asalama alaykum,
Jamciyadda samafalka Almanhal Waxaan beryahaan dalka ka wadnay mashruuca
indhaha oo ah mashruuc dadka loogu fiiqiyo dadka indhaha , ilaa hadda
jamciyadu waxay ku qabatay mashruucan 14 magaalo:
- 1- gaalkacyo
- 2- Laascaanood
- 3- Cerigabo (2 times)
- 4- Burco
- 5- Berbera
- 6- muqdisho (2 times)
- 7- Marka
- 8- Goldogob
- 9- Cadaado
- 10- Hargeysa
- 11- Caabudwaaq
- 12- Gabiley
- 13- Baran
- 14- Kismayo
waxaa la qalay 3500 qof dad gaaraya oo indha la'aa, haddana wax arka.
Waxaa la daaweeyay 22,000 qof oo indhaha ka jiranaa.
Mashruucan wuxuu noqday mid taabagal ah oo aan dalka horey loogu qaban,
marka waxaan rajaynaynaa inaan bishan ku qabano mashruucan magaalada
----------------------oo lagu qalo dad gaaraya 300 qof laguna daaweeyo dad
gaaraya 1000 qof, miisaaniyadduna waa 10,000 dolar, qalliinka qofkii waxaa ku
baxaya 30 Dollar oo kaliya.
waxaa mashruuca fulinaya Hay'adda samafalka ALMANHAL iyo Isbitaalka Kikuyu
Hospital ee Kenya, iyo dhakhaatiir kale oo somali iyo ajaanib isugu jira oo
howlahan takhasus fiican u leh.
Marka si aan mashruucan u gaarsiino dalkoo dhan oo aan indhaha ugu fiiqno
dhammaan walaalaheena soomaliyeed ee indhaha la'a waxaan ka codsanaynaa
walaalaha soomaaliyeed dhammaantood gaar ahaan:
1- Shirkadaha Xawaaladaha
2- shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa kaleba
3- Maalqabeenada iyo hantiilayaasha kale
inay nagala qaybqaataan mashruucaan, qof walba oo maalgaliya EYE CAMP
magacooda ayaan mashruuca ku qabanaynaa waana uga mahadcelinaynaa.
Xoghaynta xiriirka dibedda ee jamciyada samafalka ALMANHAL
Abdirahman H. Ahmed
almanhal@hotmail.com