Wax badan ayeey diinteena suuban na fartay in aanu midoowno iyadoo
nalaga xarimay in aanu kala tagno inkastoo casrigaan daacuunka uu ku dhacay
wadaniyadii Somaliyeed ay jiraan dad iyo xeelba ka laheyn arrintaas oo aad
arkeeyso dad la soo indhocad Somaliba ma ihin sida siyaasiyiin ku sheegga
reer Sheekh Isaaq oo ay ka mid yihiin Islaanta la yiraahdo Edna iyo Waraabaha
xisbiga Ucid oo labadooduba haraagii Siyaad ka mid ahaa.
Intaas ka sokoowna , waxaa hubanti ah in Illaahay uu ka jecel yahay
muslinka daciifka ah kan quwadda leh, sidaas darteedna qof kasta oo muslim ah
amaba wadani Soomaliyeed ahba waxaa waajib ku tahay mar walba in uu taageero
cid walba oo midnimada jecel isagoo aanan u fiirin qabiil ama siyaasad.Nasiib
darro taasna maanta way lulataa maxaa yeelay dareenkii Somalinimada iyo tii
muslinimadaba maalinba maalinta ka sii dambeeysa waxaad moodaa in ay sii
dhamaaneeyso.
Intii qabiilka Isaaqa ay lahaayeen dawlad baan nahay marnaba cagaha sooma
ayan dhigin dhulka reerka Hartiga la yiraahdo uu ka degan yahay dhulkii
somalida ee Ingiriisku uu gumeysan jiray inkastoo ay SNM ay u awood sheegatay
reerka la yiraahdo Gudabuursi ee mintidka ku ah miidnimada Somalida.
Taas oo ay jirto ayaa markii ay soo dhamaaneysay isqabsashadii PL ayaa
Korneelka S/Land ee meesha u jooga in colaadii Isaaqu ayan mar kale soo curan
ayaa si gardarro ah wuxuu ku tegay Laascaanood oo horay Cigaal u tegi waayey,
taasoo aakhirkii ay bayuur ka soo raacday.
Laga bilaabo wakhtigaas ilaa maantana waxay kuwa ku dawakhsan dawlad baanu
nahay lahaayeen ciidankeenii baa soo dhaqaajiyey iyo waxyaabo la mid ah oo
aanan waxba ka jirin lana mid ah tan hadda ay wadaan. Waxaase caqli darro ah
in websites iska dhiga in danata guud ee somalida wadaan ay la safteen kuwa
tacasubka iyo kala- goynta Somaliya damcay iyadoo waliba ay jrireen
shaqsiyaad u dhashay Pl oo la safashadooda S/Land ay dadka aan reer Plka
aheyn ay la yaabeen sida axadka la yiraahdo C/waaxid oo ka hanjabaad badnaa
wakhtigaas ninka la yiraahdo Dirirdhaba.
Somalidu waxy ku maahmaahdaa "Ratiga hore ratiga dambe saan qaadkiisuu
leeyahay" , taasoo aad ka arki karto odayaal ardaalnimo ku weynaaday oo
dhuuni darteed sidaas u lahaa sida Mohamed Hagi Aden laakiin beenta iyo runta
daawadayaasha maanta way u kala cadahay.
Laakiin, waxaa yaab leh sida ay ku dhacday in website magaca uu wato
dareted qadarinta gaarka ah ku helay lagana rabay in dadka ku hagaan dariiqa
toosan ay danta guud ee Somaliweyn ku jirto in si rasmi ah u buunbuuniyaan
shaqsi ku talax tegay xumaanta umaadda Somaliyeed inkastoo xaq uu u leeyahay
in uu fkradiisa dhiibto.
Soomana oga in uu axadkaas uu marar badan meel uga dhacaydhaqanka, diinta
iyo midnimaba Somaliyaba oo aad ku arkeeysidqoraalladiisii hore iyo dadka
nacabka u ah Somalinimada oo ugu hambalyeenaya amaan been ah oo jirin. Ninkan
oo :-
1.Nabadii PL ka dhacday diidan, anagoo ogsooon taas in ayan ku jirin
muslinimada iyo wadaniyada
toonaba.
2. Sool u aflagaadeeyey ceyrintii hre ee Riyaale.
3. Maantana sidiisii u difaacaya gooni isu taagga oo dhalisay in dadka
qaarkiis yiraahdaan in
in uu yahay qof aan la hubin reerka sheeganayo.
Ugu dambeyntiina, mar haddii shaki naga galay tallaabadan khaldan ee
somaliweyn, ha ogaado qoraageeda Calasoow in uu sumcadeedii calas ka dhigay!
A.Dirir
burashadley@hotmail.com