Janaayo 24, 2004
Dhalasho iyo
Hilbodirir
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
”Dhalasho” ama ”wada dhalasho” uma baahna
fasiraad oo waa waxa ugu weyn oo ay soomaalidu rumaysan yihiin, laakiin
”hilbodirir” baa laga yaabaa in aysan dadka qaar garanayn.
Hilbodirirku waa erey dagaal oo ah in dadka xagga dhalashada
ama hilibka isku dhawi ay si daacad ah dagaalka u wada galaan, oo aysan is
hagran markii ay dirirayaan, isla markaas aysan dhaawacooda ka tegin, ee ay
isu naxariistaan. Tusaalaha ugu weyn ee labadaas erey macnayaashooda inoo
qeexi karaa waa hadalkaan hoos ku qoran:
”Nimanka Somaliland waa aannu wada dhalannay, iyaka uun baana
awel la midoobey dadkaas kale, iminkana caynkii ay doonayaan uun baannu u
yeelaynaa. Cabdiqaasim iyo raggiisuna iyaka uun baa jira, wax kasta oo uu
doonayana ilaa imminka waannu u qabannaa, waana u qaban doonnaa”!
Waxyaalo sidaas ah waxaa idaacadda BBC ka yiri madaxweynaha
dalka Jibuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle,
Dalka jibuuti waa waddan aad u yar oo uu weynankiisu
yahay 23200km oo labojibbaaran, oo uu macneheedu tahay in ay Jibuuti wax
badan ka yar tahay gobolka Nugaal. Tirada dadku kama ay dabna nus milyuun, oo
waxay qiyaas ahaan le’eg tahay tirada dadka ku dhaqan gobolka Sool. Dalka
jibuuti waa dal faqri ah oo aan wax khayraad dabiici ah oo weyn lahayn,
waxayna xukuumadda iyo nolosha dalku ku dhisan yihiin cawinaad ay gacmo kale
ka helaan, sida Faransiiska.
Intii ay Soomaaliya dagaalladu ku baaheen waxay xukuumadda
Jibuuti iskaashi ganacsi la lahayd shirkado koofurta Soomaaliya ka samaysmay
xilligii ay dagaallada badani ka jireen. Shirkaddii Barakaad baa ugu weynayd
shirkadaha ay Ismaaciil Cumar Geelle isku milmeen, ka dibna wuxuu xoogaa
dhaqaale ah ka helay shir uu qabiilooyinka soomaalida qaarkood hoos kala
heshiiyey, si ay asaga iyo qabiilka ay heshiiyeen ugu xoolaystaan.
Runtii dhaqaale fiican oo aan loo malayn karin buu Ismaaciil
Cumar Geelle ku helay mashruucii Cabdiqaasim oo uu Carta ugu yeeray ”dadaw
dad ma tahay”. Intii uu uu shirku socdey wuxuu helay xoolo uu ku dhaqaajiyey
arrimo ka fadhiyey, wuxuuna mushaar u helay ciidamadii iyo shaqaalihii
xukuumaddiisa oo aan muddo dab shidan. Dabadeed lacagihii badnaa oo uu
Cabdiqaasim carabaha ka soo xaabsaday wuxuu Ismaaciil ku lahaa saami door ah
oo asaga iyo Cabdiqaasim uusan midna sadburaale qaadan.
Dalka maraykanka oo dagaal kula jira wax ay u bixiyeen
”Arkagaxiso” ayuu dhawaan siiyeey meelo ay ciidan dhigtaan, wuxuuna ka qaatay
xoogaa lacag ah. Marka aynu ”xoogaa” leenahay waxaa meesha ku jira in uusan
Maraykanku bixin xoolo la mid ah kuwii ay carabuhu dhiibeen, waayo carabtu ma
ay xisaabtamaan, laakiin reer galbeedka qorshe ayey wax ku bixiyaan.
Hadda Maraykanku waa ay ka shakiyeen oo waxay ogaadeen in uu
ku xiran yahay, kuna xirnaan jirey shirkado argagaxiso lagu tuhunsan yahay,
oo ka hawlgala bariga Afrika iyo meelo kale.
Dhaqaalaha uu Maraykan dhawaan ka helay waxaa ka badnaa mid
weyn oo uu ka qaatay dalal carab ah oo ay ku wada dadaalayaan in aysan waxba
ka hirgelin shirka ay qabiilooyinka soomaalida isugu yeereen dalalka IGAD ku
bahoobey.
Lacagahaas labo qaybood ayuu ka dhigay. Qayb wuxuu ku fuliyaa
qorshe uu kula bahoobey dalal kale oo waa in uu shirka Kenya ku dadaalo in
lagu kala dareero. Dhawr jeer ayuu qabiilooyinka ka amarqaata shirka ka
saaray, oo ay qabiilooyinka kale sugayeen inta ay IGAD shirka ku soo
celinayeen, taas ayaana keentay in uu shirku muddo aad u dheer xayirnaado, oo
hadda sannad iyo dheeraad baa qabiilooyinka qaarkooda nabadda lagu baryayey.
Qaybtii labaad ee lacagaha wuxuu Ismaaciil ku abaabuley
dagaal ay labo dhinac oo qabiilooyin soomaaliyeed ahi isku hardiyaan. Labada
dhinac mid waa dhinac uu xilligaan asagu hoggaaminayo oo ay ku bahaysan
yihiin saddex beelood oo uu shirkii Carta isku beel ka dhigay, dhinaca kalena
waa qabiilka Puntland la baxay.
Dagaalkaas lacag keli ah kuma uu taageerayo ee wuxuu
dhaqaalaha ka sokow ugu hagarxabay in uu ciidan badan dalka Soomaaliya soo
geliyey iyo in uu soo diray saraakiil iyo ciidan tabobar u fidiya beelaha
kale oo ay dagaalka isku dhinaca ka soo jeedaan. Baabuur dagaal oo uu ciidan
ka buuxo ayaa waddada Lowyacaddo habeenno badan guure ku soo maray.
Maaddaama ay Jibuuti dal tahay oo loo oggol yahay in ay hub
si sharci ah u soo gataan iyo in ay ciidamo debedaha ku soo tabobartaan ayuu
Ismaaciil wuxuu Soomaaliland u ballanqaaday in uu wixii hub iyo tabobar ah
ugu hagarbaxayo, isla markaasna uu ciidanka caadiga ah oo dagaalka gelaya
qayb weyn ka qaadanayo, waayo ciidamadiisu waxba ma ay qabtaan, oo wuxuu
diyaar ula yahay in ay qabiilooyinka Soomaaliya tolnimo ula kala jirsadaan.
Xilligaan oo aysan Soomaaliya ka jirin wax xukuumad ahi ayuu
madaxweynaha Jibuuti mudane Ismaaciil Cumar ka faa’iidaysanayaa in uu
dawladnimadiisa kaga takhaluso qabiilooyin uusan jeclayn oo ka mid ah beelaha
soomaalida. Isla markaas ummadda Jibuuti waa uu khayaamay oo dhaqaale ay
naftooda ugu baahnaayeen buu Puntland iyo Kismaanyo kaga khasaariyey, haddana
wiilashoodii buu wuxuu ku sii wadaa dhimasho iyo dhaawac ay ku hoobtaan Burco
iyo Laascaanood dhexdooda.
In kasta oo ay Jibuuti dawladi ka jirto haddana dagaal qabiil
laguma kala adkaado, oo qabyaaladda in loo dagaallamo wax faa’iido ah lagama
helo. Kun baabuur haddii uu Ismaaciil Cumar Geelle Soomaaliya keeno oo uu
dhiig qabiil bilowdo cid wax ka faa’iisa lama arko, waxaana laga yaabaa in ay
dhibta ugu weyni ku dhacdo ciidamadiisa, waayo qabiilooyinka Soomaaliya
dagaalku waa shaqadoodii halka ay ciidanka Jibuuti iska qayilaan oo ay muddo
nabad ku soo jireen.
Toddobaatanaadkii waxaa in uu kacaankii tumashadu xun yahay
ogaa dad farokutiris ahaa, hase yeesho ee sagaashankii caaq kasta ayaa
ogaadey in uu kacaanku gole fisqi ahaa.
Sidaas oo kale markii uu madaxweynaha Jibuuti soomaalida ugu
yeeray bulaankii Carta waxay dadka caqliga lihi dareemayeen culays weyn oo ay
keentay in ay si qeexan u ogaayeen qabyaaladda iyo ficilada ka buuxda
maskaxda mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Isla markaas waxaa la ogaa in aysan
qabyaaladdu khayr lahayn.
Maanta caaq kastaa waa uu og yahay istolaysiga weyn oo
weligiis ka godlanaa geyiga ay soomaalidu degaan, kaas oo ka soo rogmadey
madaxda magaalooyinka Jibuuti iyo Hargaysa. Horay ayaynu maqaal uga qornay in
ay qabyaaladda iyo biyuhu ka yimaadaan jihada woqooyi oo ay jihada koofureed
u qolqolaan.
Maqaalkaan waxaynu u qoraynaa in aynu qabiilooyinka kaga
wacdino in ay islaayaan iyo in uu nin sida Ismaaciil qabyaalad badani dhiig
soomaaliyeed isku daadiyo.
Inta aynaan wacdigaas qaaliga ah bilaabin ayeynu soo
qaadanaynaa maahmaah soomaaliyeed oo ah ”Haddii la hurdamo naag uur leh yaa
ka liita?”. Waa maahmaah su’aal ah, oo ku habboon in Ismaaciil Cumar Geelle
la soo hordhigo.
”Hurdan” waa haraati sida karateega ah oo ay dhallinyarada
soomaaliyeed weligood samayn jireen, waxaana la wada og yahay in uusan
hurdanku u fiicnayn gabdhaha uurka lihi in ay bilaabaan.
Wacdiga aynu qabiilooyinka u jeedinayno waxaynu ka
hormarinaynaa in ay idaacadda BBC dhalasho iyo hilbodirir xilligaan u furan
tahay, oo ay dagaallada qabiilooyinka dhinac si bareer ah ula jirto.
Qofkii ay maskaxdiisu xoogaa furan tahay waa uu og yahay
qabyaaladda BBC, laakiin waxaa laga yaabaa in ay shacab badani iska
dhegaystaan ayaga oo aan waxba isweydiin oo ay iska dhahaan ”Idaacadda ayaa
sheegtay”.
Dagaallada hadda laga abuuray Puntland oo isku qabiil ah iyo
Soomaaliland iyo Jibuuti oo isku qabiil sheegtay dhexdooda yay BBC ilaa iyo
hadda wax ka weydiiyeen maxayse ahaayeen sababaha ay wax u weydiiyeen?
”Markii wax laguu sheego ayaad wax garataa” waa maahmaah, oo
akhristuhu markii uu maqaalka dhameeyo wuxuu malaha bilaabi doonaa in uu
markii uu qof BBC u shaqeeya arko dilo, si uu ummadda soomaaliyeed dhiiggooda
u kala badbaadiyo, oo uu xubin kanser qabta uga gooyo soomaalida.
Toddoba nin baa laga waraystay idaacadda BBC muddadii ay
xiisaddaan cusub ee qabiilku ka socodey gobolladaas soomaaliyeed, ee nabadda
ahaa. Shan qabiilka Puntland baa laga waraystay, labana qabiilka Soomaaliland
iyo Jibuuti.
Labada dhanka Soomaaliland iyo Jibuuti ka soo jeedaa waa
madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ku dhashay
gobolka Ogaadeen, aagga Dirirdhaba, oo ay beeshiisu degaan Jibuuti iyo
Woqooyiga Soomaaliya meelo ay ka mid yihiin. Midka labaad waa wasiirka
arrimaha debedda ee Jibuuti oo ah nin sujuu u eg, oo ay isku qolo yihiin
Maxamed Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariistee.
Madaxweynaha waxaa gurigiisa ugu tegey wiil ka dhashay
beelaha ay istolaystaan oo BBC ka socdey, wuxuuna toos ugu sheegay in ay
Soomaaliland wada dhasheen, uuna u hiillinayo, isla markaas soomaalida kale
aysan waxba ahayn Cabdiqaasim ma ahee! Taas oo caddaynaysa in qabiilooyin
Kenya ku shirsan uu mid ka mid ah dhinaca saarayo iyo in uu qabiilooyinka
Puntland iyo Soomaaliland mid ku hilbodirirayo.
Wasiirka arrimaha debedda ee Jibuuti BBC ayaga ayaa
raadsadey, wuxuuna u xanaaqsanaa si caqliga ka baxsan, oo sida
madaxweynihiisa ma uu degganayn, waayo asagu wuxuu ka dhashay beesha uu
Ismaaciil Cumar Geelle u hiillinayo oo qabyaaladda ayaa wasiirka si toos ah u
taabanaysey.
Waxyaalihii uu wasiirku ku hadlay waxaa ku badnaa magaca
Cabdullaahi Yuusuf oo ah nin ka mid ah ergada qabiilka Puntland u jooga
shirka uu wasiirku Jibuuti u metelayo. Waxaa hadalkiisa ka muuqatey in uu
qabiilooyinka Kenya ku shiraya qaarkood neceb yahay, waana arrin aan lagula
yaabi karin nin uu Ismaaciil Cumar Geelle soo dirsaday!
Shanta nin oo qabiilka Puntland laga waraystay mid wuxuu ahaa
weriye dhexdhexaad ah oo madax ka ah idaacadda laascaanood, kaas oo aan
qabyaalad ka hadlin ee war madax bannaan oo aan tolna u hiillinayn sheegay.
Afarta nin ee kale waxaa waraystay isku nin! Waa nin
Yuusuf
Garaad
la yiraahdo, oo ay Cabdiqaasim isku qolo yihiin, laguna xanto ama lagu
sheego in uu yahay ninka idaacadda qabyaaladda ku kharribay, oo uu si aan
xishood lahayn ugu dhiirradey arrimo ay bulshadii kaga xiisodhaceen oo ay ku
yaqyaqsadeen dhaqanka BBC.
Yuufuf Garaada waa tifaftiraha laanta oo xilligaan, waxayna
shaqaalaha BBC sheegeen in uu saaxiib la yahay habar ingiriis ah oo laanta
madaxda ka ah. Intii aan tifaftiraha laanta laga dhigin wuxuu habarta ula
saaxiibay si aan caadi ahayn.
Markii uu tifaftiraha noqday wuxuu si xun ula dagaalay
Maxamuud Xassan oo ahaa weriyihii iila warsheeg fiicnaa weriye afsoomaali ku
hadla. Sababta Maxamuud Xassan BBC looga cayriyey waxay ahayd qabyaalad iyo
xaasidnimo isku dhafan, waxaana ku dadaaley Yuusuf Garaad oo carintiisa u
kaashaday habarta uu saaxiibka la yahay.
Seeftaybannaanka oo ka dhashay qabiilka Puntland dega ayuu
Yuusuf Garaad wuxuu ku waalay telefoon uu uga dirayey London. Soomaalida oo
dhami waxay wada og yihiin in uu Seeftaybannaanka nin fiican yahay, laakiin
uusan hadalka ku fiicnayn, oo uusan qabiil afkiis ku hadli karin.
Bahallada xoolaha cunaa waxay u kala baxaan kuwo halis ah iyo
kuwo yaryar oo hilib raba aanse lahayn awood weyn.
Libaaxa iyo bahallada la midka ahi xoolaha ma ay cunaan ilaa
ay diloodaan, oo waxay adeegsadaan tabo ay neefka nafta kaga gooyaan, laakiin
dawacada iyo kuwa la midka ahi waxay jecel yihiin in ay xoolaha ka cunaan
meel jilicsan sida in ay idaha barida ka dhaawacaan.
Weligaa arki maysid lax uu libaax barida ka dhaawacay oo
nool, laakiin idaha soomaaliyeed waxaa laga helayaa 10% ay dawaco barida qaar
goosatay.
Seeftaybannaanka wuxuu Yuusuf Garaad u arkaa in uu yahay meel
jilicsan oo qabiilkiisa laga dhaawici karo, wuxuuna u diray telefoonno badan.
Markii labo jeer Seeftaybannaanka uu Yuusuf Garaad ka
jacjacsiiyey buu wuxuu qabiilkiisu ka mamnuucay in uu BBC la hadlo waxaana
amar lagu siiyey in haddii uu Yuusuf Garaad soo waco uu siiyo telefoonka
Maxamed Cabdi Xaashi si uu qabiilka Puntland uga difaaco Jibuuti iyo BBC.
Dhibaatadii ugu wenayd waxay ka dhacday in uu qabiilku
Seeftaybannaanka ka mamnuucay in uu Yuusuf Garaad la hadlo iyo in uusan
Yuusuf rabin in uu Maxamed Cabdi Xaashi waco, ee uu Seeftaybannaanka u soo
dhuumanayo!
Seeftaybannaanka waxaa ayada oo shir loo fadhiyo soo wacay
Yuusuf Garaad, wuxuuna ku yiri: ”Waryaa Yuusuf i maqal! xilahay dalaaqan
haddii aad mar kale i soo wacdid lambarka ayaannu iska beddelaynaa! La hadal
ina Cabdi Xaashi haddii aad Puntland iyo qabiilka deggan la murmaysid!”.
Labo nin oo qabiilka Puntland ah oo kale ayuu Yuusuf Garaad
wacday, waxayna ahaayeen garaad Cabdiqenni iyo
Fu'aad, oo Laascaanood wax
laga weydiiyey.
Horta Fu’aad magaalada Laascaanood mushaar kama uu qaato, ee
wuxuu bil kasta iska xaadiriyaa magaalo aad uga fog, taasina waxay
muujinaysaa in uusan magaalada u badnayn oo aan wax badan laga weydiin karin.
Sababtaas ayuu Yuusuf u wacday dhawr jeer Fu’aad oo maalmihii danbe aan laga
wacayn telefoon sugan, ee ku hadlayey midka gacanta lagu qaato oo uu Yuusuf
lanbarkiisa haysto. Waxaa laga yaabaa in uu markii lala haday joogey
magaaladii uu mushaarka ka qaadan jirey.
Sida Maxamed Cabdi Xaashi in ay wacaan ay BBC uga baqaan si
la mid ah bay waxay uga baqaan Cabdullaahi Yuusuf, oo mar kasta oo ay
waraystaan waxay dhahaan: ”Cabdullaahi oo na soo booqday” ama ”Cabdullaahi oo
na soo wacay”.
Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu rumaysan tahay in ay qabiilooyinka
soomaalidu is horfadhiyaan, oo ay BBC mid ka mid ah tahay. Sidaas darteed rag
ay cadow isku yihiin in uu wacdo wuxuu ka xigaa geeri, oo ilaa ay
qabiilooyinku heshiiyaan ma uu rabo in uu BBC iyo Jibuuti midna waco.
Cabdullaahi Yuusuf waa qof aan go’aan sidaas u miiggan qaadan
karin, oo maalin kasta wuxuu soo wacdaa Yuusuf Garaad, wuxuuna si khasab iyo
dhuunkagelis ah ugu sheegaa wixii uu qabo.
BBC qabyaaladdeedu dhan kasta ayey kaga jirtaa oo waxaa isugu
soo haray dad iska caddaystay tolnimo aan caadi ahayn. London waxaa deggan
soomaali badan, oo qabiil kastaa wuxuu leeyahay xarumo ay keligood isugu
yimaadaan, waayo waxaa luntay soomaalinimadii.
Xarumaha ay beesha Soomaaliland leedahay waxaa mar kasta taga
weriyeyaal tolka ah, waxay dadka joogaa ka soo qaadaan aragtiyo, maanmaaho,
maansooyin iyo wax kasta oo ay sheegi karaan, laakiin xarumaha qabiilooyinka
kale weligiis Cuuke cag ma uu dhigin. Wuxuu makarafoonka la aadaa meesha ay
tolku ku qayilayaan.
Tusaale kale oo yaxyax leh waxaa ah socdaalkii uu gabyaaga
Maxamed-Hadraawi ku marmaray Yurub, oo ay BBC sameeyeen arrin yaab leh.
Dadkii socdaalkaas sameeyey ujeeddo macne leh ma ay lahayn,
waxayna Hadraawi, raglamood kale iyo weliba gabdho, oo aan isku qabiil ahayn
ee magaca lumay ee ”soomaali” wadaagey.
”Sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabadgalaan” ayey
soomaalidu ku maahmaahaan, waxaana maahmaahdaas ku dhaqmay Cuuke iyo Hereri
oo BBC jooga, oo ku dadaaley sidii loo qarin lahaa Hadraawi saaxiibbadiisa
aan tolka ahayn asagana loo sheegi lahaa.
Gabyaaga laftiisa waxaa la moodaa in arrintaas hoos looga
sheegay, waayo mar kasta oo ay labadaas nin oo tolka ahi soo wacaan wuxuu ku
oranayey: ”Waxaan joogaa meel hebla, waxaanna u socdaa meeshaas”.
Dhaqanka soomaalida waxaa ka mid ah in haddii uu nin gabar la
baxo uusan inta ay safarka ku jiraan adeegsan karin ereyga ”Aniga” ee uu
isticmaalo ereyga ”Annaga”. Tusaale ahaan waa in uu dhahaa ”Waxaannu ka nimid
Balcad, waxaannuna u soconnaa Jawhar”.
Haddii uusan sidaas u hadlin wuxuu dhaqanku qabaa in uusan
gabadha geyin, laguna meherin karin. Haddaba sidee bay ku dhacday in raggii
uu Ismaaciil Cumar Geelle isku soo daray, oo Jibuuti iska soo raacay ay
sidaas isu khayaaneen?
Waxaa laga yaabaa in ay iska wada socdeen ee aysan isfahmayn,
waayo waxay wada akhristaan maansadii ahayd:
-
”Muqdishiyo Hargayay
-
Kol haddii mar iyo labo
-
Mooyi mooyi lagu yiri”
Waxaa la hubaa in aysan ikhyaartaasi isku si u fahmayn
maansadaas iyo kuwa la midka in uu Hadraawi ula jeedey qabyaaladda uu hadda
Ismaaciil Cumar Geelle haluuqayo lafteeda. Dadku marmar bay ayaga oo isla
jooga oo sheekaysanaya in loo kala turjumo u baahan yihiin!
Khubaro badan oo arrimaha soomaalida u fiirsaday baa waxay
sheegeen in haddii ay soomaalidu qabiilka si toos ah oo xayi ah ugu dhaqmi
lahaayeey ay heshiin lahaayeen! Waa arrin in lala yaabo ay dhici karto,
laakiin markii la fasiro laga yaabo in ay macquul tahay.
Waxaa la sheegay in aan soomaalida qabyaaladda lagaga saari
karin in la sheegsheego in ay qabyaaladdu xun tahay keli ah, waayo dadku
hadal aan tijaabo cad lahayn waxba kuma ay qaataan.
Waxaa caddaatay in ay dadka soomaalida ahi qabiilka iyo
diinta aad u haystaan, laakiin aysan wax kale haysan, isla markaas ay
labadaas arrimoodba aad ugu xoog badan yihiin qofka soomaaliga dareenkiisa.
Tacliin kasta oo uu qofka soomaaliga ahi barto iyo darajo kasta oo uu gaaro
wuxuu isugu biyoshubanayaa in uu tolnimo ugu hiilliyo, ee lagama yaabo in uu
soomaalida oo dhan ku caawiyo.
Mar kasta oo ay dad soomaali ahi meel isugu yimaadaan waxay
afka ka sheegaan in ay qabyaaladdu xun tahay, laakiin qof walba haddii aad la
saaxiibtid waxaad ogaanaysaa in uu qabyaalad aad u haysto. Wadaaddada kuwa
ugu qaylo badan haddii aad hoos u sii raacdid qabyaalad baad ugu tegaysaa.
Madaxda waxaad arkaysaa in ay ugu daran yihiin dadka oo ay qabyaaladdu tahay
aragtida ay wax ku xukumaan. Ismaaciil Cumar Geelle waxa in uu ciidan
ciddiisa ah Yagoori dhoobo ku kallifay wax sahlan ma aha!
Dadka maansooda haddii aad baartid wuxuu mid kastaa marka uu
maanso bilaabayo ku halqabsadaa qof ay isku qabiil yihiin. Bal waxaad eegtaa
maansooyinka magacyada lagu bilaabo oo dhan sida in lagu bilaabo ”Abdiyow”.
Ma uu jiro malaha qof soomaali ah oo ku bilaabay qof aan la qabiil ahayn, oo
lagama yaabo in uu Hadraawi oo kale maanso ku bilaabo ”Culusowow”,
”Tubeecow”, ”Singuboy” ama ”Afraxow”! Laakiin in uu ”Qaysow” ama ”Siilaanyow”
ama ”Gaarriyow” yiraahdaa waa arrin la hubo.
Haddaba maxay yihiin xiddadaan sidaas u adag oo aan la jari
karini? Haddii ay janno ku gelayaan iyo haddii ay cadaab ku gelayaanba waxaa
la isku raacay in ay soomaalidu qabiilka jecel yihiin, oo haddii ay
qabyaaladda caayaan ay istustus been ah tahay, ee ay runtu tahay in ay 100%
qabyaalada ama la qayliyaan ama ay la aamusaan! Waxaaba ugu daran midka
cudurka la aammusa, sida uu Ismaaciil Cumar Geelle ula aamusnaa intii uusan
ciddiyaha ku dagaallamin!
Waxay dad badan oo soomaalida u fiirsaday sheegeen in waxa
sidaas loo jecel yahay aan qarintooda guul lagu gaari karayn. Haddii la
qariyo waxaa soo badanaya dhibtii, oo waxay noqonayaan dheri karaya oo hado
la saaray!
Sidaas markii loo qeexay waxaa loo maleeyey in ay fiican
tahay in uu qabiil kastaa madax samaysto, dabadeedna ay madaxda qabiilooyinku
sameeyaan wax soomaali la isku yiraahdo oo qaran ah, laakiin haddii qaran aan
la fahmayn oo aan niyadda lagu wada hayn la iskula soo ordo markiiba colaad
iyo wareer baa bilaabanaya.
Madaxda qabiilooyinka waxaa laga wadaa madax aan
caadoqaateyaal ahayn, isla markaas aan qabiilooyinka kale necbayn ee
raadinaya in ay qabiilooyinku si daacad ah u wada dhistaan qaran sugan oo ka
dhexeeya. Kuwaasi waa in aysan qabiilka iyo qaranka midna khayaanin ee ay
karti u leeyhiin isu soo dhawaynta qabiilooyinka iyo ilaalinta xuquuqda guud.
Waxaa xilligaan aad u badan dad calooshooda u shaqaysta oo
aan soomaali iyo qabiil midna dan u hayn, kuwaas oo inta ay qabiilkooda ka
tagaan qabiilooyin kale la qayila oo kuwaas kale qabyaaladdooda ku caawiya.
Gabdhaha yaryarka ahi markii ay suuqa gelayaan waxay ka
cararaan reerkooda, waxayna barafuun isu mariyaan dad aysan garanayn! Marka
waxaa jira kuwa sheega in ay magacii ”soomaalinimo” ka dhexraadinayaan in uu
nin qabiilkiisa u shaqeeyaa biilo, oo ay agtiisa maxaabbiis ku ahaadaan. Kuwa
sidaas ahi qaran ma ay fahmin, isla markaas ma ay laha aragti dheer iyo
dadnimo, ee waxay fahmi karaan qaadkooda iyo quudkooda maalmahaas ah.
Shakhsiyaadka sidaas ahi waxay daliil ka dhigtaan in ay qaran
sidaas ku doonayaan. Haddaba in uu qofku qabiilkiisa qabyaalad ku taageero
iyo in uu qabiil kale qabyaalad ku taageero waxaa caqliga u dhow in uu qofku
qabiilkiisa tolaysto, waayo natiijada uu gaarayaa mar kasta waa iska
qabyaalad. Bal su’aashaad weydii qof Shiima ama Baraasiil ka yimid oo u
fiirso jawaabta uu ku siiyo!
Qarannimo lagu gaarimayo in hadba meel qaad iyo khamro loo
doonto, oo lagu hoos qayilo nin tuug ah oo aan dan soomaaliyeed fahmi karin,
haddana aan rabin dan soomaaliyeed ee cuqdad qabiil meel la fadhiya.
Dabeecadda noocaan ahi waxay fogaynaysaa in ay qabiilooyinku
heshiiyaan, waxayna fududaynaysaa in ereyga ”qaran” uu noqdo wax lagu qayilo
oo ay dad maangaabyo ahi ku lebbistaan.
Waxaa kuwaas caaqyada ah ka maqan in ay wixii diriray
qabiilooyin ahaayeen, oo ay dagaallameen tolal uu iskaashi cuqdadeed ka
dhexeeyo iyo tol kale. Haddaba markii la heshiinayo waxaa heshiiya dadkii
diriray, oo hantidii ay kala boobeen isu celiya kuna heshiisa shuruudo iyo
xeer muuqda oo miiggan, ee in uu qof caaq ahi ayaamo meelo ku soo qayilaa
heshiis ma ay aha!
Qabiilooyinka kala tegey oo mid kastaa meel gaar ah ku
uruuray la isuguma soo jiidi karo cayaar iyo durbaan been ah oo loo tumo dad
aan fiiro dheer lahayn iyo kuwii awal dalka soo kharribay. Marka ay
qabiilooyinku isku soo noqonayaan waa in uu mid kasta hoggaaminayo qof ayaga
ka mid ah, oo aan sida gabar suuqa gelaysa dhuundhuumanayn, oo aan geesaha
fiirfiirinayn.
Horta maxaa keenay in ay qabiilooyinku kala baydadaan oo ay
iscolaadiyaan? Marka dadka dareenkooda la eegay waxaa shacabka ku jirta
baqdin uu qabiil kastaa u qabo in uu mid kale xaqooda qaadanayo oo uu
dabargoynayo. Intaas waxaa dheer in uu qabiil walbaa u malaynayo in la
dulmiyey oo ay kuwa kale xaq uu leeyahay iyo degaan horay uga soo boobeen.
Waxyaalihii hore haddii laga samri lahaa waxay qabiilladu ka
baqayaan mustalbalka. Mid aan in uu qaran iyo dawlad helo rabini ma uu jiro,
ee waxaa laga baqayaa in dawladda soo socota la isku dulmiyo ayada oo
qabyaalad lagu hoos wado dantii qaranka oo ummadda ka dhexaysey.
Haddaba baqdintaas maxaa lagaga dawoobi karaa? Qabiil kastaa
wuxuu u baahan yahay in uu nabad helo iyo in aan xuquuqda uu qaranka ku
leeyahay la seejin. Haddii uu intaas in uu helayo hubsado xamaasaddu waa ay
qaboobi lahayd, oo carruurta dhalan doonta qabyaalad wax aan ahayn bay ku
mashquuli lahaayeen.
Qofka uu xanuunka qabyaaladdu hayaa waa in uu ogaado in qofka
kale oo ka soo horjeeda qudhiisu uu jirradaas xun lafteeda qabo, sababtuna ay
tahay in uu asaga ka cabsanayo, oo haddii ay cabsidaasi meesha ka baxdo uu
qaranku cagodhiganayo.
Cabsidaas in qabiilooyinka laga dhexsaaraa waxay u baahan
tahay in dadka run loo sheego oo la tuso in ay qabiilooyinkii wax macquul ah
ku heshiiyeen. Waxaa ugu culus in degaannada ay qabiilooyinku kala degaan mid
kasta meeshiisa lagu xushmeeyo oo uu helo nabdgelyo muuqata oo ku kalsoonaan
karo.
Kalsoonida ugu weyn waxay qabiilooyinku maanta ku qabaan
madaxweynaha iyo magaalomadaxda, waxaana aragtidaas xun keenay kacaankii oo
muujiyey in madaxwenuhu uu yahay wax muhiim ah iyo in ay caasimadduu tahay
meel muhiim ah.
Aragtidaas ayaa weli maskaxaha shacab badan u xiran, waayo
wax ka danbeeya ma ay arag oo waxay u qabaan in ay dawladnimadu tahay in
madaxweyne la ammaano oo laga baqo iyo in magaalo keli ah la dhoobto.
In uu madaxweynuhu qof dadka ka mid ah oo xafiis xafiisyada
ka mid ah jooga yahay, caasimadduna ay tahay magaalo magaalooyinka ka mid ah
ayaa waxay soo dhawayn kartaa in uu shacabku dareemo in uu dalka asagu
leeyahay oo uu waajibaad iyo xuquuq ku leeyahay.
Caasimaddu waxay magaalooyinka kale kaga duwan tahay in ay
sida badan barlamaanka iyo dawladdu joogaan iyo in ay safaaradaha shisheeyuhu
ku yaalliin, ee ma aha meel laga helo hanti iyo sharaf aysan ummadda inteeda
kale heli karin.
In ay magaalada dalka ugu weyn tahay iyo in ay midda ugu yar
tahay mace ma ay leh, isla markaas in ay gobol shidaal ama beero qeni ku ah
ku taallaa macne ma ay laha. Sidaas awgeed marka aad ereyga ”caasimad”
maqashid waa in aad ka fakartaa in ay xafiifyada iyo dhismeyaasha qaranka u
dhexeeya badankoodu ku yaalliin ee ha ka fakarin in ay tahay meel lagu cuno
hanti dalka intiisa kale laga soo boobay iyo hanti debedaha laga soo baryey.
Waxay dadka qaarkood rabaan in lagu ordo in qof tuug ah
madaweyne loo magacaabo, tuug kale ra’iisulwasaare, oo ay ayaguna wasiirro
ama safiirro ka noqdaan waxaas hungada ah oo la magacaabay! Haddaba hubka
qabiilooyinku haystaan ma uu ha qaadi karaa tuug qaxooti ku ahaa dalalka
galbeedka oo boorso sitaa?! Ma ay isu soo celin karaan dadka sidaas ahi
kalsoonidii qabiilooyinka kala guurey? Imisa qori baa taal dalka Soomaaliya
gudihiisa oo aan xukuumad ka amarqaadan? Dadka madaxweynaha magacaabayaa
awood ma leeyihiin ay baahida jirta ku raadin karaan mase waa qaxooti iyo
danyar aan wax weyn ogayn?
Baahida ummadda soomaaliyeed ma aha in la yiraahdo ”hebel baa
madaxweyne ah, hebelna waa wasiir”, oo ay qof ama labo tuugo ahi meelaha
qaarkood lacago ay jeebkooda ku ritaan ka soo barbaryaan.
Waxa ugu weyn oo maqani waa kalsooni iyo nabadgelo.
Nabdgelyadu waxay ku xiran tahay in hubka ay qabiilooyinka ama shacabku
haystaan ayaga oo raalli ka ah gacan dawladeed la geliyo. Marka ma tuug lacag
iyo cunto raba oo aan hubkaba fahamsanayn baa nabad iyo kalsooni keeni kara?
Ma qof aan labo jilib oo kala tegey xeel iyo xoog midna isugu soo jiidi karin
baa lagu caawinayaa in uu tuugnimadiisa sii xoojiyo oo uu dadka isku sii
diro? Waxyaalaha aan caqliga waafaqsanayni waxay sii fogaynayaan kalsoonidii
iyo nabaddii qabiilooyinka.
Inta ay dadka maskaxdooda colaaddu ka baxayso, oo kalaguurka
laga soo kabanayo waxaa la cuskan karaa in awoodda ugu weyn ay yeeshaan
degmooyinku oo dadka la tuso in uusan madaxweynuhu awood lahayn ee ay ayagu
awood leeyihiin iyo in ay taladu degmadooda taal ee aan meel kale oo fog
looga talin.
Kalsoonidaas markii qofka la dareensiiyo waxaa ka jabaya
xumaddii iyo shakigii uu qabiilooyinka kale ka qabey, wuxuuna markaas ka dib
raadsanayaa shaqo uu noloshiisa ku socodsiiyo, waayo wuxuu joogaa dalkiisii
oo nabad ah, oo uusan cidna u ciilqabin.
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
QORAALADII
HORE EE SHAAFICI
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|