w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
Janaayo 16, 2004
Farxad iyo faa’iido
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
Maqaalkii dhawaan la faafiyey ee uu magaciisu ahaa ”Ma taqaan Cabdiqaasim”
wuxuu soo kordhiyey labo arrimood oo ay qof kasta dani ugu jirto, waana
labada erey ee uu qoraalkaani ka bilawday iyo macnaha ay xanbaarsan yihiin.
Akhrisyelaal aad u badan baa waxay sheegeen in ay
taariikhdaas ku farxeen iyo in ay ka faa’iidaysteen. Sida ay dadka maqaalkaas
wax ka qoray badankoodu sheegeen waxaa lagu farxay in si xalladdaysan loo soo
tebiyey dhacdooyin aysan dad badani ogayn ee taariikh ah, kuwaas oo yaab iyo
baraarug ku abuuray soomaali badan oo aan hore u ogayn.
Waxaynu soo qaadanaynaa qaar ka mid ah akhristeyaashu
qoraallo ay internetka ku faafiyeen iyo qoraallo badan oo aniga gaar ahaan la
iigu soo diray. Waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan soo wada gudbin karin
dhammaan qoraalladii badnaa ee iiga yimid akhristeyaasha taariikhdaas ka soo
hadlay.
Dadka qaarkood waxay soo qoreen waxyaalo xoojinaya
baaritaankii hore, oo isugu jira ayidaad ay sameeyeen dad ka shaqayn jirey
hay’adihii uu Cabdiqaasim joogey iyo taariikho kale oo ay soo kordhiyeen dad
xog’ogaallo ahi.
Dadka aan qoraalladooda xusi doono u aan eegi mayo in ay
aniga i maageen iyo in ay i taageereen, waayo in dadka aragtiyohooda inta ku
taageersan la jeclaado inta kalena la qariyaa waa dabeecadaha dadka aan
kartida fiican lahayn, waana dabeecaddii ay kacaankii ku hoogeen. Waxaynu ku
bilaabaynaa akhriste ka mid ahaa madaxdii wasaarad uu Cabdiqaasim wasiir ka
ahaa, oo soo qoray sidaan:
”Waxaa igu soo noqday caabuqii nabar waa hore igu dhacay
markaan akhriyay ”Ma taqaan Cabdiqaasim?” Waxaan shaqaale ka ahaan jirey
”Wasaarada arrimaha gudaha” markii Cabdiqaasim loo soo baddalay. Waxaan ahaa
dadkii ugu horeeyay ee shaqo ka bilaabay halkaas. Markii uu yimid C/Qaasim
ayuu waxuu bilaabay kala shaandheyn uu ku sameeyay shaqaalihii, laakiin anigu
waxaan ka mid ahaa qofqof aan ahayn beeshiisa ee ku haray, laakiin maxaan ugu
haray? Waxaan ahaa nin shaqada garanayey, marka waxuu rabay in aan u tababaro
ciiyaalkii aan xataa af soomaaliga qori karin ee uu halaas ku soo aruuriyey.
Tabarkii aan u furi lahaa ciyaalkaas isaga ayaa isu qoonsaday ka dib markii
uu igu eedeeyay in aan ahay "mahbar"! Waxuu iga fidiyay in aan jiritaanka
qaranka halis ku ahay, oo markaas la iga cayriyo wasaarada. Waxaan u tagay
Yaasin Nuur Godane isna uu mid Bangiga ganacsiga madax ka ahaa ka soo
cayrshay shaqadii. waxuu Yaasin igu yiri: ’Adeer meelo kale u shaqo tag’
Waxii maalintaas ka danbeyay waxaan aniga iyo Yaasin Nuur Godane shaqo la'aan
la fariisan jirnay makhaad ku dhawayd gurigii Warsame Indhoolle. Inan reer
Hargeysa ahaa oo wasaaraddii Cabdiqaasim ku haray, ayaa waa danbe igu yiri:
”Dee Naasirow maxaad u eedin Cabdiqaasim adeer Siyaad ayaa idin ku diraye?”.
Qoraalka uu Ilyaas idiin soo diray ma aha midkii uu
hore ugu jawaabey oo inta Internetka lagu baahiyey haddana laga saaray ee
waa mid uu qoray markii uu akhriyey "Farxad iyo Faa'iido" ka dib! Sidaas
awgeed waxaad tihiin dad aad si xayi ah u noolayn ee nolol qunjuraaf ah
ku jira. Dadka kartida lihi sidaas liidnimada ah dadka ulama ay dagaalaan
ee si xayi ah bay cadkooda u goostaan.
Maxaa idiin diidey in aad qoraalkii hore ee Ilyaas ku qortaan meesha
aad dhigteen midkii uu xalay qoray? Midda kale yaa idiin oggolaaday in
aad tuurtaan qaar ammaanadii aan idiin soo diray ka mid ah gaalo yahay!
Waxba la igagama qaadi karo in sida dawacadii la iila dhaqmo, waayo
waxaan ahay aar oo cidina daciifnimo wax igagama qaadi karto. Laba
xaniiyood baa inoo dhex ah!
Shaafici
mi99mosh@chl.chalmers.se
Jawaabtii SomaliTalk:
Ugu horayn qoraalkaaga hore waxaan u daabaci weyney wuxuu ahaa
qoraal aan waafaqsanayn anshaxa qoraalada, waxaaan xaq u leenahay in
aanaan daabicin wixii aan waafaqsanayn xeerka qoraalada iyo
shuruuradaha aan horay u faafinay,
sida aad adiguba qirtay websiteyadii kuu daabacay waa masaxeen markay
ogaadeen in qoraalkaasi uusan u cuntamayn anshaxa qoraalka.
Tankale waxaan xaq u leenahay qoraalka aan daabacayno in aan
faafreeb ku samayno, wixii aan dadka u cuntamayna ma siideyno.
Qoraalka
Ilyaas ee
aad xustay asaga toos u weydii.
Xornimada saxaafadu ma ahan in wixii la doono la iska daabaco.
We welcome all
opinions but reserve the right to edit them. |
Markii uu akhristehaani yiri: ”Wuxuu wasaaradda
Cabdiqaasim ka soo buuxiyey dad aan xataa farta afkooda qori karin” waxaa igu
soo dhacday laanta afka soomaaliga ee BBC, oo sanaddadii danbe laga buuxiyey
dad aan hadli aqoon.
Dadka cusub oo sannadihii gadaale laantaas laga
shaqaaleeyey waxaan ula yaabaa sida uu Naasir ula yaabay dadkii uu
Cabdiqaasim wasaaradda ku kharribay oo aan waxba garanayn. Waxaa waddamo
badan BBC wararka uga soo tebiya wiilaal iyo gabdho uusan qof xishoonayaa
dhegaysan karin sida aysan ugu qalmin in ay warramaan darteen, waxaase ka sii
daran kuwo ”Bush House” la fariisiyey oo aan kala garanayn farqiga u dhexeeya
”weriyeheenna” iyo ”weriyahayaga” ama ”cinwaankeenna” iyo ”Cinwaankayaga”.
Kuwaasi laba erey iskuma ay toosin karaan marka ay hadlayaan, oo kacaakuf bay
u hadlaan, haddana jumlad keli ah oo sax ah in afkooda laga maqlaa waa ay yar
tahay!
Akhriste kale oo jaamacadda in uu joogi jirey sheegay ayaa
wuxuu xaqiijiyey in ay jaamacadda ka jireen arrimhii aynu ku taataabannay
maqaalkaas taariikhda ahaa, wuxuuna qoray sidaan:
”Qeybta dambe ee arrimaha aad Cabdiqaasim ku tilmaantay
wax baa ka jiray, waayo jaamacadda ayaan joogay, ha yeshee ma ficneyn in aad
ka hadasho qeybtiisi waxbarashada ee Russia iyo howlihiisii u gaarka ahaa,
sida hoteelka iyo dumarka. Cabdiqaasim waxaa markii ugu horreysay loo
magacaabay Wasiirka Warshadaha sanadkii 1973 ee wasiirka warfaafinta ma aheyn.
Tan kale Mohamud Geele waad ku fogaatay. Fadlan, iska ilaali in aadan qorin
arrimaha personalka ah, waa haddii aad tahay nin aqoon leh. mahadsanid,
nabadiino”
”Persolnal” wuxuu akhristuhu uga jeedaa shakhsiyan, oo uu
malaha ula dan leeyahay in aan markii taariikh la qorayo dadka la magacaabin.
Haddaba waxaa isweydiin leh ”Taariikhdu ma ay ka hadashaa wax aan shakhsiyaad
ahayn?”.
Taariikhdu waa in shakhsiyaad laga sheekeeyo, oo wax kasta
oo ay sameeyeen la soo tebiyo. Qof dhintay, qof nool, mid xun iyo mid san
intaba taariikhdu ma ay qariso, oo mid kastaa sidii uu ahaa in loo sheego
ayaa habboon, waana sidii aan anigu xoogaa uga taabtay taariikhda Cabdiqaasim.
Haddii aad asaxaabtii nebiga SCW siiradoodii akhridid
waxaad ku arkaysaa Xijaaj Yuusuf oo ahaa nin mujrim ahi in uu laayey qaar
asaxaabtii ka mid ah! Haddii aad casrigaan dalka Maraykanka eegtid waxaad
arkaysaa in ay niman madax ahi xaaraan ugu galmoodeen gabdho xafiisyadooda ka
shaqayn jirey, oo aan laga aammusin ee sinadii ay galeen lagu facsharay.
Marka ma jabhadaha soomaalida iyo kacaankii burcadda ahaa
oo dadka kawaanayey bay taariikhdu qarin kartaa?! Boowe taariikhda lama
qarinaayo ee waa la sheegaayaa!
Shirka hadda Nayroobi ka socda ayuu akhriste kale wuxuu ka
soo diray qoraal uu madaxda shirka kaga hadlayey, oo sidaan ahaa:
”Waxaan aqriyey qoraal dheer oo aad ku qortay Internetka,
aadna waxa uga sheegaysay Madaxweynaha DKMG ah Mudane C/qassim Salaad Hassan.
Saaxiib waxaan u gartay qoraalkaaga in aad isku deyeysid in aad qoraal ku
horjoogsato hamiga siyaasadeed ee Dr. C/qassim salaad Hassan. Saaxiib
sideedaba dadku labo ayey u qaybsamaan 1. wax garad 2. wax ma garad! Wax
garad markiiba wuu garan karaa ujeedada qoraalkaaga wax ka soo qaadna ma
yeelanayo, illeyn waxaad tahay nin dan watee. Wax ma garadna dan kama lihin
siduu rabo wax ha u fahmo. Adiga waxaan kugula talinayaa in aad ka waan towdo
af lagaadeynta dadka madaxda ah, ogowna madax la caayaa waxay leedahay madax
la caayo, berri mid aad taageersan tahay ayaa wax laga sheegi doonaa waadna
dhibsan doonaa, hadhow isku qanci in aad adigu bilowday barnaamijkaas. Teeda
kale haddii cid wax laga sheegayo sidaa wax looma sheego, qof aan ceeb
lahaynina ma jiro. Bal adiga yaa ku ogaada. Kuwo madaxweynenimo isku
sharaxaya oo Cabdiqaasim ka dhallinyar oo haddana Nairobi ”sex” ku daawanaya
annagaa aragnay oo weliba ku qarxinay oo ku niri war ma sidaan baad madax
noogu noqon doontaan. Meeshaan shir ku sheeggu ka socdo waad la socotaa waxa
isugu yimid in ay meesha subixiina isku caayaan galabtiina ay jaad u
fariistaan habeenkiina ay hotelada waaweyn ka tuntaan waxna kama aadan
sheegin maxaa marka ku tusay C/qassim? Waxaan hubaa in haddii koobka xumaanta
loo dhigo rag isku haya jabhadaha Soomaaliya la helayo wiilal 2,000 oo jeer
ku soo wareegaya Dr. C/qassim Salaad Hassan. Walaal Sidii aragti gaab ha u
hadline nin aragti fog iska dhig. Mahadsanid, Abdirahman Ali, Nairobi,
Kenya”.
Waxaa la moodaa in uu Cabdiraxmaan ka xun yahay in ay
ummadda soomaalyeed madax isaga dhigaan dad xumaan iyo fawaaxish ku dhiirrada,
oo aan akhlaaqda islaamka ku suubbanayn, laakiin akhristuhu wuxuu igaga
gardaran yahay in uu igu eedeeyey in aanan qorin dhammaan taariikhaha nolosha
ee qabqableyaasha soomaalida.
Horta qabqableyaasha qabyaaladdu aad bay u badan yihiin oo
taariikhdooda lama soo koobi karo. Xataa Cabdiqaasim in yar baan ka sheegay
taariikhdiisa, oo kama aan gaarin in aan dhammaystiro ama aan sii dabagalo,
waayo maqaal yar baan ka qoray ee buug aan wakhti badan geliyey kama aan
samayn.
Haddii la isla garto waa la soo uruurin karaa dhammaan
taariikhda Cabdiqaasim, si qabqableyaasha kalena midba midka uu ka shakhsiyad
iyo dadnimo xun yahay loogu hormaro, oo ay ummaddu u farxaan, una faa’iidaan.
In dadka qabqableeya taariikhdooda dhabta la baaro oo
ummadda loo soo gudbiyaa waa arrin fiican, laakiin keligay kama aan shaqayn
karo, oo waxaa loo baahan yahay ikhyaar soomaali ah oo qabyaaladda ka hufan,
kuwaas oo si anshaxan oo aan eex ahayn u baara ninmanka shacabka soomaaliyeed
isku soo diray, welina isku dira, oo uu Cabdiqaasim ka mid yahay.
Horta markii qabqable wax laga qorayo waxaa lamahuraan ah
in aan la masabbidin ee dabeecadihiisa dhabta ah iyo falalkii uu soo sameeyey
si bareer ah loo soo gudbiyo. Qofka madaxda sheegtaa la uu mid ma aha ruux
caadi ah oo aan farogashan arrimaha guud ee ummadda.
Haddii uu qofku sheeganayo ama uu soo maray masuuliyad
waxaa muhiih ah in ay dadku yaqaanniin shakhsiyaddiisa iyo damacyadiisa. ”Nin
xilqaaday eed qaad” waxaa looga jeedaa in markii uu qofku xil jabhadeed ama
skirkadeed sheegto ay furan tahay in la eedeeyo oo loo fiirsado
dhaqdhaqaaqiisa iyo taariikhdiisa.
Haddii aan qabqableyaasha taariikhdooda la eegin waxaa
dhacaysa in ay dad masaakiin ahi ku kedsoomaan nin weligiis dabaalanayey
macsi iyo hanti xaaraan ah, oo ay qabyaaladi asaaggiis ka reebtay. Waxay
dadka masaakiinta ah marmar ku hadaaqaan ”Hebel waa wadaad”, mana ay oga in
uu yahay qofkii malaha ugu shakhsiyad liidey gebi ahaanba dadka soomaalida la
isku yiraahdo.
Rabbi ducada kama uu aqbalo qofka xaaraanta cuna, oo
macsida iyo balwadda ku maba. Haddaba sidee bay dadku u aammini karaan oo u
aqbali karaan ruux ay taariikhdiisu dhxul ka madaw dahay, oo cudur qabiil
maskaxdiisa gudcur dam ah ka dhigtay?!
Waxaa aad u fiican in qabqableyaasha si run ah loo baaro,
oo aan la iska ammaanin, la iskana caayin. Waxaa marmar dhacda in ay dad
dhallinyaro ahi qabqable si gaar ah u necbaadaan, dabadeedna ay maalin kasta
iska caayaan, oo aysan waxba baarin ee ay iska qoraan hadallo ay nacaydkooda
ku muujinayaan, oo aan waxba laga faa’iidayn.
Haddaba waa in ay taariikhdu soo kordhiso farxad iyo
faa’iido. Haddii kale waxay dadku ogaanayaan in uu qofka qorayaa caaq yahay,
oo uu nacayb keli ah ka duulayo ee uusan taariikh iyo dhalliilo xaqiiq ah
hayn. Qofka miskiinka ah oo qof iska neceb ama ay dad kale maskaxda ka
kiraystaan oo aan taariikhda iyo eedaha si hufan oo run ah u sheegini waxba
uma uu geesan karo qofka uu ka hadlayo, ee wuxuu calaamad u noqonayaa in
qofka uu sheegayo laga gardaran yahay, oo asaga ayuu sii caawinayaa.
Haddaba inta aan la bilaabin in qabqable wax laga qoro waa
in daacad iyo dar ilaahay la yahay, isla markaas waa in taariikhda iyo eedaha
loo kuurgalo ee aan la iska qorin. Dhalliilihiisana waa in si xeeladaysan loo
sheego ee aan nacasnimo iyo qunjuraaf maalin kasta lala soo taagnaan.
Akhriste kale oo ka mid ah dad qoraallo jawaabo ah ku
faafiyey bogga internetka ee lagu baahiyey qoraalkii ahaa ”Ma taqaan
Cabdiqaasim” waxaa magaciisa la yiraahdaa Ilyaas Maxamed Xuseen.
Qoraalkaas halkaan kuma wada qori karno maaddaama uu ahaa
qormo dhan ee jawaab ah, waxaanse sheegaynaa in uu qoray qof si xad-dhaaf ah
u jecel Cabdiqaasim oo si gooni ah u shinsanayey. Waxaan laga yaabaa in
meeshii laga soo qoray uu Cabdiqaasim laftiisu fadhiyey asaga oo tiiraayaysan,
waxaana yaab leh sida ay dadku qabyaaladda iyo xumaanta maskaxda ugu hayaan.
Waxyaalaha lagula yaabay qoraalkaas jawaabta ahaa waxaa ka
mid ahaa in loo maleeyey in aannaan aniga iyo Cabdiqaasim isku beel ahayn,
taas oo aan macne samanayn, waayo qabiil iyo qabyaaladi ummadda wax aan dhib
ahayn kuma ay soo kordhiyaan. Isla markaas qofka marka taariikhdiisa la
baarayo lagama fakaro heeshiisa iyo eheladiisa ee waxaa lagu dadaalaa sidii
xaqiiqooyin la hubo loo heli lahaa.
Waajib kuma ay aha qofka soomaaliga ahi uu Cabdiqaasim la
beel yahay, ee waxaa waajib ku ah in uu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto, oo
uusan shacabka walaalaha ah dhibaato u geysan sidii Cabdiqaasim uu ardadii
jaamacadda dhibaatada u dhexdhigay markii uu masuulka ahaa iyo sidii uu
hantidii ummadda u boobay.
Soomaalida badankoodu qofka aragtidiisa fiican iyo cilmiga
uu qorayo ma ay eegaan ee waxay ku qiimeeyaan qolada uu Rabbi ka dhaliyey,
taasina waa iska axmaqnimo iyo xoolonimo, waayo qabiil dhammi isku aragti ma
ay noqon karaan, oo waxaa maanta meel kasta ka buuxa dad ay Cabdiqaasim ilma
adeer laxmi ah yihiin oo ku yaqyaqsada marka ay dib u soo xasuustaan noloshii
xumayd ee uu soo maray iyo waxyaalaha uu imminka asaga oo cirroole ah ku
dhexjiro.
Dadka soomaalida ahi heel kasta oo ay yihiin waxaa dan u
ah in ay dawlad helaan, waayo bililiqo, suuqmadow, tuugnimo iyo daroogo wax
faa’iido ah lagu gaari waa.
Waxaa qoraalkii Ilyaas ka mid ahaa in ay beelaha
soomaalidu yihiin sida Yuhuudda iyo Falastiin! Anigu aragtidaas aad baan uga
soo hortjeeda oo waxaan qabaa in aysan soomaalidu u kala fogayn sida labadaas
qowmiyadood oo kun sano iyo dheeraad diin iyo jinsi isku colaadinayey.
Waxaas oo kale in ay Cabdiqaasim iyo dhawrka qof oo la
joogaa ku hadlaan uma ay fiicna, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahaan ”Waa
la doogune, yaan la dacaroon”. Ma markii taariikh run ah xoogaa laga taabtay
bay xanaaq aan macne u kordhinayn Cabdiqaasim iyo martidiisu furka tuurayaan?
Saboolnimo iyo qabyaalad baa dadkeenna qasay ee waa dad
isku qowmiyad ah oo in sidaas loo kala qoqobo, oo Yuhuud iyo Falastiin lagu
metelo anigu lama qabo Cabdiqaasim iyo afarta agtiisa ku madoobaadey, oo sida
xanaaqa ah uga jawaabey qoraalkii taariikhda ahaa oo lagu farxay, lagana
faa’iidey.
Hal erey oo maqaalkii ka mid ah ma ay beenin raggii
jawaabtaas soo qoray, waayo meesha kama ay muuqan wax la beenin karaa, oo waa
taariikh ay dadkii goobjoogyada ahaa wada nool yihiin, oo ay meel kasta
joogaan. ”Gashaanti aamuska ayaa lagu meheriyaa” ayey soomaalidu ku
maahmaahaan, oo sababta loo waayey qof taariikhdaas erey ka mid ah ka doodaa
waa in aan maqaalka qoray markii aan aad u baaray oo xaqiiqsaday waxyaalaha
aan qoray dhammaantood.
Cali Shire Jaamac oo ah qoraa ay dadka internetka galaa
malaha wada garanayaan ayaa markii uu qoraalkii taariikhda ahaa akhriyey
wuxuu ii soo diray sidaan:
”Waxaan garan la’aa sababta uu Cabdiqaasim xagga
siyaasadda mar kasta ugu fashilmo, oo uusan wax horukac ah u samayn ee uu had
iyo goor u ceeboobo, laakiin arrintaas waxaa iiga jawaabey taariikhda oo
sheegtay in uu Cabdiqaasim dumarka aad uga fakaro, waana halka ay soomaalidu
kaga maahmaahaan ’Laabi labo u la’’ oo laga wado in uusan qofku ku guulaysan
karin wax uusan hibo iyo karti u lahayn, oo ay niyaddiisu meel kale jirto”.
Cali Shire Jaamac wuxuu ka hadlay arrin cilmunafsi ah,
wuxuuna u soo qaatay maahmaah soomaaliyeed, oo meesha ku habboon.
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
QORAALADII HORE EE SHAAFICI
Afeef: Aragtida
qoraalkaas waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Jan
16, 2004
LIFAAQ: Maadaama uusan qoraalkaasi
”Ma taqaan Cabdiqasim”
kusoo bixin SomaliTalk ayaanaan u xusin meelihii kala ee uu kusoo baxay.
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
Denmark:
Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah
weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan
muslimka ahayn”...
Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala
Diinta Islaamka..
Guji
USA:
Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro
ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa...
Guji
London,
UK:
Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano
kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV
si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay...
Guji
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|