Waxaa galabta lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku
sugan ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo
ah in qodobadda Khilaafka uu ka taagnaa ee axdiga meel dhex dhexaad ah ay ku
wada heshiiyaan hogaamiyayaasha ku loolamaya siyaasadda soomaaliya.
Mas'uul ka tirsan Dawladda Kenya oo isagu ku hawlanaa kulanka showrka ee
safari parka ayaa goor dhowayd ii xaqiijiyay in Golaha Samata Bixinta oo
kaligood harsanaa ay aqbaleen hindisaha cusub ee lagu mideeyay
Hogaamiyayaasha soomaalida dhamaantood.
Safiirka kenya ee arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa isaguna
sheegay in IGAD ay qorshaynayso dayuurad loo diro maalmaha soo socda
hogaamiyayaasha ay ka mid yihiin Muusa Suudi, Barre Hiiraale, Cusmaan Caato
iyo Cabdirisaaq Biixi si ay uga qaybgalaan xaflad balaaran oo Isniinta lagu
wado in lagu qabto Nairobi ayna ka soo qaybgali doonaan madaxwaynayaasha
Kenya iyo Uganda.
Ing Maxamed Xuseen Caddow oo kamid ah xubnaha Samata bixinta ee Nairobi ku
sugan ayaa ii sheegay in ay aqbaleen heshiiskaas inkastoo uu ka gaabsaday
qaabka loo qanciyay maadaama ay horay u codsadeen in Golaha Samatabixinta
lagu xuso qodobka xulidda Xubnaha Baarlamanka.
Horay waxaa heshiiskan Cusub qalinka ugu duugay Madaxwaynaha TNG Cabdi
Qaasim Salaad Xassan, Hogaamiyayaasha kooxaha ee horay shirka usii joogay iyo
Ururadda Bulshada Rayidka.
Waxaana shirka dib uheshiisiinta Soomaalidu u muuqdaa in uu ugudbay
wajigii Sadexaad ee awood qaybsiga inkastoo rasim ahaan aan loogu dhawaaqin.
Heshiiska la gaarayna waxaa uu yahay:
1-Magaca Buuga Axdiga iyo dastuurka waxa uu Noqonayaa Buuga Axdiga iyo
Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Dimoqoraadiga ee Soomaaliya.
2-Magaca Dawlada waxa uu noqonayaa
Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya .
3-Jamhuuriyada Domoqoraadiga Federaalka Soomaaliya waxay ku dhaqmeysaa
Dastuurka KMG, Beesha Caalamka waxay ka taageereysaa dhinac Farsamo iyo Mid
dhaqaale.
4-Baarlamaanka Ku meel gaarka ah waxa uu noqonayaa tirada xubnaha
xildhibaanada 275 xubno oo 12% boqolkiiba tirada xubnaha Baarlamaanka waa
haweenka.
5-Xulida xubnaha Baarlamaan waxaa soo xulaya :-
A- hogaamiyayaasha siyaasada ee Dawlada KMG,
B-Maamulada Gobolada iyo degmooyinka.
C-Hogaamiyayaasha Siyaasada ee shirku aqoonsanyahay iyadoo ugu danbeynna ay
ansixinayaan Hogaamiyayaasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.
6-waqtiga Dawlada.
Jamhuuriyada dimpoqoraadiga Federaalka KMG Ee Soomaaliya waxa uu noqonayaa
5 sano.
7-Maadooyinka iyo manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan
dugsiyo u gaar Muslimiinta.
8-shirweynaha lagu ansixinayo qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka waqtiga
waxaa sheegi doona Guddiga Hawl fududeynta IGAD.
Ridwaan Xaaji C/wali.
ridwanhaji@yahoo.com
<><>