SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Janaayo 26, 2004  

Wehel Kama Sugaayo

(hees)

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


  • Waayo arag nimaan noqon
  • La waraysan maayee
  • Waxaan ahay Wadanigii
     
  • Isagoo Wanaag
  • Soomaali weynimo
  • Iyo jecel walaalnimo
     
  • Waran loo afaystee
  • Wadnihiyo halbawlaha
  • Waaxyaha la gooyee
     
  • Walaal kay ninkii dilay
  • Wheel kama sugaayee
  • Waa horaa la kala tagay
     
  • Wadamaduna kala go’e
  • Calanyahow walhanayee
  • Dalka walacda ka hayaa
     
  • Waayo kuma hadheeyaan
  • Nacabkii na weeraray
  • Haday noo wacaayaan
     
  • Wallee way warmoogyiin
  • Wadaniga halgamayaa
  • Intuu wacadka eebiyo
     
  • Weyne kuugu dhaar maray
  • Walaal kay ninkii dilay
  • Wehel kama sugaayee
     
  • Waa horaa la kala tagay
  • Wadamaduna kala go’e
  • Waayeelkii baan nahay
     
  • Waaqlaha la ridayiyo
  • Madaafiicda wadhafka ah
  • Wabiinadu la dhacayeen
     
  • Wedka ugu badheedhee
  • Wiirsiga ka dhudhiyay
  • Waqtiga is badalay iyo
     
  • Wacdariihii na soo maray
  • Waanay noogu filantee
  • Walaalkay ninkii dilay
     
  • Wehel kama sugaayee
  • Waa horaa lakala tagay
  • Wadamaduna kala go’e

Abwaan: Xasan Xuseen C/rashiid
Hargeisa Somaliland

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey
Abdifatah Hassan
hqs@telesom.net

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Dagaal Gali Ninkii Dihin [Maanso ku socota Daahir Riyaale]

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2004
<><><>

XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD