SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

Janaayo 20, 2004

Qaran Nin ka Cararaya oo Qabiila, Qaran ma Noqdaa (Somaliland)

 

salamu alaykum.

waad salaamantihiin dhamaan akhristayaasha webabka somaliyeed.

waxaan mar labaad halkan ka salaamaya bahda qorayaasha webabka burtinle iyo somalitalk iyo somaliweyn.

waxaan rabaa inaan maqaalkaygan kaga waramo asxaabta iyo kuwa maqaaladoodu ku salaysan yihiin xuduuda ingiriiska iyo talyaaniga kala dhexdhigeen somaliya wakhtiyadii ay ka talinayeen ,miyaanay saaxiibadaasi ogayn hadii sharci la eegayo amaba la rabo in xuduudahaasi (expired)noqdeen wakhtigii somalia calanka qaadatay (united nation)kuna ixtiraafay somalia inay mid tahay xuduudihii markaa jirayna ay noqdeen kuwa aanba ka danbayn isticmaarkaas miyaanay saaxibada ku doodaya somalia inay xuduud kala leedahay aanay ogayn kuwii dhigay xuduudan ay ku doodayaan oo ahaa ingiriis iyo talyaaniba inay maanta somalia u ictiraafsan yihiin hal wadan oo aanay ahayn laba ,miyaanay ogayn hadii sharci la eegayo (international law) u yaala xuduudaha shucuubta kuwa maanta loo ictiraafsan yahay ay yihiin kuwa hada sharciga ah ee aduunyadu u taqaan oo somaliyana loo yaqaan wadan kaliya oo dagaalo sokeeye burburiyeen ilaa hadana aan loo aqoonsanayn waxa ay ku doodaan dadka sharciga iyo qawaaniinta caalamka iska indho tiraya had iyo jeerna sida tasbiixda ku tasbiixsanaya (somaliland).

iyadoo somalidu tahay dad isku midab iyo isku diin,ahba iskuna dhaqan ah sabab ay ku kala tegi kartaana ay jirin ayaa waxaan isleeyahay dadkaas aaminsan (somaliland )waxa majara habaabiyey dadka siyaasiyiintooda ah oo ku salaynaya fikradooda somalilanderka (qabiil ) hadaba ma dhici kartaa nin qaran somaliyeed ka cararayaa inuu isagoo qabiil ah qaran noqdo?

jawaabtu waa maya qaran haduu doonayo waa yahay waayo?waa nin somalia ,qarana waxa uu ka unkamaa qabaail isu tagay iyo waliba shucuub kala duwan oo kala isir ah isla markaana doortay inay noqdaan qaran balaadhan hadaba riyadan (somalilanders)waxa ku abuuray umad badan oo nadiif ahayd siyaasi isagu kursi doona islamarkaana aan u danaynayn dadkaa somaliyeed dhacdooyinka iyo taariikhdana waxaa laga helaa khibrad tusaale hadaan u soo qaadano kacdoonkii (snm) wuxuu ku salaysnaa mucaaradad sida uu u muuqday waxa u qarsoonaa ilaah baa garan kara laakiin dadka somalida waxa hogaankaas snm u sheegi jiray inuu diidan yahay dawladii somaliyeed ee markaa jirtay islamarkaana xukunkaas ridaya

wakhtigii ay dhacday xukuumadii somaliyeed waxa snm jeebka kala soo baxday goonigoosadka maanta dad badani ku hadaaqayaan ee ah waxa ay ugu yeedhaan dawlad (somaliland ).

hadaan taariikh ahaan dib ugu noqono snm waxay ku salaysnayd qabiil xisbiya isaguun baana maanta gashaday shaadhkii somaliland , oo qaran sheeganaya waxa taas ka sii yaab badan akhristow (hogaanka ninka u haya manta maamulka somaliland waxa uu ahaa wakhtigaa ragii xukuumadii somalia ka tirsanaa ee sutida u hayey xisbigii snm maantana waxa markhaati laga yahay in uu isagu madax iyo hogaanba u noqday snm oo sidata shaadhka somaliland,suaasha aan isweydiin karaa waxay tahay maxaa ka qaldan taageerayaasha somaliland hadiiba labadii goorba uu u noqday madax ninkii ay la dagaalamayeen waa arin wax lagu qaadan karo halkaas waxa inooga soo bixi karta in aasaaskii snm iyo tan maanta ay ku jiraanba ee ah somaliland oo go,da ay siyaasiyiintaasi ku qaldantahay shacabka somaliyeedna ay kubad ku ciyaarayaan siyaasiyiintooda ay u arkaan tub toosan inay u wadaan oo waxaabad mooda shacab hadba dhinicii la doonayo loo jihaysan karo oo marba waxaan dani ugu jirin iyo meel aan dani ugu jirin loo jihaynayo kii waxbartay iyo kii kaleba,waxaan kusoo koobayaa nasiibdaro weeye in sidaas loogu ciyaaro umad somaliyeed iyana aanay iska garan taasna waxa la qaba taageerayaasha somaliland dhamaan shacabka somalida oo hadba sidii ay doonayaan ka yeelayaan siyaasiyiinta somalida kuwa maanta sheegtaa .

waxaan leeyahay shacabow dantaa garo oo hogaan yaan hadba gees laguu gashan.

waa bilaahi towfiiq.

waxa diyaariyey xasan xuseen shide.
hshide@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 20, 2003 

Baaq iyo Digniin ku Socota Puntland
Qore:
hassan shide | Jan 17, 2004
Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan uga baaqo dadka u dhashay puntland shacab iyo dawlad inay ka hortagaan una diyaar garoobaan siday u difaaci lahaayeen sharafkooda iyo jiritaankooda... Guji...

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD