MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTALND OO SOO XIRAY
TABABAR MUDO SADEX BILOOD AH U SOCDAY GARSOORAYAASHA PUNTLAND
GAROOWE:-
Waxaa xarunta macadka Bulshada Puntland ( Puntland Community Collage ), lagu
soo gaba gabeeyey Tababar u socday Garsoorayaasha Puntland.
Xafladii xiritaanka Tababarka oo ay ka soo qayb geleen Madaxda maamulka
Goboleedka Puntland oo uu hurmuud u ahaa Madaxweyne ku –xigeenka Ahna siihaya
Xilka Madaxweynaha iyo Wasiirka D/hoose iyo Horumarinta reer Miyiga iyo madax
kale.
Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen Hay’addaha Diakonia oo Swedish ah iyo
Hay’adda Horumarinta Cilmi baarista Puntland PDRC ayaa waxaa uu socday mudo
dhan 3 Bilood, waxaana shacarada bixinayey Khuburo soomaali ah.
Agaasimaha Hay’adda Cilmi baarista Puntland C/raxmaan Cabdile Shuuke oo ka
hadlay Xafladada Xidhitaanka ayaa waxaa uu sheegay in ay soo socdaan tababaro
noocaan oo kale ah, waxaa kale oo uu ka hadlay in Cilmi baadhis ay hay’adani
samaysay ay ku ogaatay in 50% Maxkamadaha Punltand ayna shaqayn.
Ugu dambeytii Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu shahaadooyin gudoonsiiyey
Garsoorayaashii uu tababarku u xidhamay, waxaana uu madaxweyne ku-xigeenku u
soo jeediyey labada hay’adooda ee tababarkan iska kaashaday amaan iyo in ay
dadaalkooda ay halkaas ka sii wadaan.
cawaale jaamac salaad
jamnaf87@hotmail.com
Somalitalk.com
Garoowe,Puntland,Soomaaliya
Dadaalka
ay hay'ada SOFIHA ku Dooneyso Waxbarista Gabdhaha Soomaaliyeed
iyo Dhallinyaro ka kala yimid Yeman, Jabuuti, Somaliland iyo Koonfur oo
booqday Woqooyi Bari Soomaaliya
Guji
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|