Janaayo 24, 2004
Dagaal Gali Ninikii Dihin
Ku: Daahir Riyaale
baaq. war saxaafadeed
abu-dabi 24-1-2004
xidiga suugaanta dib udejinta somaliya
abwaan abdulrasak jamac botaan walanwal ayaa maanta oo ah maalin
uu ku xusuyo maalin nin nabad gelyada jeclaa somali ka baxay wuxuu
u soo jeediyay baaqan hoos kuqoran usoo jeediyay madaxwayne riyaale iyo
xukuumadiisa.
bm0001. bms/land. baaq,
---------
anigoo ah abwaan somaliyeed suugaantiisuna ku jihaysantay nabad ku wada
noolaansha guud ee ummada soomaaliyeed waxaan ku tusmaynayaa
marka nabadi nicis maleh
ninka nabad necbaystaana
naftiisuu ku waayiyo
nabar ay ku dhufatiyo
naafay ka yeeshaa
nabdigaaga taa gali.
dulucdeedu waxay tahay
nimaan kuu hanbaynayn yuu kuu lisin
-----------
waxaan ugu danleeyay
raga tumi durbaankee kugu raacay dirir bilow
dagaal geli colkaagana.
kuuma ay danaynoo kula neceb xilkaagana.
dulucdeedu waxay .
---------
baadida ninbaa kula daydaya
daala kaa badin
an doonahayn inaad heshana daayin abidkaa
dadkuna moodi duul wada dhashaan wax u dahsoonayn.
dubaaqaaga taa gali.
dulucdeedu waxay tahay haka dhicin salaankee
hoos ubaadh xaqiiqada halis baad ku sugantee.
hel oo baadh wixii jira
halgaan aan lagula wadin howshaada yuu dumin
helistiisuu leeyee.
tusmo. mr riyaale
dariskooda reer sool shacabka togdheer
dadku waxay ku leeyiin
daraad wixii haleeyiyo
doqon baan ogsoonayn
dabin iyo qab loo dhigo
mar labaad ku dalaq odhan
daris aan ku qaadane
doorkan waan digtoonoo
dalac baan ka dhaafiye.
dagaal gali ninkii dihin.
diiday oo ma galiyee
doon doon wax balo raba.
dagaal gali ninkii dihin
digtoonowna hay odhan
dib u jeesan maayoo
duulaan ma galayee.
----------------------
dabka shidaysana
dogob saari maayee
dubaaqaaga taa gali
dawna waan uleeyoo
diricyadaydii goay iyo
daarahaygii dumay iyo
duunyadaan ku waayiyo
dakhar baan bogsoon weli
doogtiisii iga bixin
dulucdeedu waxay tahay
downa aan uleeyay.
daraad gaariyaa yidhi miro daray hadaan bari
duuduub ku liqi jiray
doorkan waxaan hubsanayaa
dirci inuu ku hoos jiro.
dulucdeedu waxay tahay
dab galbeed kasoo baxay
dagalkay ma gubayoo
daris kuma colownee
dagaal gali ninkii dihin
daahir ina riyaalow.
ala haku tusmeeyo
dulucdiyo ujeedada.
by .abwaan abdulrasak jamac botan
abdulrasak3@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
ISKU DIYAARINTA XAJKA
Guud ahaan sidee xajka loo gutaa..
Guji...
..
QORAALADA
DADWEYNAAH
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|