Xilligii gumaystuhu joogay Gobolada Waqooyi, wax
qaybsiga beelaha waxaa qayb libaax markasta lahaa Qabiilka Isaaqa, wax kasta
oo la qaybsadana waxay heli jireen in kabadan 60%.
Sababtoo ah ka tiro badnindooda inta kale, dhanica
Britishkana uga far dhuub-dhuubnayeen, kana Aqoon iyo Hanti badnaa kuwa
kale.waayo dhowr iyo labaatanakii sano ee Hartigu la balanbalayey Darwiishkii
iyagu wax bay baranyeen.
Markii gumaysigu baxayna sidaas ayey ahayd, Balse
Reer Sheekh Isxaaq qaybkoodaas Libaax waxay ku doorsadeen midnimadii ay
koonfur kula midoobeen, Midowgaas ayaana kala wanaagsanayd qayb libaaxa ay ku
helayaan somali kala maqan amase burkaba bahal kama ay filan.
Nasiib Darro Qabaa'ilkii British Somaliland ka yimid
Shuruud la'aantii ay ku midoobeen iyo ayagoo aan ahyn dad wada socda oo soo
xeer samaystay oo hal ah ayaa sababtay in ay qoloba qoladii xigtey
xulafaystaan. Tusaale ahaan markiiba Hartigii waqooyi waxay xulafo la noqdeen
Daaroodkii kale ee ay Koonfur ugu yimaadeen. Waxaa ugu xoog weynaa
isbahaysiydaa sida kii Muddolood iyo Harti,Carabsaalax iyo Baho(Tanade iyo
Yusuf).
Dawladdii u horreysey oo somali midaysani yeelatana
Cigaal oo noqon lahaa madaweynaha Somaliland haddaan midowgu dhicin waxaa
laga dhigay wasiirka waxbarashada kuwii ka sii hooseeyeyna daa hadlkood.
Markiibana qabaa'ilka Isaaqu waxay arkeen in ay bad
dhexgaleen oo ay noqdeen kuwo laga tiro badan yahay.
Dad badan ayaa arrinta dareensanaa, doorashdii
saddexaad ee Madexwenye loo Doortay Cabdirashiidna iyadoo ay jirtey in dad
badani kulka taliyeen in uu Ismaciil Jumcaale u magcabo Ra'iisul wasaare
haddadna wuxuu go'aansaday in uu dheellitir sameeyo Cigaalna Magcaabo.
Waa tii Khaliif dhirbaaxo-jin ugu jawaabay.
- Adigoo maruuryio iyo ciil wada madoobaaday
Adigoo Martabadaad lahayd galab lagaa meershey
oo meel Cidla ah taagan baan maandhow kaa naxaye
Ministeerka waataanka dhigay Habar magaadlaaye
waataan mas'uul kaaga dhigay ma hurtadaydiiye
Dadka magaca weynliyo Hatraan kaala dhigay meele.
Dawladdii Ccabdirashiid waa tii aanay waarin oo
markii Cabdirashii la dilay askartii
xukunkii boobtay.Cigaalna xabsiga loo taxaabay.
Waxaa dad badan ka fajicisay Markii Cigaal Xabsiga la
dhiagy, Yaasiin Nuur oo ahaa ninka saadexaad ee waddanaka ugu awood badan
lama xidhin waxaana la sheegay in lacag faro badan inta la siiyey bannaanak
llo diray.
- Yaasiinna waadiga waddacay baankana u wadhaye'
Maxaa ina cigaal ka wataa oo keligii loo waayey.
Saraakiisha Ciidamada oo ahaa wakhtigaa dadka kali ah
ee aqoontoodu heer jaamacadeed gaadhsiisantahay ayay ahaayeen kuwii ugu
harreeyeyee arrintaa ka dhiidhiyey waana kuwii 1961kii inqilaabkii
dhicisoobay oo waddanaka dib ugu kala gooyaan isku dayey.
Wakhtigaa laga soo bilaabo reer Sheekh Isxaaq waxay u
qalab qaateen goor aya ahaataba in ay mar uu midnimadii dub uga baxaan,siday
donataba ha ku timaaddee.
Haddii ay bilawgiiba inqilaabkii ku fashileen isku
daygii labaad wuxuu noqday in ay sixir adeegsadaan, waxayna qorsheeyen in ay
dadka Daaroodka oo ay nacabka koowaad ugu yeedhaan bal Sixir iyo Fal ku
dayaan.
Markii Bile Rafle Badhasaabka ka ahaa Gobolka Waqaayi
Galbeed ayey Culimo sixir isugu yeedheen Raashin aad u badan yaa la
kariyey,dabadeed arrantii waxaa ka war helay Bile Rafle,ciidamo ayuu
kaxaystay oo goobtii tegey rashinkii iyo wixii la guntaayeyba ciidda ku daray
wauxuuna u sheegay hadday wax garanayaan in ay isaga sxiraan.aartaasi waa
arrin Hargeysa caan ka ahayd.
Waxaan kaloo garanayaa annaga oo Hargeysa guriga hor
fadhina in aan maqallay xaafaddii oo isugu qaylinaysa ""Bariis cad,Bariis cad
hala wada karsado"".dabeed mid yar oo walaalkay ah ayaa Hooyadaya Ku yidhi
Waar Hooyo annakana Bariis cad noo kari, markaasay Hooyo ku tidhi """Waar
Hooge idinkaa la idinka karsanayaa"".....sow yaab ma aha.
Haddaba inkastoo aanu Sixirkaasi sidii la rabay u
wada shaqayn haddana waxaa cad in aan laga wada badbaadin. sowkan Fuaad Aadan
Cadde sacsacay ma aha, sow kan Qaybe sawaabay ma aha, sow kan Saciid Maxamed
Gees Dhaan-dhaamay ma aha.
Markuu shaqayn waayey waa kuwii aakhirkii dagaalka u
guntaday, kuna guulaysatay dhulkoodiina gacanta ku wada dhigay cidina aanay
ugu arrimin maanta.
Haddii ay dhulkooda ku ekaan lahaayeen waxba ma
dhaceene waxay usoo guntadeen in ay dhul iyo dad anaay lahayn u arrimiyaan
iyagoo ku andacoonaya hal gumaysi baa inna wada gumaysan jiray. waxaan aad
ula yaabaa markay yidhaahdaan Xudduudda caalamiga ah iyo afrikii waxay
go'aamisay in xuduudaha sidii uu Isticmaarku kaga tegey loo daayo. waxaa ka
maqan in Ururka Midawga afrika ee arrtintta go'aamiyiey la asasy 15 May 1963
halka isku darka Soomaliduna uu ahaa 1 luulyo 1960 kii. Haddaba iyadoo la
ogaa sababta iyo cidda go'aankaas keenatayba haddana haddii la yidhi
xudduddaha sidoodii ha loo daayo lama odhan kuwii isku darsamay dib ha loo
kala celiyo. waan ogahay in inta aqoonta lihi arrinkaa ogyihiin waxaase
mushkilo ah dadka cawaanta ah ee afka loogu tiray Afrikaa sidaa tidhi.
Waxaas oo dhan waxaa ku kallifay ka carar ay ka
cararayeen in ay wax la qaybsadaan dad ka badan. shilse wuxuu ka dhacayaa
wixii ay iyagu ka cararayeen ayay rabaan in ay dad kale geliyaan. sow ma
doonayan in qolona Somaliland(waqooyi) Laga badane ku ahaato qolona
Samaliya(Koonfur) laga badane ku ahaato. haddaba siday u niyaysteen in aan
waxaa ka aqballo. waar yaan waxaan suurto gelihayn wakhti iyo tacab lagu
lumin. waxaad ka cararayso cid kaa liidato oo aad ku reebaysaa majirto.
sow wax la waayey Geellow ninkii waalan bay duda maaha....
Nasiib darose waxay ka joogtaa maanta oo dagaal reer
Puntaland iyo guud ahaanba beesha loogu mici lisanayo in dad badan oo aan
xilkas ahayn arrintaba fahmiwaayaan.
oo ay cadowga dacaayado u samaynayaan.
waxaad maqalaysaa Websityo(web sites) reer Puntland
Sheeganaya oo Cabdillaahi Yusuf dacaayadaynaya iyagoo kala garan waayey
Puntland iyo Madaxweyne Cabdillaahi oo yidhaahda Maamulka Cabdillaahi Yusuf
oo wakhtigii sii dhaammaaday, ciidamada Ka amar Qaata Cadde Muuse, dawladda
madaxa ka nool ee Cabdillaahi IWM maxay kaga duwan yihiin kuwa Isaaqa ee
caadaystay in ay Punatland ugu yeedhaan Maamulka Majeerteen. Xaggayse joogaan
Ciidamada Cadde Muuse ka amr qaataa?
Dadkaasi waxay weli taageeraan Jaamac Cali jaamac.
waxaan kuwaa xusuusin lahaa bal malee haddii maanta Jaamac madaxweyne
Puntland ahaan lahaa maxaa dhici lahaa. sow markii Daahir Rayaale u hanjabo
intaanu weli xabbad soo ridin sidiisii durduro xaf iskuma siiyeen, sahalna la
innakuma qabsadeen oo col jabay oo madaxweynihii cararay ma noqonneen.
waxaan u malaynayaa in qolyahaasna sixirkii wax ka
soo gaadhay.
Haddii aad neceb tahay in Yusuf yey, maxaad
beddelkiisa haysaa, sowtii inta shir la isugu yimid oo wixii caqli iyo cilmi
aynu haynay la isu geeyey Jaamac Boodda dheere la keenay ma aha. Isagaa
Rayaale ka fulaysnaa oo Rayaale markuu Laaska ka cararay meel u dhow buu
tegeye sow tii Jaamac orodkii Djibouti fadhiisatay ma ahayn
Haddaba Anigoo an taageraasha Cabdillaahi ka mid
ahayn ayaan waxaan arkaa ama u haystaa maanta in uu yahay askarigu mid
xaaladda taagan ku habboon.
- Nin Baraar Gabraartaa mar buuu gaasa bixiyaaye
- Giirow nin maala mar buu Galax ka giigaaye
Gablan weeye meeshuu ka tegey guud caddaw odaye
Iga gawrac guriguu ka baxay waw gablamayaaye.
Iiddaaya odayga maalinkaas maanta ah. waan u
baahanahye.
Caanteynkaygaas
Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com