SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

Janaayo 20, 2004

Ganacsiga iyo islaamka/Somalia ( Dr.Taqi)

Qaybtii: 1aad | 2aad

Manufacturing: “waxsoosaarka” waa saasaan lagu garto in lootalaabsaday ganacsi waaween, maxaa yeelay waxay ubaahantahay maalgalin caadi sidda alaabta cayriin ee wax laga sameenaayo , shidaalka warshadu kushaqeeneeso iwm. Aasaaasida manufacturing kuus yaroo lacagaa ayaa kaaga filan yididiilo fiicanna muujineesa dadka iyo dowladaba.

Horukaca dalka waxaa lagu gartaa waxsoosaarka xitaa qofka ganacsadaha kobociisa dhaqaale ayaa laga garankaraa , markasta uu kordho waxsoosaarka waxaa kordha waxa looyaqaano Gross National Product (GNP) taasoo iyana dhalisa in aad looquuto waxsooosaarka National Domestic Product (NDP) halkaasna kadhasho Economic stability. Dhamaan shirkadaha waaween waxay asalkoodu kubilaameen kuwo yar yar oo manufacturing-ah tusaale ahaan shirkada caanka ee micro-soft waxaa la,aasaasay 1975 shan sano kadib shaqaalaheedu wuxuu gaaray 125 halka maantay ay maraaso 22,000 shaqaale, baddi dadyowga mareekanka waxay kashaqeeyaan Microsoft- waxay qeeb kaqaadatay in dad badan shaqo helaan, silamidaa milkiilaha shirkada micro-soft Bill Gates waxaa lagu sheegaa inuu yahay ninka ugu xoolo badan dunida xiligan lajoogo, sidoo kale dhamaan shirkadaha xooga iyo xoolaha heesto waxaa lagu bilaabay qaab yar yar tusaale ahaan Coca Cola, Pepsi, LG, Nokia, Samsung, iyo kuwo kaloo farabadan ; hadaba hadaad hamineeso inaad aasaasto shirkad dunida laga yaqaano ugu horeen kasoo biloow mid yar oo xaafadaada laga yaqano oo laga jeclaado iyadaa dacalada dunida gaareeso.

Hadaba aqristaha sharafta badan waxaan halkaan kuugu soogudbin mid kamidaa shirkadaha waxsoosaar ee dalka kajira qaabka lagu aasaasay iyo heerka waxsoo saarkeedu gaaray shirkada Goodland Trading Company waxay inta badan qabataa hoolo Transportation laxriiro balse waxay dadka gudihiisa kahirgalisay warshad biyaha sifeesa loo lagu magacaabo CAAFI, waxaa laga aasaasay magaalada Mogadishu waxay aheed shirkadii labaad ee biyaha nadiifka soosaarto magalada mogadishu, shirkadu waxay leedahay labo phase, qeebta koowaad waxay soosaartaa 10-20 litter qaad oo kujira jirgaamo. Caafi waxay biyaha nadiifka iibintooda kubilowday qiimo kajaban midka shirkadaha kale; caagta biyada lagu gado way kafudud yihiin kuwa kale taasi waxay usaamaxday caafi in ganacsatada yaryar ee biyaha dadka kagada ay doorbidana biyaha caafi maado aysan isku qiimo ku,iman .

Dhanka kale shirkada Caafi mar,aan madaxdeeda mid kamidaa laxiriiray oo lagu magacaabo Maxamed Ali Ma,alin wuxuu iisheegay qaabka ay uhor mariyeen shirkadooda ay tahay iyagoo lasocdo axwaasha dadka iyo qaabka sicir ahaan wax ku,iibsan karaan sidaa darteed Material cost and Variable cost aad ayuu uga jaban yahay dhamaan shirkadaha kale ee biyaha soosaaro; dhulka warshadu kutaalo iyo matoorka korontada dhaliya milkiilo ahaan warsahdaa uleh .waxay kaloo shirkadu kuhormartay biyaha caadiga ayey xaafaadaha siisaa waana biyaha ugu fiican ceelasha caadiga ee lacabo sidaa darteed xaafado badan ayaa biyaha warshada caba. Phase 2aad waxay soosaartaa biyo kujira caag yar yar 0.5 litter, ½ liter ¼ liter waxay kujirana kartoon(baakad) qeebtaas qimahooduna waa 7.000 Sh. So. Tanka warshadu waa 150,000 litter per day, sidoo kale maalin kastaa iskucelcelis waxay gadaa 25,000 litter. Shaqaala heedu waxay kakooban yihiin 75 qof ay kujiraan staf-ka .

Biyaha caafi waxaa laga isticmaalaa dhamaam magaalada Mogadishu ilaa kismaayo dhanka Mudug waxay gaarayaan ilaa magaalda dhanaane siduu iishegeen madaxda shirkada waxaana loogeeyaa iib oo waxaa gata shirkadaha aargoosatada qiimaha caagii 1.5 litter wuxuu kajoogaa 33000 magaalda dhanaane iyo dhinooda halka Mogadishu 7000 kajoogo, ganacsatada yaryar ayaa geeyaan goobahaas oo faiido karadiyaan runtii 60% dadku waxay cabaan biyaha Caafi, -dhibaatada amaan ee dalka qeeb kamidaa kajirta ayaa shirkado badan hoolahooda ujoojiyaan waloow dad aqoon iyo geesimino isku darsaday ay kafaa,iideestaan xiligaan oo ah xili wadanku waxsoosaar ubaahan yahay –marka ruux walbaa iyo dadaalkiisa xiliga dhibka minaan dhibtoon xiliga dheetana madheef toomo- marka ruux kastoo daneen inuu dalka hooyo ka,abuuro wax qabad waxaan leeyahay horay ugaar oo hadda biloow- maxaa yeelay dalka iyo dadka aad kutuhmeeso inay burburen waxay ganacsi dalka laga qaaday geeyaan dhamaan dalalka afric aad kkusheegeeso nabad iyo ilbax marka dowlad ayaa jirin basle dad iyo dal waa jiraan .

Qaybtii: 1aad | 2aad

Dr.Taqi Bashiir
taqibashiir@hotmail.com

GOBOLADA SOOMAALIYA....

Faafin: SomaliTalk Jan 20, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD