SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB

Janaayo 20, 20042004

Dhamaadka Wakhtiga Aduunka

Dr. Saciid, waxaan akhriyay qoraalkaagii Dhamaadka Wakhtiga Aduunka(apocalypse).  Waxaan arkay sida xeelka dheer ee aad luqada soomaaliga u qoreysid. Qoraalkaagu wuxuu ka hadlayaa sayniskii u danbeeyay, isla markaasna waxaad u qortay oo adeegsatay erayo qof walba  oo soomaali ah uu fahmayo. 

Qoraalkaaga markaan akhiryay, hal arin ayaa qalbiga igu soo dhacday.

Sidaad ogtahay soomaalida waxaa la sheegaa in 100 % aan muslim nahay. Fahankeena aduunkaan iyo waxa jira iyo sida ay wax walba u bilowdeen wuxay ku saleysan yahay sida diintu noo sheegtay.

Marka aad ka hadashay qaabka uu aduunku u bilowda waxaad soo qortay:  " dhulalka ku dhex jira cirka waxay ka bilowdeen meel yar oo kooban, waxeyna ku bilowdeen garax la magac baxay Big Bang".

Marka anigu kama soo horjeedu in uu qarax dhacay, Big bang, wixii rabo halagu macagaacee, laakin waxaadan qoraalkaaga aadan ku darin in waxaan ey yihiin theory, ama malo, ee qofna uusan hubin qaabka  ey wax u bilowdeen 100 %. Hadii ey sidaas wax u dheceenna ilaahey ayaa saas sameeyay!, ee eysan eheen sidii waxa automatic iskaga dhacay, sida gaaladu u sharxaan. Gaalada aan ilaahey aamin saneyn, waxay isku dayayaan in wax walba loo sameeyo sharaxaad, ayadoo fikirka ka danbeeyana ey tahay in bulshada laga dhaadhiciyo in wax walba iska dheceen, sida abuurka cirka iyo dhulka, ayadoo markii la sharxayo dhacdooyinkaas dadka la'ilowsiiyo in ilaahey howsha saas u sameeyay, oo ilaahey yahay khaaliqa  wax walba.

Sh. cabdal majiid al zandani iyo  Dr, Harun yahya , waa labo nin oo aqoon yahano ah, isla markaasna muslimiin ah qoraaladoodan waxaad ka dhadhamineysaa oo ku celcelinayaan umadna xasuusinayaan  jiritaanka ilaahey iyo abuuristiisa halka qoraalkaaga arintaas eysan ku jirn.  Ila fiiri Haaruun yahya oo ka hadlaya universe-ga iyo qaabka uu ilaahay u abuuray: http://harunyahya.com/create01.php .

Walaal waxaan ula jeedaa, markii qof muslim ah uu soo bandhigayo wax yaalo quseeya ilaahey makhluuqaadkiisa, waa in uu mar walba u dadka xasuusiyaa ilaahey xikmadiisa iyo ilaahey waxa uu ka yiri makhluuqaadkiisa, inta aanan la xusin qowlka ibni aadamaka sida  Albert Einstein, iyo wixii la mid ah, sidii iney ayaga waxaan jirin soo kordhiyeen!

Waxaad tiri, sidii inaad adigu hortaagneed: "Waxey qaadatay 300.000 oo sanno sidii uu u qaboobi lahaa si ay u sameysmaan atamyada"

Adigoon ku darin  hadalkaas in uu yahay  qiyaas/xisaab iyo malo awaal, ee eysan aheen wax xaqiiq lahubo 100% ah. 

Runtii qoraalkaaga qeybtiisa danbe, ee aad uga hadashay cudurada iyo dagaalada dhic kara, dad badan ayuu wuxuu ku abuurayaa walwal iyo cabsi aan loo baahneen, sababtoo ah ma aha wax la hubo iney dhacaayaan. Mida kale, waxaadan xisaabta ku darin tii ilaahey iyo in wax walba horey loo soo go'aamiyay, koleyba qoraalkaaga kuma aadan darin in tii Ileeheyna meel taal!

Marka maadaama aad tahay, aqoon yahan soomaaliyeed, muslimna ah, waxaa ila haboon in mar walba fiiro gaar ah aad siisid diinta, ee aadan ku ekaan saas iyo saas ayaa aqoon yahay hebel sheegay, ama la xisaabiyay.

walaalkiis, adigoon iga xumaan, intaas waa iga talo walaaltinimo, iina soo nabad gal!

C/risaaq "Gaalkacyo"
Helsini, Finland | rcabdi@hotmail.com

SomaliTalk.com | Jan 20, 2004

Qoraalkii Dr. Saciid: Dhamaadka Wakhtiga Aduunka(apocalypse)

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

 

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD