Janaayo 29, 2004
Aftahmo iyo afjuxuunsi
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Qof kasta oo dad la doodayaa wuxuu malaha jecel yahay in uu aftahmo ay
guuli ugu soo hoyato leeyahay iyo in uu dadka lidka ku ah afjuxuunsado.
Haddaba sidii lagu garan lahaa labadaas arrimood ayuu qoraalkaani inoo
lafogurayaa, waxaase ugu horrayn fiican in aynu ogaanno macnaha labada erey
ee ”tahan” iyo ”juxuun”. Ereyga ”af” waxaa la moodaa in uu xoogaa iska roon
yahay, oo ay dadku maalin kasta maqlaan, waxaase lagu xariiriyey labo kale oo
aan jilicsanayn.
”Derrinkaan fariistaba dhulkaan, tahan
dalooshaaye”
Waxaa yiri Khaliif shiikh Maxamuud, wuxuuna
uga jeedey in uu markii uu meel fariisto dhulka faalin jirey, oo uu ul iyo
qori wixii uu gacanta ku hayo ku faarfaari jirey, ka dibna ay meeshii uu
faalinayey aad iyo aad u qodmi jirtey. Sidaas waxaa dhulka u qoda dadka sida
daran u murugaysan, oo inta ay is illaawaan dhulka xarriiqo ku jeexjeexa.
Haddaba ”aad iyo aad” buu ereyga ”tahan”
macnihiisu u dhow yahay, waxaana cad in haddii ”af” laga hormariyo loola
jeedo in uu afku aad iyo aad u daran yahay, oo aan loo babacdhigi karin.
”Juxuun” iyo ”guxuun” malaha waa isku mid oo
haddii geed salka laga gooyo waxaa meeshii ku haraysa jirrid juxuuman ama
guxuuman, waxaana markii ”af” laga hormariyo laga wadaa mindhaa in qof afkiis
la juxuumo oo uusan ruuxii afkaas lahaa hadal u bannaanayn ee afka laga jaray.
Afjuxuunsigu ma aha in had iyo jeer qofka si
daacad ah loo qanciyo oo doodda xaqiisa u habboon la siiyo ee waa in hadalka
laga sirgaxo oo uu galo jahawareer, markaas ka gadaalna laga faa’iidaysto,
dabadeedna la maamusho asaga oo liid ah, oo afjuxuusan.
”Harowsi” waa erey ka macne ballaaran
afjuxuunsiga, waayo afjuxuunsigu waa harowsiga qayb yar oo ka mid ah, kaas oo
aalaaba doodda ka dhexdhasha. halka uu harowsigu yahay dhammaan siyaalaha
dadka loo caalleeyo, oo dano aysan ku baraarugsanayn looga fushado ama
maskaxdooda wax aan dhab ahayn loogu shubo.
Seddex tusaale ee harowsiga lagu xasuusan
karo waxaa ah markii kacaankii Siyaad uu qabiilka xabaalay, markii uu
Ismaaciil Cumar Geelle tuulada Carrta joogey iyo marka ay wadaaddadu dumarka
shukaansanayaan.
Tusaalaha ugu danbeeya waxaa ku jira
afjuxuunsi, waayo markii ay wadaaddadu dumarka xodxodanayaan ama ay qabaan
waxay ku afgoostaan waxyaalo aysan dumarka masaakiinta ahi ka doodi karin oo
sidii la rabo laga yeeli karo.
Markii aad qoraalkaan iyo kuwa ka danbeeya
fahamtid waxaa malaha yaraanaysa in lagu afjuxuunsado, waxaana badanaysa in
aad adigu ikhyaarta wax afjuxuunsada u soo biirtid, oo aan inta lagu
afjuxuunsado geeliinna iyo boosaskiinna la duudsiyin.
Waagii hore ”aftahan” iyo ”afmiinshaar”
waxay ahaayeen isku mid, laakiin Maxamed Siyaad baa qabiilooyinka qaarkood
markii uu xukunka boobay ka dib ”afmiinshaar” u bixiyey oo cay uga dhigay,
waxaana faddaroobey ereygii oo dhan. Maanta ereygaas markii la maqlo waxaa la
dareemaa xumaan, laakiin lixdamaadkii waxaan u malaynayaa in uu ahaa erey la
isku ammaano, oo ”hebel waa afmiinshaar” waxay ahayd ammaanta ugu weyn oo qof
aftan ah lagu maamuuso.
”Miinshaar” waxaad ka dhadhansan kartaa in
laga wado in uu afmiinshaarku leeyahay karti hadal oo sida miinshaarta uu wax
ugu goyn karo.
Sida badan waxaa afjuxuunsiga sameeya dad ka
aftansan kuwa ay afjuxuunsanayaan ama fursad kale haysta. Aftahmadu waxay
aalaaba cuskataa labo arrimood. Midda kowaad waa in uu qofku markii uu
hadlayo dareen iyo fakar sare leeyahay. Waa in uu dareemi karo sida ugu
sahlan oo uu u qancin karo dadka uu hadalkiisu ku socdo iyo sida ugu
qancitaan dhow in uu hadalka u yiraahdo.
Dadka aan aftahmada dareenka sare u lahayni
waxay hadalka ka bilaabaan in ay dhahaan, oo waxa ay sheegayaan ma ay dareemi
karaan in ay sidii lagu qanci lahaa yihiin iyo in kale, mana ay diyaariyaan
waxa ay sheegayaan, haddii ay diyaariyaanna ma ay guulaystaan. Marka aan
diyaarin leeyahay ugama aan jeedo in ay aftahmadu ku kooban tahay wax la
allifo, ee waxaan uga dan leeyahay in uu aftanku wax kasta oo oranayo dhaqso
ama daahid ku diyaariyo.
Luqadda oo dareen fiican loo leeyahay, awood
fakar iyo khiyaalida hal-abuurka ayaa saldhig u ah aftahmada. Haddaba waxaa
la og nahay in ay jiraan dad badan oo afka aad u yaqaan haddana aan aftahmo
lahayn iyo kuwo afka qayaan oo jidadka hadalka u leh dareen xeeldheer oo ay
ugu talaxtagaan, ayna khayaano ku maamulaan maskaxaha dadka oo ay
addoonsadaan ummadda inteeda kale. Marka aynu addoonsi leenahay waxaynu uga
jeednaa in ay bulshooyinku saf u galaan shineemo, tiyaatar, duwaanno buugaag
hadal ah lagu iibiyo iwm.
Awoodda sidaas dadka loogu addoonsado waxaa
loo jeedin karaan ”xumaan” iyo ”samaan” waxyaalaha ay dadku u yaqaanniin.
Dadka qaar baa hadalkooda la dhegaystaa ayada oo aan la neefsanayn, qaarna
markii ay hadlayaan waxaa la jeclaadaa in ay soo koobaan, arrimahaasina waxay
ku xiran yihiin sida ay khiyaaliga iyo afka u kala adeegsanayaan in ay kala
sarrayso.
Tabarta aftahmada in uu qof kastaa baran
karo iyo in ay tahay wax dabiici ah oo dad gaar ah dareenkooda ku samaysan
labadaba waa la sheegaa, laakiin ayada oo aan waxbarashada la dafiri karin
ayaa waxaa iska cad in ay jiraan dad hibo gooni xambaarsani.
Fakarka iyo humaagyada khiyaaliga ka sokow
waxaa aftahmada tiirar u ah luqadda, waxaase arrimahaas oo dhan dugsi u aha
xilliga iyo meesha la joogo, waayo guri aan boos loo hayn lama dhisi karo.
Hadalka dadka dareenkooda lagu xukumi karo
inta aan la oran waa in la ogaadaa arrinta laga hadlayaa in ay u qalanto
dadka ay ku socoto in ay shucuurtooda si habboon u dhaqaajin karto. Dareenka
aftahanku wuxuu la socdaa dareenka dadka oo hadalku inta uusan ka soo bixin
buu helaa daliilo iyo arrimo uu qalbiyada dadka ku ruxi karo.
Wax kasta oo uu qofka aftahanka ahi ku
dhiiranayo wuxuu cuskiyaa sababo iyo salal uu ku fariisiyo si uu dadka u tuso
in ay suurtogal yihiin. Daliilaha aftahmada dhisaa in ay run yihiin iyo in ay
been yihiin muhiim ma aha, ee waxaa lamahuraan ah in ay yihiin wax ay qaadan
karaan dadka lagu wajahayaa, waxayna dadku u kala bixi karaan qaar qanca iyo
qaar wiswisa, hase yeeso ee aftahanku waa in uu og yahay heerka ay shucuurta
dadku joogto.
Aftahanka dhabta ah waxaa agtiisa macne weyn
ka leh arrimo dhawr ah, oo uu aftahmada la eegto, waxayna kala yihiin ”Yaa
lala hadlayaa? Maxaa laga hadlayaa? Sababtee loo hadlayaa? Xaggee la joogaa?
Goorma ayaa la joogaa? Sidee loo hadlayaa?”. Dadka hugunka iska raaca aftanno
sugan ma ay aha, oo aftanku waa uu ka dheeraadaa wax uusan shishadooda u
jeedin oo aan u caddayn in uu ku lugdarsado.
Haddii arrin uu hadal ka oranayo waa in uu
hubaa waxa ay tahay, sida in ay u caddahay in laga doodayo “Maxay tahay
caddaalad?” ama “Waa maxay madaxbannaani?”. Markii uu arrinta sidaas ku
hubsado ayuu maskaxdiisa ka daawanayaa sidii uu doodda ugu guulaysan lahaa,
oo uu dhegayteyaasha qalbiga uga xadi lahaa, isla markaas uu dadka la doodaya
u afjuxuunsan lahaa.
Tillaabada hadalka ugu horraysaa waa in uu
aftahanku ku riyoodo khiyaali uu ka daawanayo sidii uu hadalka uu jeedin
doono qaybihiisa isugu aaddin lahaa. Qaab uu asagu dareen shishe u leeyahay
oo ku habboon dadka uu la hadlayo ayuu hadalka u xardhadaa.
Arrintaan marka laga falanqoonayo waxaa
aftahanka lagu metelaa shinni geedo kala duwan wax ay ayadu taqaan ka soo
guraysa, oo ay dadku markii ay diyaariso macaanka malabka u boqaan, laakiin
aysan garanayn sidii la isugu soo dubbaridey.
Wuxuu aftanku dareemi karaa sida ay in
hadalka qaybihiisa la isugu xijiyaa dadka u soo dabi karto, oo tilaabooyinka
hadalka wuxuu horqaadaa mid uu dareemayo in ay dareenka dadka soo
hormarinteedu sasabi karto, wuxuuna ku sii xijiyaa mid u suurtagelinaysa in
hadalka la sii jeclaado.
Dadka ugaarsada oo kalluunka ama ugaarta
birriga helaa waxay kala og yihiin noocyada ay rabaan meelaha laga heli karo,
oo buuraha badda waxaa ku nool mallay gaar ah, halka moolka caadiga ah
laftiisa ay ku kala nool yihiin jaadad kala geddisan ee mallay ahi. Sidaas oo
kale birriga geriga, biciidka, goodirka, garannuugta, cawsha, badotaagta,
deerada, callayrta, qusleyda iyo golcastu waxay malaha ku kala dhaqan yihiin
meelo kala duwan oo uu qofka ugaartaa ugu kala hagaago.
Hadalka laftiisa dad baa sida ugaarta u
dabta ama sida xoolaha u dhaqda oo noocyadiisa mid kasta meel u qeexan ugu
hagaaga. Marka qof ama koox lala hadlayo waxay aftahannadu hadalka u maraan
waddo lamafilaan ah, oo aalaaba belowga hadalkoodu wuxuu leeyahay dabeecado
aysan dhexda iyo dhammaadku lahayn.
Caaradka hadalka waxay ku gabbadaan ereyo
aan dantii ay lahaayeen toos u abbaarayn ee ay ugu marmarsiinyoonayaan.
Tusaale ahaan qofka aftahanka ahi wuxuu horraanta warkiisa adeegsadaa ereyo
guud, oo metelan sidaan ah ”Dhammaan, weligeed, qofna, marnaba, sideedaba”.
Ereyadaas guud wuxuu u weeqaalayaa in ay
dadka uu la hadlayaa galaan xero aysan ka bixi karin, si uu ujeeddooyinkiisa
ugu sii durko markii uu dadka soo xereeyo. ”Dhammaan” marka uu leeyahay wuxuu
dadbayaa in aad adigu si weecsan u dareentid in ay arrintu kugu saabsan tahay.
Haddii aynu jaranjaro yar oo tusaaleyaal
fudfudud ah soo qaadanno markii uu aftahanku rabo in uu kuu sheego in aad
qabyaaladayste tahay, wuxuu ugu horrayn oranayaa ”Soomaalidu dhammaan waa
qabyaalad miiran”. Xeradaas markii uu ku geliyo ayuu wuxuu ku xijinayaa
”Adigu soomaali baad tahay”. Markaas ka dib buu wuxuu dhahayaa ”Qabyaalad
miiran baad tahay”.
Qofka afgarooca ahi ma uu garan karo
hadalladaas kor ku yaal midka in la hormariyo uu qofka lala hadlayaa ku qanci
karo, oo waxaa laga yaabaa in uu ka bilaabo ”Qabyaalad miiran baad tahay”,
waxaana dhacaysa ceeb, waayo qofkii oo aan xerada la soo gelin baa lagu
dhiirradey.
Bal u fiirso haddii uu qof kugu yiraahdo
”Waa aad dhimanaysaa!”. Markiiba waxaad gelaysaa difaac, laakiin haddii uu
hadalka ka soo bilaabo ”Nafleyda oo dhammi waa ay dhintaan”, oo uu ku xijiyo
”Adigu nafley baad tahay”, dabadeedna uu dhaho ”Waa aad dhimanaysaa”. Adiga
oo raalli ah buu wuxuu kugu qanciyey in aad dhimanaysid, wax hadal ah oo kuu
furanina meesha kama ay muuqdaan, waayo markii hore ayuu xero kugu ooday.
Soomaalida maansooda waxaa ka mid ah qaar
dhifdhif ah oo hadalka xeeshaan ugu durki kara ee aan isku qulubqasin. Waxaa
jirey rag markii ay qabiil u gabyayaan oo ay qof qabiilkaas ka mid u
bisobisoonayaan hadalka ka soo bilaaba jilibka ugu fod qabiilkiisa oo sidii
ay u soo durkayaan jilibkiisa soo duljoogsada, dabadeedna shakhsiyaadkii ay u
dan lahaayeen magacaaba. Haddii ay qof dad laga laayey kala hadlayaan waxay
ka soo bilaabaan midka ugu fog, waxayna ku soo ururaan walaalkiis, si uu
hadalka dhammaadkiisu ugu murugo badnaado!
Qaabkaas jaranjarta ah oo aynu soo sheegnay
markii uu aftahanku diyaariyo waxaa ku xigta in uu dareemi karo sidii uu
hadalkii uu iskuxigiddiisa qorshaystay ugu xardhi lahaa ereyo iyo hawraaro
macaan, oo uu dareensan yahay in ay dadka shucuurohooda u qancin doonaan sida
ugu habboon. Ereyada iyo hawraaruhu waa in ay aad u qayaxan yihiin oo ay
dadka maqlaya oo dhan dareenkooda toos u xuli karaan, oo qiiro loogu riyaaqi
karo.
Marxaladdaani waa markii uu aftahanku dadka
dareenkooda kicin lahaa. Wuxuu diyaarinayaa daroogadii uu xiska dadka ku
sarqaamin lahaa oo ku barxan daliilo uu og yahay in ay uga qaadanayaan,
wuxuuna ku gilgilayaa oraaho la socda shucuurtooda oo aysan neefsan karin.
Kalsooni iyo jacayl buu dhedhinsiinayaa, wuxuuna u hoggaamiyaa meeshii uu
rabo, waayo waa addoomo uu asagu xero ku ootay, oo sida uu asagu rabo ayey
madaxyada u ruxayaan!
Ogow waxa aynu weli ku jirnaa isdiyaarin ee
aftahanku weli ma uu hadlin! Imminka ayuu aftahanku wixii uu diyaariyey ku
hadli karaa, waxaana laga yaabaa in ay dadka qaarkood moodaan in uu aftahanku
u baahan yahay xilli dheer oo uu hawlahaas ugu diyaargaroobo! Haddaba wakhti
waa loo baahan yahay, laakiin wuxuu ahaan karaa hal ilbiriqsi, wuxuuna noqon
karaa cabbaar dhan, oo waxaa kala dheereeya kartiyaha ay dadku aftahmada ku
maalaan xawaarohooda.
Waxaynu soo ogaanney in uu hadalku ka
bilowdo in la helo mawduuc laga hadlo oo dadka dareenkooda saamaynaya,
waxaana halkaas ka cad in uu aftahanku yahay qof ay ku soo dhici karaan
arrimo xiiso ama dhibsasho ama si kale loogu qanci karo. Qancitaan marka aynu
leennahay waxaynu uga jeednaa in si qayaxan loo fahmo arrinta laga hadlay ee
ma aha in uu qofka lala hadlayaa ku farxayo hadalka keli ah.
Waxaa kale oo inoo caddaatay in xubnaha uu
hadalka taxani ka kooban yahay sida la isugu xijiyaa ay tahay aftahmada
marxaladdeeda labaad, oo xubiniba midda kale ay ku kordhiso dareen aan la
heleen haddii xubin kale lagu xijin lahaa.
Ereyada iyo tuducyada xubnaha hadalka loogu
lebbisayaa waa darajada saddexaad ee uu aftahanku isku hawlo, oo waxay la
socdaan hadalka. Haddaba ereyada iyo jumlooyinka hadalku in la saxo keli ah
macaan kuma ay yeeshaan, ee waxaa jira xeelado kala duwan oo uu dhadhanka
hadalku ku kala sarreeyo.
Sixitaanku waa waxa ugu horreeya, laakiin
maxaa sixitaan ah? Ma naxwaha ayaa ah? Waxaa jira hadal naxwe ahaan ku saxan
oo haddana khaldan, waxaana tusaale ah hadal aan internetka mar ku arkay oo
aanan qofkii qoray xasuusan, kaas oo sidaan ahaa: ”Madaxweyne hebel baa
markii uu ciiddii dadka u khudbeeyey ka dib gurigiisa u huleelay”!
Hadalkaasi naxwe ahaan uma khaldana, laakiin
waxaa dhaawacay in uu qofkii qoray islahaa hadalka qurxi, dabadeedna uu
ereygii ”aadid” oo uu yaqiin booskiisa balaaqo kaga doonay ereyga ”huleelid”
oo uusan si fiican u aqoon. Bal ereygaasi gabay uu ku jiro oo Cali-Kogay
Sugulle niman beer ay lahaayeen laga duudsiyey uu waa danbe u tiriyey aynu
eegno halka uu kaga daray. Wuxuu nimanka ugu soo gabbaday in uu geelooda ku
halqabsado. Beerta magaceeda waxaa la oran jirey ”Halqalloocan”, waxaana
mirihii Cali ka mid ahaa:
- ”Hunguri bayga galay qaalmo aan, soo
hareermaraye
- Haddaan horin ka goostaan, Dulmadow
igu haliileene
- Kii kaloo hingaarnaana waa,
haadmasugihiiye
- Halqalloocan baa ugu hilnayd, haynta
xoolaha’e
- Ayadana rag baa ka hantiyoy, uga
huleeleene”
Meesha uu Cali Sugulle ereyga geliyey waxay
muujinaysaa in ay ereyadu xaq weyn ka mudan yihiin qofka aftahanka ah, oo aan
meel kasta kalmadaha la isaga tuurin. Ereygaasi wuxuu khusayn karaa dad
dagaal ama dood lagu quusiyey, oo ayaga oo cagojiid iyo caalwaa la dhaqaaqi
waayey meeshii ka taga.
Cali-Kogay Suggulle waa nin ay aftahmadiisu
aad ugu fog tahay marxaladda danbe oo aynu ku sheegnay in ereyada iyo
tuducyada xaq weyn la siiyo si dadka loo qanciyo. Waxaa jira gabay uu ka
tiriyey mar uu gaadiidkii ka dhammaaday, oo uu niman ay xigto yihiin ugu
duurxulayey, waxaana ina deeqa in aynu afar mir oo ka mid ah eegno sida uu
Cali ugu durki karey macaaninta ereyada iyo cabbiraadaha:
- ”Wuu iga xayeesiyey duqii, xaaska hayn
jiraye
- Intaan labo xab soo saaray buu, xeebta
joogsadaye
- Xayn bay dabtaan wiilashii, ii xigto
ahaaye
- Aniguna sidii tuug xillaan, xarigga
duubtaaye”
Xarigga awrta lagu hoggaamiyo labo jeer ayuu
ninka sitaa qarsadaa, waana marka uu tuug yahay iyo marka uu xishoonayo oo ay
baryada uu gaadiidka ku doonayaa la foolxun tahay. Midda kale tuuggu xariga
meel gooni ah uma uu sito, ee wuxuu rabaa in uu helo awr dagan, oo uu xado.
Sidaas oo kale ninkii ay dadka xigtadiisa ahi gaadiidka ka qadiyaan xarigga
meel uu u sito ma uu yaqaan.
”Dabasho” sida caadiga ah waa in awr la isku
xariiriyo, laakiin markii hoos loogu sii dego waa in awr caddaysin (aan
rarnayn) ah lagu xariiriyo awr raran, oo haddii aad maqashid ”Afartaas rati
waa la dabaa” macneheedu waa in ay yihiin kuwo aan loo baahnayn in la rarto.
”Xab” waa sibraar oo badanaaba ah harag ari
oo biyaha lagu shubto, waxaana aalaaba awrta lagu dhaamiyaa markii ay
caatoobaan oo ay haamaha qaadi kari waayaan, waase meeshii ay haamo ka jiraan.
Xeebta badda maaddaama uusan dhul ka shishayn waxaa cad in uusan ratigu
meeshii uu ceelku ku yiil ka dhaqaaqin markii uu joogsadey.
”Waa uu joogsadey” loogama jeedo joogsiga la
isla yaqaan, ee waxaa la isticmaalaa markii ay nafleydu macaluul ka dhaqaaqi
weydo, waxaana si cad u sheegaya ereyga ”xayeesiyid” oo mirahaan Cali
horraanta kaga jira. Xeebtu sida badan waa bacaad oo sawirka meeshii uu awrku
joogsadey laga bixiyey waxaa ku sii duugan murti kale oo socodka xoolaha
weyda ah ku saabsan.
Sida korontadii bay u qabanayaan ereyada iyo
cabbiraadaha Cali Sugulle qofkii afka ku fiican, waxaana keenay dareenkiisa
aftahmo in uu xoog badan yahay.
In aftahmada dadka lagu qanciyo tilmaamahaas
aynu soo sheegnay waxaa weheliya kuwo kale, oo muhiim ah. Haddii aftahmo la
qoro iyo haddii raadiye laga sheegayo iyo haddii telefishin laga daawanayo oo
laga maqlayo iyo haddii qofka aftahmoonayaa uu ku horjoogo kee baa aftahmada
lagu qanci og yahay?
Aftamho qoran haddii labo qof midba mar loo
dhiibo oo ay si fiican raadiye uga akhriyaan waxaa hubaal ah in ay kala
weynaanayaan saamaynta iyo qancidda dheysteyaashu. Haddaba halkaas waxaa laga
ogaanayaa in codadka dadka iyo qaabka ay hadalka isu raacraaciyaan ay
aftahmada qayb weyn ka tahay.
Markii raadiye la dhegaysanayo looma jeedo
qofka hadlaya wajigiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa jirka, laakiin telefishinka waxaa
muuqda qofkii oo hadlaya. Sidaas awgeed haddii aftahmo qura laga soo wada
daayo raadiye iyo telefishin waxaa u dhexeeya farqi weyn xagga saamaynta iyo
qancinta dadka. Waxaa arrintaas keenay in uu muqaalka jirka qofka
afhahmoonayaa qayb aad u weyn ku leeyahay tayada aftahmada.
Telefishinka waxaa aftahmada uga tayo fiican
in uu aftahanku ku horjoogo, oo uu weliba kugu dhow yahay, waayo shuruurta
dadku markii ay isla joogaan aad bay isu saamaysaa. Nin soomaali ah baa wuxuu
noo sheegay in uu marmar la joogey Khaliif shiikh Maxamuud oo gabyaya,
wuxuuna sheegay arrin xoojinaysaa hadalkeennaas.
Wuxuu sheegay in uusan u adkaysan karin in
uu horjoogo Khaliif oo gabay marinaya, wuxuuna inta uu ka tago hadhow
dhegaysan jirey cajaladaha la duubo intii uu maqnaa. Wuxuu caddeeyey in uusan
awood u lahayn in uu dhegaysto ilaa tayada aftahmada qaar la dhimo, oo markii
ay aftahmadu kafoolkafool tahay wuxuu sheegay in uu ka baqayey in uu suuxo.
Intaas wuxuu ku daray in uusan awoodi karin in uu indhaha u dhammeeyo wajiga
Khaliif oo gabyaya, oo uu inta uusan tegin hoos fiirin jirey, si uusan u
suuxin!
Sida uu codku yahay iyo muuqaalka jirka ee
qofka aftahmoonaya waa labada wax oo ugu waaweyn koruqaadidda tayada
afmaalnimada, waxaana laga yaabaa in ay qaybta ugu weyni tahay dhaqdhaqaaqa
jirka iyo shucuurta ka muuqata qofka aftahmoonaya.
Waxaa jira qof markii uu dadka soo eego ay
asaga oo aan hadlin qoslaan iyo mid ay dareemaan in aysan waxba ka diidi
karin. Sidaas darteed qofku sida uu u abuuran yahay cod iyo muqaalba waxay
codkarnimadiisa ku leedahay macne ka weyn inta ay ku leeyihiin
iskudubbarididda iyo ereyadu. Codadka dadka muusigga ku dhafani wuxuu u kala
duwan yahay sida cirka iyo dhulka.
Qofka aftahanka ahi markii uu hadlayo haddii
uu baqayo ama uu filayo in aysan dadka dhegaysanayaa fahmayn ama ay neceb
yihiin oo ay xasdayaan waxaa laga yaabaa in ay kartidiisa cod iyo middiisa
kaleba hoos u dhacaan. Arrintaasi waxay ku xiran tahay qofka dadnimadiisa oo
qaarbaaba aftannada ka hela in ay had iyo jeer sheegaan wax lala anfariiro!
Waxaynu hore u soo sheegnay in aysan qancintu ku koobnayn in dadka laga
farxiyo ee ay noqon karto in laga shakisiiyo ama laga nixiyo, waayo qofka
naxsani wuxuu ku qancay in uu naxo.
”Hebel si fiican buu u hadlay” maxay tahay?
Dadka qaarkood waxay ka eegaan in uu qofka hadalkiisu waafaqay aragti ama
mabda’ ay ayagu qabaan, sidaas darteedna waxay fiicnaan uga jeedaan in uu wax
niyaddooda ku jirey oo ay rabeen ka sharqamiyey!
Kuwa sidaas ahi haddii ay arkaan ama ay
maqlaan qof sheegaya wax aan aragtidooda ama diintooda waafaqsanayn waxay
dhahaan “Si xun buu u hadlay”. Tusaale ahaan haddii ay kuwaasi yiraahdaan
“hebel waa nin gabay xun” waxay ka eegeen in uusan fakraddooda gaaban ku
raacin ee cilmi ahaan uma ay baarin kartidiisa hal-abuurenimo!
Dadka coonaan ahi xagga aftahmada waxay kaga
jiraan mugdi, mana ay garanayaan waxa ay tahay fiicnaanta hadalku.
Tilmaamihii aynu ka soo sheegnay hadalku kuma ay xirnaan karaan aragti iyo
diin, waayo qof tilmaamahaas leh baa toban sannadood oo isku xiga wuxuu midba
haysan karaa aragtiyo kala duwan iyo diimo kala duwan. Sanad kasta oo
tobankaas sano ka mid ah wuxuu leeyahay isku tilmaan oo waa in uu yahay “Aftahan”.
Waxaynu uga jeednaa haddii uu Aftahan SNM ahi ku biiro USC waxba iskama ay
beddelayaan kartidii uu u dhashay xagga aftahmada.
Dad kale oo kuwaas caaqyada ah oo aynu kor
ku soo sheegnay aan waxba dhaamin baa jira, waana kuwo u qaba in ay aftahmadu
tahay hadaltiro! Waxaa maqlaysaa kuwo yiraahda ”Alla ninku aftahansanaa!
Wuxuu hadlayey lix saacadood”! Kuwaas ku dheeraan mayno, waayo waxay
illaaween in ay jiraan shinbiro markii ay qorraxdu dhacdo inta ay ci
bilaabaan uu waagu baryo ayaga oo weli fooryaya!
Waxaa jira dadka qaar aftahmada ku qiimeeya
sida ay dadku qabiil ahaan ugu kala xigaan, oo aan qofka codkarnimadiisa
dareemi karin haddii uusan tolka ahayn! Waxaa kale oo jira kuwo aan dadka u
dhow aftahmadooda dareemin ee dhulal kale wixii looga soo sheego laabraaca.
Haddaba waxaas oo dhammi aftahmada ma ay khuseeyaan ee waa caaqnimo iyo
liidnimo, waxaana sidaas u fakara dadka aad uga dhimman xagga caqliga oo
xoolaha u macne dhow.
Calaamadaha hadalka loogu riyaaqaa waa ay u
kala duwan yihiin dadka, oo qofba midka uu ka caqli yar yahay wuxuu ka sii
xigaa in uu aftahmada ku qiimeeyo aragtiyaha la kala qabo iyo qabiilooyinka
ama dalalka laga kala yimid.
Aftahmada iyo hadalku ayaga ayaa ah wax jira
oo leh xushmad iyo xeerar ay gaar u leeyihiin oo la siiyo, oo haddii uu
afgarooc aad isku aragti tihiin hadlo waa in aad oran kartid “Si xun buu u
hadlay”, halka aad aftahanka aan kula aragtida ahayn ku dhiirran kartid “Si
fiican buu u hadlay”.
Qofkii aan lahayn aqoon uu ku qiimeeyo
aftahmada iyo wanaagga hadalku waa in uu iska aamuso oo uusan ka hadlin
fiicnaanta hadalka oo uu ku gaabsado “Isku diin baannu nahay hebel” ama “Isku
qabiil baannu nahay hebla” ama “Isku xisbi baannu nahay hebel, waana ku
raacsanahay fakraddiisa”, haddii kale wuxuu ku xad-gudbayaa wax weyn oo ah
tilmaamaha aftahmada iyo fiicnaanta hadalka.
Dareenka aftahanku kuma koobna in uu
hadalkiisa diyaarsan karo keli ah ee waxaa u weheliya “afjuxuunsi”, oo dadka
ka soo horjeeda wuxuu dareemi karaa in aysan garanayn humaagyada hadalka, oo
ay u dhisayaan si liidata. Isla markaas wuxuu dareemi karaa aftahanka asaga u
dhigmaa sida uu u gaadayo iyo sidii uu gaashaanka ugu daruuri lahaa.
Marka aynu arrintaan ka hadlayno waa in
niyadda lagu wada hayaa in aysan aftahannadu murmin ee ay aftahmoodaan, oo
sida doodda loo kala helaa ma aha jariibban ee waa qaab waafaqsan cilmigii
aynu soo aragnay oo lagu kala harayo.
Qofka aan aftahanka weyn ahayn waxyaalaha
ugu waaweyn ee lagu afjuxuunsan karaa waa in su’aalo dhadhan fiican laakiin
kharbudaad ah laga geliyo meelaha uu hadalkiisu ka daldaloolo, waxaana
daldaloolkaas daalacan kara aftahanka. Su’aalahaasi waxay keenayaan in uu
isku buuqo iyo in ay dhegaysteyaashu ka aammin baxaan, oo ay aftahanka la
jirsadaan.
Aftahanku markaas guul iyo liibaan buu
dareemaa, wuxuuna ku sii durwaa sidii uu dadka u addoonsan lahaa, oo wuxuu
weerar halis ugu duqayn lahaa ujeeddooyinka lagala soo horjeedey, waayo
cadowgii indhosarcaad baa ku dhacay, dhegayteyaashiina gacantiisa ayey soo
galeen.
Waa in uu cadowga maydgaraaco, isla markaas
uu dhegaysteyaasha sii sarqaamiyo, wuxuun markaas sidii uu rabey u
qalloociyaa su’aalihii uu cadowga ku kharbuday jawaabohoodii, isla markaas
wuxuu xididdada u siiba oo afka ka juxuumaa wax kasta oo ay wateen dadkii la
doodayey.
Markaani waa wakhtiga uu aftahanku aad u
raaxaysto, waayo wuxuu hadba hoos u eegayaa cadowgii la doodayey oo ilmirigle
ah oo afjuxuunsan, wuxuuna dhegaysteyaasha ka dareemayaa in ay ujeeddadiisa u
dhamayaan sidii caano dhay ah!
Sir baa fashilantay! Waa sir aad isku ogaan
kartid in aad aftahan tahay iyo in kale. Adiga ayaa naftaada imtixaan ka
qaadi kara si aad arrintaas u ogaatid. Teer iyo markii aad caqlisatay waxaa
qabtey dhibaato! Dhibaatadaas cid kaaga garawda ama kula fahamta ma aadan la
kulmin, haddii aad la kulantayna ma ay badna dadka kula fahmey, oo waxay
ummaddu kuu arkaan marka aad ka hadlaysid qof qarwaya!
Haddaba dhibtaasi qofka ay haysataa waa
aftahan dabiici ah, oo haddii uu adiga yahay ku seexo in aad aftahan tahay,
haddii kalena ka seexo in aad aftahan tahay. Waa maxay? Waan in aad dadka
dabankooda hadalkooda dareentid in ay jirto si kale ka fiican sida ay u
oranayaan oo ay geesmarayaan quruxdii hadalka.
Haddii aad kala garan kartid dadka hadalka
quruxdiisa soo saara iyo kuwa iska damagsada, laakiin aadan garanayn kuwa
damagsanayaa qaab ay seegeen oo sida laamigii kuugu muuqda aftahan ma ahid!
Haddaba kuwa hadalka dhamayska ah iyo midka
dhiciska ah kala yaqaan, laakiin aan hadalka dhiciska ah dhammays ka dhigi
karini maxay kaga duwan yihiin dadweynaha aysan waxba u kala soocnayn? Xagga
hadalka dadku waxay u qaybsan yihiin dhawr ummadood, oo tusaalahaan hoos ku
qorani uu kala saarayo.
Sakeel ama baaldi ay kaadi dameerood ka
buuxaan iyo mid ay caano geel ka buuxaan iyo mid uu barafuun ka buuxo iyo mid
ay xareedi ka buuxdo haddii loo keeno afar qof oo uu mid lixdiisa lixaad qabo,
midna uu indho la’ yahay, midna uu indho iyo san la’ yahay, midna uusan
carrab, indho iyo san lahayn oo ”Ku weesaysta!” lagu yiraahdo wuxuu malaha
midka aan carrabka, sanka iyo indhaha lahayni ku weesaynayaa barafuunka ama
kaadida, mana uu kala ogaan karo weesadii in ay u ansaxday iyo in uu
faddaroobey!
Haddaba midka lixdiisa lixaad qabaa biyaha
iyo caanaha waa uu kala garan karaa, oo la iskuma hayo in uu biyaha ku
weesaysanayo, hase yeesho ee waxaa laga yaabaa in uusan aqoon sida biyaha
ceelasha looga soo saaro.
Midkaas shaqo fiican ayaa loo hayaa, waayo
lixdiisa lixaad ayuu qabaa oo waa uu xammaalan karaa. Waa qofka hadalka
tayadiisa dareenka fiican u leh, laakiin aan asagu hadal tayo leh abuuri
karin. Wuxuu ka shaqayn doonaa in uu kuwa aan indhaha, sanka iyo carrabka
lahayn u kala sheego biyaha iyo daadida! Ka warran haddii adiga oo caano ku
weesaysanaya lagaa akhriyo internetka ama BBC lagaa maqlo adiga oo ku
qubaysanaya kaadi dameerood?!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
QORAALADII HORE EE SHAAFICI
Dhalasho iyo
Hilbodirir [Shaafici]
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|