Qisadani waa Xadiis Nabiga (CSW) uu ka soo weriyay Suhayb
(RC) Nabiga (CSW) ayaa yidhi:- Boqor ka mid ah umadihii naga horeyey
ayuu u shaqeyn jirey nin musixir ah, markii uu weynaaday saaxirkii ayuu
boqorkii ku yidhi anigu waan gaboobe inanyar oo aan sixirka baro ii keen
waana loo keenay inankii yaraa waxana uu u bilaabay baristii sixirka, inankii
yaraa maalin isagoo marayaa dariiqa oo ku sii sacda saaxirkii ayuu la kulmay
nin caabid ah (Nin si toosan illaahay u caabuda) ah waana uu la fadhiistay
waxana uu dhageystay hadalkiisi waana uu la yaabay, intaa ka bacdi kii yaraa
waxa uu ku noqday ninkii saaxirka ahaa markii uu u tagay ayuu saaxir garaacay
waxana uu u cawday ninkii caabidka ahaa waxana uu ku yidhi hadii aad ka
baqato waxa aad ku tiraahdaa waxa aan ku habsaamey ehelkaygi hadii ee
ehelkaaguna ay ku yidhaadaan halkee ayaad ku habsaantay waxa aad tiraahdaa
waxa aan ku habsaamey saaxirkii, waxa ay sidii ahaatoba maalintii denbe waxa
wadadii dadku marayeen goosatay daabad weyn inankii maalintaa waxa uu
go’aansaday in uu kala ogaado ma saaxirka fadli badan mise raahibka waxana uu
qaatay dagax waana uu ku tuuray waxana uu yidhi “illaahayow hadii arinka
raahibka agtaada laga jecel yahay ka musuxirka ah” sidiibeena ay ku dhimatay
daabadi, dadkiina wey iska mareen wadaadii, waxa uu u yimi caabidkii waxana
uu uga waramay arintii waxa uu caabidkii ugu jawaabay inankaygiyow adiga ayaa
maanta iga fadli badan aniga arinkaagu ilaa heerka uu gaadhay, arinkaaguna
waxa uu gaadhay heerka aan arkay adiga waa lagu ibtilayn doona, markii danbe
inankii yaraa waxa uu doweyn jiray Barasta iyo xanuuno la mid ah, mid
ka mid ah dadka boqorka aad ugu dhow ayaa indho beelay waxana uu u keenay
hadyad faro badan waxana uu ku yidhi waxan adiga ayaa leh hadii aad I
daaweyso, waxa uu kii yaraa ku yidhi anigu cidna caafimaad ma siiyo
illaahayba dadka caafimaadka siiya hadii aad illaahay rumeyso oo aad barido
waa uu ku caafimaadinayaa illaahay ayuu aaminey rumeyeyna illaahayna
caafimaad ayuu siyey, ninkii waxa uu u tagay boqorkii waana uu la fadhiistay
sidii uu u agfadhisan jirey, boqorkii waxa uu ku yidhi yaa indhahaagi ku soo
celiyey waxa uu ku yidhi rabigey ayaa ii soo celiyey, boqorkii ayaa yidhi ma
rabi aan aniga ahay ayaad leedahay? Ninkii ayaa hadana ku jawaabay rabigay
iyo rabigaa waa illaahay, waana la qabtay ninkii aadna waa loo ciqaabay ilaa
uu sheegay inankii yaraa oo la keenay goobtii.
Boqorkii waxa uu ku yidhi inankii yaraa, inanyahayow yari sixirkaagu waxa
uu gaadhay ilaa heer aad dawayso indho la’aanta iyo barasta waad sameysay oo
waad sameysay, waxa uu ku jawaabay inankii yaraa anigu waxba ma shaafiyin ee
illaahay ayaa dadka shaafiya waana la ciqaabay inankii yaraa ilaa uu
tilmaamay isaguna ninkii diinta baray, caalimkiina waa la soo qabtay waxana
lagu yidhi ka noqo diintaada waa uu diiday waxana la soo qaaday miishar
waxana la saaray madaxiisa bartankiisa waxana laba qeybood loogu dilaaciyey
madaxiisi, waxa kaloo loo yeedhay ninkii boqorka la fadhiyi jirey waxana lagu
yidhi ka noqo diintaada isaguna waa uu diiday ilaa isagana sidii loo gelay,
waxa la keenay inankii yaraa oo lagu yidhi diintaada ka noqo waa uu diiday
boqorkii waxa uu kuwa ka mid ah ciidankiisi ku yidhi:- inankan yar waxa aad
geysaan buurta sidaa iyo sidaas geeya hadii uu ka noqdo diintiisa soo celiya
hadii kalena ka tuura, markii ay buurti gaadheen ayuu yidhi “Illaahayow
igaga filnow ….” Intaa ka bacdi buurti ayaa gariirtay wana ay ka dateen
buurtii.
Inankii yaraa isagoo lugeynaya ayuu u yimi boqorkii, boqorkii waxa uu ku
yidhi maxaa ku dhacay ragii kula socday waxana uu ku yidhi “Illaahay ayaa
igaga filnaadey” boqorkii waxa uu u yeedhay kuwa ka mid ah ciidankiisi
waxana uu ku yidhi bada eeya oo hadii uu diintiisa ka noqon waayo halkaa ku
qaraqa, markii la gaadhay badii waxa uu yidhi “Illaahayow igaga filnow
intaad doonto horena waad igaga filnaatee”doontii ayaa la gariirtay weyna
qaraqmeyn, intaa ka bacdi ayuu hadana kii yaraa isagoo lugaynaya ayuu u yimi
boqorki, boqorkiina waxa uu ku yidhi maxaa ku dhacay nimankii aad wada
socoteen waxa uu ku yidhi “Illaahay ayaa igaga filnaadey” inankii
yaraa waxa uu boqorkii ku yidhi adigu ma tihid mid I dilayaa ilaa aad yeesho
waxa aan ku faro, boqorkii waxa uu ku yidhi oo waa maxay, inankii yaraa waxa
uu yidhi dadka isku yeedh meel banaan ah oo weyn anigana waxa aad igu xidhaa
jirid geed weyn soona qaado layb waxana aad dhul dhigtaa qaansada dabadeedna
waxa aad tiraadhaahdaa magaca illaahay dabadeedna igu soo rid laybka hadii
aad sidaa yeesho waad I dilaysaa, boqorkiina arinkii waa uu yeelay dadkii
ayaa ku soo aruurey goobtii inankii yaraana waa la xidhay boqorkii waxa uu
soo qaatay layb waxana uu saaray qaansadii tuuritaankii leebkana waxa uu ku
bilaabay magacii illaahay waana uu ku ganey ilaa uu kii yaraa ku dhintay,
dhamaan dadkii meesha joogay ay dhawaaqeen waxana ay yidhaadhaahdeen waxanu
rumeynay rabiga inankaa yar.
Boqorkii waxa uu yidhi ka warama waxa aan idinka digayo run ahaantii
illaahaybaan ku dhaartee waxa ku soo degi digniintaada, dadkii waxa ay
rumeeyeen illaahay (SW) boqorkii waxa uu amrey ciidankiisi in dab la shido oo
dadka qofkii aan ka noqon diintiisa lagu tuuro, dhamaan dadkiina wixii diinta
ka noqon wayey waxa lagu guray dabkii ilaa ay gabadh ilma yar sidataa ay isi
soo dultaagtay oo ay ka warwareegtay in ay ku gasho dabkii waxa hadlay
ilmihii yaraa ee ay sidatay waxana uu yidhi “Hooyo samir adiga ayaa xag ku
taaganee” intaa ka bacdina waa ay gashay dabkii.
……………………
Qisadani waxa ay ku bilaabmaysaa nin boqor ah oo lahaa musuxir oo inaga
horeyay iyadoo la xusin sabanka iyo goobta si ay ugu xidhnaato oo ay iga
faa’iidaystaan dadka kale oo ay haystaan duruufo noocan ah oo kale in kastoo
ay ahayd mudo hore hadana waxa jira isku xidhnaasho iyo isku eegansho xaga
dacwada waaqaca maanta jira.
Macnaha labaad ee qisadu ay ugu bilaabmatay boqorka waxa weeyaan
halbowlayaasha ugu horeeya ee iska hor imaantika dacwada xaqa ah iyo xukunka
baadilka ah ayey inaga siinaysaa muuqal cad waxaynu halkaa ka fahmeynaa
cadaawada ka dhexaysa daaciyiinta xaqa iyo xukumada baadilka ah oo arinkoogu
yahay arin qaloocan oo la diidan yahay bilowgiisaba iyadoo lagu xadidayo ka
fikirka ujeedada dacwada lana eegayo waaqaca dadku ku sugan yahay sidaa
darteed dacwada kasta oo xaq ah waxa ah ka muuqataa waaqica baadilka ah,
iyadoo ah aragti xadidan oo damaanad qaadi kari awoodna aan u lehayn in ay
waajahdo baadilka oo uu wato quwadiisa iyo maamulkiisa, taasi waxa ay
noqonaysaa mid ka hor timaada waaqica mushtamaca sidaa dartee Nabigu (CSW)
waxa uu ku dadaali jirey bilowgii dacwada ku dhawaaqideeda kii oo kor u
odhanaya gowlka xaqa ah, Nabiga (CSW) waxa loo soo direy umada oo dhan, waxa
uu Nabigu (CSW) cid u diray boqorada isagoo quwada asxaabtu faro badneyn
laakiin hadana xeer dheeranta bilowga iyadoo lagu go’aan qaadaneyn xaaladu
sidey ahayd, marka la isku eego quwada gaalada iyo islaamka, qureeshi mey
fahansanayn qasdiga Rasuulka (CSW) waxayna ay moodayeen in uu yahay nin xukun
doon ah waxana ay u soo bandhigeen in uu noqdo sayidkooga laakiin Nabigu (CSW)
waa uu diiday rayigooga.
Hadaba muuqalka dacwadu in uu xukun jiro waa laga maarmaan, waxana jirta
cid ka hor imanaysa oo diidan xaqa lana xaqiijin maayo sinaanta liidata ee
waxa lagala hortagayaa jihad iyo hawl-gel si ay u noqoto mid sharci ah oo
xaqaaqa ah, waana in ayna kuwa ducafada ihi ayna ka hor iman baahida weyn ee
loo qabo iska hor imaatinka dacwada iyo xukunka daalinka ah, ka hortagidani
maaha mid la bilaabayo iyadoo aanla eegeyn wax yaaba daruuriga ah ee maadiga
ah, Nabiga (CSW) waxa uu cadeeyey qofka is hortaaga xaakin daalin ah ee uu
amar siiyo kana diida isagoo og in la dilayo Nabigu (CSW) waxa uu yidhi kaas
ayaa ah sayidka Shuhaadada waayo waxa ay ku adkaysanayaan
Mujaahidiintu marka ay la dagaalamayaan gaalada ka awooda badan in ay
helayaan laba mid ahaan 1. in ay dagaalka ku shihiida Janadana ay gelaan 2.
talabaadna waxa weeye in ay gaalada jabiyaan.
Hadaba saxirka la shaqeya boqorka iyo boqortooyadan sixirka ku dhisan,
dabeecada waaqicani waxa ay inatusaysaa in uu yahay mid faasida ah oo dulmi
ku dhisan oo waxa uu doono dadka ku xukuma oo leh manhaj hogaaminaya oo dadka
qasab ku maamulaya iyo fikir quraafad ah, marka xaalku maamulku sidaa yahay
waa in uu ahaada kibraani naftiisana cajabiyaa oo aan dareemay cadaadiska uu
umada ku hayo, kani waa waxyaabaha daruuriga u ah xukunka daalinka ah waayo
xukunka jaahilka ihi waxa uu ku dhisan yahay duminta jiritaanka qofnimada iyo
kala kaxeenta isku duubnaanta umada waayo xukunka jaahilka ihi waxa uu
doonayaa in uu kaligii dadka xukumo wax kasta oo ka imanaya iyo burbur iyo
baaba kasta, xaaladani waxa ay ka dhigaysaa cidkasta oo doonta in ay toosiso
maamulka in uu ahaado qof xidhiidh la leh maamulka oo ah jaahil taagdaran.
Nidaamkasta oo aan ahayn ka illaahay soo dejiyey natiijada ka timaada waxa
ay xaqiiqnonaysaa tii saaxirka oo kale laakiin waxa ay kaga duwanaanaysaa oo
kaliya magaca iyo muuqaalka, nidaamkasta oo dadku u arko in uu yahay mid
cidhib wanaagsan
waxa waajibinayaa in la raaco nidaamka khaldan ducufnimada iyo jahliga
lagu jiro darteed.
Markii uu weynaaday misixirkii waakii boqorka ku yidhi ii keen inanyar oo
aan baro misixirnimada, hadalkan waxanu ka fahmeynaa in uu hor dhac u yahay
xumaan la doonayo in ay umada ku sii waarto.
Tusaale ahaa musuxiriintii Fircoon waxa loogu yeedhay in ay
yimaadaan Madaa’in si ay u weraraan muuse hadalkii ugu horeyey ee ay
yidhaadeena waxa uu ahaa sida uu illaahayba ku sheegay quraanka “Waxa yimi
musaxiriintii fircoon waxayna ay yidhaadeen miyanan lahayn abaal-marin hadii
aanu guulaysano waxa uu yidhi haa weliba waxa aad noqonaysaa kuwa igu
dhowdhow” [Suuratul-Acraaf-114] la isma weydiin cida la werarayo laakiin
waa maxay qadiyadoodu? Taasi mihiim maaha in la isweydiyo cida la weerarayo
laakiin waxa mihiim ah abaal marin waxa ay helayaan.
Markan inanka yar oo soo diray waxa uu u yimi si uu u barto sixirka inanka
la doonayaana waxa uu ahaa mid fahmo wanaagsan oo la baro cilmiga odeygan
gaboobay taasina waxa ay cadeynaysaa xeer dheerashaha khatarta shirqoolka
jaahiliga ee u banbaxay in uu umada fasahaadiyo si looga horjoogsado in ay
umada dadka wanaagsani hogaamiyaan si ay jaahiliyadu damaanad uga hesho in ay
maamusho xaalka umada ay ku sugantahay.
Markan uu dariiqa ku soo marey ninka caabidka ah ee uu hadalkiisa
dageystay lanayaabey hadana u tagay saxirkii uu garaacey waxanu ka
dheehanaynaa daliilkan inanku marka uu la fadhiyey caabidka waxana uu dib uga
dhacay wakhtigii uu qaadan lahaa casharkii saxirka, waxanu halkan ka arkeynaa
inanka yar in ay imtixaan iyo balaayo ku dhacday marka loo eego
da-yaraantiisa laakiin illaahay ayaa la doonayey in uu tarbiyadeeyo tarbiyad
dhab ah oo dhameystiran ama in uu noqdo isku xidhaha dacwada iyo dabeecadeeda,
inankan yari waxa uu noqdey mid si dhameystiran u aasaasey dacwada dadkana u
noqdey wax ku qaadasho
Sidaa darteed waxa laga maarmaan ah in uu noqdo shaqsiga dhameystiran ee
daaciga ihi mid rumeysan in aanu xaqiijin kareynin ama uu aan dhameystirin
ujeedadiisa ilaa uu u diyaar garoobo dhibaatada kuna samro wax kasta oo ku
dhaca.
Dabeecada aad kala kulmeyso diinta ee xadidaya xornimada iyo laasimida
dacwada, dadka rumeysani in ay diintani ay tahay dhibaato oo ay tahay in lagu
samro kuwaas uun ayaa ah kuwa xejisanaya diintooda, kuwa ku qaatey diintooda
quwada waxa ay damaanad u haystaan in ay ku waaraan islaanimadooda.
Sidaas ayuuna illaahay (SW) u doonay in ay iswaafaqaan inankan yar iyo
dabeecada dacwada, waa in aaney ku adkaanin shaqsiyadiisa waxyaabaha lagu
waajibiyey, illaahay waa uu ibtirleeyey daqiiqadihii ugu horeyey ee sameenta
shaqsiyadiisa waa xiligii tarbiyeentiisa run baana uu ka sheegey waana u ku
samrey isagoo ay haytaan dhibaato adag hadana kolba waxa u cadaanayey ayaad
uu u gargaarsado xaga samirka oo naftiisuna ay ku degto sida markii uu soo
marey daabada wada goosey oo kale waa kii go’aansaday in uu kala ogaado
caabidka iyo saaxilka midka xaqa ku taagan, waxana halkan ka fahmeynaa in uu
labadoodaba isla wakhti la kulmay laakiin caabidku waa uu fahmey in uu ka
cabsanayo saaxirka laakiin saaxirku manuu dareemin kamanuu fikirin waayo
markii uu dhageysanayey ayuu ku yeeshay raad waxana ay noqoto in uu ka fikiro
diinta iyo sixirka laakiin cabsidu waxa ay ku sii korodhay hadalkii xeesha
dheera ee uu ku yidhi caabidku markii uu fahmey iyo caqoontii wanaagsanayd ee
uu ulahaa macnaha diinta, waxaynu halkan ka fahmeynaa in islaamku leeyahay
waxyaabo uu kaga gudbo marxaladaha adag iyo in ay lagama maarmaan tahay in uu
qofka muslimka uu istaago mawqif adag.
Marka la sii faahfaahiyo waxanu halkan ka fahmeynaa aasaaska dacwadu in
aanu ahayn hadal la soo bandhigo qadiyada oo khaliya laakiin uu yahay in la
raaco asluub cilmi ah taas oo keeneysa in lagu guulaysto xaqiiqada iimaanka
dhameystiran ee jiritaanka dadka intaaan la dooninba in la cadeeyo amba
dacwada lagu soo bandhigo kalmad keliyana ha ahaatee.
Waxaynu ka fahmi karnaa inankii yaraa kumuu hadlin gaarsiinta qadiyadiisa
dacwada sadaxda cibaaro ee qisada ku jira wax ka badan 1.Illaahay uun ayaa
wax shaafiya oo uu ugu jawaabey ninki boqorka aad ugu dhowaa markii uu ka
dooney caafimad iyo markii uu boqorku yidhi inanka yari waa misixir waxanu
sameynaa 2.Waxa uu yidhi illaahay ayaa igaga filnaadey kelimadan wuxuu
u celiyay boqorka markii uu ka nabad gelay dhimashadii buurta dusheeda iyo
doontii 3.Waxa aad ku Bilowdaa Magaca illaahay waa markii uu boqorka
tusayey sidii uu u dili lahaa isaga.
Laakiin tani waa cibaaro sadexaad oo ah khadka ku sugnaashaha caqiidada
iyo dacwada inta lagu jiro marxalada adag.
Waxa jirta arin kale oo sababta iyo natiijada isku xidhay waxaynu hore u
soo aragnay dhow xaqiiqo natiijadu waxa ay xaqiijisay wax ka duwan wixii
inanka yar lala doonayey oo ahayd misixir wax haleeya laakiin illaahayna (SW)
waxa uu la dooney in uu noqdo daaci dadka wax fahansiiya
Wa Bilaahi Towfiiq
Waxa wada jiri u soo diyaariyey
Cabdifataax Xasan Adan
Axmed Ismacil (Bucul)
Email: cabdifataax_96@hotmail.com
Hargeysa