SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 24, 2004

ARAMIDDA TAARIIKHDA IYO COLAADDA SOOMAALIDA.pilot

Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com

 

 
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya..
Guji...


        

Waxaay ahayd hees aad u fiican markaan maqlay, Cimriigii jiryoow caynaanka haay iyo erayo kaloo fara badnaa oo ku jiray hees uu abwaanka caanka ah ee cabdi muxumed amiin qaaday bilowgii dowladii maxamed siyaad, Isagoo abwaankaas ku amaanay heesta kacaankii barakaysnaa ee siyaad bare iyo xulafadiisii, Balse dhamaadkii dowladaas ayuu hadane abwaanka ku soo afjaray hees ahayd Soo gado land-crusser soo bari galay, Haatan waxaad moodaa inay arimahii wax iska badaleen xiligas

Hadaba aqriste arimaha socda ayuu gabyaagii caankaa ahaa ee cali dhuux yiri.

  • Dunnidaan tagtay tadhahdayoo, Taako lagu gaadho
  • Taag iyo ninkii tamar lahaa, Toobiyaha qaadyee
  • Wuxuu tiigsadaa waa aqoon, Tabo dhaqaaleede
  • Tiknoolajiyada lagu tabcado, Tiirka nolol fiican
  • Tamashlaha dad baa haybiya, Iyo tumasho dheeraad ah
  • Tallaabada xumaan loo ballamay, Laysku soo tuumi
  • Tilmaamaha galbeed lagu ogaa, Tallo ismoodsiiye.

Aqristoow abwaan soomaliyeed ayaa markii uu arkay xaaladda uu dalka ku sugnaa ee ku salaysnayd dibindaabyadda, Boobka xoolaha umadda,Cadaalad daridda,Daba-dhilif-nimada iyo ku soo hogaaminta dalka ciidamo shisheeye is weydiiyay su,aasha ah dalkaa yaa is ka leh, Iyadoo jawaabihiisa dhamaantood uu ku saleyey sifooyinka uu gaarka ah dadka dalka loo nisbayn karay oo dabeecad iyo dhaqan ahaanba ka fogaa dadkii uu arkay. La yaab ma lahayn in abwaankaasi is waydiiyo su,aashaa, Aqriste wuxuu kaloo abwaankaasi arkay ama waxaa intaasi ka danbaysay jabhado xukuumadda kaga hor tagay weeraro lagu dhamaaday markii ay xukunka qabsadeen jabhadahii iyagaa hadane dagaal isaga hor yimid iyagoo ku dagaalamaya hogaanka dalkooda.

Weerar iyo weerar celin kadib, Markii kooxuhu kala guulaysan waayeen ayay qaarba dal shisheeye dan moodeen ianay garabsadaan, Waxaana wararka caalamka iyo kuwa gudahaba harqiyey in la sheego in kolba hogaamiye kooxeed looga yeeray itoobiya iyo dalal kale, Waxaana wax caadi noqotay in kii maanta gacan saar la yeesho dal shisheeye ee ciidamadooda dalka ku soo hogaaminaya diidana in la cambaareeyo oo uu barito ka soo hor jeesto cambaareeyana, Midka kalana ku eedeeyo inuu ciidamadooda dalka ku soo hogaamiyey ilaa ay ciidamadda itoobiya qabsadeen qaybo ka mid ah gobaladda dalka soomaliya, Kuna laayeen dad maati ah ama shicib.

Aqrista ciidamada itoobiyaanka ah ee mar walbaa dalka soo gala waxaay gacan saar la leeyahiin hogaamiya kooxeedyada, Sidooo kalaa dagaalka uu dhxeeye itoobiya iyo eriterea ayaa isna sababay in soomaaliya noqoto suuqa ugu wayn ee dalalkaa, Labadda dhinacna ay kale taageeraan kooxaha iska soo horjeeda, Aqriste arimadda taariikhda ayaa laba jilafaynaysa iyadoo iftiinkeedu uu shucaac uu yeelo. Arimahaasi oo dhan waa kuwo taariikhda soomaliya bog madoow laga qoran, Waxaayna muujinayaan uurkutaalo muwaadinka soomaliyeed ee keenayso inuu is waydiiyo dhibaatada umadda goormay dhamaan doontaa, Maxaa yeelay falalkaasi dhamaantood ma ahan kuwo uu ku talaabsan karo muwaadin dhab ah, Balse salka ku haysa shirqool lala damacsan yahay in dalka ay gacanta ku dhigaan dalal shisheeye oo ah ama ay ugu horeeyso itoobiya, Taasina waxaa marqaati ka noqon kara "Emeral Express 98" oo ah kulan weyne caalami ahaaa oo uu abaabulay UNka iyo maraykanka laguna qabtay San diego 5-10 Abriil 1998 oo lagu soo bandhigay qorshaha geeska afrika, Gaar ahaaan soomaaliya oo ay wasiirradda gashaandhigga Eriterea, Taliyayaasha ciidamadda itoobiya iyo keenya iyo dhigoodda mareykanka, Ingariiska,iyo faransiiska, ayaa si aan gabasho lahayn uu sooo jeediyeeen fikradda ah in soomaali qaranimo looga taag waayay, Laguna dhaqo qayb qayb iyo qabiil, Iyadoo awoodda maamulka soomaaliyana loo wakiishay itoobiya, Gacan yarena looga dhigay keenya, Hadaba waxaa fiican kooxaha gacan saarka la leh shisheeyaha in ay amuurtaan ka waantoobaan, Rabina ka baqaan dadkooga iyo dalkoogana aysan shilmaad ku iiibsann

Aqristoow aduunkaan wax walba waa lagu arkaa, Maalin dhawayd ninbaa eed ila daba kacay Dabadeedna waan uu jawaabay waxyabaha uu igu eedeeyay anoo is lahaa ka aarso ama uu jawaab ayaa waxaa dhacay webkii aan qoraalka uu diray waxaay igu yiraahdeen qoraalkaada waxuu uu baahan yahay tafatir aad uu badan, Dabadeedna waxaan iri ninka aniga ii dacayadeynaya miyaan ka duwanahay, Hadaba anoo taa ka duulaya ayaan waxaan jecelahay inaan waxoogaa xagga tafatirka inaan wax yar ka taab taabto anoo og koleey inay dadka ka faaiidi doonaan haduu alla idmo.

Sideedaba habka iyo hanaanka ay uu soo bandhigaan qorayaasha dhaliilaha iyo cabashada ay uu gudbiyaan wargaysyadda madaxa banaan ayaa had jeer intooda badani aanay wafaqsanayn sidii haboonayd, Taasina waxaay dhalisaa in jahwareer iyo dhibaatooyin badani ka soo gaarto tafatiraha wargayska leh, Isla markaa tafatirayaasha oo waqti fara badan ku lumiya hubsashada iyo daba galka xaqiiqada runta ah ee ay ku salaysan tahay dhaliisha ama fikradaha ay dadka is weydaarsanayaan.

Waxaana dhacda in si taxadar leh ay uu badhaan uguna sal garaan si meesha looga saaro qoraaladda xanbaarsan dhaliilaha shaqsiyaadka meel looga dhacaya ama beenta laga sheegayo ama laga leeyahay ujeedooyin gaar ah. In kastoo qorayaasha intooda badani ay uu soo bandhigaan dhaliilaha iyaga oo ayna jirin ujeedo guracan oo ay ka leeyahiin, Ayaa hadana waxaa dhacda in habkii iyo hanaankii haboonaa ee ay ugu gudbinayaan wargaysyada uu u muuqdo mararka qaarkood mid baal maraya isla markaana dhibaatooyin iyo buuq abuuraya, Hadaba pilot ahaan anoo uu faaiidaynaya wargaysyada si aan ugu indho furo dadweynaha ama milkiilayaasha wargaysyada ayaan halkaan waxaa ugu soo gudbin doonaa talooyin ku wajahan talaabooyinka laga doonayo in aanu uu marno markaan fikrad is dhaafsanayno, Sidii aan hore uu soo sheegay qoraaladii hore ayaa waxaa lagama maarmaan ah in ay dhaliishu tahay mid ka fog xaqiiqada ama aan iraahdo runta ku fadhida oo ka madax banaan malo-awaal iyo muhmal la iska soo malmaluuqay. ayaa waxaa inala gudboon inaan is dhaliilin sababtoo ah ma ahan in nacayb iyo cadaawad iyo caadifad shaqsiyeed la isticmaalo,Balse loo gudbiya waxa ay xaqiiqda tahay habka aannu isku dhaliilno ama anagoo eedaynayno mas,uuliyiinta kooxaha ama shaqsi gaar ah iyadoo ujeedo laga leeyahay kuna fadhida toosin iyo saxid oo qudha.

Si ay uu noqota dooda ama dhaliisha aad uu gudbinayso wargaysyadda ay uu noqota mid ra,yul-caamka qancisa, Waxaa haboon waxa aad sheegaysaa noqdo mid dadku Kaaaga marag furo marka aad uu gudbiso jaraa,iidka isla markaana aad calaacalka iska dhaafto, Ama aad keensato dukamenti cadaynaaya doodaas inay sax tahay ama mid qalad ah oo aad dadka ku madadaaliso maalin walbo.

Dhinaca kale doodaada waxaa lama huraan ah in dhaliisha aad tabanayso ama aad soo gudbinayso xalaal ka tahay ama aan laga dheehan danaysi shaqsiyadeed adoo hog ku ridaaya karaamada shaqsiga ay dooda kaala dhaxayso adoo uu adeegsanaya magacyo aan jirin isla markaana abuuri kara colaad adoo shaqsigaasi la damacsan qiyaano iyo farsamo aan hore loo arag,Dhinaca kale dadweynaha wargaysyadda uu gudbiya dooda ama doonaya inay doodaha ka qayb qaataan waxaa muhiim ah ama ka reeban in ay dhaliil soooc ah dabadda uu qabtaan, Iyadoo ay hanaanka dhaliisha loo marro ka mid tahay inaan marnaba la tilmaamin waxii wanaag ahaaa ee uu HORE uu kasbaday.

Waxaa wax laga xishooda ama nin hebel hore uu sameeyay waxaas iyo waxaas, Aqristoow waxaan uu malaynayaa inaan soo kala dhigdhigay habka tafatirka wargaysyada waxaana igu kalifay qoraal aan hore uu qoray oo la yiri tafatirkiisa ayaa qalad ah, Isla markaana qoraalkaan ayaan ugu tala galay inay bal wax ku qaataan tafatirayaasha wargaysyadda, Hadaba dowladii maxamed siyaad ilaah ha uu naxariisteee xiligaas waxaa idaacadiisii radiyo muqdisho ayaan ka maqli jiray barnaamijkii sheeko gaabann, Waxaana aqrin jiray sheekadaas ninkii aan ula baxay Saahid qamaan, Ninkaas iyo sadexda kale ee kala ah, Qamaan bulxan,Cali dhuux iyo salaan carabeey ayaa iyaga waxaay muteen in gabayadooda aad loo jeclaysto, Hadaba dhamaanteenba aannu ku nasanno tixdii cali dhuux..

  • Cir ma da,o, Hadaan daruuuraha soo da,ina
  • Dooxyana ma jeexmeen, Hadaaan daadku marahayne
  • Duunyana ma dhaqateen, Haday waydo daaq baxa,e
  • Aana gabayo lagu diirsadoo, Dux iyo idaan le,
  • Oo aan sidii doogsin roob, Shicibka deeqsiiyo
  • Marna sooma tiriyeen, Hadii aan dareen jirinne
  • Iga duuba maantana, MIdaan dooray baan tirine
  • Dabuubtaa waxaan uga socdaa, Kaama daadegine
  • Kuwa dabinta ii dhigayoo, Nolosha ii diidan
  • May gelin dibaaqooda weli, Dowlad baan ahaye
  • Anigoon dan qaabayn, Haddii laygu deelqaafo
  • Waa daw inaan dooxatadda daanka jebiyaaye
  • Waraaboow maalin wacan, Anaana iskaleh somaliland..

Aqiyaaarta sharafta lahoow qoraalkii maanta intaasi ha inoo joogga ee qamaan bulxan waxaan filayaa inuu soo wadan doona adeerkiisa saahid qamaan, Aqriste dhamaantiinba nabadeey,bye

Colka waraf ma lagu dayey

Qore

Cali diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004

QORAALADII HORE EE PILOT

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

ISKU DIYAARINTA XAJKA
Guud ahaan sidee xajka loo gutaa.. Guji...

.. QORAALADA DADWEYNAAH

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD