Janaayo 24, 2004
BADHI CAB
Ismail A. Hassan (Khaliil).
Khalka1@aol.com
Waabaa waxaa jiray nin odey ah oo dadka daaweeya,
waxuuna ku caan baxay hal shay. Wuxuu wax ku daweyn jiray badhida idaha.
Qofku cudurkuu doono ha qabo ama meeshuu doono ha ka cawdee wuxuu siin jiray
hal jawaab. Kii madaxu xanuuno, kii caloosha ka cabanaya, kii joonis qaba iyo
kii meel kale laga hayaba wuxuu u hayay hal daawo. Waa badhida idaha, waxaanu
ku oran jiray "badhi cab".
Maalintii dambe ayaa waxaa u yimid nin awrkiisii ka lumay markaasuu talo
weydiiyay ninkii odeyga ahaa, odaygiina wuxuu siiyay taladii lagu yiqiin
waxaanu ku yiri badhi cab!
Ninkii sidii odeygu kula taliyay buu yeelay oo badhi ayuu ka dhergay.
Habeenkii markuu seexday ayaa waaberigii caloosha laga qabtay markaasaa intuu
hurdadii ka soo booday uu u soo baxay meel reerka duleedkiisa ah si uu ugu
soo xaajo guto. Ninkii intii uu dhexda ku sii jiray ayaa wuxuu mar keliya
mudh ku soo yidhi awrkiisii oo geed iska hoos fadhiya! Ninkii odeyga ahaana
Ilaah waa u ceeb asturay.
Waxaa hubaal ah in maanta qarankii Soomaaliyeed uu ku dhacay cudur.
Waa cudurka burburiyay dawladnimadii iyo dadnimadii Ummadda
Waa cudur asiibay mar hore maalinba maalinta ka dambaysana ku sii fidayay
dawladnimadeena ilaa ugu dambaystii ay afka dhulka darto dibna uga soo kici
weydo. Waa cudurka beelihii Soomaaliyeed ee deriska ahaa kala dhexdhigay
xuduud, ku abuuray isnacayb iyo shaki ugu dambaystiina sababay inay kala
aamin baxaan. Waa cudurka 14ka sanno daawadiisa la raadinayay ilaa hadana aan
la hayn.
Xilligii xukuumaddii milateriga ahayd wadanka ka talinaysay oo caddaadiskii
ay shacabka ku haysay ka dhasheen dagaalo sokeeye oo mucaarid qabiil ku
salaysani wadeen ayaa dadka badankiisu xalka dhibaatada waagaas jirtay u
arkayeen mid ku iman karta Maxamed Siyaad oo xukunka ka daga ama xoog lagag
tuuro.
Sidii keligii taliye lagu yiqiin Maxamed Siyaad xukunkii dhiibi waa ilaa
xaruntiisii loogu soo galo oo uu lafihii dirqi kula baxsado.
Maxamed Siyaad xukunkii laga qaad nasiib darrose taasi daawo umay noqon
qaranimadii dhiig baxaysay balse xaalku waaba ka sii daray.
Waxaa bilaabmay dagaalo sokeeye oo si naxariis daran qabiilooyinku isugu
gumaadeen. Waxaa is bililiqaystay dad 30 sanno ka badan deris walaalo ah ahaa,
waxaana la galay marxalad cusub oo taariikheed.
Hadaba waxay arrintani keentay in dib loo eego daawadii la isticmaalay,
waxaana la xaqiiqsaday in loo baahanyahay daawo cusub maadaama tii hore waxba
tari weyday.
Waxaa la isla gartay in dhibaatada hal meel ka soo burqanayso. Markan waxaa
farta lagu fiiqay Jenaraal Caydiid, waxaana loo arkay in cudurkan qaranka ku
jira uu isagu sabab u yahay.
Wuxuu ahaa nin isaga iyo mooryaantiisu ay u tafo xayteen dagaal, aaminsanna
in dagaal keliya wax lagu xalin karo.
Inkastuu isugu habar wacday qabiilkiisii iyo intii kale ee ay bah wadaag
noqon karayeen si loo gumeeyo beel kale oo Soomaaliyeed oo uu u arkayay
cadawgiisa koowaad hadana nasiib darro waxaa xabbad wadnaha kaga dhuftay
kuwii dad u xigay.
Maanta waxaa la sheegaa inuu janankaasi sababtooda lahaa dad ilaa saddex
boqol oo kun tiradoodu kor u dhaaftay dhimashadooda.
Caydiid meesha ka bax hase yeeshee taasi daawo uma noqon dawlanimada
burburtay.
Haddii caydiid khaatiyaan laga taagnaa markan waxaa soo baxay tobanaan
caydiid oo dardartooda qaba, xaaladda Soomaaliyana waxay noqotay mid sii
murugta.
Hadaba shacabka Soomaaliyeed waxay markan garawsadeen in dhibaatada
Soomaaliya ka taagani ka weyntahay mid hal shaqsi ama dagaal ooge loo
nisbeeyo inkastoo ay weli jiraan dad tiro yar oo aaminsan fikirkii ahaa in
haddii hebel la iska qabto wax weliba hagaagi doonaan.
Dadka fikirkan hebel ha la iska qabto weli aaminsan waxaa ka mid ah ninka
lagu magacaabo C/waaxid Khaliif sida aan qoraaladiisa ka dhadhansaday. Waa
nin aad u qoraalo badan oo si joogto ah wax ugu soo qora bogagga internetka
ee Soomaalida dhawaana uu bog u caleemo saaray qoraagii sanadka. C/waaxid
wuxuu had iyo jeer qoraa in xalka dhibaatada ummadda Soomaliiyeed haysataa
yahay kornayl C/lahi Yuusuf oo la iska qabto.
Waa yaryahay qoraal uu ninkaasi leeyahay oo aanu ku xusnayn magaca C/laahi
yuusuf.
Dhibaato kasta oo wadanka ka taagan hadday tahay Xamar, Baydhaabo, Kismaayo,
Gedo, laas caanood intaba wuxuu u arkaa kuwo C/laahi ka dambeeyo.
Sidoo kale caqabadaha hortaagan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayuu
mas'uuliyaddeeda dusha ka saaraa korneylka, haddii la wweydiin lahaa
xalkeedana wuxuusi shlan ugu jawaabi lahaa C/lahi ha laiska qabto sidii
ninkii odeyga ahaa ee badhida wax walba ku daawayn jiray oo akle.
Waxaa jirtay in C/waaxid mar sii yara horeysay uu wax ka qorey arrin uu ku
sheegay xal u helidda mashaakilka gobolka Banaadir. Xalka meel fog kama
doonin sidii caadada u ahayd oo wuxuu u soo jeediyay beelaha Xamar ku
muransan inay Xuseen Caydiid iyo Maxamed dheere ka reebaan Kornaylka, dagaal
oogayaaasha Muqdishona lagu abaal mariyo xilal looga dhiibo gobolka banaadir
siiba meelaha dhaqaalaha laga helo!
Wuxuu isna maqaalkii uu dhawaan kaga hadlayay xaaladda kacsan ee gobolka Sool
uu iyana xalkeeda ku soo koobay in C/laahi la iska qabto reer Somalilandna
raali gelin laga siiyo arrintan.
Hadaba sida aanay badhidu cudur oo dhan daawo ugu noqon karin ayaanay
dhibaatada Soomaaliya hal shakhsi ama dagaal ooge oo la iska qabto ugu
xalismayn
Waa dhici kartaa marka hal dagaal ooge laga takhaluso in laga yara nasto
dhibtiisii hase yeeshee taas macnaheedu maha in mashaakilkii la
xaliyay,waxaana markiiba madaxa la soo kaca dhawr dagaal ooge oo markii hore
dalladiisa isku hoos dhabarinayay.
Maxay tahay xikmadda ka dambaysa in dagaal ooge la iska qabto halka mid
kalena abaal marin laga siinayo?
Ma qabo inuu jiro dagaal ooge dagaal ooge kale ka fadli badan dhammaantoodna
waa dambiilayaal goor ay noqotaba ummadda Soomaaliyeed la xisaabtami doonto.
Dhanka kale shacabka soomaaliyeed laftoodu waa ka badh dhibaatada wadanka ka
taagan waaayo sida kalluunku aanu biyo la'aan u jiri Karin ayaa dagaal
ooguhuna taageerada qabiilkiisa la'aanteed aanu u jiri Karin.
Dhibaatada maanta Soomaaliya ka taagani waa mid aad u kakan kana dhalatay
qaab dhismeedka bulshada iyo dabeecadahooda reer guuraanimo oo siyaaasad
munaafaqnimo, hunguri iyo fara gelin shisheeye lagu barxay, daawadeeduduna
waa mid sanado badan la raadin doono oo shir ay dagaal oogayaal horboodayaan
iyo shaqsi la iska qabto midna aan lagu helayn.
Ismail A. Hassan (Khaliil).
Khalka1@aol.com
QORAALADII HORE EE KHALIIL
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 24, 2004
ISKU DIYAARINTA XAJKA
Guud ahaan sidee xajka loo gutaa..
Guji...
..
QORAALADA
DADWEYNAAH
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|