Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Degaanada Sool oo ah degaano ka nabad galay fitnadii iyo
burburkii ku dhacay Soomaalida inteeda badan ayaa waxaa maanta soo waajahay
xaalad adag oo ah dagaalka laga cabsi qabo in uu degaanadan ku dhex maro
maamulada Somaliland iyo Puntland. Dagaalku sidiisaba waa arin aan fiicnayn
oo aan faa’ido keenin. Inkasta oo taas la wada ogyahay hadana hadaad akhrido
ama dhagaysto hadalada ka soo yeedhaya dhinacyada uu arinkani khuseeyo waxaa
muuqata in ay isu diyaarinayaan in ay xalinta khilaafaadkan u maraan wado
colaadeed. Baaqa dagaalka iyo is difaaca ayaad moodaa in uu ka dheereeyay
baaqa nabada iyo wadahadalka. Sidaa daraadeed intaan dagaal la galin waxa
haboon in la is waydiiyo su’aalo muhiim ah oo ay ka mid yihiin “dagaal haduu
dhaco yaa ka faa’idaya? Yaase ku khasaaraya?. Xal aan dagaal ahayni se ma
jiraa?. Waa suaalo muhiim ah laakiin ay yaraatay cid is waydiinaysaa.
Waxgaradkii ay ahayd in ay jawaab u raadiyaan su’aalahan waxaa muuqata in ay
in badani ku qanceen durbaanka colaaada iyo dagaalka. Hadaan Ilaahay si kale
aanu u qadarin waxa ay saadaashu sheegaysaa in ay dhici karto in ciidamada is
horfadhiyaa ay madaxa is galiyaan mustaqbalka dhaw. Waxaan markaa isku dayi
in aan jawaab u raadiyo sua’aalahaa aan kor ku soo sheegay oo ay yaraatay cid
ka jawaabaysaa.
Dagaal Faa’idadiisu waa bubrbur
Nabi Maxamed (csw) ciidankiisa ayuu la dardaarmi jiray ka
hor intaanay fooda is darin ciidamada Gaalada. Wuxuu ku odhan jiray « ha
jeclaysanina la kulanka cadawga…laakiin haday dhacdo in aan kulantaan sabra » .
Markii aan iswaydiiyay xikmadda hadalakan nabigeena waxaa ii soo baxday in
xikmada wayn ee hadalkaas nabigeenu(csw) xambaarsan ay tahay in dagaalku aanu
ahayn wax fiican oo lagu degdego. Arinkaasi (in aanu dagaal faa’ido badn
keenin) waa mid suggan oo ay cadaysay taariikhada bani’aadmigu. Daagaal
bulsho wuxa uu u keenaa burbur, colaad iyo is nacayb waara. Dagaal xal ma
keeno. Dagaalku haduu dhex maro dad Muslimiin ahna kaba sii daran, aduunka
burbur buu u keeni, aakhirana cadaab kulul .
Mabda’aa guud hadaan ka gudubno dagaalka maanta ka dhaca
mandaqadan dhibta uu keeni karo lama soo koobi karo laakiin waxaa ka midda:
1) Wuxuu saamayn wayn ku yeelanyaa nabedgalyada iyo
deganaanta mandaqadaha lagu dagaalamayo. Wuxuu dhalin doonaa barakac dad
badan iyo xoolo. Qaxootigaa badanina ee qixi doonaana waxa ay culays ku
noqon doonaan degaanada kale ee labada maamul ka taliyaan, taas oo labada
maamulba ku keeni doonta culays dhaqaale iyo dhibaato bulsho oo aanay
qaadi karin.
2) Maati badan oo aan waxba galabsan ayaa ku baa’bi.
Caruur bdnina way ku agoomi. .
3) Waxaan ka biqi in ay dhaawacdo daganaashaha
siyaasadeed ee ka jirta Somaliland, khasatan haduu dagaalkani daba
dheeraado amaba uu soo hoyn waayo ujeedadii laga lahaa dagaalkan. Sidaas
oo kale Puntland nabada ka jirtaa khalkhal wayn ayay gali. Waxaana laga
yaabaa in ay soo cusboonaysiiso dagaalo sokeeyo oo ka dhaca Puntland mar
labaad.
4) Ugu danbayntii dagaalkani wuxuu keeni in dhiig
Ilaahay xaaraantimeeyay loo daadiyo waxa aanu istaahilin oo ah dhul laga
wada xaajoon karo..
Yaa ka faa’idaya dagaalkan
Aragtidyadu kor bay ku caday oo waxa weeye dagaal faa’ido
ma keeno. Sidaa oo ay tahay hadana dagaal kasta oo dhaca waxa dhici karta in
uu dhinac ku adkaado. Hadaba haday dhacdo in labada dhinac midkood uu
dagaalkan ku adkaado shaki la’aantii waxa ay u noqonaysaa dhinacaa guulaystay
GUUL SIYAASADEED.
Dhinaca Somaliland
Dhinaca Somaliland hadii ay gaadhaan ujeedadii ay ka
lahaayeen waxa ay noqonaysaa guul siyaasadeed oo wayn oo ku sii dhawaynaysa
helitaankii ictiraafkii la raadianayay dhawr iyo tobankii sano ee tagay.
Arinkani waxa ay suurtagalnimadiisu sii xoogsan hadii hadii ay qanciyaan
beeelaha deeggan degaanadan la isku hayo. Taas oo suurta gal noqon karta
marka aad eegto taariikhda cusub ee siyaasada Soomaalida. Hadii arinkani
sidaas ku dhamaadona waxaan shaki lahyn in ay faa’ido u tahay Mr.Rayaale iyo
xukuumadiisa iyo Xisbiga ay ka soo jeedaan.
Puntland
Hadii dagaalkan ay caabiyaan ciidamada Somaliland amaba ay
qabsadaan meelo kale oo aanay hore u haysan amaba uu daba dheeraado dagaalku
waxa ay noqonaysaa Guul Siyaasadeed oo wayn oo nidaamka Putland u soo hoyata.
Waxa intaa dheer in Mr. Cabdilaahi Yuusuf ay u noqon doonto guul siyaasadeed
oo wayn, waxaanay dufcad siin doontaa doonista uu rabo in uu madaxwayne u
noqdo dawlad Soomaaliyeed oo lagu soo dhiso Nayroobi.
Xalku Muxuu yahay:
Inkasta oo dhinac kastaba uu is tusi karo faa’idooyinkaa
aan kor ku sheegay hadana aragtidayda dagaalkani xal ma u noqonayo mushkilada
siyaasadeed ee mandaqadahan ka taagan. Dagaal faa’ido ma keeno ee taladaydu
waxa weeye intiii laga hortagi karo ha la isku dayo in laga hortago.
Fiiro Gaar ah
Maqaaladayda waxaan isticmaalay “Somaliland” “Puntland”.
Waxa laga yaabaa in dadka qaar ay dhibsadaan. Waa ay dhaci kartaa taas
laakiin waxaan ku qanacsanahay marka la faalaynayo qadiyadaha siyaasda ee
Soomaaliya in la ogaado magacyadani in ay ka mid noqdeen waaqica siyaasadeed
ee Soomaalida. Faa’ida badanina kuma jirto in waaqicaa la iska indha tiro.
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2004
QORAALADII HORE EE SACIID CALI
<><><>
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....