SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Janaayo 21, 2004

 Beenin Maqaal lagu soo qoray Somalitalk Bisha 12.01.04

Waxaan akhristayaasha gaar ahaan inta nabadda jecel u caddaynaayaa in aan waxba ka jirin intiisa badan hadal lagu soo qoray Somalitalk bisha 12.01.04 oo Cinwaankiisu ahaa “WAA ISKA CADDAHAY INUU CABDULLAAHI YUUSUF DILEY SULDAAN AXMED MAXAMUUD MAXAMED “HURRE”,

Anigoo Habaankaa ka'ag dhowaa Hotelkii Janan ku deganaa oo ay ugu yimaadeen Rag markaa yiri waxaan nahay Jifadii uu ka dhintay Suldaan Axmed Maxamuud ''Hurre'' , Ragaasi markii hore waxay noo sheegeen in ay ugu yimaadeen Salaan Janan Cadde laakiin waxaa noo muuqatay ragii rag ka mid ah in ay isku dayaan in ay Jananka si qalafsan u la hadlaan , Janan kuse waa uu dejiyay Ragii waxa uu tusay in uu yahay oday Beeleed oo Nabad doon ah.

Janan ka mar aan kala xiriiray Torontto waxa uu ii samaxay in aan afkiisa ku hadlikaro oo aan beeniyo arinta looga been abuurtay oo aan waxba ka jirin ,waxa uu ii caddeeyay in eeyayn jirin meel uu ku cadeeyay Cidda disha Suldaan Hurre.

Jananku isagoo hadalkiisii sii wata wax uu yiri Galkacayo waan tegay waxaana u tegay Nabad iyo Xal in loo helo khilaafka soo kala dhex galay dadka Walaalaha ah, Meeshii aan tagana waxaan wadaa waa nabadaas hadda yurub iyo Ameerika waxa aan u socdaa waa nabad iyo isu soo dhoween dadka walaalaha ah ee reer Puntland meelkasta ha joogeenee anigoon damac Siyaasadeed mid dhow iyo mid fog aan lahayn.

Eng. Maxamed Cabaas Nur
UK
Waxaa qoraalkani SomaliTalk kasoo gaarey:
Mohamed A. Geesood   abqadir58@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

“WAA ISKA CADDAHAY INUU CABDULLAAHI YUUSUF DILEY SULDAAN AXMED MAXAMUUD MAXAMED “HURRE”, Sidaas waxaa yiri Janan Cadde Muuse Xirsi Boqor.
Qore: Maxamed Shiikh M Xirsi | Jan 12, 2004
Shir ka dhacay Hotel Britain ee ku yaal waqooyiga London 5tii Jannaayo 2004 ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan jaaliyadda Jeeska Maxamed Cumar ee Jifida Cumar Maxamuud
Guji...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD