Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka digayaa weli xadgudubyada sii
soconaya ee lagu hayo heshiiskii ay madaxda Soomaalidu gaareen ee " Declation
on Cessation of Hostilities 27 October 2002", Eldoret, Kenya.
Waxaa wax lala yaabo ah, dareenka qof kastaana diidayaa colaadaha joogtada
noqday ee ka socda dalkeena Soomaaliya, iyadoo ujeedada loo dagaalamayana aan
la gareneyn, waxa ay ku gaarayaan qeybaha uu dagaalku ka dhexeeyo.
Sidaas darteed, Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa qeybaha
uu dagaalku ka dhaxeeyo kuna dagaalamaya duleedka magaalada Baladweyn ee
dalka Soomaaliya in ay u joojiyaan shuruud la'aan dagaalada, khilaafka jirana
lagu dhameeyo wadahadal nabadeed.
Ugu dambeyntii waxaan tacsi u direynaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed,
gaar ahaan qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen xubnihii ka tirsanaa ee
ay colaadahaasi galaafteen iyo dhibaatooyinka guud ahaan ka soconaya dalka
Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna
Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |Jan 20, 2004
Baaq nabadeed oo ka yimid beesha Sool,Sanaag & Hawd
ee Galbeedka Austaralia
Ku DHAMAAN ISIMADA
DEEGAANKA
KU CUQAASHA/ CULIMAAUDINKA IYO DHAMAAN WAXGARADKA BEESHA