w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
-
MAQAAL
|
Janaayo 13, 2004
HAMBAYO GABDHO ISASIINTII MINASOTO KA DHACDAY.
Qore: Cismaan C. Budeeye.
osma1211@hotmail.com
Bismillah, walaalaha somalitalk.com maamula aadbaad u mahadsan tihiin sida
wanaagsan ee aad bogaan u maaraysaan.
Kadib markaan akhriyey qoraaladii ku saabsanaa cinwaankaa kore, ayaan
jeclaystay inaan qoraal gaaban ka qoro arintaa, waana sidaan:
Ku: SOOMAALIDA
Dhibabka bulsho ee nahaysta aadbay u badan yihiin, balse haddaan mawduuca ku
ekaado, walaalayaal UGUURIYA GABDHIHIINA IYO WIILASHIINA QOF KASTA OO MUSLIM
AH OO AAD RAALI KA NOQOTAAN DIINTIISA IYO AKHLAAQDIISA.
Wixii khalada oo ay awoowayaasheen noo soo gudbiyeen , oo aan garanay ilaahay
mahaddi inay khalad yihiin , waa inaan joojinaa kana ilaalinaa inay
caruurteena u gudubto.
Waxa KUFKA(isu qalmida) la yiraado micnaheedu waxaa weeye in qofka aad
nolosha la wadaagayso uu yahay : muslim, diin leh oo dhaqan wanaagsan leh +
in labada qof is arkaan oo wada hadlaan iskuna qancaan.Haba yaraatee
diinteenu iyo caqliga wanaagsani midna ma ogala jajuub mana ogala takoorid
dad muslima la takooro.
Ku: Ugaas Xaaji Muuse Cabdi Mire, Ilaahay dadaalkaaga ha kaa abaal mariyo,
dhibka aad soo bandhigtay waa xaqiiq jidha, waxaana looga bixi karaa oo
kaliya in dadku JAAHILNIMADA ka baxo.Cilmiga maadiga ahi qofka waa caawiyaa
balse haduu shahaadada jaamacada ugu saraysa haysto,diinta islaamkase aan wax
ka garanayn hadduu wax ka garanayana aan ku dhaqmayn waa jaahil, iskadaa
warkiisa haddaba midaan cilmi diineed iyo mid maadi waxba ka garanayn .Ugaas
Muse, xoog saar waxbarida iyo baraarujinta bulshadeena gudaha iyo dibadaba
adoo ilaahay ajar ka dalbaya.
Ku :C/raxmaan Sh. Ismaaciil (Abu-turaabi), Ilaahay khayr ha kaa siiyo
talaabadaad qaaday, ma filayo inay fudayd iyo caadhifad kaa ahayd, balse
waxaan filayaa in caqli diin xambaarsan iyo wanaag alle kula doontay ay tahay.
Dhallinyarada aad dhashayna dhallinyarada ay isu doonan yihiin waa inay is
bartaan qanacna uu meesha yimaadaa, waayo dhallinyarada labada dhinacba
xaqbay u leeyihiin inay guurka qofka la wadaagaya doortaan ama diidaan iyadoo
aasaaska laga tusaale qaadanayo uu yahay diinta islaamka.
Gunaanad: Dhammaan walaalaha muslimiinta ah ee soomaaliyeed ilaahay dhab
ahaan aan uga baqno, ha lagu dadaalo in la joojiyo hadda wixii ka danbeeya
inay dhacdo in gabar iyo wiil soomaaliyeed oo guur xalaala doonaya in la`isu
diido sabad takoorid ama qabiilkay ma tihid awgeed.Waxaan walaalaha
soomaaliyeed si adag ugu dhiiragalin lahaa inay akhristaan labada buug ee la
yiraado: Muslimada ku dayashada mudan(the ideal muslimah) oo gabdhaha loogu
tala galay iyo (the ideal muslim) oo ragga loogu tala galay, waxaana la heli
karaa ayagoo ingiriis ku qoran ama carabi.
Wabbillahi tawfiiq, wassalaamu calaykum.
Qore: Cismaan C. Budeeye.
osma1211@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 13, 2003
Gogol Fariisigii ugu Horreeyey ee Dhex Maray Beelahii
la Hayb Sooci Jirey iyo Leelkase:
C/Raxman "Abu Turaabi" ayaa caawa ka run
sheegay ballan Qaadkiisii, waxaana laga guddoomey gabdhihii uu....
Guji
3/1/04
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA:
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
Denmark:
Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah
weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan
muslimka ahayn”...
Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala
Diinta Islaamka..
Guji
USA:
Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro
ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa...
Guji
London,
UK:
Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano
kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV
si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay...
Guji
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|