Wakhti dheer oo kamid ah noloshayda ayaa waxaa igu
soo dhacayay su,aalo badan oo ku saabsan islaamka iyo muslimiinta.
Hadda waxaan jiraa 45- sano. Wax ka badan kalabar oo
kamid ah noloshayday waxaan ka shaqaynayay, fidinayay, daraasaynayay,
baranayay, baraayay Diinta Islaamka. Kafikirkii iyo khibraddii
dheerayd ee aan u yeeshay arrintaas ayaa waxay keentay inaan su,aalo
iswaydiiyo sida:-
(a) Maxaa sabab u ah dib dhaca Muslimiinta,
dhinackasta oo nolosha kamid ah.Meeday guushii iyo sarayntii Alle u
ballan qaaday Muslimiinta? Meel walba ee kamid ah caalamka Islaamka waxaa ka
jira dhibaato iyo darxumo wayn. Marka labar-bardhigo wadamada gaalada waxaa
kuu muuqanaya in wadamada islaamku hooseeyaan meelo badan.
(b) Maxaa soomaaliya oo wadan Islaam ah ay u hanan
wayday dawladnimadeedii oo ay u mudatay naxariista cadawgeeda?
(c) Maxaa Yahuudu had-iyo-jeer uga gacan saraysaa
Muslimiinta gaar ahaan carabta ? Oo quddus loogu daayay Yuhuudda, Falasdiinna
loogumaadayaa ?
(d) Maxaa dhaqaalaha, cilmiga, sancada, caddaaladda,
ka fikirka danaha caalamka u badiyay wadama gaalada?
(e) Maxaa cilmiga, Caqliga, Xorriyadda hadalka,
cirriiri looga dareemaa waddamada Muslimiinta. Markaad kuwa gaalada joogtana
xorriyad iyo nabad loo dareemaa? Xattaa ducaaddii Diinta islaamka marka lagu
xiro ama lagu laayo waddamada muslimiinta waxay u cararijireen wadamada
gaalada ilaa xaalku isbadalay dhawaanahaan.
Su,aalahaas iyo kuwo kale oo badan oo lamid ah ayaan
baarid iyo ku fikir badan ku sameeyay, waxaana rajaynayaa in aan helay
jawaabo lagu qanci karo. Waa taas midda aan rabo inaan kaga hadlo Duruustaan
aan ku qorayo internetka. Kadibna aan rajaynayo inaan buug ka soo saaro.
Jawaabahaas aan helay waxaan ka helay kitaabka
quraankaa iyo Sunnada nabiga CSTWM. Sida ALLE Sheegay wax kasta waxaan ka
helaynaa Quraanka, waase haddii aan il cusub ku eegno.
Saamaynta Wakhtigu wax walba ku yeesho, ayaa keentay
in loo baahado in il cusub lagu fiiriyo mar walba arrimaha markaas taagan.
Tusaale ahaan Waxaa soo maray wakhti dheer markii quraanku soo dagay ilaa-iyo
hadda. Waa wax ka badan 1420 sano. Akhbaar iyo war galin da’deedu intaas
tahay, waad dareemi kartaa isbadalka ku dhici kara iyo fasirada kala duwan ee
soomaray caalamka islaamka. Taas macnaheedu waxaa weeya, marna lagama yaabo
in fartiintu inagu soo gaartay sidii ay ahayd ama aan ka qaadanay fahamkii
loola jeeday. Waa dabaeeci aan isbadal lahayn arrintaasi.
Baahidaasi, waa midda keentay inay dib-u-habayn
kusameeyaan, Fahamka Muslimiinta, Culumo badan oo kamid ah Cullumadada Diinta
Islaamka. Waxay daliilsanayeen wixii horay umaddu u haysatay ama u rumaysnayd.
Hase yeeshee, waxay ku soo kor dhiyeen faham cusub,oo aan umaddu horay ugu
baraarugsanayn. Sidookale, mamnuuc ma aha in haddana loonoqdo quraanka
iyo sunnadda nabiga oo laga helo xal ku saabsan dhibaatada muslimiinta ee
maanta taagan.
Wax kasta oo aan uga jawaabayo Su,aalaha aan kor ku
soo sheegay, waxaan u celinayaa Quraanka iyo sunnadda Nabiga
CSWSM. Sidookale waxaan wax badan ka akhriyay Calaamadaha(Aayadaha) Alle
ee Jahooyinka iyo Nufuusta Insaanaka sida Alle ku sheegay Suuradda
41- Aayadda 53. Marka la soco mowduuc kasta oo kamid ah mawaadiicda aan
ka hadlidoono wuxuu Jawaab u yahay su,aalaha kor lagu soo sheegay.
Wax walba waxay ku shaqeeyaan qaanuun(Sunna ilaahiyah)
Caalamkaan aan ku noolahay waxaa abuuray, Allaha
Raxmaankaa.Wuxuuna ku abuuray oo ku sameeyay, Qaanuun dabeeci ah oo
maamula wax kasta. Ciyaarna uma abuurin. Alle wuxuu yiri “SAMADA
IYO DHULKA IYO INTA U DHEXAYSA MA’AANNAN ABUURIN ANNAGA OO ISKA CIYAARAYNA”
Suuratu-mu’minuun- Aayadda 16-aad.. Qaanuunkaasi waa
joogto aan isbadalin oo isku-si ugu shaqeeya ama uga shaqeeye qof kasta iyo
qolo kasta. Midab kasta iyo Diin kasta oo uu yahay.
Waa qaanuun ka turjumaya caddalada Alle iyo
xikmaddiisa aan xadda lahayn. Waa qaanuun joogto ah aa aan marna isbadalin.
Waa qaanuunka siiya Insaanka awoodda uu ku hogaamiyo oo ku maamulo caalamkaan
ama (Koonkaan). (SOOW MAAD ARAG SIDA ALLE
IDIINKU SAKHIRAY WAXA DHULKA YAAL IYO DOONYAHA IYO BADDA…..) Suuratul xaj
ayaadda 65. Alle wuxuu diin sakhiray,
habaynka,maalinta,qoraxda,dayaxa,xiddigaha. Dhamaan amarka Alle ayaa
la’idiinku sakhiray.Suurutu-nnaxli(16) aayadda-12.
Dhamaan ayaayadaha badan ee ku yimid quraan kariimka
ah oo ka hadlaya sakhiraadda Alle ee uu u sakhiray Inasaanka Kownkaan,
macnaheedu waa in insaanku raaco oo fahmo qaanuunka caalamka kadibna
danihiisa u adeegsado.
Sidaas daraadeed, waa in insaanku: 1- Rumeeyo
oo aqoonsado in kownkaan (caalamkaan) Nidaam leeyahay oo qaanuun lagu
hogaamiyo. 2- In qaanuunkaas la barto oo lafahmo, kadibna loo
adeegsado maslaxadda insaanka. Waa taas midda ka maqan muslimiinta oo aysan
siin muhimad ku filin. Waana taas midda dib riday oo asaagood ka reebtay.
Muslimiintu waxay rabaan inaysan raaci oo rumayn qaanuuka Alle ee
Caalamkaan maamula. Waxay rabaan in iyaga lagu dhaqo arrin gaar ah oo mucjiso
ah, oo Alle si gaar ah iyga ula jiro. Taasina waa Caqiidadii Yahuudda iyo
Nasaaraa oo Alle inooga digay inoona sheegay inay khalad tahay.
Qaanuunkaas jiritaankiisa waa mid la qiray oo la isku
waafaqsanyahay, oo ayna jrin cid diidan ama dood kaqabta. Dhamaan Diinaha,
Cilmiga, Caqliga iyo tijaabadu waxay sugeen jiritaan qanuukaas.(
Sunadda Alle)
Quraanka kariimkaa aad ayuu ugu xeel dheeraaday
qaanuukaas caamka ah, kuna baraarujiyay muslimiinta inay isticmalaan oo
fahmaan qaanuunkaas.”Qaanuunka Alle ee lagu dhaqay umadihii
hore,Ma’helaysid isbadal Sunnada Alle” Axzaab- Aayadda-62. “Miyay
sugayaan waxaan ka ahayn in lagu dhaqo qanuunkii lagu dhaqay kuwii
iyaga ka horeeyay,waayo Sunaada Alle isma badasho,mana heli kartid in la
wareejiyo oo ninaca kale loo rogo” Suuradda Faadir-(35) Aayadda-43.
Laakiin muslimiinta waxaa ku dhacay cudurka caadiga ah ee ku dhaca
bulshooyinka caalamka. Kaas oo ku dhacay umadihii ka horeeyay muslimiinta
sida” “Aly-ahuud wa Nnasaaraa” cudurkaas dabeeciga ah ee ku dhaca
umadaha markale ayaan faah—faahindoonaa. Laakiin hadda waxaan u bixinaynaa
magac aan ku garno cudurkaas. Magacaas waxaan u doortay “ Uqaadasho”
Waa cudurka u qaadashada.
Cudurkaas ku dhaca bulshooyinka caalamka ee
“Uqaadashada” Macnihiisu waxaa weeye in u madaasi ay shay ama
walax, uqaadato si uun. Shay kasta waxaa laga haystaa sawir iyo macne,
run ama been, sidaas ayaana looyaqaan. Markasta qofku ku fikiro ama maqlo
eraygaas wuxuu ku fikirayaa macnihii uu uyaqaanay ama uu u haystay ee marna
kuma soo dhacayso in wax kale ama macne kale loola jeeday ama uu yahay. Waayo
saas ayaa loo baray, sidaas ayuu ka soo gaaray culumadii hore ee wax soo
bartay,sidaas ayaa lagu fasiri-jiray waligeed. Tusaale ahaan, Ayadaha
Qoraanka ee ka hadla shirkiga Alle loo shariikyeelo xumaanteeda, waxaa
loo haystay muddo dheer inay ka hadlayaan mushrikiintii carbata iyo
sanamyadii ay caabudi jireen kaliya.Marna laguma fikirin in loo daliishankaro
ama ay soo hoos galayso, Baryada Awliyadda Alle iyo Qubuuraha ladawaafayo oo
wax la waydiisanayo. Ilaa mar danbe Alle soo saaray Culomo dadka wax u
iftiimiyay oo u sheegay in Xattaa Muslimiinta aayaduhu khusayn karaan. Waa
sidaas cudurka u qaadashadu. Su’aal kama furna. Lama tijaabiyo. Lagama doodo.
Waa sidaas loo qaatay ama loomaqlay.
Gaar ahaan Caalamka Islaamka kama furna su,aal wixii
si looyaqaanay ama si looqaatay mar hore. Qof kasta oo shay noocaas ah su,aal
ka keena ama kadooda waa bidcay ama Munaafaq. Marka waa sahal in cudurkaasi
si sahlan u faafo oo waliba uu noqdo waxa kaliye ee jira.
Qaanuunkaas caalamka xukuma waxaa kamid ah:
1- Qaanuunka “ Physical laws” Waa qaanuunka
xukuma waxa aan ku sheegno Cuf jiidadka ama “Law of gravity”
2- Qaanuunka dhacdo iyo ka dhalato. “Cause and
effect”
3- Qaanuunka Ruuxda “Spiritual laws” Waa
qaanunka xukuma xiriirka qofka iyo Alle ka dhexeeya. Waa qaanuunka
qofka iimaanka leh siiya ,awoodda,isku-kalsoonida,dhiirinida,cabsi,la,aanta.farxadda,
deeqsimimada iyo wixii lamid ah.
4- Qaanuunka maskaxaha. “Mental laws” waa
qaanuunka dhisa fikirka qofka isla markaasna qof walba noqdo sidii uu u
fikiro. Qaanuunka maskaxdu wuxuu u egyahay qaanuuka jirka. Sida jirka qofku u
quuto Raashinka iyo nafaqada kale ee uu u baahanyahay ayaa Maskaxda Insaanku
u quutadataa afkaarta lasiiyo. Sida jirku u macaluulo haddii uusan helin
raashin tayo leh ayaa maskaxda Insaanku u macaluulshaa haddii aysan helin
fikir fiican oo quudiya. Sida jirku ugu naaxo barwaaqada iyo ladnaanta ayaa
maskaxdu ugu naaxdaa afkaartaa wanaagsan iyo caqliga fiican. Sida jirku ugu
sumoobo raashinka sumaysan ayaa maskaxdu ugu sumootaa afkaarta xun ee
sumaysan. Waa taas midda Alle inooga raabay inaan dhageeysano Erayada
xun sida: Xanta, Beenta, laqwiga, (waa hadalka iyo haasaawaha aan macnuhu ku
jirin).
Qaanuunadaas caamka ah ee caalamka xukuma waxaa kamid
ah, Qaanuunka fashalka iyo Najaxidda. In lafashalmo ama lanajaxo waxkale kuma
xirna, kaliya waa qaanuun la dabaqo, ama lagu fashalmo in ladabaqo ama
lafuliyo. Fashalka nolosha-dhaqaalaha,maamulka,cilimiga,dowladnimada,arimaha
qooyska iyo wax kasta oo kamid ah nolosha aduun iyo aakhiraba- waxay ku
timaaddaa qaanuun. In lagu najaxana waxay ku timaadaa qaanuun. Majiro wax
kale, majiro dulmi iyo eex. Sidaas ayaa Alle u sameeyay, ee hafilin inaad
iska guulaysato ama iska guul daraysato,ama si gaar ah adiga laguu eego oo
qaanuunka lagaa cafiyo. Aduunkaan majiraan wax iska dhaca ama si iska noqda.
Caqiidadaas beenta ah ee ciyaarta iyo xikmad darrada ku dhisan majirto.
Erayga afsoomaaliga ku jira ee la dhaho “iska” raad kumalaha nidaamka
Alle. Mana jirto wax la dhaho iska. Waan iska irri, waan
iska helay, waan iska yeelay,waan iska diiday,waan iska tagay,waan iska imid……..taasi
majirto.Waana midda keentay waxa aan hadda nahay.
Inaad hesho waxaad rabto ama waydo kaliya waxay u
khuduucaysaa ama u hogaansanatahay inaad fuliso shuruudda qaanuunkaas ama aad
fulin waydo.
Haddii yahuuddu ogaatay ama cintiraaftay
qaanuunkaas, kadibna isticmaashay waxay heleen natiijadii oo ah in qaanuunku
u shaqeeyo,oo ay helaan waxay karbeen. Haddii Muslimiintu inkiraan ama
diidaan qaanuunkaas oo kaliya ku kaaftoomaan “ Waa amar ilaahay, waa qadar
ilaahay, ama sidii Alle kadhigo ayay noqon” Hadday intaas kaliya ku
kaaftoomaan oo aysan raacin Sunnad Alle ee kawnka, waxay helayaan natiijo aan
farax galin. Waana tan hadda jirta.
Sababta ugu wayn ee muslimiintu u dib-dheceen waa
rumayn la’aanta qaanuunka Caalamka iyo curyaaminta caqligooda, ayaga oo qiil
ka dhiganaya inay ILAAHAY wayneynayaan, oo wax walba awoodiisa ku
xirayaan.Haa, Alle waa mudanyahay in lawayneeyo oo laqadariyo,laakiin
macnaheedu ma,aha in sharcigiisa iyo qaanuunka caalamka la diido ama
la’inkiro. Kadibna meesha laga saaro dowrka insaanku ku leeyahay maamulka
caalamka iyo naftooda oo Alle siiyay una sakhiray.
»Isbadal
Waa Lagama Maarmaan [Shiikh.Jibriil]
Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
E-mail: jibriil1950@hotmail.com
Kenya,Nairobi.