Saxaafadu waxay leedahay xikmado iyo suaalo aad u badan waxaana ka mida
midan :muxuu yahay qanuunka ugu haboon ee saxaafada loo samayn karo?
jawaabtiina waxay noqotay inaan qanuunba jirin. ujeedaduna waxay tahay in
saxaafadu ku xajiimooto qaanuunka ayna jeceshahay inay noqoto muraayad u so
bandhigto sawirku siduu yahay xataa marka ay jiraan daruufo qalafsan. saxafi
walbo oo war soo gubinaya ama maqaal qoraya waxaa jira arimo asaasi ah oo mar
walbo loo bahan yahay inuu racaaco waxaana ka mid ah arimhaas aas aasiga
ah:inuu wax u dhimin xishoodka guud oo uuna soo bandhigin wax ku qoran luuqad
liidata iyo hadalo suuqi ah, inuu qoraagu aad u dabro xamaasadiisa inuu dhex
dhexaad ka ahaado waxa uu soo gudibnayo inta karaankii ah.
Sida xaqiiqda ah somalitalk waa madasha kali ah ee somali wax ku qorto ee
aan ka doorto Bogaga kale aadka u badan taa macnaheedu ma aha inaan aqaaano
ama saaxiib la ahay tifatirayaasha Bogan laakiin waxaan u doortay arimahan
soo socda: 1-Bogan kuma eka magaalo ama Gobol Gaar ah ee waxaa uu daneeyaa
waraka Daafaha somaliya oo idil iyo waliba somalida wali gacan gumaysi ku
jirta. 2-waxaa wax ku qora rag leh aragti soomaali oo aad u qodo dheer
tusaalena aan u soo qaato anoon koobid uga jeedin Maxamuud war
-dheere.3-waxay somalitalk soo gudbisaa qoraalo aad u kala aragti duwan
taasina waa arin caafimaad ah.
Hadaan u soo laabto cinwaanka maqaalkayga oon ku xusayo qorayaal saddex ah
oon akhriyay maqaalo ay qoreen waxaan jeclahay in naqdigaygu ahaado mid u
jeeda waxa ay qoreen ee aan u jeedin iyaga shakhsi ahaantooda waana sidan:
1-salahudin
waxaad qortay maqaalo dhawra oy ka muuqato gabi dhaclayn iyo dheeli aad u
wayn oo aana qormadan kooban ku soo bandhigi karin adoo ka hadlaya Qadiyadu
aad u baaxad wayn ood moodo inay ka muuqdaan xamaasad iyo wacyi bislaaday
sida markaad wax ka soo qortay warbaahinta aduunka ee koox yar oo sahyuuniyad
ahi gacanta ku hayso loona bahan yahay in la yeeshe warbaahin taa la tartanta,
Hadana si aad baad u dheeliday waxaad wax ka qortay aragtidaada ku beegan
mashaakilka soomaaliya adoo aad u yasaya qorayaasha koonfurta somaaliaya
aadna u la dhacsan waqooyiga somalia .intaa waxaa ka sii daran adoo adeegsada
Erayo suuqi ah oo ah kuwa ay adeegsadaan kireeyaasha baabuurta sida:(
tuugsiga wanlawaynta, Dawladii afwayne,iyo erayo la mida ama ka sii
liita)Erayadaa ma aha kuwa laga adeegsado saxaafada mana aha wax uu qoro
qoraa naftiisa ixtiraami, waxaana kuu cadaynayaa in khayraadka dabiiciga ah
ee walawayn iyo gobolka ay ku taal uu ka badan yahay wadarta wax soo saarka
ee gobolada waqooyi. ugu danbayn waxaan jeclahay inaad dib isugu noqoto waa
hadi aanad doonayn inaad ahaato suxufi fadhiid ah.
2-Dirdhabo
Qoraaladaada waa kuwa ka hooseeya gabi dhac oo aan ku tilmaami karo hadaaq
waayo maqaaladaada iyo waaqica maanta ka jira Geeska afrika waa kuwa aad u
kala fog. waxaad maqaaladaada ka mid ahaa:( jamhuriyada somaliland oo
qaqabatay ciidamo ONLF ah, somaliland oo ciidamadeeda u dhaqaajisay iida hore,
nin maraykan ah oo sheegay somaliland la ictiraafi doono ama uu ku talinayo
in la ictiraafo.) waxaan jeclahay hurumarka dhamaan gobolada somalia waqooyi
iyo koonfurba laakiin abdi waxaad ogaataa xaqiiada jirta maanta taa oo ah :
in Hargaysa iyoBerbera iyo nawaaxigooda tagreegu gacanta ugu hayo si ka wayn
siduu gacanta ugu hayo Dhulka soomaaliyeed ee gumaysto marka laga soo bilaabo
Dhagax-buur ilaa feer feer. taa waa xaqiiqa waanad soo baadhi kartaa. in la
ic tiraafo waqooyi galbeed ooy dawlad gaara noqdaan iyo inay somaliya la
joogaan waa arin u taal Dhamaan somalia . intaan ka war hayo oy ugu horeeyaan
macaahida lagu barto siyaasada Golbolkaa geeska africa ma jiraan wax
cadaynaya ama taageersan in waqooyi gooni u go,o.
3-ikraam
Telefeyshinka
Sacuudi Careebiya oo
taariikhda markii ugu horeysay ay
gabar weriye ah ka dhex muuqatay
Telefeyshinkaas oo markiisii
hore looga bartay iney badi ka howl galaan ragg ayaa...
Guji 12/1 |
Qoraaladaadu aad bay u wanaagsanaayeen iyo waxaad soo qortaba laakiin
waxaan aad ula yaabay maqaalkiiu danbeeyay eed sacuudiga kaga hadlaysay waayo?
1-waxaad u muuqatay qoraa ka hadla arimaha bulshada ama insaaniga isla
markaana leh itijaah islaami ah laakiin qoraalkii u danbeeyay waad
simbirixatay waayo waxaad soo gudbisay wax lid ku ah jihada qoraaladaadii
hore.
2-amaanada saxafada iyo cilmigu waxay sheegayaan inuu ruuxu sheego isha uu
ka soo qaatay warka maqaalaakaagu waxuu ahaa mid uu soo gudbiyay midxad cabdi
hadi oo u shaqeeya idaacada B .B.C. qaybteeda carabiga. waxa kaloo sheegay
warkaa wakaalado kale oo reer galbeed ah laakiin adi taa maad xusin.
3-maqaalo hore oo daabacday waxaad ku sheegtay inaad difaacayso diintaada
inta karaankaa ah Laakiin maqaalkaagii u danbeeyay waxaad bara dheeraysay
warbaahinta reer galbeedka isuna muujinaya inaad tahay mid u dagaalami
xaquuqda dumarka ee sacuudigu duudsiyay adoo xusay in dumarka lagu hay
cadaadis diineed iyo mid dhaqan suaashaydu waxay tahay mar hadaad ikraam cali
kaar saa aamin san tahay ood la qabto qorayaasha reer galbeedka ah maxaad ka
difaacaysay ayaan xirsi magan?