Ma danbaa misa waa xeelad dowladnimada soo socota? Odayaasha qabiilka oo
dhaqanka u adeegsanaya siyaasad ay dowladnimada ku helaan. Wadaadada diinta
oo qaab siyaasadeed u isticmaalaya diinta si ay ugu gaaraan danahooda
siyaasadeed. Hogaamiyeyaasha bulshada rayidka oo meherada musuqmaasuqa u
cuskanaya siyaasadii ay ku gaari lahayeen dowladnimada. Saraakiisha dagaalka
oo doonaya siyaasad ku dhisan xoog iney hankooda dowladnimo ku gaaraan iyo
wakiilada shisheeyaha ama bulshada caalamka oo maleegaya tab xeeladeed oo ay
ku dhaqan geliyaan dowlad u adeegeysa danaha shisheeyaha. Ummadda
Soomaaliyeed dowladda ay ka sugayaan wadatashiga odayaasha aragtideedu tahay
qeybsiga dumista qaranka ma u danbaa mise waa u xeelad.
Waxaa ii muuqda halgankii xoriyada oo dib loogu noqday. Waxaa dalal badan
oo xoog leh ka dhaadhacsan in dadka soomaalida aan si wanaagsan loo carbin
xiligii gumeysiga, aqoonsi dowladnimana la siiyey iyagoon lahayn aqoonta ah
sida loogu dhaqmo dowlad qarameed. Aduunyadu waxey aragtaa dalkii
Soomaaliyeed oo aduunyada inteedii kale ka xarga goostay, oo ay gacanta ka
soo taagteen gumeysigii toosna iyo kii dadbanaa labaduba. Waxaan shaki lahayn
in dalalka cududa weyn ay qorsheynayaan shax wejiyo badan xambaarsan. Tusaale
ahaan, Mareykanku wuxuu qorshihiisa siyaasadeed ee kala duwanaa ergo ahaan u
adeegsaday dowlada Masar, Ethiopia iyo ugu dambeystii Uganda. Muxuu sameyn
doona Mareykanku haddii uu fashilmo isku daygiisa u dambeeya ee uu sida
dadban u adeegsanayo wadamada kale? Waxaan qarsooneyn in Mareykanku damacsan
yahay inuu si qaawan u soo farageliyo dhulka Soomaalida. Waxaa kaloo aan
cidna ka qarsooneyn in Mareykanku xeelad kastaba ha u adeegsadee uusan dan
iyo helo midna uusan ka lahyn diinta, dadka, dhaqanka iyo siyaasada hoose ee
Soomaalida.
Dalalka Yurub oo adeegsanaya diblomaasiyada Kenya, Djibouti iyo Libia
haddii ay waxba ka soo bixi waayaan dadaalkooda maxey iyaguna sameyn? Waxaan
dood lahayn in arrinta Soomaalida dib loogu celin doono UNka oo qiil halkaas
uu ka soo baxo lagu xalaaleysanayo in dalka Soomaaliyeed lagu kor dego.
Dowladihii ka jirey Soomaaliya ma aysan ahayn kuwo ka turjumayey xuquuqda
dadku ka sugayeen dowlad qaran. In kasto dadku sabool wada ahaa, haddana
wixii dalka ama dowlada soo gala ummaddu uma wada sineyn. Maandeeq dadbaa
maalayey dadna waa lagu dul maalayey, oo weliba ku dulnoolaashaha dulmi loogu
darayey. Dad badan ayey dantu biday iney qabiilka u isticmaalaan iney ku
dumiyaan wixii lagu dul dhisay. Dad badan ayaa maciin bidey iney diinta u
adeegsadaan wadaado shisheeye oo ay ka amar qaataan si ay dariiqadooda uga
sareysiin lahayeen kuwa kale. Qabyaaladii oo aan lahyn cadaalad, dhaqankii
wanaagsanaa iyo diintiina u rogtey qeyb ka mida siyaasadeeda ayey dadkii u
noqdeen magan. Siyaasada qabiilkuna waxey noqotay diinta dalka, dhaqanka
dadka iyo siyaasada qaranka.
Dalka waxaa la kufay waa dhaqankeeda xun oo qaabka siyaasadeed loogu
dhaqmayo, wuxuuna la kici waayey waa xeelada shisheeyaha aan ehelka u ahayn
oo u adeegsanaya madaxweynayaasha siyaasadaas wax ku tacbada. Waxaad moodaa
in wadatashiga lagu dhisayo dowlada Soomaaliyeed ay doorasho weyn leeyihiin
oo keliya qabqablayaasha dagaalka,diinta dhaqanka iyo dalaaliinta shisheeyaha.
Marba haddii shisheeyihii iyo odayaashii aan u heysaney sokeeyaha ay isku dan
yihiin iyaguna ay yihiin kuwa dowlada wada dhisanaya, taasi ma ahan dan iyo
xeelad Soomaaliyeed mid ku timid ama laga sugayo cadaalad inay ummada ugu
sinto xuquuqdeeda. Odayaasha isku yimid haddii ay isku cafiyaan dhibaatada
dhexdoodaa oo ay ka heshiiyaan, yaa ka cafin tii ay ka galeen ummadda xalna
aysan iyagu hadda u ahayn. Aad bay u fiicnaan lahayd haddii ay garan lahayeen
iney dhamaantood isaga tagaan madaxtinimada ay sheeganayaan, ciddii siyaasad
dan ka lehna ay ku kala biiraan xisbiyo siyaasadeed oo madaxdooda la kala
dooran karo. Haddii la waayo qaab ay dadku si toosa wax ugu doortaan, oday
duub cad oo sokeeyaa iyo shisheeye dulcad dowladnimadooda waxba iskuma
doorinayaan ummadda Soomaaliyeed.
Arrinka toosan ee maanta ku haboon Soomaalida waa ineysan maskaxdooda
gelin dareen ay la kacaan oo ay ku kala raacaan dad aan waxba isdhaamin. Si
looga badbaado in dib loogu noqdo in mar labaad la iska xoreeyo shisheeye
dalka duulaan ku qabsada, waxaa furan fursada ah in marka hore dadku iska
xoreeyo odayaasha ay siyaasadoodii ku mariin habaabeen, kana dalbadaan dadka
ay matelayaan iney ka hor wareegaan si fursad loogu helo tartan iyo doorasho
loo galo siyaasada, dadkuna ay ku xushaan siyaasiyiin cusub oo wadatashi ka
geli kara dhismo dowlad Soomaaliyeed. Nin walba waa inuu yiraahdaa cida
mateleysa waad qaldan tahay, intii gadaal dambe laga shaleyn lahaa mar dalkii
uu gacanta u galay dal cudud weyn. Looma baahna tanaasulka siyaasiyiintaas in
la sugo, taas oo aan la fileyn inay xagooda ka timaado. Dadku waa iney
ishubeyaan iskana kaashadaan ridida madaxda ismagacawday ama siyaasadoodu
mira dhaliweysey. Isbedel ku yimaada dadka oo ay iskood ugu soo dooranayaan
madax cusub ayaa ah xalka keliya oo looga hortegi karo siyaasada lagu daaley
oo ay odayaasha isaga dabawareeganayaan iyo duulaanka shisheeyaha oo iyaga
dabajooga.
Dr. Saciid Ciise
Saciidciise258@aol.com
Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003