Waxaa 80meeyadii shirkadaha batroolka iyo siyaasada galbeedku isku dayeen
inay ka sameeyaan geeska afrika isu dheeli tir ay ku danaysanayeen iyagoo u
hanwaynaa in halkaa looga dhici doono shidaal aan qiyaas lahayn.
Waxaa Bangiga aduunka iyo UNDP oo ay gacan siinayeen dawladaha Faransiiska,
Ingriiska, Kanada iyo shirkadaha batroolka ka shaqaysta ee reer galbeedku ay
bilaabeen mashruuc lagu baadhayey dalalka xadka la leh Badda Cas. Qorshan
wuxuu si dhab ah u hawl galay 80maadkii, iyadoo ay ka qayb qaateen dhamaan
dalalka ku teedsan xuduudka badda cas laakiin Sacuudigu uu markii danbe
iskaga baxay.
Waxaa la soo dhamays tiray dhamaan macluumaadkii Soomaaliya, Ethiopia iyo
qaybo ka mid ah Sudan, wixii ka horeeyey dagaalkii lagu jebiyey ciidamadii
Ethiopia ee fadhigoodu ahaa Eriteria iyo dagaaladii waqooyiga Soomaaliya.
Macluudkaas oo ay ka soo baxday in gobolku yahay Il batrool iyo gaaska
dabiiciga ah, waxaa lagu soo bandhigay kulankii la magac baxay “American
Association of Patroleum Geologists, Easten Hamisphere Group” oo ka dhacay
London.
Dhibaatooyinkii gumaystuhu ka tegay iyo horumarka geeska africa.
Inkastoo baayacmushtarka aduunku aad u xiiseeyey wararkii wanaagsanaa ee
batroolka iyo warshadayn ka dhacda geeska Afrika mustaqbalka, hadana waxaa
horumarkii la rajaynayey is hor taagay tartan wejiyo badana oo qaarkoodna ku
dhisnaayeen qadiyado sida Eritrea, qaarka kalana ay sal kiciyeen siyaasidihii
iska soo horjeeday ee Geeska Afrika is barbar yaacayey.
Tartanka
siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika oo gaadhay 80maadkii heerkii ugu
sareeyey, wuxuu sababay in gacmo badan isku dhaafaan meel mugdi ah, taas oo
wax ka bedeshay hawl maalmeedkii iyo nolosha siyaasdeed ee geyigaas. Dawlada
Sucuudiga oo iyadu ka welwelsanayd suuqa dhaqaale, ma ayna jeclaysan
dhaqdhaqaaqii ka socday dhinaca kale ee Badda Cas iyo Yaman. Waxaa bilowday
hubayntii dhaqdhaqaaqyadii Suudaan oo helayey dhexdhexaadiyaal reer galbeed
iyo dawlado carbeed iyo weliba taageerada hub lagu soo iibnayey lacagta
Sucuudiga. Sidoo kale waxaa Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya isbarbar yaacay
qabaa’il iyo qawmiyado uu fooda isu geliyey nadaamkii gumaysigu. Waxaa
taageerada dawladaha carabta helayey qawmiyadihii Soomaligalbeed, Eritrea iyo
xataa kuwii Soomaliyeed ee ka soo jeeday dhinaca Ethiopia ayaan sedyar ka
qaadin siyaasada geeska soo wajahday. Waxaynu garabyadaa ka soo qaadan karnaa
WSLF, APRF, APRDF oo dhamaantood helayey taageeradii dawladadah Carabta iyo
taaradii gaarka ahayd ee dawladii Soomaliya, dhinaca kale waxaa taageero ka
helayey dawlada Ethiopia, kuwo carbeed iyo quwadihii shuuciyada jabhadihii
Soomaalida sida SSDF iyo SNM.
Waxaynu odhan karnaa, dhaqdhaqaaqyadaa iska soo horjeeday, ma ahayn kuwo
ka abuurmay oo keliya duruufihii siyaasasdeed ee geeska Africa sida keligood
taliyayaashii ka jiray Somaaliya, Ethiopia iyo Sudan, balse waxay ahaayeen
kuwo ay abuureen duruufo kala duwan oo iskaashaday. Waxaynu ku sababayn
karnaa arimahan soo socda:
1. Duruufihii uu ka tegay Gumaysigii qaarada Africa ku soo duulay
2. Siyaasadihii keligeed taliyenimada ahaa
3. Duulaan siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo debada ka imanayey
4. Tartankii u dhexeeyey quwadihii waqtigaa iska soo horjeeday
5. Jihayn shacbi oo sax ah oo noqotay mid ku xidhan qori caaradii
Soomaaliya, doorka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dhamaadkii qarnigii la soo
dhaafay
Inkasta oo aad loo adkeeyo macluumaadka ku saabsan batroolka geeska afrika,
hadana waxaa jira meelo si been guur ah gacanta loogu fiiqo. Warar xog’ogaal
ah waxay sheegayaan in waqooyiga Soomaliya uu ku jiro batroolka ugu badan oo
lagu tuhmayo geeska Africa khaasatan sida dooxada Nugaal, xeebaha W/bari.
Iyadoo la tixtraacayey macluumadkii qarnigii 19aad ee gumaystayaashu ka
tageen iyo isu ekaansha dhulka ee Bariga Dhexe iyo geeska Afrika, waxaa si
aad ah loo baadhay dhulka u dhexeeya hobyo iyo Saylac.
Sida aan soo sheegnay xogaha oo soo dhamaaday 1988kii, waxaa in la sii
wado is hortaagay shaqaaqooyinkii ka dhacay waqooyiga Soomaliya sannadkii
1988, taas oo isu bedeshay arin siyaasadeed wixii waqtigaa ka danbeeyey.
1991 markii ay burburtay dawladii Soomaliya, waxaa fooda is daray qabaa’il,
taas oo meesha ka saartay in la helo dawlad buuxisa booskii dawladnimo.
Waxaa bilowday kala guurkii qabaa’ilka iyo siyaasado xag jira oo aan laga
baaran degin. Halka qabaa’ilkii koonfureed ay noqdeen kuwo ku dhex lumay
siyaasado lagu jeedinayey, iyadoo dhinaca waqooyigu ku foognaa inuu boos ka
banaysto khayraadka Soomaliya.
SNM waxay u gacan haadisay qaar ka mid ah shirkadihii ugu muhiimsanaa oo
ka qayb qaatay baadhitaankii batroolka. Madaxii maamulka Hargaysa Cabdiraxman
Tuur wuxuu sheegay 1991 in shirkada Conoco xafiis ka furan doonto magaalada
Hargaysa. Shirkadaha shidaalka oo u halqaltaagayey isbedelka Soomaliya, kadib
xoogaa nabad gelyo ah oo ka jirtay waqooyiga waxay soo dhiiri gelisay markii
ay SNM sheegtay inay gacanta ku hayso killomitirkii ugu danbeeyey ee
maxmiyadii ingiriiska. Shirkadaha qaar oo u soo dirsaday sahmiyeyaal, waxay
si wanaagsan u darseen habdhaqankii siyaasadeed ee guud ahaan Soomaliya. Iyo
siyaasadiii SNM oo ay u arkeen mid aan jiho loo raaco ahayn, balse u muuqatay
mid qabaliya oo keeni karta mid la mid ah xasuuqii waqtigaa ka socday
koonfurta. Conoco iyo shirkado kaleba waxay hoos ahaan ugu sheegeen maamulkii
Haragaysa inaanay diyaar ahayn maal gashiga xasuuqa dadka soomaliyeed, iyaga
oo ku xidhay in marka hore dalka loo helo siyaasad dejisa, kadibna wax la
isla ogol yahay la isku waafaqo.
Maamulka Hargaysa oo ganafka ku dhuftay tala bixintii shirkadaha, waxay
isku qaadeen shirkado kala duwan, iyagoo ku af gobaadsanayey in suuqa xorta
iyo tartanka aan cidna loo diidi karin, balse markasta inta aan shaqoba la
bilaabin, waxaa soo baxayey dhibaatooyin siyaasadeed oo maamulka Hargaysa
isku dayey inuu maro saaro. Guntii iyo gebagebadii waxay shirkadihii ku
afgobaadsadeen in marka hore dalka laga sifeeyo in ka badan hal million oo
miino ah oo ciidankii Muqdisho dhulka ku aaseen.
Waxaa iyana barbar socotay dhubuqdhubuqleyn loo tartamayey shitkadaha
shidaalka oo kooxo USC ah oo kala joogay Muqdisho iyo Talyaaniga oo iyaguna
la kulmay shirkadihii Soomaliya ka hawl galay.
Shirkadaha shidaalka oo ka baqayey inay raadku yeeshaan xasuuqa Soomaliya
waxaa uga sii darayd inay lacag badan ku bixyaan shidaalka Soomaaliya, sida
kii Yaman oo lagu helay marathon aad u dheer oo dawlada iyo shirkadahaba kaga
xiijiyey. Ilaa iyo haatana la rumaysan yahay inay adagtahay iska daa faa’iido
laga helo’e in la soo celiyo laaluushkii tirada badnaa oo dariiqa lagu furay.
1992 Cumar Carte Qaalib (one of the top master minders clan warfare and
distraction of Mogadisho) oo loo tiriyo inuu ka mid yahay ragii ugu sareeyey
oo ahaa maskaxdii ka danbaysay dagaaladii qabaa’ilka ee koonfurta, wuxuu
dalka sucuudiga ka aasaasay shirkad batrool oo gacan saar la leh dawlada
Sacuudiga isaga oo ku dhabar jebiayey qabiilkiisa. Waxaa kale oo iyana jira
qandaraasyo ay wasto ka ahayd dawlada Jabuuti oo lala galay shirkado
Faransiis u badan, kuwaas oo aan la ogayn ilaa iyo hada waxa y suuro
geæliyeen dadka qaarna ku eedaynayaan in qandaraasyadaasi qayb ka ahaayeen
falal mafio ah oo laga fulinayey Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo hada marxaldaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee
Soomaliya ayaa ah kuwo isku xidhan oo kooxaha iyo maamuladuba ay kala
jiidanayaan. Waxaa la warar xog’ogaa ahi tibaaxayaan in kooxo maanta ka qayb
galaya kulanka dib-u-heshiisinta Soomaliya ee ka socda Kenya ay isha ku
godayaan waxa ka soo kordha gobolada waqooyi gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo
dagaal ka dhacaa ay ku xidhnaan doonto hadba sedka ay heli karaan mustaqbalka
siyaasadeed ee soomaaliya.
Guntii iyo gebagebadii isbedelka aduunka iyo arimaha siyaasadeed ee ku
xeeran xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, waxay horseedi karaan dagaalo cusub
oo ka bilaabma Somaliya isbedel ku yimaada khariidada geeska Afrika ama ugu
yaraan mashaqo aan marnaba horay loo sii saadaalin oo geeska oo dhan aafaysa.
Waxaa soo ururiyey iskuna soo dubariday:
Hassan Nuur
Denmark
Srg14@jubiimail.dk
Faafin: SomaliTalk Jan 15, 2003
QORAALADII HORE EE XASAN NUUR
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA: