SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 24, 2004

Waa Kuma Sheekh Abu-Hamza Al-Misri Maxaase Looga Cayrinayaa Dalkan Britain:

Faalladdii Hassan Salahuddin:


hassanabdillahi@hotmail.com

Uk.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Sheekooyinka iyo faalooyinka ay inta badan qaadaa dhigayeen laguna soo daabacay bogoga hore ee wargeysyada caanka ah ee dalkan ingiriiska ilaa maalmihii ugu dambeeyey oo dhan waxa safka hore kaga jirta sheekhada xasaasiga noqotay ee ku saabsan Sheekh Abu-Hamza Al-Misri oo ay saxaafada ingiriisku ula baxeen(The Hook). Ciwaanada jaraa'idka waaweyn qaarkood ku soo baxayay waxay u dhignaayeen(HA LA ERYO ABU-HAMZA) waxaana ka muuqata marka aad eegtid sida ay faalooyinka uga qorayaan qadiyadan saxaafada ingiriisku inay colaad gaar ah ula soo banbaxeen uguna tafa xayteen sidii ay dadweynaha ku dhaqan boqortooyada ingiriiska ugu kicin lahaayeen cayrinta Sheekh Abu-Hamza, si markaas dadweynuhuna uu cadaadis dawlada ugu saaro in goor aan habeena ahayn maalina ahayn loola kaco Abu-Hamza.

Abu-Hamza Al-misri waxa uu yimid dalkan ingiriiska ugu yaraan 25 labaatan sanno ka hor, dhalashadiisu waa maasari wuxuuse guursaday haweenay u dhalatay dalkan ingiriiska oo magaceeda la yidhaa Nagat Mustafa, halkaas oo uu ku qaatay dhalashada wadankan ingiriiska, waxa uu khudbada jimcaha ka akhriyaa Masaajida weyn ee ku yaala xaafada Finsbury Park oo ku taala waqooyiga Magaalada London, ha yeeshee badhtamihii sanadkii ina dhaafay ayey dawlada ingiriisku albaabada u xidhay masaajidkaas iyadoo laga mamnuucay inuu gudihiisa ka khudbeeyo laakiin sidaas kuma istaajin dacwadiisa Abu-Hamza ee dariiqa u dhaw masaajidka ayuu jimca walba la taagan yahay khudbadihiisa kul kul iyadoo ay hareero joogaan ilaaladiisa xiran waji xirka ay gashadaan xubnaha ururada Hisbullah iyo Hamas ee ka dagaalama bariga dhexe.

Abu-Hamza iyo todobadiisa caruruurii waxa ay ku nool yihiin xaafada Sheperd’s Bush ee ku taala galbeedka magaalada London, waa wadaad isha bidix maqantahay iyo labada gacmood oo la sheegay inuu ku soo waayey intii uu socday Jihaadkii lagula jiray shuuciyadii midawga soofiyati ee dalka Afghanistan sanadihii sideetamaadkii, waxa uu jeediyaa khudbado wata xamaasad ilaa xad ah si toos ah ayaanu uga hadlaa qadiyadaha xasaasiga ah ee dunida muslimka ka aloosan sida Palestine, Ciraq, Afghanistan, waxa uu maxaadarooyinkiisa oo si weyn ay u dhagaystaan shabaabka muslimiintu meelo badan oo dunida ah ku weeraraa awood sheegashada ay maraykanka iyo xulafadiisu ku hayaan meelo farabadan oo dunida ah.


Abu-Hamza Al-misri waxa uu ka khadbeeyaa masaajikda Finsbury Park oo ku yaala Badhtamaha magaalada London ee carriga ingiriiska,

Dawlada ingiriiska iyo Abu-Hamza waxay seefta galka iskaga saareen oo ay isku sii muruxsadeen ilaa wixii ka dambeeyay intii ay dhaceen qaraxyadii September 11, oo uu Abu-Hamza si toosa u taageeray dhaqdhaqaaqa Al-Qacida, waxa hadda u doodaya qareeno dawlada ingiriiskuna waxay ku doodaysaa in uu Abu-Hamza yahay seef la bood aan la hayn karayn oo khatar ku ah amniga Britain.

Ilaa 250,000 oo lacagta istaraliinka ingiriiska ah ayaa ku baxay ilaalada iyo amniga Abu-Hamza, ilaa 500,000 oo kalena waxa isticmaashay laanta gudaha ugu qaabilsan ingiriiska arrimaha sirdoonka ee loo yaqaano M15, oo isha ku haysa afar iyo labaatanka saac Abu-Hamza iyo dhaqdhaqaaqiisa. Intaas waxa dheer lacag ilaa 250,000 oo gini ah oo loo istimaalay kharashka qareenada u doodaya.

Ilaa intii ay dhaceen qaraxyadii gilgilay dalka maraykanka ee September 11, abu hamza waxa laga soo xigtay hadaladan:

(1) “Bin laden waa nin wanaagsan, qof kasta oo dunida muslimka ku nool ayaa ninkaa jecel, wax ka khaldan ma jiro ninkan odayga ah iyo waxa uu rumaysan yahayba”.

(2) “Sinadu waxay ku leedahay Islaamka dhexdiisa ciqaab, Quumu luudnimada iyo shaydaan caabudkuna sidoo kale ciqaab bay leeyihiin, dadka dambiyadaa ku kaca ilaahay baa cadaabaya, wuxuu u soo dirayaa dhagaxaan lagu soo dubay cadaabta oo uu magacoodu dusha kaga qoran yahay, halkii dhagaxaantaas looga soo diri lahaa casrigan waxuu rabi ku saliday Virus gumaada”.

(3) “Dawlada ingiriiska waxsa gadhwadeen ka ah Sahyuuniyo yuhuud ah kuwaasoo u ordaya inay caawiyaan America laayaana shacabka Ciraaq”

(4) “David Blanket(Uk Homme Office Minister) waxa uu u dhaqmayaa sidii wasiir Nazi oo kale ah, isaga oo dhalashada ka xayuubinaya muwaadiniinta aan fikradihiisa la dhicin, David Blankett cadaabta Alla ha Geeyo.

Waa Faalladii Walaalkiin
Hassan Salahuddin.
hassanabdillahi@hotmail.com

QORAAL SOO SOCDA: Waxa faaladan aan ku soo xigsiin doonaa haddii ilaahay yidhaa faallo kale oo daba socota tan oo ku saabsan afar ka mida culimada waaweyn ee wadankan ingiriiska oo iyagana ay dawlada ingiriisku damacsan tahay in wadanka laga cayriyo.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004

.. QORAALADA DADWEYNAAH

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD