Janaayo 12, 2004
Burburinta Shirka Mombasa
Anigoo in mudo ah la socday dib
uheshiisiinta hogamaiyayaasha soomaaliyeed ay hadana mar walbo ka maqnen
gacan siyaasadeed xag dhaqaale iyo mileteri.
Mudo sanad waxaa loo fadhiyay heshiisinta hogaamiyayaasha hadana dowlada
safka hore shirka oo daacad ka ahayn dhamaantooda..
Dowladda itoobiya oo ah tan aan oran karo cadowga koowaad kana soo horjeedo
helis dowlad soomaaliyeed ay mar walbo ka soo horjeeday dowlad xiriir la leh
hogaamiyayaal badan, waxay dhaqaale ka heshaa dowladda maraykanka xagga la
dagaalank argagixisada taaso soomaliya loo haysto inay ka jiraan Al Qaidda.
Dowladda kenya oo dhibaato badan ku qabto
qaxootiga soomaaliyeed hadana xagga gargaarka loo wado soomaliya ayay ka
heshaa dhaqaalo badan sida hay adda Un laamaheeda gargaar iyo kuwa NGO.
dhaqaalahaasoo garayo malaayiin dollar sida isticmaalka dekadda Mombasa
Diyaaradaha ay kireestaan Hayaddaha iyo hoteeladda.
Jabuuti runtii ma oran karo siyaasad gooni
ayay ka leedahay soomaliya balse geeska africa ayaa laga aaminsan yahay
dadyowga soomaaliyeed waa dad dagaal badan hadii helaan dowlada ay dhibaato
ku noqon doonto geeskii africa iyo soo celinta shantii geesood ee
soomaaliyeed..
Hadaba shirkii kenya oo weji kale yeeshay iyo saadalinta aduunka rajada laga
qabay oo la oran karo muuqaalkii siyaasadeed isbedel wayn ayuu yeeshtay
furitaanka madaxwene Muzeveni oo aduunka u arkay homar wayn ayaa dowladda
itoobiya waxay dareentay in arinta faraha ka baxday xag siyaasadeed ,
talaabadda ay dowladda Zenawi ku maqan tahay ayaa Sedex ah
1. In shirka ay ka abuurto jawi isbedel taaso ku salaysan gacan saar ama
xiriir dhab ay la gasho hogaamiyayaasha ka maqan sida Maxamed Dheere iyo kuwa
kale si aynaba shirka u tegin waa mid la oran karo iyo colaad cusub ay ka
horisa soomaaliya sida Las Caanood, Ama xamar gudahiisa sida Muse Sudi iyo
maxamed dheere,
2. Arinta kale Somaliland oo ka xun shirka ka socdo Kenya, maxaa yeelay
dowlad ka dhalato halkaa somaliland jiritaankeeda waa lumaa ama xaga dhaqaale
iyo xaga aqoonsi dibadeeda iyadoo weli aqoonsi haysin, dowladda itoobiya iyo
somaliland xiriir fiican ayaa ka dhaxeeya marka waa dhici kartaa in xabada ka
bilaabato Dhulka la isku haysto Laascaanood iyadoo la kaashanaayo siyaasadda
lagu burburin karo Shirka taaso dowladda soomaliland dan u tahay itoobiya
mowqifkeeda gaartay
3. arinka kale waxaaa oran karaa dowladda
itoobiya oo shirka dhexdiisa la tashiyo gaar la sameeso hogaamiyayaal
macangag ah oo lugta ku dhufto ama opposition side ka noqda go, aan walbo ugu
danbeyntii keento kala jab ..
waxaa ku soo gabagabeynaa fikradeeda
soomalida nabad way rabaaan balse waxaa inoo dhaxeeya oo muuqato cadow
shisheeya taaso ka arki karto muuqaalka hogaamiyayaasha is heesto gacmaha is
heesto, balse cadowga maanta waa hoooseeya ee dowlad caadil Alle aan ka
barino aaaaami aaaminn aaaaamiiinnnnnnn
Bye Bashka Ali
Economics & political stretegy
Wasalaama Calaykum
bashiirali02@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA:
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|