w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
-
MAQAAL
|
Janaayo 12, 2004
Farsamo-xumadu maxay tahay ?
Had iyo jeer dadku marka ay hawl qabanayaan isku si wax uma qabtaan, dadka
qaarbaa sidii ugu habboonayd uguna qurxoonayd uga soo dhalaala hawsha ay
hayaan, halka ay qaar kalena natiijadoodu noqoto hawshii oo ay marooriyaan,
tamartii oo ka dhamaata, qalabkii ay ku shaqaynayeen oo ay jajabiyaan iyo
dharkoodii oo wasakhooba haddii ay hawshu mid adag ahayd. Dadka marka ay hawl
qabanayaan goobta ay wax ku qabanayaan wada qashin ka dhiga,alaabta ay ku
shaqaynayaanna jajabiya ogaan haka ahaato ama yay ka ahaanee ayaa
layidhaahdaa way farsamo xun yihiin. Qofka farsamada xumi had iyo jeer waa
bilaa nidaam, haddii uu tusaale ahaan koob caano ah cabbaayo waxa laga yaabaa
inuu caanihii isku daadaadiyo, marka uu dhameeyana uu koobkii meel dayacan
sida dhulka oo kale dhigo, qadar yar kadib marka uu sii baxayo ee uu xagga
dibadda kusii socdana uu jiidho koobkii sidaana uu ku kala jabiyo, dhanka
kalena waxa laga yaabaa in walaxdii uu faraha saaraaba ay jabto oo aad
mararka qaarkood is tiraahdoba qofka farihiisu ma naarbaa siduu wax leeyahay.?
Qofka farsamada xumi haddii uu damco inuu raadiyow (Radio) meel yaalla
dhegaysto, waxa suurta gal ah inuu raadyihii si farsamo xumo ah u daaro oo
halkaas uu raadyihii ku kala jabiyo, khasaarana ka dhaco.
Inta badan bulshadu qofkii ay farsamo xumo ku barato hawshii uu doono haku
lug lahaadee way ka taxaddiraan, inay hawl ku halleeyaanna kuma dhiirradaan
ama kuma talo galaan, qofkii farsamo-xume la joogaana wuxuu had iyo jeer
dareemaa diiqad iyo kedeed sababtoo ah waxa u muuqda qaska iyo qalalaasaha uu
qofkan farsamada xumi goor iyo ayaan lasoo taagan yahay.Falalkaas iyo kuwa
kaleba wuxuu farsama xumuhu wado oo uu hoygiisa iyo meelaha uu ku sugan yahay
ka dhex sameeyaba wuxuu hantaaqaha ugu waaweyn uguna daran geystaa markii uu
xil awood ama qaddarin dheeraada bulshada dhexdeeda ku leh kusoo baxsado,
sida siyaasi, wadaad, bare, hogaamiye, iwm.
Madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirto, waa maahmaah caan ah oo aynu
wada garanayno, macneheeduna inoo sheegayo in arrin kasta oo la gorfaynaayo
haddii halkeeda ugu mudan laga abbaaro ay lamid tahay sida iyadoo arrintii
madax ilaa mijo lawada xaalleeyay oo kale, inagoo murtidaas maanka ku hayna
ayaynu isku dayi doonnaa in aynu tilmaanno qalalaasaha ay aloosaan qaar kamid
ah dadka farsamada xumi marka ay siyaasiyiin isku tilmaamaan, waxaanuna
dhaafi doonnaa qaybaha kale ee aanu carrabka ku dhufannay ee ay kamid yihiin
wadaaddada, bareyaasha, hogaamiyeyaasha iwm, kuwaas oo aynaan halkan kaga
bogan karayn waxaannu haddii alle yidhaa kusoo gudbin doonnaa qoraallo kale
oo faahfaahsan.
Dadka farsamada xun oo inta badan aqoontoodu hooseysaa, haddii ay siyaasiyiin
mindida daabkeeda haya noqdaan si qalad ah haku qabteem ama si qaynuun darro
ah haw maroorsadaannee sidii ugu hufnayd ugama dabbaalan karaan
masuulliyaddaas culus ee ay tunka u riteen, waxay markiiba bulshada dhexdeeda
ka abuuraan guux iyo khilaaf hor leh, taas oo marka dambena keenta in dalkii
uu ku dhaco dayaw iyo jahwareer siyaasadeed, ugu dambayntana waddanku ku
sugnaado burbur iyo furimo colaadeed, qofka caynkan ahi awoodda qaranka ee
mugga weyn leh ayuu ku ururiyaa gacmo kooban oo aan ka fogayn asaga si uu
xukunka sharci darro ugu haysto inta uu nool yahay oo dhan, hantida ummadda
ee uu sida basarxumada ah u boolyanaayo iyo dambiyada culculus ee uu shacabka
wadaniga ah ka galaayo ka sokow waxay farsamo xumadiisu geyaysiisaa mararka
qaarkood inuu diinteenna islaamka wax ka sheego, ciddii falxumadaas kala
talisana uu rasaas hawda kaga saaro sidii kun, sagaal boqol iyo dhawr iyo
todobaatankii dhacday oo kale. Shakhsiyaadka farsamo xumooyinka jaadkaas ah
ku caan baxay waxaan tusaalle usoo qaadan karnaa ninkii dabayaaqadii sanadkii
1969kii burburiyay qarankii Soomaaliyeed ee xorta ahaa, waa Maxamed Siyaad
Barre,e kaas oo taladii dalka si aan sharciga waafaqsanayn gacan bir ah ugu
haystay mudadii dheerayd ee 21 ka sanno ahayd.
Maxamed S. Barre wuxuu iska dhigdhigi jiray ama uu dabeecad ahaan isu
ekaysiin jiray ninkii la odhan jiray Maxamed Cabdulle Xasan oo horraantii
qarnigii hore sheegtay inuu waday dagaal gumaystayaashii xumaa ka dhan ah,
laakiin qorshihiisu ahaa xoolo la dhaco iyo dad la laayo. Maxamed Siyaad
wuxuu u haystay in asaga iyo Maxamed cabdulle aan habnololeedkoodii la kala
garan karayn oo ay gees walba iskaga mid ahaayeen,marka laga reebo xagga
maanso curinta oo aanu Maxamed Siyaad ab u lahaan jirin. Maxamed Siyaad si
loo moodo Maxamed Cabdulle Xasan oo halkaas taagan hab dhaqan ahaan iyo ficil
ahaanba wuxuu in badan ku dadaalay inuu noqdo nin dhagar qabe ah, sababtoo ah
ninka uu ku dayan jiray ayay Soomaalidu ku eedayn jirtay inuu ahaa dhagar
qabe halis ah oo ummaddii waagaas kaw ka dhigay. Maxamed Siyaad isagoo
sheeganayay madaxweyne Soomaaliyeed yuu hadana sida ay noo xaqiijiyeen dad
xogogaal ahaa uu dhegaysan jiray had iyo jeer markuu xafiiskiisa joogo
gabayadii Maxamed Cabdulle Xasan oo intooda badani dhirfayeen beelihii
Soomaaliyeed ee horraantiiba fahmay sirtii iyo khayaamadii Ina cabdalle xasan,
wuxuuna markiiba Maxamed Siyaad bilaabay inuu la colloobo cid kasto oo Ina
cabdalle xasan ay col ahaayeen , si uu u noqdo waa siduu aaminsanaayee
Maxamed Cabdulle Xasan oo kale.
Maxamed C. Xasan qofkii ka farxin waaya ama rayi kiisa ka duwan keena , ama
gef uu sameeyay ishaara wuxuu u arki jiray nin xujoobay ama gaaloobay oo ay
banaan tahay jahaadna ay tahay in la dilo,xoolihiisana la dhaco, marka aan
sidaas leenahay waxa laga yaabaa inay kacaankii ama bulshadii Soomaaliyeed ee
taariikhda Ina cabdulle xasan dhanka buunbuuninta laga tusay xilligii
kacaanku ay qalad moodaan weedhahan kooban ee aanu tusaaleha usoo qaadannay,
hayeeshee waxaannu soo gudbinaynaa meerisyadan uu tiriyay Maxamed Cabdulle
uuna ku qiranayo qaar kamid ah falalkaas maroorka ahaa, wuxuuna yidhi.
.Nin gungume ka daranbaan ahayoon, gabanna dhaafaynee.
.
.Geyiga oo dhan waxaan doonnayaa, inaan gummeeyaayee.
Maxamed Siyaad oo laystaannimadaas kaga dayanayaana wuxuu sheegay marka uu
hadal ama qudbad jeedinnayo, diinta wax haka sheego ama cid kale qadaf haku
miisee ciddii qosol, nacamlayn iyo ammaan laga waayaa inay tahay dambiile, in
la gumaado, hantidooda lala wareego, dhulkoodana laga dhaxal wareejiyo oo cid
kale oo kacaanka ka qoslisa lagu beero waxay beelihii xukunka xoogga ku
haystay u arkayeen inay bannaan tahay oo ay Soomaalinnimo iyo jahaad tahay
arrintaasu, Soomaalinnimada caynkaas ahina waa tii ina soo martay intii u
dhaxaysay 1969kii ilaa 1990, haddii aanu aragno kuwii dadnimadii iyo
wadajirkii bulshooyinkii Soomaalida ahaa burburshay oo xilligan Soomaalinnimo,
midnimo, iyo wixii lamid ah ku hadaaqa waxaannu leenahay dani nagama hayso
waxaad akhriyaysaan ee qalbigiina kasoo safeeya wararkii beenta ahaa kacaanku
idinku akhrin jiray xilligii ummadda la boobaayay.
Ujeedadeennu may ahayn inaan wakhti ku bixinno faallaynta gelelefkii Maxamed
Siyaad, ee waxaynu u gol lahayn inaynu waxaan saa usii badnayn ka tilmaanno
farsamo-xummooyinkii jaahilnimadu ku dheehnayd ee uu bulshooyinkii Soomaalida
ee ul iyo diirkeed ahaa ku kala irdheeyay,dadka hadda ogaadeenya la baxayna
la doonnayay in looga faa'iideeyo.
Farsamo xumadu haka timaado dhanka siyaasiyiinta,ama haka soo fusho qaybaha
kale ee bulshada ee waxay ka mid tahay waxyaalaha ilaa xilligan la joogo aan
laysku raacsanayn ,sida aan jacaylka laysugu waafaqsanayn oo kale. Jacaylka
dhex mara rag iyo dumar aan isu ehel ahayn Soomaalidu si weyn bay ugu kala
aragti duwan yihiin, bulshooyinkeenna qaarbaa aaminsan in jacaylka noocaas
ahi yahay qayb nolosha kamid ah oo ay la'aantiis waxyaalo badanu qabyo
noqonayaan, qofka uu hayaana hadduu ku guulaysto uu kamidho dhalin karayo
halka qayb kale oo bulshada kamid ah ahna kuwa ugu badanina ay aaminsan
yihiin in jacaylka jaadkaas ahi uu yahay aafo halis ah oo ruuxii uu haleelo
halkii loo badnaa iyo aakhiro ku hoynaaya, waxaa kaloo inta ra'yigan
aaminsani ay leeyihiinba maadaama aynu joogno casrigii tiknoolajiyadda oo
cilmi dibbigii uu taagan yahay heerkiisii ugu sarreeyay cudurkan wax soo
haligay maxaa loogu dari waayay xanuunada adduunka laga dabar goynayo ee
idaacadaha laga sheego, dooddoodana waxay ku xoojiyaan meerisyadan caanka ah
Culimada adduunkee, caafimaadka baadhay,
Cuduradaan la dabar goyn, caashaqaa halagu daro..
Hadaba inagoo afka ka dhawrayna in aynu nidhaahno sida bulshadaas
farsamo-xumada cudurada dadban ee sida xadfan wax u saameeya halagu daro ,
ayaynu odhanaynaa farsamo-xumadu mar waa dabeecad qofku lasoo baxo oo la
doorin karo, waxaynuna tusaale ka dhigan karnaa in ay jiraan dad badan oo
markii farsamo-xumo laga waanshay iska daayay oo ka takhallusay, marna
waxaynu leennahay waa dhalan, dhalanna si kastoo loo holliyo wax ka
bedalkiisa waa lagu guul darraystaa waxaana tusaale inoo noqon kara in ay
jiraan dad waaweyn oo maankooda iyo miyirkooduba dhan yahay, hadana mar kasta
oo ay tallaabo qaadaan wax qasa oo aad is odhanayso qofka maxaa haysta,
Soomaaliduna markay arkeen inaan dhalan wax laga bedeli karin ayay
yidhaahdeen " Waano dhalanbaa ka adag. " ama " Dundumo ciid ka maydh , iyo
nin caadadii ka maydh labadaba waa lagu daallaa ".
Waxa Qoray : Ahmed Iid Aadan.
Email :ahmediid@hotmail.com
January, 2004.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA:
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
Denmark:
Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah
weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan
muslimka ahayn”...
Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala
Diinta Islaamka..
Guji
USA:
Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro
ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa...
Guji
London,
UK:
Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano
kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV
si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay...
Guji
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|