Janaayo 17, 2004
Baaq iyo Digniin ku Socota Puntland
salamu laykum.
dhamaan waad salaaman tihiin webabka iyo
akhristayaasha somaliyeed.
Waxaan
jeclaan lahaa inaan halkan uga baaqo dadka u dhashay puntland shacab iyo
dawlad inay ka hortagaan una diyaar garoobaan siday u difaaci lahaayeen
sharafkooda iyo jiritaankooda maal iyo nafbana u huraan dhulkooda hooyo oo
weeraro kaga imanaya qabaail la itaal ah amaba ka itaalyarba waxa maamulka
gooni goosatada ahi ee hargaysa caadaystay cagajuglayn iyo hanjabaad waxaan
hubaa in jab iyo halaag u danbayn doono dagaal uu ku soo qaado gobolada sool
iyo sanaag iyo puntland waxa kaliya oo loo baahan yahay in dadka reer
puntland ay samir u yeeshaan dagaalka gardarada ah oo dheeraan doona
maamulkaa gooni goosadka ahina isagoo galay khasaare isugu jira maal iyo
nafbaxna uu isagu baryi doono nabad marka uu helo jasaaigiisa gardaro ee hada
dagaal sokeeye ooga ah, waxaan kaloo u sheegayaa dadka u dhashay sool iyo
sanaag qabiil qabiil ku duulaa inaanu marnaba guulaysan karin waxa kaliya ee
loo baahan yahay waa difaac adag iyo quudhid loo quudho maal iyo dhimashaba
karaamada shacabka puntland iyo jiritaan waanan hubaa munaafiqiinta gooni
goosadka somali land inay u socdaan aarsi ay ka aarsanayaan dagaaladii hore
arintuna maaha xuduud la xidhayo ee waa shirqoolo iyo karaama dhac lagu
waxyeelaynayo dadka reer puntland ,
SOMALILAND LA XAAJOON MAYSO CIDNA ILAA
INTA AY SHUFTADU KA BAXAYSO LAAS CANOOD...
Guji...
|
wararka kale ee laga helay jaaliyadaha
maamulka gooni goosadka ahi ee dibada ayaa sheegaya in maamulka hargaysa uu
wakhti hore bilaabay inuu shirqoolo siyaasiyiin u dhashay gobolada sool iyo
sanaag kuwaasooo si shirqool ah loogu laayey iyadoo la adeegsanyo (sun) loogu
daro raashinka hore maamulkaasi ugu laayey hargaysa kuwaasoo ka tirsanaan
jiray maamulka gooni goosadka ah ee hargaysa waxa uu ugu yeedhay
goloyaashiisa kuwa hada joogana waxa wararku sheegayaan kii laga dareemo
mucaaradad in iyagana wadadaa la marsiin doono runtii dagaalkan noocan ah waa
mid qorshaysan oo aanay dareemi karin kuwa haatan ku sugan maamulka gooni
goosadka ah ee u dhashay sool iyo sanaag sida qaybe oo hada sida wararkaasi
sheegayaan in! dariiqi i lagu sumayn lahaa oo loo dili lahaa la wado si loo
waayo bay yidhaahdeen dad waxgarad iyo siyaasiyiin ah oo wax garan kara dilka
noocan ah ayaa waxaa adeegsan jiray maamulkii cadaanka ahaa ee south afrika
xiligii ay cabudhin jireen dadkii madow ahaa ee u badnaa dalkaasi hadaba
waxaan u sheegayaa siyaasiyinta iyo waxgaradka u dhashay gobolada sool iyo
sanaag amaba aan idhaahdee warsengeli iyo sdhulbahante in kuwii hore ee
hargaysa lagu laayey wadadii ay mareen iayana la marin doono sidaas la
ajligeed inay ka soo baxaan deegaamada qawlaysatada maamulka gooni goosadka
ah ee hargaysa isla markaana ay u hogaansamaan rabitaanka shacabkooda
jihaadka iyo difaacna ay la galaan deeganada ay ka soo jeedaan waxaan kusoo
xidhayaa maqaalkayga inaan loo arkin maqaalkayga waxa uu xanbaarsan yahay
fudayd waa arin mudo dheer la baadhayey waana warar laga helay ilo xogogaal
ah .
waxaa ka mid ah kuwii tooska loogu laayey
sarkaalkii dhalac ee gaadhka madaxtooyo ku sheega haysan jiray ninkaas oo si
toos ah amaba badheedhe ah loogu toogtay bartamaha guriga loogu yeedhi jiray
madaxtooyada waxaad xusuusan tihiin intiina xaasaaska lihi cudurdaarkii
raqiiska ahaa ee maamulkaasi kaga war bixiyey fal danbiyaadkaa isagoo cudur
daar ka dhigtay in ninkii fuliyey danbigaas uu ahaa sakhraan kana cararay
goobtaas runtii waxay ahayd wax lagu qoslo ninkii wax fahmaayana uu ku qaadan
karo wacyi waxaa xusuus mudan in ay jiraan sida wararka lagu helay dad badan
oo loo haysto in caadi ahaan isaga dhinteen dhamaantoodna ay ku dhinteen
hargaysa ay ahaayeen dilal la qorsheeyey gebi ahaanba lagu sumeeyey dawo
amaba raashin dadkaas u dhashay gobolada amaba warsengeli iyo dhulbahante.
nink kuu digay kuma dilin.
waa bilaahi towfiiq.
hassan shide
hshide@hotmail.com
SomaliTalk.com | Jan 17, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|