SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Janaayo 22, 2004

War-1-22-Janaayo,04,Nairobi.Kenya.
Golaha Badbaadada Qaranka oo wali Diidan in ay Saxiixaan Qoddobadii Qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka

  • Kenya oo Sheegtay in Wajiga 3aad ee Shirka Lafuri Doono Isniinta......
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Xubnaha Golaha Badbaadada Qaran ee ka qayb galaya Kulanka wada tashiga ee Soomaalida 12-maalmood uga socdey safari Park hotel ee magaalada Nairobi ayaa wali diidan in ay saxiixaan qoddobada kooxaha kale ay wada saxiixeen ee buuga Axdiga iyo Dastuurka Soomaaliya oo la rabo in lagu dhiso Baarlaman KMG iyo Dawlada Dimoqoraadi Federaal Soomaali ah shanta sanno soo socota.

Golaha Badbaadada Qaranka ayaa saluugsan qoddobka xulida xubnaha Baarlamaanka oo qaar ka mid hogaamiyayaasha Golaha Badbaadada Qaran wax awood ah ku laheyn.

Wajiga 3-aad ee shirka ayaa ah awood qaybsiga oo qof waliba u noqonayo qabiilka uu ka dhashey oo qabiil waliba siyaasiyiintiisa iyo hogaanka dhaqameedkiisa soo xulaya ka dibna ansixinaya.

Dhanka kale saakey waxa kulmay IGAD iyo Beesha Caalamka oo beryahan shirar joogta ah ku jira ,iyadaoo laga hadlayo habka loo xiri lahaa wajiga labaad ee shirka oo ah kan ugu dhib badnaa oo socdey muddo ku dhawaad Sannad, furida wajiga seddexaad ,qorshada iyo dhaqaalaha tirada ka qayb galeysa xulida xildhibaanada ,goobaha la tegayo iyo dadkii ka shaqeyb geli lahaa ,qarashka ku baxayo IWM.

Wasiirka wasaasarada Arrimha Dibada Dawlada kenya muddane Kolonzo Misayoka ayaa saakey kula kulmay IGAD iyo Beesha Caalamka Safari Park Hotel ee magaalada Nairobi.  Wasiirka ayaa IGAD iyo beesha Caalamka u sheegay in wajiga labaad la xirayo maalinta Isniinta, lana Furidoono wajiga 3-aad isla Maalinta Isniinta (ee Janaayo 26, 2004)

<><><>

Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf:-Gobolla Galgaduud dagaalada ka dhacaya waxaa sab.............

Guddoomiyaha Ururka SSNM/SNA/SRRC Dr.Cabdi casiis Sh.yuusuf ayaa saakey warbixin ka bixiyey xiisadii colaaadeed ee ka dhex taagney dagaalkii u dhaxeeyey dadka wada dega gobolaka galgaduud. dagaaladii ka dhacayey Gobolka Galgaduud ee magaalooyinka Xeraale iyo Balanbale ayaa joogsadey ka dib markii dadka degaanka dhegan ay ku heshiiyiyeen in xabada marka hore la joojiyo ka dibna la wada hadlayo.
Guddoomiyaha ayaa warbixintiisa waxa uu ku darey aniga degaankaasi ayaan ku dhashey dad aniga siyaasad ahaan iiga soo horjeeda ayaa dagaalka wada si ay shirka looga aqoonsado, mudanaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri ninkii jago raba ama guddoomiyenima raba anigaa u oggol ee waxba ummda walaalaha wada degan dagaal dhexdooda ka abuurin, aniga iyo ragga qaarka ee ka tirsan beelaha ku abtirsada degaanadaasi dagaal siyaasadeed haddii uu naga dhaxeeyo ma aha in ay walaalha wada degan oo is dhaley hadan meel ku wada nool dagaal ka dhex abuuro .

Guddoomiyaha ayaa ii sheegay in uu ku faraxsan yahay ragga ka danbeeyey xabad joojinta iyo wada hadalada Nabada oo la rabo in lagu soo afjaro colaadaasi.


dhammad.
Abdikarim Aden Hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com

Sheekada Maalmahan Ugu Xiisaha Badan Internetka...  [Guji]

DASTUURKA SOOMAALIDA EE LAGU QORAY KENYA.....

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2004

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

NAIROBI: Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo aan Weli Go'aan Gaarin
iyo Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada kenya oo baaq nabadeed u jeediyey Somaliland iyo Puntland.. Guji 19/1

Ciidanka USA oo Tababar  u Furay Ciidanka Kenya
tababarkaas oo laga furay magaalada LAMU oo u dhow xuduuda Soomaaliya... Guji...
17/1/04

Hogaamiyayaasha Madasha Shirka Nairobi oo Magacaabey Guddi
Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, waxa kale oo shirka ku cusub in... Guji...
16/1/04

Shirka Somalida oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10ka-Beri ee Gooni u Faqa
Hogaamiyayaasha Soomaalidana waxa lagu celin doonaa Soomaaliya haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin waayo sidaas waxaa tibaaxay...  Guji...
15/1/04

Kolonzo Misayoka:- waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........
wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin suxufiyiinta... Guji...
12/1/04

C/Qaasim oo C/Lahi Yuusuf Kusoo Booqday Guriga uu Nairobi Ka Deggan Yahay
iyo Kenya oo hoggaamiyayaasha Soomaalida u sheegay in aysan wax war ah siin saxaafadda mudada uu... Guji... 
12/1/04
 

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD