SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Janaayo 21, 2004

Press Release

Mohamed Abdi-Hashi(Puntland) iyo Ahmed Mohamed Qaybe

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Sida Taariikhdu dhigayso, adeerkey Mohamed Adan(Gabadhcas) oo ahaa Alle ha u naxariistee nin aad iigu dhowaa, waxa ka qiimo badnaa Alle ha u naxariistee Adeerkey Abdi Haashi oo isna ahaa adeerkay labaad. Labadan nin ee kor ku xusan hadeynu siiraacno labaduba waa Soomaali, beel ahaana waa Daarood, Kablalax, Harti Dhulbahante. Markii Dawladii Soomaalidu burbutey 1991, waxa loo kala jajabay BEELO, degaan walbana waxa ka taliya BEESHIISA. Qarankii Soomaaliyeed oo qaar la goosto magac kalana loola baxaa waa dembi caalami ah(International Crime).

Haddaan u soo noqdo qiimeyntii labada nin waxa waagii hore jirijirey nin layidhaahdo hebel waa kudaal(baxsadey) oo wuxuu u galay reer hebel oo ay iska soo horjeedaan beeshiisa. Wuxuuna ka mid yahay colka inala diriraya. Qaybe wuxuu u galay S.N.M. Ururkaas isaaq waxay Buuhoodle gubeen oo magaaladii dambas ka dhigeen sadex goor, intii dagaalada beeluhu socdeen 1982-1991. Sool, Sanaag, iyo Cayn(Buuhoodle) Isaaq wuxuu u bixiyey Faqash, waxaba igu maqaal ah in Qeybe lagu yidhi faqashyohow intuu Hargeysa joogey hadda. Maanta beelwaliba waxay u ordeysaa xoriyad inay hesho, Daarood, Hawiye, Dir, Raxanweyn-Digilmidhifle iyo iskaashato. Waa kuwaas qoloba goonideeda caalimka u dhex ordeysa, sidii ay ugu noolaan lahayd xornimo. Maxamed Abdi Hashi waa abtirsadey wuxuuna yidhi xoriyad Dhulbahante uga sokeysa Daarood majirto, Ileen Soomaaliyi qaranimo diidaye, waana taas tan uu u dhisay Puntland. Ahmed Mohamed Adan-Qaybe talada waa seegay waxana la yaraatay xoriyada. Adoonimo, Midgaanimo, iyo Nasabdhimanimo waa isku mid, waa taas tan ina Abdi Hashi gartey qaybana garan waayey. Horaa loo yidhi nin dhirbaaxa quudheed dugsadey dhaqayadeed maalye, Dhashaadey sugtaa xaajadaad dhowrataa abade.

Xoriyadda: Qaybe weligii karaaninimada waa ku fiicnaa, horta waxa isweydiinle Ahmed Mohamed Qaybe Jaamacad ma galay? haduu jaamacad galay sidee xoriyadda iyo gumeysiga u kala garan waayey? Isaaqa aniga waa ka dhashay oo hooyadey waa Habaryoonis dembigeeda iyo kii awoowgeed Sheeq Isxaaq ba Alle ha u dhaafee, Isaaq ma qariyaan ninka gunta ah, hadalkana waxay uga billabaan war ma anaguu nala murmayaa(hadlayaa), markaas ninkii gunta ahaa hadal dambe uma furna, aamus mooyee.

Qaybow gadhwareersheha aad Hargeysa ku cunayso hadda, kaasoo ah hadhuudhkii Cilmi Jaamac ee ka bixi jirey banka Jigjiga oo Siilaanyo iyo Ina Yuusuf Sheekh Madar ka soo baryeen xabashida, waa kaa dhamaanayaa, ileen irsiq Alle ayaa badane. Haddii kale waabad gabowdey oo cimrigaagii dhowr sano oo dambe kama hadhin, hadaad nooshahayna masocondoontit gabow dartii.

Gebagebo: Ahmed Mohamed Qaybow gunimo ku noolaansho dooratay, guudhsi dugsatey, ceeb ka dhiidhiweydey hadaba faraha dhiig hala gelin oo dadkaad ka dhalaytay hadilin.

Wabilaahi Towfiiq

Dr. Abdimalik Askar
Minnesota U.S.A
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD