SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Janaayo 13, 2004

Masjidow Xaal Qaado!

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Minneapolis, MN

Waxaa laga soo laabtay Shirkii qiimaha lahaa ee ka dhacay Minneapolis, dadkuna waxay weli xusuusan yihiin sidii wanaagsanayd ee uu shirkaasi isugu duba dhacay iyagoo khayr Eebe uga baryaya dadkii isku soo duba riday iyo culumadii ka soo qaybgashay. Maalma ka dib ayaa waxaa bilaabatay qabow ka daraa kii dhacayey maalmihii shirku socday. Waxay ahayd maalin aad u qaboow oo ay dhacaysay dabeel la moodo inay foodhinayso, dadka waxaa la moodayey in ay gashanaayeen wixii dhar ahaa oo ay lahaayeen si ay isaga celiyaan qabowga xun ee dabeysha wata. Adigoo dhar walba qaba ayaa haddana waxaa ku gariiraysa caloosha hoose oo waxaad moodaysaa inaad murduq tahay oo aadan waxba gashanayn.

Waxay ahayd Makhrib waxaana dad badani ka soo foofeen Carwada Al-Karama iyo agagaarkeeda si loo soo tukado.Waxaan ku socdaa masaajidka Darul-Hijra ee ku yaala qorax ka soo baxa daaraha dhaadheer ee ay Soomaalidu ku urursan tahay ee loo yaqaano Ceder. Anigoo is leh Allow yaa mar keliya ku gaarsiiya afaafkiisa ayaa wuxuu saaxiibkey Maxamed igu yidhi waar inakeen aanu aadnee Imamu Shaafici! Orod baanu ku dhaafnay masjidkii Al-Hijra oo AAMIINTU ka dhacayso waxaanan u soconaa Imamu Shafici oo ku yaala xagga Waqooyi galbeed ee daaraha dhaadheer. Anagoo aanan isla hadlayn oo qaarkayaga hore dhulka u dhowyahay si aanu uga gabano qabowga dhacaya ayaa waxaa naga hor yimid nin aanu saaxiiba ahayn oo aanaan sanooyin is arag. Waaryaahee C/Rahman bal warran iyo nabad ka dib ayuu yidhi war baan kuu hayaaye ina keen waxaan ku tukanaynaa Darul-Hijree. Anigoo meel aan qabsado la’ ayaa Maxamed igu yidhi raac ninkan warka kuu haya anigaa kusoo wacaya salaada ka dib, wax dhib ahna u arki mayo saaxiib.

Waan farxay waxaanan raacay Muuse oo aanu galnay Masjidkii. Waxa ugu horeeya ee indhahaagu qabtaan markaad soo gashid waa warqad weyn oo ay ku qoran yihiin: “ Fadlan demi telefoonkaaga (Mobil)”. Salaadii intii lagu jiray oo uu imaamku Quraanka akhrinayo baa masjidkii isla dhawaaqay: Dadku telefoono badanaa! Mid waliba si gooniya buu u ciyayey; mid qaylo dheer, mid sida hoonka oo kale ah, mid aad moodo ziizow reefis u socda, mid muusiko ka baxayso, mid wah-wah leh - cidiba ma dhega-dhegayn mana indho-indhayn warqadii ogeysiiska ahayd!

Makhribkii laga soobax oo dibadaa loo soo wada booday iyadoo wadaadkii uu ku qaylinayo waar iska demiya telefoonada marka aad soo gelaysaan masjidka oo fadlan tixgeliya warqada ogeysiiska ah.

Ninba ceesaantii ceel keen, anigana keygii baa sida orgidoo kale u qalaaday,uhuhuuuuuuu! Waan qabtay mise waa Maxamed! Wuxuu I weydiiyey meesha aan joogo, markaasaan ugu jawaabay waxaan hor taaganahay masjidka Odayaasha! Xaga sare baa laga yidhi Xataa Adigaa Shiikhow!

Geedaha dushooda iyo hareera eeg badan kadib ayaan waxaan fahmay in sawaxanka iyo muusanawgu ka imanayo dubaalada sare ee qiiqa siideysa ee masjidku leeyahay. Inta aan waxaan ku hadlo garan waayey ayaa waxaan ku idhi Masjidow Xaal Qaado!.

Wuxuu igu soo celiyey waxaan la’ahay qof iiga jawaaba su’aalahan anigoo weliba afhayeen u ah masaajido kale oo badan oo ku yaal Magaalooyinkan Mataanaha ah ee wakhti ma ii haysaa? Waxaan u sheegay in aan la taagnaan karin ee uu ku dhaqsado warkiisa. Wuxuu I weydiiyey; 

1. Waan ku arkayey sida ay Soomaali badanba sameyso in aad I agmartay iyadoo la tukanayo makhribka oo aad u cararasay masaajid iga durugsan ee maxaa dhacay?

2. Maxaa nalooga qadiyey ka qayb galkii shirkii ka dhacay Minneapolis? Dadka nagu xiran Muslim maaha miyaa? Imaamyada masaajideena miyaan la tixgelinayn?

3. Maxay Soomaalidu u midayn waayeen masaajida oo ay ula mid dhigeen Xafiisyada Jaaliyadaha oo kale oo kabadan 30-meeyo iyagoo ku andacoonaya waxaanu u adeegnaa Soomaali?

4. Kaniisadaha wadankaniba iyagoon shaqo isku lahayn oo caqiido ahaan iyo ficil ahaanba u kala durugsan bay mid yihiine maxaa idinka idinku dhacay?

5. Waxaad ogtahay in Kaniisad walba dad gooniya ay aadaan oo ay ka tirsan yihiin maxaad Masaajida Eebe u oranaysaan waa kii Xerta, kii Odayaasha kii Ikhwaanka, kii Suufiyada, kii Islaaxa iwm?

6. Waxaad isku haysaan wax aan naf lahayn oo aad ku kala tagteen idinkoo iloobay in isku duubnaanta iyo danta guud ee ummadu ay wax walba ka horeyso. Maxaa idinku dhacay oo aad u midoobi weydeen?

7. Maxaaaaaaaaaaaaaaaaaa? Maxaaaaaaaaaaaaa Hoogiinee Cakuye, Caku idinkee, Caku idinkee!!! Masaajidkii baa bururay oo oohin ishayn waayey!

 

Anigii baa anfariir iyo cabsi awgeed buuro halkan oo baraf ah isku qaaday si aan u baxsado anigoo ku dhawaaqaya Masjidow Xaal Qaado, Masjidow Xaal Qaado! 

Iyadoo meel waliba ay I cas tahay baan dalaq idhi carwada ku dhow Masjidkaa ee Al-Karama ee uu maamulo ganacsade Maxamed Kaynaan. Hiinraageygii baa dadkii meesha joogay la yaabeen waxayna u qaateen in aan awood dareeyey oo qabowgu iga batay. Saaxiibkey aanu isku Baydhabo ahayn-Shiino-ayaa igula kaftamay: “ Eelaayow waxaa kaa daba timid da’ oo waxaad noqotay HIGH MILEAGE miyaa” waan iska aamusay, oo ma anigaaba hadli kara!

Sidii maalintaa waxaan aad u jeclaan lahaa in aan arko masaajidada oo isu yimaada oo sameysta xiriir wanaagsan si dadkan kala qaybsan ay xoogooda u mideeyaan. Waxaan is leeyahay haddii dhamaan masaajidada ku yaala magaala walba oo Waqooyiga Ameerika ahi ay midoobi lahaayeen in la waayi lahaa meel dadka lakala dhigo iyo meel deeqda marka shir laysugu yimaado sida kii hore oo kale. Masaajid walba waxaa ka socda kheyr fara badan: Qaar baa dugsiya sare maamula, qaar baa haya kumanaan carruur ah oo dugsi u dhiga, Qaar baa Ingiriisiga dadka waaweyn bara, Qaar baa xabsiyada booqda oo wax ka dhiga, Qaar baa…..

Bal ka warran akhristow haddii ay dhamaan xoogooda isu geyn lahaayeen oo iska daayaan eedeymaha yar-yar ee ay kala tirsanayaan!

Waxaan filayaa in Masjidku yahay Gurigii Eebe oo uusan u muuqan in la kala leeyahay, dadkuna aysan u muuqan sidii iyagoo ku wareeray meeshii ay raaci lahaayeen. Fadlan isu tashada, is ogolaada oo midooba oo arrintu yaysan noqon.

XAGA MASJID XAGANA MASJID, MASLAXA WALAC! 

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk Jan 13, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD