Illaahay (SW) waxa uu yidhi “Dad kii
illaahay iyo rasuulkiisa rumeeyayow maxaad u odhanaysaan wax eydaan samaynayn,
waxa weyn denbi illaahay agtiisa in aad tidhaahdaan waxa eydaan samaynayn”
Ibnu Cabaas (RC) waxa laga weriyay in uu yidhi: dadkii hore ee muumuniinta
ahaa waxa ay ahaayeen intii aan jihaadka lagu faral yeelin, waxa aanu
jecelaynahayn in uu illaahay ina tuso camalada kuwa ugu fadliga badan
dabadeena aanu qabano, illaahay (SW) ayaa uga waramay Nabigiisi (CSW)
camalada waxa uu illaahay ugu jecel yahay, Rumayntiisa oo aan laga shakiyin
iyo iyadoo lala dagaalamo dadka ehlu Xumaanta ah kuwaas oo khilaafay iimaanka
sugine, laakiin markii uu soo degay jihaadkii way dhibsadeen dadkii
maamuniinta ka mid ahaa weyna ku yara adkaatay intaa ka dib illaahay waxa uu
soo dejiyay (SW) “Dadyahow maxaad u odhanaysaan wax eydaan smaaynayn”
waxa soo saaray Dabaari Tafsiirkiisa.
Hadii ay tahay ayadaan soo degitaankeedu mid muuminiinta oo dhan
saamaynaysa loona eegayn sababta ayku soo degtay sida ku sugan cilmi Usuul,
aayadani waxa ay koobsanaysaa xalada faro badan, xaaladaas oo ay ka mid
yihiin kala go’a iimaanka, hadalka iyo camalka, cilmiga iyo ku dhaqankiisa.
Cilmiga sidiisaba looma barto in lagu dhaqmo mooyaane, cilmi kastana waa
wax laga faa’iido
dhaqan laguna ilaaliyo shareecada sidoo kale cilmiga waxa lagu tiriyaa
sharci, waxa amaanay cilmiga illaahay iyo Rasuulkiisa, cilmiguna waa ka soo
saaray dhaqanka, cilmiguna waa ka dabarka u noqda qofka wata, sidoo kale waa
sifo ka mid ah sifo qofka sugta, cilmigu waxa uu diiday in la dabo maro
waxana uu noqday sifo ku dheehan qofkiisa, qofkii aqoontiisa ku dhaqmi
waayaana waxa uu ku sifaysan yahay ama uu la mid yahay qof canaaday ama waxa
aynu odhan karaa waa qof moogan, qofna odhan mayno waa qof aqoonleh qof aan
ku dhaqmayn aqoontiisa iyo cilmigiisa manuu mutaysan sufo maamusleh, waxa
laga weriyay Cali Binu Abu Daalib (RC) in uu yidhi:- Waar dadkii aqoonta
sidayow ku dhaqma, aduunyadu waa qof wax bartay dabadeedna ku dhaqmay
cilmigiisuna waafaqay dhaqankiisa, waxana jiri doona dadyow sida cilmi hadana
aanu dhaafsiisnaynba Cunahooga ee hadana kala duwan yihiin waxa ka miiqda iyo
wax qalbigooga ku jira sidoo kalena ay kala duwan yihiin camalkooga iyo
cilmigooga, waxa ay fadhiisanayaan Xalaqaad ayagoo badhbadhka kale la murmaya
ilaa uu ninku ka cadhoodo meesha uu fadhiyay iyo cidii uu la fadhiyayba, si
uu ula fadhiisto dad aan iyaga ahayn una yeedho, kuwaasi illaahay camaashoda
sare u qaadi maayo.
Waxa uu yidhi:- Xasan Al Basra illaahay ha unaxariistee Caalimku
waa ka ay is waafaqaan cilmigiisa iyo dhaqankiisu, Ninka ay kala duwanaadaan
cilmigiisu iyo dhaqankiisu kaasi waa istus doonaya in wax laga maqlo.
Sidoo kale Sawri waxa uu yidhi:- Culumadu marka ay aqoontoodu sarayso waa
marka ay ku dhaqmaan, Marka ay ku dhaqmaana waa marka ay mashquulan, Hadaba
aqoontu waxa ay ugu yeedha dhaqan hadii qofku aqbalo hadii kale way iska
guurtaa.
Kuwa aan Cilmigooga ku Dhaqmeyn, kuwaasi waa kuwa doonaya uun in war uun
laga sheego waana kuwa qalbigooga ay dabooshay waxa ay nafahoogu jecel yihiin,
kuwaa waxa u cuntama in loo soo jeediyo canaan lana canaanto, canaanta ugu
daran cida sidaa samaysa, waxana inaga filan Illaahay (SW) waxa uu ku
tilmaamay kuwa kala jara dhaqanka iyo cilmiga kuwa danbi weyn gelay, cadho
illaahay oo xuna ay hadhaysay illaahayna waxa uu yidhi “waxa ugu weyn
illaahay agtiisa in aad tiraahdaan wax eydaan sameyneyn”.
Hadaba waxa aanu halkan ku sheegi doona Laba arimood.
Arinka Kowaad
Waa Xaqii illaahay oo aad ku muranti daliil la’aan illaahayna waxa uu
yidhi (SW) “kuwa ku murmaya ayada illaahay aqoon la’aan kuwaasi waxa ay
leeyihiin cadho illaahay oo weyn iyo weliba dadkii illaahay rumeeyay….”
Arinka Labaad
Waa ninka oo guursada gabadhii aabihii ka dhintay ama la furay sida ay
samayn jireen dadkii jaahilinta ahaa illaahayna isagoo arinta nooga waramaya
waxa uu yidhi “ha guursanina wixii ay guursadeen aabayaashiin ee dumar ah
wixii tagay mooyane, waa xumaan iyo cadho illaahay wado la marona taas ayaa
ugu xun”
Imaanku maaha kalmado la iska yidhaahdo dadka hortoodana laga dhawaaqo,
qofkuna uu caado ka dhigto meelaha musaasabadaha ah in uu ka jeediyo wacdi
qofkaas oo aan ka dhiganayn in uu iimaankaasi ku sameeyo raad noloshiisa,
qofkaas oo aan ka dhigayn wax la taaban karo oo noloshiisa ka mid ah, imaanku
waa in uu noqdaa mid ka buuxa naftaada.
Awooda Raadku ku leeyahay wanaaga
Qofka muuminki ihi isma khilaafaan hadalkiisa iyo ficilkiisa ugu horeyna
waxa uu ka bilaabayaa naftiisa khayrka iyo wanaaga dabadeedna waxa uu u
jeedinayaa dadka la mid ka ah si ay taasi u noqoto ku dayasho wanaagsan, ku
dayashaduna waa tusaale weyn, hadalkiisuna waxa uu noqonayaa mid raadeyn weyn
ku yeesha dadka dagaysanaya ee uu diinta illaahay ugu yeedhayo, dadkana waxa
kaga filan in ay eegan dhaqankiisa sida ay dadkaasi u arkaan Imaanki iyo
islaamkii oo hortooda socda, si uu ugu faafiyo nuurka illaahay cida
hareerihiisa joogta una furo indha dadka uguna rido qalbigooga diinta
islaamka.
Waxa inoogu sugnaatay ku dayasho Rasuulkii illaahay (CSW) Nabigu (CSW)
hadii uu dadka amro arin waxa uu ahaa isagu ka ugu toosnaanta badan leh,
waxana uu ahaa Nabigu (CSW) kii qoyskisa iyo reerkiisa ugu yeedha dacwada
intaanu dadka kale u gudbin.
Sacad Binu Haashin (RC) waxa uu yidhi:- waxa aan ku idhi Hooyadii
Muumiintaay iiga waran dhaqankii Rasuulka (CSW) waxa ay igu tidhi
miyaanad akhriyin quraanka waxana aan ku idhi waan akhriyaa waxa ay hadana
igu tidhi waxa uu ahaa dhaqanka Nabigu (CSW) quraanka. Xadiiskan waxa
weriyay Muslim
Hadaba wax kastoo uu quraanku ina amro waa in aanu ku dhaqanaa wax kasta
oo uu inoo diidayna waa in aanu ka tagnaa, ku dhaqanku Nabigu (CSW) ku
dhaqmay quraanka waa yeelid uu yeelay Illaahay (SW), sidoo kale waa soo
aruurin naloo soo aruuriyay dhaqankii Nabiga (CSW) waxana kaaga filan in uu
ahaa Nabigu (CSW) ku dhabaqay dhaqankiisa iyo Noloshiisa quraanka khariimka
ah, hadii aad tahay daaci u fiirso Gurigii Rasuulka (CSW) sidoo kalena
daraasan ku sameee siiradiisi kuna qaabil qalbi aad wax ku weynaynaysid.
Imaanka oo Dadka loogu Yeedho
Waa masiibo weyn, Murugo ay murugo ka denbayso, qofku in iimaankiisi iyo
islaanimadiisu ay noqoto kalmado aan dhaafsiisnayn Hunguriga sidoo kale uu
ugu yeedho dadka wanaaga iyo hanuunka iyo khayrka hasa yeeshee uu naftiisi
meel cidla ah ku Ilaabay kana qaatay cibaadadkii illaahay fasax Illaahay (SW)
dhab ahaantii waxa uu ku nacdalay Reer Binu Israa’il gaar ahaan kuwii ugu
cilmiga badnaa iyagu waxa ay ahaayeen kuwa dadka wanaaga amra laakiinse
wanaaga iyo hanuunka nafahooga may amri jirin iyagoo og qofka ka gaabiya
sameenta khayrka dhibaatada uu leeyahay Illaahayna waxa uu yidhi (SW) “…Idinkuna
kitaabkii illaahay ayaad akhrinaysaan, waar miyeydaan caqli lahayn”
Sayid Qudbi oo ka bixinayaa Sharaxad ayadan waxa uu yidhi:- Raadka ay
yeelanayso dacwada iyo wanaaga hadii la khilaafo waa wixii ay ku dhaceen reer
binu Israa’il waxana ay ceeb ku tahay nafaha dadka bila’aadamka ah gaar ahaan
dadka diinta u haya dadka, dhibaatada ugu weyna waxa weeyaan dadkii diinta
iyo aqoonta lahaa hadii ay noqdaan kuwa ka dhigtay diintii xirfad kana
yidhaadaan afkooga wax aan dhab ka ahayn qalbigooga waxa ay dadka amrayeen
wanaag mana samaynayaan, waxa ay dadka ugu yeedhayeen wanaag weyna ka
gaabinayaan hadalka illaahayna waxbay ka badalayaan waxana ay sameeynayaan
daliilo danahooga iyo hawlahooga waafaqsan laakiin dhab ahaantii diinta
illaahay iyo xaqa garab marsan sidaana waxa ay u sameeynayaan sida ay bariid
uga yeelaan danahooga iyo hawadooda una raali geliyaan dadka xoolaha iyo
talada haya sidii ay sameeynayeen culumadii Yuhuuda ahaa.
Dadka oo loogu yeedho wanaag lana khilaafo la imaanshihii dacwada waa aafo
weyn oo haleesha nafta, mana haleesho oo kaliyaa dadka dacwada wada laakiin
waxa ay heleesha dacwada qudeeda waxayna fajac gelisaa qalbiyada dadka iyo
figradahooga waayo iyagu waxa ay maqlayaa hadal wanaagsan waxana arkayaa
dhaqan xun waxana ay ka yaabayaan sida ay isku khilaafsan yihiin hadalka iyo
qawlku, waxa kaloo ay hoos u dhigaysaa nuurka caqiidada ugunama soo noqonayo
diinta kalsooni weyn ileyn kalsonidii waxa ay ka weeyaan ragii diinta wadayee,
tafsiirkani waxa uu ku jiraa DILAAL AL QURAAN Safxada iyo boga 86/1 ee
kitaabka sayid qudubi.
Culumada Xun Xun
Maxaa ka danbi weyn kuwa hor istaagayaa diinta illaahay dhagax weyna hor
dhigayaa dacwada illaahay, waxa ay diinta kaga eryayaan carabyadooda waxayna
ka odhanayaan waxana ay semaynayn, dadka diinta loogu yeedhayaana waxa ay
odhanayaan Hebel eega wuxuu inoogu yeedhayaa diintii illaahay isaguna wuu
garab marayaa hadii uu waxa uu inoogu yeedhayaa xaq wuu raaci lahaa waana uu
haysan lahaa sidaas ayay diintiina kaga tagayaan.
Ala badanaa kuwa qaadanaya ee ku raacaya dhaqankooga xun, kuwaasi waxa ay
leeyihiin danbiga cidii ku raacday waayo Qofka macal laga daydaa waxa uu
leeyahay danbigiisa iyo ajarkiisa, Nabiguna (CSW) waxa uu yidhi:-Qofka
jideeya islaamka dhexdiisa sune wanaagsan waxa uu leeyahay ajarkeeda iyo
wanaaga cidii ka daba samaysay ajarkeeda isagoo waxba laga nusqaaminayn
ajarkiisa, Qofka jideeya dariiq xun islaamka dhexdiisa waxa uu leeyahay
denbigiisa iyo cidii ku raacda denbigiisa isagoo waxba laga nusqaaminayn
denbiyadooda. Waxa weriyay Muslim
Waxa ku haboon qofka daacida ah intaanu dadka wanaaga ugu yeedhi in uu
isagu marka hore uu qabsado diinta illaahay sababtoo ah qofka bukaa ma kari
karo in uu daweeyo qof kale oo buka,.
Abaal Marinta Culumada Xun Xun
Hadii ayna is waafaqsanayn qofka qowlkiisa iyo camalkiisu halkaa waxa ka
samaysmaya raad weyn wax lala yaabona ma aha in islaamku adkeeyey qofkaa
ciqaabtiisa waa kuwa dadka amraya wanaaga laakiin iyagu aanay sameynayn, waa
kuwa dadka xumaanta u diidayaa laakiin iyagu sameynaya kuwaasi waa culumada
xun xun illaahayna (SW) waxa uu ku sifeeyay kuwa carabkoga iyo qawlkoogu is
khilaafsan yahay ee aan ku camal falayn wax ay dadka ugu yeedhayan.
Abu Hureera (RC) waxa laga weriyay waxa uu yidhi:- waxa aan ka maqlay
saruulkii illaahay (CSW) oo leh Cida ugu horeysa ee maalinta yawmil
qiyaama la xukumayaa waxa weeye.... waa nin cilmiga bartay, dadka baray,
quraankana akhriyey loona keenay, gartayna nimcadii illaahay, waxa lagu yidhi
kumaad camal falin, waxa uu yidhi waan bartay cilmiga dadkana waan baray
quraankana waan akhriyay, waxa lagu odhanaya been ayaad sheegtay waxa aad u
bartay cilmiga in lagu yidhaahdo waa caalim, waxana quraanka u akhriday in
lagu yidhaado waa quraan akhris waana lagu yidhi intaana, intaa ka dib waxa
loo jiiday naarta waxana loogu tuuray wejiga naarta.
Nabigu (CSW) waxa kaloo uu yidhi:- Maalinta qiyaame nin ayaa la keenaya
naarta ayaana lagu tuurayaa ninkaas oo shubmi doonto calooshiisu, waxa looga
jeeda waxa gudihiisa ka soo bixi doonta midhiciradii iyo dhamaan wixii uurku
jirkisa ahaa oo dhan iyagoo ka soo bixi doona xaga denbe, waxana uu ku
wareegi doona sida uu dameerku ugu wareego meesha uu ku xidhan yahay waxa ku
soo aruuri doona dadka ehlu naarka ah waxayna odhanayaan waar maxaa kugu
dhacay soodigi wanaaga na fari jiray xumaantana noo diidi jiray, waxa uu
odhanayaa waa sidaa waxa aan ahaa kii wanaaga idin amra lamanaan iman jirin
xumaantana waan idin diidi jiray lamanana iman jirin. Waxa weriyay
Bukhaari Iyo Muslim
Hadaba yaanay ka maqnaa maskaxdaadu sawirkaa uu illaahay inagu tusay
ayadihiisa illaahay (SW) waxa uu yidhi “U akhri warkii kuwii aanu siinay
ayadahayaga wey ka siibteen waxana ay raaceen sheydaanka aygu carabka wuu
laalaadin hadii aad ka tagtidna wuu laalaadin tusaalaha waxa leh qolooyinka
ayadihii illaahay beeniyay, uga waran qisooyinka waxa laga yaaba in ay ka
fikiraane” [Caraaf-177]
Ayadani ma haysato yuhuuda oo kaliya ee waxa la wadaaga walaalahooga
munaafiqiinta ah illaahayna (SW) isagoo nooga waramaya waxa uu yidhi “Waxa
ay odhanayaa waxa aanu rumaynay illaahay iyo rasuulkii waana aanu adeecnay
intaa ka dibna qeyb ka mid ihi wey sii jeesanaysaa, kuwaasi muuminiin maaha,
marka loogu yeedho illaahay iyo rasuulkiisa in ay kala xukumaan dhexdooda waa
qeyb ka mid ah oo sii jeesanaysa” [Suuratul Nuur-48]
Illaahay (SW) waxa uu hadana ayada kale ku yidhi isagoo arinkii noo sii
cadeynaya “Waxay odhanayaan waanu ku adeecney marka ay ka tagaan agtaadana
qeyb ka mid ihi waxa ay noqonayaa hadalkii ay ku lahaayeen maahe mid kale
…..” [Suuratul Nisaa-81]
Illaahay waxa uu yidhi “Dadka waxa ka mid ah dad ay ku yaab gelinayso
hadalkiisu noloshan aduun yada illaahayna og yahay waxa laabtiisa ku jira
welibana ah kuwa muranka badan marka uu sii jeestana waxa uu u socdaa si uu
dhulka u fasahaadiyo una baabiyo dalaga iyo midhaha, illaahay ma jecla kuwa
wax fasaahidiya” [Suuratul Baqra-205]
Ayadahani waxa ay sheegayaan munaafaqiinta kuwii horena waxa ay sawir
kooban ay inaga siinayeen Yuhuuda, hadaba dadka muuminiinta ihi ha ka
digtoonadaan waxa ay ku dhaceen kuwaa hore iimaankuna maa aha wax la jeclaado
amba la isku qurxiyo laakiin waa wax dega qalbiga dhaqankana uu ka run sheego,
qofka yidhaa wax wanaagsan hadana qabta wax aan wanaagsaneyn illaahay kaa
hadalkiisi waa uu ku celinayaa, qofka qabta wax wanaagsan sameeyana waxa
wanaagsan kaa illaahaya camalkiisa sare ayuu u qaadayaa illaahayna waxa uu
yidhi (SW) “…Illaahay xagiisa waxa taga hadalka wanaagsan iyo camalka
fiican saraana loogu qaada…..” [Suuratul Faadir-10]
Maxaa ka wanaagsan kalmadii Nabi Shacayb (CS) markii uu illaahay inoogu
sheegay aayad quraan ah markii uu yidhi “Madoonayo in aan idin dabo maro
wixii aan idin diiday waxana doonayaa wanaajin intii aan kari karo
karsiintayduna xaga illaahay ayey ka ahaatay waxana aan talo saartay illaahay
xagiisana u noqonayaa” [Suuratul Huud-88]
Waxa ku dhaca dadka dacwada fidinaya murugo
Ala mey ahaadaan kuwa dacwada fidinayaa, Ala mey ahaadaan kuwa nafahooga u
sheegaya in ay islaamka u shaqaynayaan, hadal kan hanuunka badan uu tusayo
Nabi Shuceyb (CS) indhahooga waa in ayna khilaafin waxa ay dadka u diidayaan
si ay u ahaado hadalkoogu mid raadeyn weyn ku yeelayanaya dacwadooda, Ala
badanaa dadka ugu yeedhaya in ay umadu mid noqoto safafka muslimintana lagu
kulmiyo xaqa laakiin iyagu nafahoogu markaa ay yihiin dad ugu yeedhaya koox
iyo baadi, Ala badanaa dadka ugu yeedhaya dadka heeshashada kitaabkii
illaahay iyo Sunihii Nabiga (CSW) laakiin iyaguna ah dadka aadka uga fog
kitaabka iyo sunaha, kuna dayanaya cid ay taageero indho la’aan ah ay ku
raaceen iyagoo ku raacaya quraanka si sax ah iyo si tawiil ah ba, waxa ay ugu
yeedhayaa walaaladood in ay ku walaalooweyn imaanka, hadana waxa ay kula
caloobayaan rayi iyo fahan…… waxana ay ka sheekeynayaa waajibka ay leedahay
wararka sida loo qaado laakiin xaga denbe waxa ay ka raacinayaa warar
bugur-bagaandho, waxayna ka gelaya dadka aan iyaga ahayn tuhun laakiin kuma
noqonayaa meesha sugan si ay waxa ay wadaan u hibiyaan, waxa ay ka
sheekeynayaa xaaranta ah tahay xantu iyo raackeedu dhibaatada ay leedahay
laakiin kama joogsanayaa ceebaha dadka kale ee sheeg sheegayaan, waxa ay ka
waramayaan nimanka mushrikiinta ah, Cilmaaniyiinta iyo kuwa diinta illaahay
ka noqday dhibna uma arkaan la fadhiisigooga iyo la saaxiibkooga waxaba laga
yaaba in ay qadariyaan lagamana yaabo in ay canaantaan waxaba laga yaaba in
ay qalbiga u buuxiyaan…..iyo kuwa kuwaas oo kale la mid ah oo ah waxyaabo
lala yaabo iyo cajaayib ah.
Hadaba ha ka digtoonadaan dadka musliminta ihi wixii waxaa la mid ah isagu
waa xanuun khatar ah waxana uu leeyahay raad xun isagoo raadxun ku yeelayaya
dadka dacwada wada illaahayna waxa aanu weydiisanaynaa in uu nagu hanuuniyo
sida xaqa ah hadal iyo ficilba, hadalkeenana waxa ugu denbeynayaa ILLAAHAY
AYAA MAHADLEH
Waxa si wada jir ah u soo wada qoray
Siciid Cumar Yuusuf
Abdifataah Hassan Aden
Axmed Ismacil Xasan
Hargeysa
Cabdifataax_96@hotmail.com