SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 19, 2004

RIYAALE....IYO RIYADIISA

asad asad  
addiin@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)


WARBIXIN: SHIRKII 9/1/4 ee SOOMAALIDA LOOGU QABTAY NBI

Asalaamu alaikum,

salaan ka dib, waxaan aad iyo aad uga murugeysnahay xaalada aan deganayn ee ka soo koradhay Sool taas oo dabkeedu rabbi ha inaga hayee haddii uu shidmo uu noqon doono mid dabkiisu meel walba taabto inta ugu horeynaysa ee uu gubi doonaana Insha-Allaahu waa kuwa soo huriyey dabkaas ee u malabsanaya dhiig dad muslim ah oo nabad ku degan, kuwaas oo diidan dadkaas in ikhtiyaarkooda iyo iraadadooda ay ku sameeyaan waxii ay maslaxadooda moodaan. Aniga oo ah nin rumaysan ku dhaqanka diinteena Islaamka, saas darteedna aan rabin in dulmi iyo gardaro loo geysanayo in uu dulmi iyo denbi kale ku celiyo iyo in ka badan wax dulmigaas ka celin kara. Waxaan leeyahay Dulmi oo dhan anoo ka soo horjeeda mid muslim iyo bani'aadam lagu sameeyo daaye xataa in xayawaanka iyo xasharaadka la dulmiyo anoo ka soo horjeeda sida diinteenu in farayso, qabyaalad iyo isugu faankeedna aniga oo ka kufriyay, jecelna oo raba in cadaaladu iyo xaqa qof walba Allah siiyey in uu helo, garabna taagan midka madluumka meel walba oo uu joogo iyo cid walba oo uu yahay. Waxaa ii cuntami wayday oo aanan u dulqaadan karin Hadallada qarriban iyo urka qudhmuun ee ay sido dabaysha ka soo horeysa gulufka colaadeed ee Hargeysa laga soo abaabulayo . Waxaan aad ula yaabanahay caqliga iyo fikirka liita ay xambaarsan yihiin cidda Hargeysa ka arrimisaa . Sool oo reer Sool deganyahay meeshii rabbigood ku uumay oo ay ku tarmeena ay tahay.

1. Sidee Su'aal looga keeni kara haddii sida jirta ay aqlabiyada dadka reer sool ku qanacsanyihiin in maamulka puntland -ee ay xorriyadooda kaga midyihiin dad qaraabo, ehelnimo iyo dhiig uu ka dhexeeyona ay wadaagaan maamulkaas-uu nidaam iyo kala danbayn ku sameeyo dhulkooda siyaasadii uu doonoba ha ka watee? midaasi waa mid aan la yaabanahay

2. Sidee caada qaatee, calooshii la cayaar, dhuuni raac, saqajaan, sacsac ú shaxaad tagay Hargeysa oo hunguri qaaday uu u afduubi kara oo in uu kufsado isagu dayi kara iraadada iyo rabitaanka shacabka reer Sool iyo Sanaag?Sidee sheegashada qolo dulmi doon ahi ay uga dhigi karaan mid xaq ah oo ay ugu gargaarayaan shacab lagu soo duulay!!!!!!!!? taasina waa mid i gali la' oo maskaxdayda ka daadegi la'

3. Sidee maanta ummad xor ah dib loogu celin karaa oo loogu sunti kara Summad iyo kala qoqob iyo kala qaybin- taas oo ku salaysan fikrad Ibliisi ah oo kii ay ka timi uu uga gol lahaa guumeysinimo daa'inta haseyeeshee aan muuqan- waa hore guumeysta Gaal nijaas ahi uu ku samaystay ummad la guumeysanayey? Sidee arrinkaas uu u noqon karaa shay muqadas ah oo dhiig muslim dartii loo daadiyo?

SOMALILAND LA XAAJOON MAYSO CIDNA ILAA.. [Diridhaba]

Waxa uu oo Mr. Ri'yaale-( Magac fantastic ah buuba leeyahay oo malaha marka dhawr siyood loo dhigaba sawir kaa siinaya waxa uu yahay xayawaanka lihi. Bal aan siyaabahaa qaar ka mid ah u dhigne a)haddii aan u qoro oo u niraahno sidan Ri'yaale macnuhu waxuu noqonaya neef xoolo ah oo meel uu ka yimi aan la garanayn baadi ah. b) Marna hadaan sidaan u dhigno RIYAALE waxuu macnuhu noqonayaa oo loo fasiri karaa Shakhsi Riyoonaya oo riyo badan kuna nool nolol khiyaali ah oo riyo riyo ah waaqaca jirana ay is moog yihiin. C) markaan saan u dhigno oo u fasirnona RIYAALEH macnihiisu waxuu noqonaya shakhsi lacag caabud ah oo lacag madaxmartay oo bahashaasi diin u tahay iyada darteedna wax walba u samayn waayo RIYAAL waxaa la yiraahdaa magaca lacag lagu isticmaalo wadamo badan oo carab ah wadamadaas oo soomaalidu la leedahay xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan leh.) Haddaba intaas aan ku dhaafee fahanka Magaca noolahaas oo aad oran karto dhinaca aad u rogtoba Allaylahe waa ISMUN CALAL MUSAMAA. Haddaba Waxa RI'YAALE iyo inta la riyoonaysaa wadaan waa sharaf ka qaad iyo gumeyn dad muslim ah oo xor ah oo aan weligood la gumeyn gunnimina aan raali weligood ka noqon. Waxaa uu wada waa gumeysi cusub dadka uu ku wadaana waa dad gumeysi diid ku caan baxay guulna ka soo hooyey ilaahay mahadii markay geeska is dareen guumeystayaashii ugu xooga iyo magaca weynaa ee taariikhda aduunka soo maray. Iskaba dhaaf in ay aqbalaan mid noole baadi ah ahi uu ku riyoonayo'e.

Haddaba gebegabadii gardaro rabbi ma guuleeyo'e waxaan khiyaaliga iyo riyada ah ee dadku nafahooda ugu sheekaynayaan ha iska dhaafaanoo rabbigood ha u noqdaan.........shaydaanka riyadaas xun tusayana hayska naareen sadex jeerna ha candhuufeeyeen candhuuf garabkooda bidix ay ku tufayaan sidii uu yiri Suubanaheena rasuullku S.C.W.

Cidii la soo gardaraystana waxaan leeyahay ku shahiid naftaada iyo hantidaada Hororka waalan ee miyirka aan qabani maydkiisa wadha.

wasalaamu calaykum.

asad asad  
addiin@hotmail.com

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

SomaliTalk.com | Jan 19, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalka waa mid u gaar ah qoraag aku saxiixan

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD