SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 20, 2004

Duulaanka Riyaale Damac intee Le'eg buu Huwan Yahay?

mohamud mohamed
 carab2002@yahoo.com

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Tan iyo markii ay bur burtay Xukuumadii dhexe ee somaliya ilaa xilgan ma jirto wax Dawlad ah oo calamku aqoonsan yahay, marka laga reebo dawladii Xilgeedu Dhamaaday ee lagu soo dhisay tuulada carta ee Dalka Jabuuti oo runtii si wayn Uugu Guul Daraysatay gacan ku haynta amnigii iyo kala danbayntii luntay.hadaba Soomali sababta muddadaa fog ee ay u soo ceshan wayday qaranimadeedii ayaa loo Aaninayn karaa qabyaladii oo gaartay heerki ugu sareeyay muctamaca dhexdiisa oo Salka ku haysa is aamin darro iyo kalsoonidii oo meesha ka baxday.haddaba waxanan Cidna ka dahsoonayn in arinta sool iyo sanaag ay salka ku hayso arintaa aan la inkiri karin.

Waxaan wada ognahay dadka ku dhaqan sool iyo sanaag bari in ay hayb wadaag yihiin Dadka ku dhaqan puntland inteeda kale walibana ay deegan wadaag yihiin dadkaa iyga Ah oo aysan jirin xataa dadyow kale oo oo kala dhexgala xaga deegaanka, kuna Gudoonsadeen magaalada garoowe in ay ka wada mid ahaadan maamulka puntland inta Laga helayo dawlad soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

Hadaba hadaan wax yar ka faaloodo arinta somaliland waxaan wada ognahay in Soomaliland aqonsi doon ahayd muddo ka badan 10 sanadood ilaa hadana aysan ka Qusan himiladoodaas walow ilaa hadda aysan gaarin wax guul ah oo ku saabsan gooni Isutaagoodaas.haddaba haday dhabka tahay in ayka go'aan soomaali inteeda kale sow Ma habonayn in ay marka ay helaan aqoonsi caalami ah ay ku gor gortamaan dhulkaa iyagoo u maraya shuruucda caalamiga ah inta ay gali laahaayeen dagaal sokeeye oo Lagu hoobto oo u dhaca qaab qabiil iayadoo aan ognahay in beelaha soomaliyeed ay ku Kala adkaan waayeen mudadadii 14 sano ahay oo la ogaaday in aysna beelna beel ka Itaal roonayn halka ay ku doodayaan in xuduud beeneedyada isticmaarku dhex dhigay Umadda soomaliyeed oo aan xataa kii sameeyay usan oqonsanayn gooni isutaga Soomaliland iyo waliba beesha caalamka.

Haddaba duulaanka Riyale u jeedo intee le'eg ayuu yeelan karaa?

Mida koowaad waxaa lagu macnayn karaa Riyale colaada gaamurtay oo u qabo dadka ku dhaqan degaanadaas ka dib markii uu hadda ka hor laga soo bacsaday halkaa oo uu Kaga faa'iidaysanayo fursadaan uu maanta haysto isagoo mudda badan geed dheer iyo Geed gaabanba u fuulay siduu mar labaad ugu soo noqon lahaa halkaa amaba uu uga Aargoosan lahaa shacabka Reer Sool amaba guud ahaan reer Puntland. haddaba waxaa Marag ma doonta ah maamulka Hargaysa in calankoodii maalin cad loogu gubay Magaaladda laasacanood ka gadaal marki uu maamulkaa xabsiga dhigay garaad abshir Saalax oo aad looga qadariyo deegaankaa waxaa iyadana isla waayada xabsiga la dhigay suldaan reer salaxlay ah haddaba maxay ku kala duwanayeen labada oday oo Labadaba loo mudaaharaday? garaad abshir markii la xiray waxaa la gubay calanka Maamula hargaysa oo muujinaysa sida aan tageero loogu hayn maamulkaa ilayn hadii Shacabka sool aqoonsan yihiin maamulkaa banaan bax ayay ku mujin lahaayeen Dareenkooda ee calan la isla ogol yahay dab maqabadsiiyen waayo calanku waxa uu u Tagan yahay astaanta qaranka.

Haddaba sow ma haboonan lahayn soomaliland oo ah dad garan kara dagaal qabiil waxa Uu yahay in ay xaq u leeyihiin in ay ka horyimaadaan hogaanka ujeedada indhaha la'a Ku hagaya iyadoon wada ognahay dadka rer somaliland in aysan u doran riyaale in uu Yahay nin dagaal wax uugu dhicin kara oo ahaa sakari kamid ahaa ciidankii Nabadsugada ee xukuumadi hore oo anan wax aqoon ah ulahaynm dagaal iyo dhibka uu Leeyahay siduu shegay madaxweynaha DGPL. mudane cabdulaahi yuusuf.

mohamud mohamed
 carab2002@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD