igu kalifaya inaan meelaha qaar gacan togaaleeyo. Waxaanse aad iyo aad uga xumahay inaan ujawaabo Dirirdhabe oo hubaashi ka fog haqiiqada jirta balse ku jira Hummaag iyo Dhalanteed aan lehayn inaba haba yaraatee wax hillaad ah. Waxaa horey loo yidhi nin Qoyani Biyo iskama dhowro Dirirdhabe oo ah nin najaaso qooshanayo, haddaan Nijaas ku sheego wax maka dhimaya ?” Jawaabta waa caddahay “nin damiir leh baa damqanayee Doqoni waa moog”.

waxaa horey loo yidhi:-

  • Adduunyada ninkaan dhimanin ee Dhaxa lagu daayo
  • Waagi soo dhallaalaaba dhab buu wax ula kulmaayo
  • Dhacdo ugub ah iyo waakii arkaa dhabanna hayskeeda.

Mudanayaal iyo marwooyin, bal aan biya dhaca iyo dulucda qoraalkaygan idiin balbalaadhshee, waxaa beryahaan dambe bogagga Internetka qabsaday xiisadaha ka taagan Deegaanadii lagula dagaalamay Guumaystayaashi Addunka, waa Gobolada (SOOL, SANAAG iyo CAYN) oo magac iyo sumcadba ku leh taariikhda iyo wajiyada Guumeestayaasha.

Aduunyadu inaysan qiimo lahayn oo kii maalin dhergaaba hanad ismoodaayo, Soomaali say udhantahay waxay marag utahay halgankii iyo gulufyaddii ay dadka deegaankaas dega la galeen guumestahii iyo dadkii uu watay(mindhaa waxaaba ka roon inaan idhaahdo “Guumeestihii iyo WUXUU watay), Guulihii ay soo hooyeen Reer SSC iyo Walaalaha koonfureed waa midda manta Somali oo dhami ay ku naalooto. halgankaas oo la aantiisna manta la arki laha tiro badan oo Soomali Kirishtan ah ayaa haddana waxaa nasiib darro aad uweyn ah inay dad baal madow kaga jira taariikhda bulsha weynta soomaliyeed iyo dunidaba inay ku dhiiradaan inay kusoo duulaan degaanka SSC ee saldhig iyo hoyba u ah umada somaaliyeed ee jecel diintooda, dalkooda, dadkooda iyo midnimada somaliyeed gaar ahaana Geesiyaasha wadaniyiinta ah ee Reer SSC ee usoo halgamay midnimada somaaliya misna diyaar u ah inay naf iyo maalba kala hor tagaan cid kasta oo isku dayda inay somaliya kala qaybiso islamarahaantaasna ay la dagaalmaan wuxuush kasta oo isku deyda inay degaankooda kusoo xad gudbaan.

Sida aynu lasocono Umaddeena Somaliyeed waxaa soo maray dhibaatooyin fara badan oo isugu jira, Dowlad La’aan, Ammaan daro, maamul la’aan, Qaran jab, sharaf dhac, qax, Dil, Dhac, Kufsi iyo hagardaamooyin badan oo aan lasoo koobi Karin taasoo ka dhalatay dagaaladii sokeeye ee micna darada ahaa ee ka dhacay geyiga somaaliyeed. Waxaa mar kasta wargeysyada, cidaacadaha iyo telefeshinadaba laga iclaamiyaa dhibaatooyinka dagaalka “Dagaal Wiil baa ku dhintee Wiil kuma dhasho”. Haddaba waxaa beryahaan dambe soo if-baxaya damaca miyir la’aanta ah ee ku salaysan colaad (dagaal) ee ay Madaxda Somaliland kudoonayaan inay ku helaan deegaano iyo dhul ballaadhsi taasoo ay ka heleen Garaadka & maskaxda cayriinka ah ee loogu dowgalay masuuliyiinta reer Awdal, Waqooyi galbeed iyo Togdheer iyo waliba damiir laaweyaasha sandareerada qaatay ee kasoo hor jeeda midnimada ummada somaaliyeed.

Haddaba aniga oo ku hadlaya magaca ardayda iyo dadweynaha Reer SOOL, SANAAG iyo Cayn(Puntland) ee ku dhaqan Pakistan waxaa ugu baaqayaa:-

. Isimada, Cuqaasha, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanadda Reer SOOL, SANAAG iyo Cayn.

1- inay meel isugu keenaan beesha islamarkaasna ay mideeyaan moowqifkooda ku aaddan gardarada Somaliland, go’aan geesinimo lehna ay ka qaataan.

2- Inay u guntadaan sidii geyiga nabad waarta looga hirgalin lahaa, xaaladda murugsan ee ka jirta deegaankana si nabadgalyo ah loogu xallin lahaa.

3- Inay adeegsadaan, xeelad kasta oo lagu difaaci karo sumcadda iyo sharafta beesha.

4- Inay si wada jira Caalamka ugu sheegaan xaqiiqada ka jirta geyiga iyo daandaansiga madaxda Somaliland.

5- Inay reer Somaliland uga digaan dhibaatada ka imaan karta haddii dagaal la isaga hor yimaaddo.

. Isimada, Salaadiinta, Waxgaradka, Cuqaasha iyo Shacabka Reer SomaliLand(Isaaq) eey inaka dhaxayso degaan iyo dhaqan soo jireen ah, waxaan ugu baaqayaa:-

1- inay u hiiliyaan nabada iyo wada noolaanshaha iyo deris wanaagga.

2- Inay Maamulka Somaliland culeys ku saaraan inuu joojiyo abaabulka dagaal ee uu ku hawlan yahay.

3- Madaama Beesha Isaaq aan wadaagno dhaqan, daaqsin iyo xuduudo, islama rahaantaasna wiil iyo abtigii lawada yahay inay adeegsadaan wax kasta oo looga hor tagi karo dhiig daata

4- Inay iska qabtaan Riyaale oo usoo tafa xaytay inuu iska horkeeno beelaha deriska, xasillooni darana ka abuuraya deegaanka. Haday saas yeeli wayaan isu diyariyaan siyaadsad xumo iyo ammaan darro waarta oo ka dhalata gobolada waqooyi.

. Fu’aad Aaden Cadde, Faratoon iyo Qaybe waxaan leeyahay:-

Waxaad tihiin raggii beesha iyo deegaankaba u hor-seedi lahaa horumar, nabad-galyo, maalgalin iyo ilaalinta deegaanka.

Waxaad ka mid tixiin kumanaanka aqoonyahan ee udhashay deegaanadda SSC. Waxaadse mooddaa inaad gabteen masuuliyadii idinka saarayd dadka iyo deegaanka iyo dalkaba.

Haddaba waxaan idiinku baaqayaa:-

1- inaad marka hore Allaah (SW) kabaqdaan una toobad keentaan.

2- Inaad deegaanka iyo dadka reer SSC ee aad qiyaanteen raalli galin ka bixisaan.

3- Inaad ka waantowdaan adeegsida la idiin adeegsanayo burburinta deegaanka iyo sharaf dhaca bulsha weynta reer SSC.

4- Inaad u hiilisaan shacabka aad ka dhalateen ee duullaanka lagu yahay.

Waxaad ogaataan:-

1- In reer SSC aysan wali idinka quusan balse ay raja wayn ka qabaan inaad garataan waxa maslaxadda u ah nafahiina iyo shacabka somaliyeed gaar ahaanna SSC.

2- In Isimadda, wax-garadka, siyaasiyiinta, aqoonyahaynadda iyo bushada deegaanka inay diyaar u yihiin inay baxshaan wax ka badan nacfiga iyo shilimaadka aad ka heshaan Somaliland, haddii aad usoo hoyataan dadka iyo deegaanka aad ka fallaagowdeen.

3- In Cafisna la idiin fidin doono, lana ballan qaadayo ammaankiina.

. Ismaciil Cumar Geelle (Af daacada Uurkoo dedan) iyo dawladdiisa waxaan ugu baaqayaa:-

1- Inuu faraha kala baxo xiisadda ka aloosan deegaanka iyo inuu ku ekaado tuulooyinka dibirka ah ee uu ka talliyo.

2- Inuu raalli galin ka baxsho gefka iyo khaladaadka uu ka galay dadka deegaanka.

3- Haddii intaa laga waayo waa inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan deegaanka iyo siyaadda somaliya.

4- Inuu ahmiyadda siiyo nabadda iyo inuu ku fekero siduu horumar ugaadhsiin lahaa shacabkiisa dayacan iyo deegaankiisa.

5- Iyo inuusan dadkiisa ku layn jiidda hore ee dagaalka.

Waxaan usheegaya:-

1- Somaali inay iswada taqaan, qabiil kastana la yaqaan wuxuu galo iyo wuxuu gudo.

2- Inay dadka deegaan SSC iyo Somali oo dhami ay qadarin u hayaan balse haddii uu faraha kala bixi waayo lamarsiinayo waajibkiisa uu mudan yahay.

3- Inaan si fiican u naqaano Ciisa Madoobe wax uu yahay iyo ducfiga saran inaysan manta jirin cid ka liidata haddii la dagaalamo.

4- Inuusan dagaalku ku ekaan doonin waqooyiga ee uu gaadhi doono deegaanka uu utaliyo.

v Daahir Riyaale iyo Dawladiisa iyo Ciidamada qalabka sida ee dowlada lamagac baxday SL ee jooga jiidda hore ee dagaalka waxaa ugu baaqayaa:-

1- Inaan loo baahnayn dagaal sokeeye iyo dhiig macno darro ku daata. Ayna ka waantoobaan dabka ay hurinayaan.

2- Inaan loo baahnayn in lagu ciyaaro siyaasadda iyo himilooyinka ay ku taahmayaan shacabka beesha ISAAQ.

3- Inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamadiisa ugala baxo deegaanda ay hadda ku suganyihiin haddii kale awaaqib xumada ku dhacda uu masuuliyadeeda qaado.

4- Inay is-dhiibaan ciidamada qalabka sida ee lagasoo arurshay Boorama, Saylac, Lughaya iyo goryacool, hadii kale ay la kulmi doonaan dhirbaaxo aysan waligoos kasoo kaban.

5- Iyo inay raalli galin iyo xaal marin ka baxshaan gefka ay ka galleon dalka, dadka, deegaanka iyo shacbigooda iyo waliba Reer SSC.

Waxaan usheegayaa:-

1- Shacabka reer SSC Puntland inay diyaar uyihiin difaaca deegaankooda iyo qaranimada soomaali weyn, ciidamadana amar buuxa lagu siiyay inay heegan ahaadaan.

2- Dhulbahante iyo warsangali inay taariikh fiican ku leeyihiin dagaalada idina aad marag ka tihiin halgamadii ay la galeen Ingiriiska iyo guulihii ay kasoo hooyeen iyo

3- Inaysan dadka deegaanka marna u dulqaadan doonin gardarada iyo daandaansiga badheedhka, waajibkiisana marsiin doonaan.

v Ciidamada Qalabka sida ee Daraawiishta, Dhalinyarada, Haweenka iyo wax-garadka Puntland Gaar ahaan SSC ee ku dhaqan dalka iyo dibaddiisaba waxaan ugu baaqayaa:-

1- In lagaaray xilligii la difaaci lahaa, dadka iyo deegaankaba islamarkaana ay lama huraan tahay inay isu diyariyaan ilaalinta taariikhda, Sumcadda iyo midnimada somaaliya.

2- Yar iyo wenyba in loo guntado ladagaalanka argagixisa dowladda Riyaale ee ay ku doonayaan dhul ballaadhsi.

3- inay dhamacda leefsiiyaan wuxuushta kusoo gardarrootay deegaanadooda.

4- Inay naf iyo maalba u huraan qaranimada iyo sharafta shacbigooda.

5- In qoryaha la cabbeysto, seefahana galka laga siibo, Guntigana dhiisha la isaga dhigo, awooddana la mideeyo, aqliguna shaqeeyo si darsi lama ilaawaan ah loogu dhigo cadowga duullaanka ku ah geyigooda.

6- In meedka cadowgooda la wadho jiidda hore ee dagaalka, lagana sifeeyo deegaanka calooshood ushaqaystayaasha aan lahayn damiir iyo dabci san oo cesha.

v Dadweynaha Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo siyaasiintooda waxaan u sheegaynaa:-

1- in Shacab reer SSC iyo waliba Puntland ay diyaar u yihiin, inay naf iyo maalba u huraan Midnimada Somaliya, qaranimada iyo difaaca deegaanadooda.

2- Inay yihiin dad lagusoo gardarooday, lana soo wweraray haddeerna ay jawaab adag ka bixin doonaan haddaan laga bixin degaanadooda.

3- Iyo inay canbaareyaan, Dawladda Riyaale ee qaska ka wadda Deegaanada SSC iyo Dawladaha hubka isugu dhiibaya Soomaalida.

4- Iyo inay caalamka ogeysiiyaan gardarada iyo daandaansida Riyaalee ka wado hoyga umadda Somaliya.

Ugu Dambeyntii:-

. Somaaliya ha noolaato, Somaliya Ha noolaato. Somaaliya ha noolaato,

. Reer Puntland ha nooladaan.

. Reer SOOL, SANAAG iyo Cayn Ha guuleystaan.

. Cadowgu ha jabo iyo inta kasoo hor jeedda qaranimada Somaaliya.

. Shacabka Isaaqna ilaahay haqa ha garansiiyo iyo Sirta uu Riyaale umaleegayo, lana maaggan yahay shacabkooda iyo maamulkaba.

By. Mr. Feysal R.Cumar "Eng, Nayruus"

nayrus2001@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com |Jan 29, 2004 

SIXID:

Dhammaan akhristayaasha qiimaha leh iyo wargeysyada sharafta leh waxaan jeclahay inaan saxo maqaalkii aan qoray ee Cinwaankiisu ahaa " Doonista aadamaha, Damaca waalan ee M. Somaliland iyo baaq"  waxaan kasaxaya halka magac ah:- "Faroole" oo aan ula jeeday  Faratoon.
Qore: "Eng, Nayruus"

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD